Sheekha wayn ee reer Masar, Dr Muxamed Xasaan, Ilaahay ha xifdiyee, ayaa ka warramay in maalin isagoo muxaadaro ku jira, inay usoo galeen laba nin oo is haysta.

Ninkii koowaad ayaa Sheekha waydiiyey: Sheekh, xadiiskan miyuu nabiga ka suganyahay, “Rasuulkii Ilaahay muu celin jirin hadyada dufanka”

Sheekhii wuxuu yidhi: “Haa, waa xadiis saxiixa, nabigu hadyada dufanka ah muu celin jirin”

Ninkii Sheekha su’aasha waydiiyey ayaa intuu qoslay ayuu ku dhahay ninkii ay wada socdeen. “Maxaan ku lahaa, waa xadiis saxiixa”

Sheekhii ayaa waydiiyey labadii nin: “Maxaad isku haysataan?”

Ninkii labaad ayaa dhahay: Sheekh, shalaytoole ayuu ninkani i marti qaaday, wuxuuna isiiyey cunto ay ka buuxdo baruurta (Bdhida adhiga), kadibna intuu soo jaray ayuu rootiga ku dhex guray ayuu i dhahay: “Cun, nabigu muu celin jirin dufankee”

Markaasaan ku dhahay: “Waar ma hubtaa in xadiisku sugan yahay? Wuxuu dhahay: “Haa, wallahi waa xadiis saxiixa.”

Kadibna wuu cunay ninkii isagoo wiswis hayo. Hadana mar labaad ayuu ninkii usoo jaray baruurtii, markaasuu ku dhahay: waar cun, ma sunnada nabiga ayaad ka hor imanaysaa!!!!

Ninkii miskiinka ahaa, jacayl uu rasuulkii Ilaahay u qabo awgeed ayuu badhidii adhiga ka dhargay, isagoo markasta oo uu liqayo ku sallinaya xabiibka (scw).

Sheekhii ayaa yaabay!! wuxuuna dhahay: “Waar duufanka nabigu aanu celin jirin waa ka la isku duugo ee jidhka lagu udgooneeyo, sida kiriimka iyo saliida jidhka la marsado”

Ninkii baruurta ka dhargay ayaa cadhooday markuu fahmay dufanka waxa looga jeedo. Kadibna isagoo xanaaqsan ayuu saxiibkii ku dhahay: “Waar eyow, ma waxaad rabtay inaad magaca nabiga nagu disho.
??????????????????????

ILAAHAY, xaqa ha nafahansiiyo. Fahanku waa qaali, hadii si qaldan aad wax u fahanto, waa dhibaato.