Tusmo

Xaaskii nabi Nuux iyo wiilkiisii:

Waxaynu ognahay oon ka dharagsanahay in aanay cidina xanbaarayn danbigaaga iyo macsida aad gashay haba ahaadaan dadka kuugu dhow dad kuwo wanaagsan oo saalixiina.

Hadii qaraabo wanaagsan aakhiro wax tarayso kuwan ayey wax utari lahayd, waa xaaskii nabi Nuux iyo wiilkii nabi Nuux.

ضَرَبَ اللَّـهُ مَثَلًا لِّلَّذِينَ كَفَرُوا امْرَأَتَ نُوحٍ وَامْرَأَتَ لُوطٍ ۖ كَانَتَا تَحْتَ عَبْدَيْنِ مِنْ عِبَادِنَا صَالِحَيْنِ فَخَانَتَاهُمَا فَلَمْ يُغْنِيَا عَنْهُمَا مِنَ اللَّـهِ شَيْئًا وَقِيلَ ادْخُلَا النَّارَ مَعَ الدَّاخِلِينَ ﴿١٠﴾

Rabi wuxuu tusaale uga dhigay kuwa Gaaloobay Haweenaydii Nabi Nuux iyo Nabi Luud, waxay hoos joogeen (oo qabay) Laba Addoon oo kamida adoomada wanaagsan, markaasay khiyaameen Nabiyadaas waxbana ugamaaysan tarin Ilaahay agtiisa, waxaana lagu yidhi la gala naarta kuwa galaya. (10)[1]

Xaaskii nabi Nuux waxa la dhihi jiray Waahila, waxayna ahayd gabadh gaalada oo ku tilmaami jirta odaygeeda inuu waalan yahay. Waxayna dadka soo islaamay ee tamarta yar u sheegi jirtay madaxda gaalada kadibna dhibaato ayey ugaysan jireen.

Dabcan markuu Ilaahay leeyahay way khiyaamaysay ninkeedii macnuhu maaha inay Gogol dhaaf la timid ee waxa looga jeedaa khiyaanada diinta oo ah inay gaalad ahayd. Sidoo kalena nabigii Ilaahay ee Nuuxna ay ceebaysay oo sirtiisana ay uga warami jirtay dadka gaaleed ee qoomkeeda katirsan.

Nabi Nuux (Cs) wuxuu qoomkiisa ugu yeedhayey diinta Islaamka 950 sanadood, waxaana dhici karta in haweenaydiisaasina ay intaas oo sanadood ay wada noolaayeen, oo cunto wada cunayeen oo ay guri wada joogeen, hadana waxba kumay qaadan. Maalinta aakhirana cid wax u qaban kartaa ma jirto iyo cid u gargaaraysa toona.

Dadaalkii nabi Nuux (Cs):

Nabi Nuux (Cs) wuxuu ahaa mid si aada ugu dadaala inuu qoomkiisa ku hanuuniyo jidka toosan iyo inuu ka badbaadiyo cadaabka Ilaahay ee asiibaya hadii ay gaalnimo ku dhintaan.

Nabi Nuux (Cs) markuu dacwada gaadhsiinayey qoomkiisa kamuu qaadan jirin wax mushahara ama lacaga ee wuxuu abaalgudkiisa ka sugayey rabbigii abuurtay.

Nabi Nuux (Cs) wuxuu qoomkiisa u tilmaami jiray inay wax ku qaataan qaabka Ilaahay u abuuray koonka iyo nicmooyinka Ilaahay ayaga ku manaystay korkooda.

أَلَمْ تَرَوْا كَيْفَ خَلَقَ اللَّـهُ سَبْعَ سَمَاوَاتٍ طِبَاقًا ﴿١٥﴾ وَجَعَلَ الْقَمَرَ فِيهِنَّ نُورًا وَجَعَلَ الشَّمْسَ سِرَاجًا ﴿١٦﴾ وَاللَّـهُ أَنبَتَكُم مِّنَ الْأَرْضِ نَبَاتًا ﴿١٧﴾ ثُمَّ يُعِيدُكُمْ فِيهَا وَيُخْرِجُكُمْ إِخْرَاجًا ﴿١٨﴾ وَاللَّـهُ جَعَلَ لَكُمُ الْأَرْضَ بِسَاطًا ﴿١٩﴾ لِّتَسْلُكُوا مِنْهَا سُبُلًا فِجَاجًا ﴿٢٠﴾

”Miyeydaan arkayn sida Ilaahay u abuuray todobada samo ee isdul saaran (15) Dayaxana uga yeelay Dhexdooda Nuur, qorraxdana ka yeelay siraad. (16) Ilaahay waa kan idiinka abuurayDhulka (17) Haddana idinku celininaya dhexdeeda idinkana soo bixindoona. (18) Ilaahay waa kan idiinka yeelay Dhulka gogol. (19) Si aad ugu socotaan Dhexdiisa waddooyin waawayn. (20)[2]

Dabcan marka qofku ka fakaro qaabka cajiibka ah ee koonkan Ilaahay u abuuray wuxuu dareemayaa qudrada Ilaahay iyo waynidiisa iyo inuu xaq uleeyahay in loo gaaryeelo cibaadada.

Nabi Nuux (Cs) qoomkiisa si kasta wax waa ugu sheegay, kor iyo hoosba waa ugu dhigay, ayaguna waxay ku adkaysteen gaalnimaadoodii.

Nabi nuux waxa rumeeyey dad tiradoodu yartahay oo lagu qiyaaso inay ahaayeen sideetan qof, waxa kale oo la yidhi: dadka doonidii nabi nuux fuulay waxay ahaayeen sideed qof oo kaliya.

Si kastaba ha ahaatee, Ilaahay wuxuu ku tilamaamay inay tiradoodu aad u yarayd, waxayna ahaayee dadkii ugu tamarta yaraa qoomkii nabi nuux.

Sidaa darteed ayey madaxdii gaaladu ku eedeeyeen nabi nuux in dadka rumeeyey ay yihiin fuqaradii iyo masaakiintii tamarta yarayd, waxayna dhaheen:

وَمَا نَرَاكَ اتَّبَعَكَ إِلَّا الَّذِينَ هُمْ أَرَاذِلُنَا بَادِيَ الرَّأْيِ وَمَا نَرَىٰ لَكُمْ عَلَيْنَا مِن فَضْلٍ بَلْ نَظُنُّكُمْ كَاذِبِينَ (27)

” Kugumana aragno inuu ku raacay waxaan ahayn kuwayaga xun xun ee ku deg dega ra’yiga, Kuugumana aragno korkayaga wax dheeraada (xoolo badan) waxaanse idiin malaynaynaa Beenaalayaal (27)”[3]

Gaaladii qoomkii nabi nuux waxay ka dalbadeen nabi Nuux (Cs) inuu eryo dadkan fuqarada ah ee agtiisa jooga hadii aad rabto inaan ku rumayno, sababtoo ah anaga oo madaxdooda ah iyo ayagoo ah dadka tamarta yar ee aan waxba haysanin hal meel ma wada fadhiisan karno.

Nabi nuux wuxuu ku yiri madaxdii gaalada ahayd: Qoomkaygoow, idinma waydiisanayo lacag, mana eryayo kuwa i rumeeyo, maxaa yeelay ayagu rabbigood ayey la kulmayaan, waxaanan idiin arkaa inaad tihidiin qoom jaahiliin.


[1] Suuratu Taxriim:10

[2] Suuratu Nuux: 15,16,17,18,19,20

[3] Suuratu Huud: 27