Tusmo

Qisadii ugu quruxda badnayd ee dhagtaatu maqasho.

Qisadii dayntii Cabdilaahi ibnu Xaraam iyo Awrkii Jaabir ibnu Cabdilaahi:

Cabdilaahi ibnu Xaraam wuxuu ahaa saxaabi kamid ah saxaabadii reer ansaareed, wuxuuna ku shahiiday dagaalkii Uxud. Subaxii maalintii Uxud, wuxuu la hadlay wiilkiisii oo ahaa Jaabir ibnu Cabdilaahi, wuxuuna ku dhahay: “Wiilkaygiiyow, waxaan filayaa inaan dadka ugu horeeya ee ku dhimanaya dagaalkan inaan ahay, waxaanan jeclaan lahaa inaan adiga ku hormariyo oo aad hortayda ku shahiido, hase ahaatee waxaan kaaga tagayaa sagaal hablood oo aad walaalo tihiin, iyo dayn badan oo la igu leeyahay”

Dabcan, cabdilaahi dagaalkii ayuu ku geeriyooday, waxayna masuuliyadii dusha ka fuusha wiilkiisii Jaabir ibnu Cabdilaahi. Waxa laga rabaa inuu koriyo sagaal hablood oo ay walaalo yihiin iyo inuu bixiyo dayntii aabihii lagu lahaa, oo qiyaasteedu ahayd sodon wisqi ama xamuul oo timir ah, wuxuuna cabdilaahi ka tagay laba beerood oo geed timireedku ka baxo. Jaabir wuxuu dhahay: hadii midhaha beerta kasoo baxa oo dhan aan bixiyo, oo aan sanado dhan wado ma goynayso dayntii aabahay lagu lahaa.

Jaabir wuxuu yidhi: dagaalkii Daatu Ruqaac markii lagasoo noqday, ayaa waxa fadhiistay awrkaygii aan ku safrayey, kasoo xanuun iyo daal badan isugu darsameen. Awrkii wuu kici kari waayey, markaasaan dhahay: Kama suulayo miyaa in awrkan tacbaanka ah uu kaco!!

Dadkii safarka ahaa way dhaqaaqeen, waxa soo hadhay Jaabir oo awrkiisii kici waayey, kadibna Jaabir wuxuu maqlay codkii nabiga oo leh: Waa kuma? Markaasuu dhahay: waa aniga, rasuulkii Ilaahayow, waxaan kugu furtay aabahay iyo hooyadaybee.

Nabigii ayaa dhahay: maxaa dhacay Jaabirow? Wuxuu yidhi: Rasuulkii Ilaahayow, waxa fadhiistay awrkaygii oo ma kici karayo. Dabadeedna, rasuulkii Ilaahay ayaa dhahay: waxaad ii keentaa ul. Jaabir, wuxuu nabiga u dhiibay ushii, kadina nabiga ayaa mar ama laba jeer ku dhufat ushii awrka, markaasuu awrkii caafimaaday oo kacay. Wuxuu yidhi Jaabir: Awrkaygii, wax ka dheerayaba ma jirin, xitaa wuxuu ka dheereeyey hashii rasuulku saarnaa, markaasaan ku dhagay hogaanka si aanay u cararin.

Caweyskii nabiga iyo Jaabir

Habeenkii safarka la ahaa, waxa wada sheekaystay nabiga (scw) iyo ninkii Jaabir ahaa, Ilaahay raali haka ahaadee. Nabiga ayaa waydiiyey: xagee ku degdegaysaa Jaabirow? Wuxuu jaabir dhahay: Rasuulkii Ilaahayow, waxaan ahay nin dhowaan aroostay, waana la yaqaana nin aroos ah meeshuu ku degdego! Rasuulkiiba yidhi: Oo yaad aroostay? Ma gabadh bikro ah baa mise gabadh garoob ah (carmal ah)? Jaabir wuxuu yidhi: Waxaan aroostay gabadh carmal ah oo kamida dumarkii reer Madiina. Nabigii wuxuu yidhi: Maxaad u guursan wayday, gabadh bikro ah oo kula cayaarta, adiguna aad la cayaarto.

