Ninka la dhaho Dabb ibnu Udd oo ahaa carabtii noolayd xilligii jaahiliga ayaa wuxuu lahaa laba wiil oo la dhaho: Sacad iyo Saciid. Labadii wiil ayuu u diray inay geel baadi ah soo caraabiyaan, kadibna guriga waxa yimid Sacad, halka Saciid laga quustay meel uu jaan iyo cidhib uu dhigay.

Odaygii Dabb, markasta oo uu arko Sacad oo soo socda wuxuu dhihi jiray: “Ma sacadbaa mise waa saciid”

Maalintii danbe ayuu Dabb wuxuu aaday xajka, wuxuuna ku arkay nin xaramka dawaafaya oo la dhaho magiciisa Xaarith ibnu Kacab. Ninkii Xaarith ahaa ayaa ku yidhi Dabb: Ma ogtahay seeftan, waxaan meesha halkaas ku dilay wiil yar oo qaabkiisu sidaas yahay.. Dabb wuxuu ogaaday in ninkani uu dilay wiilkiisii Saciid!

Dabb ayaa yidhi: ma seeftanaad ku dishay? Wuxuu yidhi: Haa. Dabb ayaa ku dhahay: maad ii dhiibi seeftan, waxaan fiirinayaa inay af leedahaye, isagiina wuu u dhiibay, kadibna Dabb ayaa ninkii Xaarith madaxa gooyey!!

Dadkii ayaa yaabay! waxayna canaanteen oo saluugeen ninkii Dabb ahaa,  waxayna dhaheen: waar Dabboww, ma bilihii xurmaysnaa iyo dhulkii xaramka ayaad wax ku dishay? Dabb ayaa ku maahmaahay, murti taariikhda gashay, wuxuuna yidhi:

 سَبَقَ السَّيْفُ الْعَذَلَ

Saluuga seefbaa ka horeysay!!!


WD: Abdulaziz Mohamed Oogle

Xigasho: المجالسة وجواهر العلم للدينوري