Sheekha la dhaho Maxmed ibnu Cabdi Baaqi, oo kamida culumada xanaabilada wuxuu ka sheekeeyay inuu ku noolaa magaalada Makkah, oo uuna jiiraan la ahaa Masaajidka Xaramka. Maalintii danbe ayuu gaajooday, wuxuuna ahaa nin dan yar ah oo aan waxba haysanin, kadibna wuxuu helay kiish ka samaysan marada xariirta ah, waanu qaatay wuxuuna gaystay gurigiisa. Kiishkii markii uu furay, wuxuu ka helay silsilad dheeman ah oo aanu waligii arkin.

Wuxuu yidhi: maalinba kamay soo wareegin, mise nin oday waayeela ayaa wuxuu raadinayaa kiishkii, wuxuuna leeyahay: Cidii heshay kiishka ay silsilada dheemantu ku jirto waxaan siinayaa shan boqol oo diinaar oo dahab ah.

Wuxuu dhahay: Odaygii ayaan u yeedhay, waxaanan waydiiyey sifada kiishka uu raadinayo, kadibna waxaan ogaaday inuu odaygani yahay ninka kiishka iska laaa, waanan siiyey. Dabadeedna wuxuu isiiyey shan boqol oo diinaar, waanan diiday sababtoo ah ma alaab aan amaano ku helay ayaan xoolo ku qaataa!!

Sheekhii wuxuu yidhi: mudo markii ay kasoo wareegtay ayaan doon raacay, kadibna doontii ayaa qallibantay, dadkii oo dhan way ku dhinteen, aniguna loox ayaan helay oo aan ku dhagay, waxayna mowjadihii baddu igu soo tuureen meel jasiirad ah.

Magaaladii ayaan galay, waxaan tagay masaajidka, waxaanan iska akhristay kitaabka Quraanka, kadibna dadkii ayaa i arkay anigoo akhrinaya Quraanka. Dabadeedna waxay ii keenan caruurtoodii, waxayna i dhaheen: Waxaad bartaa ubadkan, kitaabka Quraanka.

Halkaas ayaan waxoogaa lacag ah ka helay, hadana maalin kale ayey i arkeen anigoo akhrinaya warqad aan ka helay masaajidka, markaasay i dhaheen: Ma taqaana qoraalka? Waxaan idhi: Haa. Waxay ii keeneen ubadkoodii, waxaanan baray qorida iyo wax akhriskaba.

Markii aan magaaladii mudo joogay, ayay odayaashii magaaladu ii yimaadeen, waxaya iisoo bandhigeen inaan guursado gabadh yar oo aabaheed dhintay, haysatana xoolo. Wuxuu dhahay Sheekhii: waan diiday markii hore, kadibna waa laygu qasbay illamaa aan ka ogalaaday.

Wuxuu yidhi: gabadhii ayaan la aqal galay, waxaanan ku arkay ayadoo sidata silsiladii dheemanta ahayd ee odaygii waayey, markaasaan ku dhagagay oo aan aad u fiiriyey silsiladii, illamaa gabadhii ay oyday. Dadkiibaa ii yimid oo igu dhahay: Maxaad gabadha silsiladeeda ka fiirinaysaa, ayadana aad u fiirin wayday, oo waatan oo way ilmaynaysaa!

Sheekhii ayaa uga warrmay sheekadii silsilada, kadibna dadkii way takbiirteen, wayna ilmeeyeen ayagoo ooyaya! Sheekhiiba dhahay: Maxaa jira? Waxay yidhaahdeen: Ma ogtahay gabadhan aad guursatay, waxa dhalay odaygii aad silsilada u heshay. Wuxuuna ku ducaysan jiray, inuu Ilaahay la kulmiyo ninkii silsilada u helay si ugu guuriyo inantiisa, subxaanaAllah.

Sheekhii wuxuu dhahay: gabadhii laba wiil ayey ii dhashay, kadibna way dhimatay. Silsiladiina waxa dhaxlay aniga iyo labadaydii wii, hadaba labadii wiil ayaa iga dhintay, waxaanan anigu dhaxlay silsiladii, markaasaan ku iibiyey boqol kun oo diinaar.

 

SubxaanaAllah, qisadan waxaynu ka faa’idaynaa in amaanada qofka sideeda u guta inuu Ilaahay ka abaal marinayo. Ninkan miskiinka ah wuxuu helay silsiladii hase ahaatee Ilaahay ayuu ka cabsaday, wuxuuna amaanadii u celiyey cidii lahayd. Dabadeedna, Ilaahay silsiladii oo xalaala ayuu gacantiisii soo galiyey.


Xigasho:

http://library.islamweb.net/hadith/display_hbook.php?indexstartno=0&hflag=1&pid=531629&bk_no=1047&startno=2