Jaabir wuxuu dhahay: Rasuulkii Ilaahayow, aabahay ayaa ka dhintay sagaal hablood oo yaryar, waxaanan doonay inaan guursado gabadh waayeela oo hablahaas u shaqaysa, timaha u feedha, hawsha gurigana ka caawisa. Wuxuu yidhi nabigu: waad hagaagsantahay.

Intii jidka ay ku jireen ayaa rasuulku usoo bandhigay Jaabir inuu ka iibiyo awrka uu saaranyahay, markaasuu Jaabir dhahay: maya, rasuulkii Ilaahayow, waan ku siinayaa awrka. Nabigu wuu diiday in la siiyo awrka, wuxuuna dhahay: iga iibi awrka. Jaabir baa wuxuu yidhi: waxaan kaa siinayaa wiqiyad dahab ah. Nabigaaba dhahay: badanaa awr iyo awr lagu iibsado wiqiyad dahab ah. Wuxuu u jeedaa, in qiimaha awrku qaaliya.

Jaabir wuxuu yidhi: nabigii Ilaahayow, magaalada Madiina ma joogo awr aan ka jeclahay. Kadibna jaabir ayaa awrkii ka dagay, markaasuu rasuulku dhahay: maxaad u dagtay? wuxuu yidhi: awrka waad iibsatay. Nabigu wuxuu dhahay: dhabarkiisa waad saarnanysaa ilaa magaalada Madiina laga gaadhayo.

Markii magaalada Madiina lasoo galay ayaa Jaabir waxa kahor timid eedadii, markaasuu u sheegay in awrkii uu ka iibiyey nabiga. Eedadii may jeclaysanin in awrka la iibiyo, sababtoo ah wuxuu ahaa awr wayn oo ay intifaacsan jireen.

Jaabir wuxuu dhahay: awrkii waxaan u geeyey rasuulkii Ilaahay (scw) markaasuu igu daray Bilaal, wuxuuna ku yidhi: waxaad siisaa wiqiyad dahab ah iyo dheeraad. Kadibna waxaan kusoo laabtay rasuulkii Ilaahay, waxaanan idhi: Rasuulkii Ilaahayow, bilaal wuxuu i siiyey wiqiyad dahab ah iyo waliba dheeraad. Dabadeedna, waan dhaqaaqay si aan u gurigaygii u tago.

Hase ahaatee Rasuulkii Ilaahay ayaa cid iga soo daba diray, waanan u imid, markaasuu igu yidhi: qaado awrkaagiina.

SubxaanaAllah, nabigu wuxuu rabay inuu Jaabir ka caawiyo dayntii aabihii lagu lahaa.

Qaabkii Jaabir u bixiyey dayntii aabihii:

Markii la gaadhay xilligii daynta la bixinayey ayaa waxa Jaabir u yimid raggii daynta lahaa oo wata dameero ay ku rartaan timirta kasii go’day beerta.

Jaabir wuxuu dhahay: waxaan u imid Rasuulkii Ilaahay oo waxaan ka dalbaday inuu ergo ii noqdo. Wuxuu rabay inuu raggan qaanabaya ee daynta raba aanay u caayin aa aflagaado ugu gaysanin. Dabadeedna nabigu (scw) wuxuu Jaabir la ballamay marka duhurka laga soo baxo.

Nabigu wuxuu yimid gurigii Jaabir ibnu Cabdilaahi, waxaana nabiga la socday Cumar ibnu Khadaab. Jaabir ayaa nabiga siiyey barkin uu ku seexdo, waanu seexday.

Jaabir intii nabigu hurday wuxuu gawracay waxar yar (neef adhiya) waanu diyaariyey. Markuu Rasuulkii Ilaahay soo kacay, ayuu jaabir ka dalbaday in wayso loo keeno. Jaabir waysadii ayuu nabiga u keenay, waxa kale oo uu soo hordhigay hilibkii uu diyaariyey, markaasuu Rasuulkii Ilaahay  dhahay: Jaabirow waxaad ogsoonayd inaan hilibka jecelnahay, waanu cunay hilibkii.

Nimankii daynta lahaa ayaa yimid, waxaana daynta inta ugu badan lahaa nin Yahuudiya. Markii nimankii daynta lahaa yimaadeen, ayey kurbadeen, sababtoo ah waxay arkeen Rasuulkii Ilaahay (Scw) oo ergo u ah Jaabir ibnu Cabdilaahi.

