Waxa jira nin magiciisa la dhaho Isaaf iyo gabadh magaceeda la dhaho Naa’ila, waxay labadooduba kasoo jeedeen beesha Juruhumiyiinta. Qabiilkaas oo ahaa qabiilkii ugu horeeyey ee magaalada Makkah daga, kadib markii ay haleen nabi Ismaaciil iyo hooyadii Haajara oo biyaha Zamzamka dul fadhiya.

Isaaf iyo Naa’ila waxay xumaan ku dhex sameeyeen xaramka, waxa la dhahaa kacbada dhexdeeda ayey faaxisho ku sameeyeen. Faaxishaduna waa zino, Ilaahaybaan ka magan galnee.

Waxa kale oo la tilmaama inay dhulka Yemen ka yimaadeen, kadibna ay dadkii xujaajta ahaa ay soo raaceen. Dabadeedna ayagoo dhuumanaya ayey xumaantii ku dhex sameeyeen Kacbada, kadibna Ilaahay ayaa u badalay laba dhagax.

Dadkii markii ay arkeen ayey labadii dhagax dhigeen kacbada hareeraheeda. Ugu danbayna labadii dhagax waa la caabuday oo sanamyo, Ilaahay qayrkii loogu dhowaado ayey noqdeen.

Ninkii la dhihi jiray Camru ibnu Luxay ayaa ahaa ninkii shirkiga soo galiyey reer Qureesheed, wuxuu sanamka Hubal kasoo qaatay dhulka Shaam, kadibna dadkii ayuu bidco wanaagsan uga dhigay isagoo ka dhaadhiciyey in sanamkan uu roobka keeno, lagana magangalo shayaadiinta iyo balaayooinka.

Ninkan Camru ibnu Luxay ayaa labadii sanam ee Isaaf iyo Naa’ila wuxuu dhigay labada buureed ee Safa iyo Marwo. Buurta Safa wuxuu dhigay Isaaf, halka Naa’ilana uu dhigay buurta Marwo.

Labada sanam, Ilaahay qayrkii ayaa wax loogu gawrici jiray, waana laga barakaysan jiraya ayadoo taabashadeeda la isku masaxayo.

Sanadkii 8 aad ee Hijriyada, waxa Rasuulku (scw) furtay magaalada Makkah, wuxuuna burburiyey sanamyadii yaala magaalada Makkah iyo guud ahaan jaziirada carbeedba.

Markii la burburiyey sanamkii Naa’ila waxa kasoo dhex baxday naag madow oo timaheedu cadyihiin, taasoo xaganaysa wajigeeda oo balaayo u yeedhanaysa.

Caasha (hooyadii mu’miniinta) waxay tidhi: waxaan maqli jirnay in Isaaf iyo Naa’ila ay ahaayeen nin iyo gabadh, xumaan ku sameeyey Kacbada oo Ilaahayna u badalay laba dhagax.


Xigasho:

Kitaabka Siirada ee Ibnu Hishaam