Ninka la dhaho magiciisa Abuqabashaan, wuxuu ahaa nin kasoo jeeda qabiilka reer Khusaaca. Wuxuuna hayn jiray furaha Kacbada, isagoo wakiilka ka ahaa gabadh la dhaho Xubba bintu Xulayl oo aabaheed magaalada Makkah ka talin jiray islaamka kahor. Xulayl intaanu dhimanin wuxuu furaha kacbada u dardaarmay inantiisa Xubba, balse wuxuu wakiil uga dhigay Abuqabashaan.

Xubba bintu Xulayl waxa qabi jiray ninka la dhaho Qussay ibnu Kilaab oo ahaa nin reer Qureesheed ah, ahna nabiga (scw) awoowgiisa afaraad.

Sida taariikhdu tilmaamayso ninkan Qussay ayaa u tagay Abuqabashan, wuxuuna ka iibsaday furaha Kacbada, isagoo ka siistay koob khamriya. Sidaasna Qussay ayaa furaha Kacbada kula wareegay.

Arrintaas waxay u cuntami wayday qabiilkii reer Khusaaca ee xilligaa Makkah ka talinayey, waxaana dhacay dagaal dhex maray reer Qureesheed iyo reer Khusaaca, waxaana ku adkaaday dagaalkii reer Qureesheed, sidaasbayna kula wareegeen talada magaalada Makkah iyo kacbadaba.

Hadaba ninkan Abuqabashaan, wuxuu noqday nin marka laga hadlayo doqonimada loo soo qaato tusaale, sababto ah wuxuu Kacbada wayn ee qiimahaas leh ku iibiyey cabitaan khamriya.


Xigasho:

Raxiiq Almakhtuum, Saffiyu Arraxmaan Almubaarakfuuri