Ninkii daynta badan lahaa ee yahuudiga ahaa ayuu Rasuulkii Ilaahay  ku dhahay: timirta beerta kasoo go’day qeybna sanadkan qaado, qeybta kalena sanadka soo socda. Yahuudigii ayaa diiday, wuxuuna ku marmarsooday in daynta ay leeyihiin agoomo. Cumar ibnu Khadaab (Rc) oo nabiga la socday ayaa ka cadhooday markii yahduudigu hadalka ku celceliyey Rasuulkii Ilaahay (scw).

Markii yahuudigii diiday inuu sanadka danbe sugo qeyb kamid ah daynta ayuu Rasuulkii Ilaahay (scw) yidhi: dhib malaha. Wuxuuna galay beertii wuuna duceeyey. Waxaana dhacday mucjiso oo beertii ayaa Ilaahay barakeeyey. Markaasuu Rasuulkii Ilaahay ku dhahay Jaabir: u miisaan nin kasta dayntii uu kugu lahaaa, wuxuuna Rasuulkii Ilaahay aaday salaadii Casar.

Jaabir ayaa timirtii u miisaamay raggii daynta kulahaa, wayna ku filnaatay, sidoo kalena beertii oo sideedii ah ayaa usoo hadhay. Wuxuuna aabihii ka bixiyey dayntii lagu lahaa.

Jaabir oo ordaya ayaa wuxuu yimid masaajidkii nabiga (scw), wuxuuna la kulmay Rasuulkii Ilaahay, wuxuuna dhahay: Rasuulkii Ilaahayow, Ilaahay dayntii wuu ka bixiyey aabahay. Nabigiibaa dhahay: waxaad warka u sheegtaa Cumar ibnu Khadaab, maadaama uu cadhooday markii yahuudigii nabiga (scw) ku hadal celinayey.

Jaabir ayaa cumar u tagay oo warkii u sheegay, markaasuu Cumar dhahay: Ilaahbaan ku dhaartee, waan ogaa in barkadii Rasuulkii Ilaahay la socoto.

Qiadii Zubayr ibnu Cawaam iyo dayntii lagu yeeshay:

Cabdilaahi ibnu Zubayr, Ilaahay raali haka ahaadee isaga iyo aabihiibee, wuxuu ka sheekeeyey qaakii Ilaahay u bixiyey dayntii lagu yeeshay aabihii Zubayr. Wuxuu yidhi: subaxii maalintii Jamalka (jamalku waa dagaal fitno ahaa oo dhex maray saxaabada), ayaa aabahay ii yeedhay, wuxuunan igu dhahay: aabe, maanta dadka dhimanayaa waa ku daalim ah iyo ku la dulminayo, waxaanan filayaa in aniga oo la iga gardaranyahay inaan dhimanayo, waxaana kuu dardaarmayaa inaad dayntaydii iga bixiso, hadii ay kugu adkaatana, waxaad kaalmo waydiisataa mawlhayga (ka i jecel). Cabdilaahi ayaa yidhi: oo ka ku jecel waa kuma? Wuxuu yidhi Zubayr waa Ilaahay.

Dabcan dagaalkii Jamalka ayaa lagu dilay Zubayr ibnu Cawwaam, waxaana dilay gacan ka xaq daran.

Geeridii Zubayr kadib waxa Cabdilaahi gudo galay inuu bixiyo dayntii aabihii oo qiimaheedu ahaa (kun kunaad iyo kun kunaad iyo laba boqol oo kun) waa xoolo gaadhaya laba milyan iyo laba boqol oo kun. SubxaanaAllah, waa lacag aad u badan, sideebaa daynta intaas la eeg loogu yeeshay Zubayr ibnu Cawaam?

Cabdilaahibaa ka jawaabay, wuxuu yidhi: aabahay, dadka ayaa u iman jiray, ayagoo raba inay ku aaminaan xoolahood. Sababtuna waxay ahayd, xilligaas dadku may lahayn bangiyo iyo meelo lasii dhigto xoolaha oo lagu kaydiyo. Cida kaliya ee loo dhiibo xoolaha waxay ahayd dadka aaminka ah ee deegaankaas ku nool.

Zubayr Ilaahay raali haka ahaadee, wuxuu ka cabsaday in xoolaha daynta ah ee dadku u dhiibanayaan inay ku lumaan ama la xado, kadibna halkaas ceeb kasoo gaadho. Markaasuu wuxuu dhihi jiray-: kawaran hadii aad lacagta i daymisaan, wayna daymin jireen, sidaasbaana keentay in lagu yeesho daynta intaas la eeg.

Zubayr wuxuu ka tagay hanti 11 guri oo ku yaala magaalada Madiina, guri ku yaala Masar, guri ku yaalay Kuufa, laba guri oo ku yaalay Basra, guri ku yaalay Makkah iyo dhul ku taalay deegan la dhaho Al-qaabah. Sidoo kale wuxuu ka tagay afar xaas, sagaal wiil iyo sagaal gabdhood, waxa kale oo uu (thuluth) sadex dalool u dardaarmay xoolaha ubadkii uu dhalay wiilkiisu ee Cabdilaahi ibnu Zubayr.

Cabdilaahi wuxuu yidhi: waxa ii yimid Xakiim ibnu Xizaam oo ay ilmo adeer ahaayeen Zubayr ibnu Cawwaam, wuxuuna igu dhahay: Adeer, walaalkay imisa ayaa lagu lahaa dayn? Wuxuu Cabdilaahi yidhi: waan qariyey dayntii lagu lahaa, markaasaan dhahay: boqol kun. Xakiim ayaa dhahay: adeer ma awoodaan inaad boqo kun bixisaane, ee hadii aad caawimo u baahato ii kaalay. Xakiim waxa aamusiisay boqol kun, bal ka waran hadii lagu dhihi lahaa: laba milyan iyo laba boqol oo kun, wuu suuxi lahaaba!!

Cabdilaahi wuxuu dhahay: markasta oo dayntii aabahay igu adkaato, waxaan baryi jiray allaha wayn ee mawlaha u ahaa Zubayr, anoo dhahay: Mawlihii Zubayroow, ka bixi daynta Zubayr. Wuxuu yidhi: Markasta oo aan ducadaa ku ducaysto, Ilaahay ayaa ajiibi jiray.

Cabdilaahi wuxuu iibiyey dhulkii ku yaalay deegankii Al-qaabah, wuxuuna siiyey (Ilaahay amarkii) kun kunaad iyo lix boqol oo kun. Waxaana usoo hadhay afar qeybood oo kale, waanu iibiyey. Ilaahay ayaa barakeeyey dhulkii, waxaana Cabdilaahi kasoo galay lacag gaadhaysa malaayiin.

Wiilashii Cabdilaahi ay walaalaha ahaayeen ayaa waydiiyey in dhaxalka la qaybiyo, cabdilaahina wuu diiday intuu ka bixinayo dayntii aabihii lagu lahaa. Wuxuuna afar sanadood raadinayey dadkii aabihii ku lahaa daynta.

Markii afartii sanadood dhamaadeen ayaa Ibnu Zubayr qeybiyey xoolihii dhaxalka ahaa, waxayna gabadh kasta oo xaasaskii Zubayr kamid ah ay heshay (kun kunaad iyo boqol kun) waa hal milyan iyo boqol kun oo dahab ah. SubxaanaAllah, guud ahaan xoolihii dhaxalka ahaa ee Zubayr ka tagay waxay noqdeen 50 milyan iyo laba boqol oo kun.

Dabcan Zubayr Ilaahay raali haka ahaadee xitaa isagu muu filaynin in xoolahaas intaas la eeg la siisanayo dhul ku yaala meel kayn ah. SubxaanaAllah, Yaa mawla Zubayr, Allihii jeclaa Zubayr ayaa bixiyey dayntii lagu lahaa Zubayr.


Waxa Qoray Abdulaziz Mohamed Oogle.

Kutubta aan qisooyinkan kasoo xigtay:

  • Bukhaari.
  • Muslim
  • Munadu imaamu Axmed
  • Majmac Azawaa’id wa manbacu al-fawaa’id [52]