Tusmo

Qisadii nabi Nuux (Cs)

Nabi Nuux (cs) iyo nabi Aadam, waxa u dhexeeyey toban qarni. Mudadaasna dadku kumay dhicin shirki ama gaalnimo, cidii ugu horeysay ee gaalnimada ku dhacday waxay ahayd qoomkii nabi Nuux.

Qoomkii nabi Nuux waxay ahaayeen dadkii ugu horeeyey ee caabuda sanamyo ay samaysteen. Dadkii ayaga kahoreeyey waxay caabudi jireen Ilaahay kalidii, ayagoo ay suurtagal tahay inay danbiyo kale ku dhaceen sida dilkii Qaabiil uu ku dilay walaalkii Haabiil.

Sideebay ku bilaabantay Shirkigu?

Shirkigu waxa weeye in Ilaahay cibaadadiisa lala wadaajiyo cid kale sida salaada oo loo tukado cid aan Ilaahay ahayn, ama cid aan Ilaahay ahayn oo la baryo ama wax loo gawraco. Camaladaas iyo kuwa kale oo badan ayaa shirki loo yaqaana. Hadaba sideebuu ku bilaabmay shirkigii qoomkii nabi Nuux?

 

Waxa jiri jiray shan nin oo wanaagsanaa kana mid ahaa dadka Ilaahay u cibaadaysta ee diintiisana faafiya, waxaana la o dhan jira: (Waddi, Suwaac, Yaquuth, Yacuuq iyo Nasri)

Shantii nin ee wanaagsanaa way dhinteen, kadibna dadkii ayaa ka murugooday dhimashadooda, waxayna go’aansadeen inay sameeyaan sanamyo u eeg si ay ugu xasuustaan wanaagoodii iyo dadaalkoodii.

Sanamyadii ayey xardheen, manaysan caabudin ee kaliya in lagu xasuusto darteed ayey u sawireen.

Mudo markii ay kasoo wareegtay ee ay dhinteen jiilkii koowaad ayaa waxa yimid jiilkii ku xigay, wuxuuna shaydaanka Ibliis ugu sheekeeyey in sanamyadan aabayaashood ay caabudi jireen, sidoo kalena ay leeyihiin awood ay wax ku tari karaan dadka iyo inay dhib u geysanayaan cidii dafirta ilaahnimadooda.

Dadkii waxay bilaabeen inay sanamyadii u sujuudaan oo ay wax waydiisteen, ayagoo halmaamay ballantii Ilaahay ka qaaday bani aadamka oo dhan, taasoo ahayd inaanay caabudin cid aan Ilaahay ahayn.

Maadaama dadkii ay ku dhaceen gaalnimo iyo shirki waxa Ilaahay soo diray nabi Nuux (Cs) oo kasoo jeeda durriyadii nabi Idriis (Cs). Nabi Nuux (Cs) wuxuu ahaa rasuulkii ugu horeeyey ee lasoo diro, ee loo soo diro qoom gaalo noqday. Waxaana naxariista Ilaahay kamid ahayd inuu qoomkaas gaalada ah usoo diray nin ayaga kamida, waa nabigii iyo rasuulkii Ilaahay ee Nuux (cs).

Dacwadii nabi Nuux (Cs):

Nabi Nuux (Cs) wuxuu qoomkiisii ugu yeedhay diintii xaqa ahayd ee Ilaahay u gaaryeelaysay cibaadadiisa. Nabi Nuux wuxuu u sheegay qoomkiisa in Ilaah xaq lagu caabudo aanu jirin Ilaahay mooyee, waxa qoomkiisu ay ku kaceenay ay tahay gaalnimo.

Nabi Nuux (Cs) wuxuu adeegsaday qaabab kala duwan oo uu dacwada ugu bandhigay qoomkiisa. Wuxuu u yeedhay goor maalina iyo goor habeena, sidoo kale dacwadii sare ayuu ugu qaaday mar kalena hoos ayuu ugu dhigay.

Qoomkiisa wuxuu ula hadlay ayagoo kali kali ah iyo ayagoo wadar ah oo dad badana, wuxuu ugu tagay guryahooda iyo suuqaba.

Wuxuu la hadlay dumarkooda iyo ragoodaba, caruurtooda iyo ciroolahoodaba, taajirkooda iyo faqiirkoodaba.

Qoomkii nabi Nuux badankoodii way diideen dacwadii nabi Nuux, waxayna ku adkaysteen gaalnimadoodii iyo sanamyadii ay caabudi jireen Ilaahay qayrkii.

Dhibaatooyinkii lasoo gaadhsiiyey nabi Nuux:

Nabi Nuux isagoo qoomkiisii xaqa ugu yeedhaya ayaa hadana waxa loo gaystay dhibaato wayn oo isugu jirta naf iyo maalba. Waxa lagu xadgudbay sharaftiisii, waxayna ku tilmaameen inuu waalanyahay.

Nabi Nuux (Cs) waxaasoo dhibaato ah wuu u samray, waanu u adkaystay sababtoo ah wuxuu ogaa in daarta aduunyo ay tahay daar la isku imtixaamayo halka daarta aakhirana ay tahay daartii lagu kala baxayey, ee ruuxii wanaagsanaa jannada rabbi ku galayo kii xumanaa cadaabka naareed dhexdiisa lagu gubayo.

Qoomkii nabi Nuux waxay karaahiyeysteen nabi Nuux soo noqnoqodkiisa uu ugu yeedhayo diinta Ilaahay.

 

Markasta oo uu is dhaho ereyga tawxiidka ugu yeedh, waxay farahooda galin jireen dhagahooda si aanay u maqlin ereyga xaqa ah, sidoo kale dharkooda ayey dusha iska saari jireen si aanay u arkin nabi nuux iyo inta la socota ee rumaysay.

Marka nabi Nuux (Cs) dhameeyo hadalkiisa ayey kici jireen ayagoo leh: ha dhagaysanina, waa beenaale… waa nin waalan…

Mararka qaarkoodna isagoo aan hadalka dhamaynin ayey qaylin jireen si aan loo dhagaysan warka uu sheegayo.

Sagaal boqol iyo konton sanadood:

Nabi Nuux (Cs) wuxuu qoomkiisa diinta ugu yeedhayey mudo aad u dheer ku dhow kun sanadood. Maadaama nabi Nuux (Cs) Ilaahay siiyey cimri dheer, wuxuu soo gaadhay jiilal badan oo qoomkiisa ka mida.

 

وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا نُوحًا إِلَىٰ قَوْمِهِ فَلَبِثَ فِيهِمْ أَلْفَ سَنَةٍ إِلَّا خَمْسِينَ عَامًا فَأَخَذَهُمُ الطُّوفَانُ وَهُمْ ظَالِمُونَ (14)

Run ahaantii waxaan Nuux u dirnay qoomkiisii, wuxuuna dhexdooda joogay kun sanadood oo kontan la’ (kadibna) waxa qabtay duufaankii ayagoo daalimiina (14)[1]

 

Qoomkiisu waxay ahaayeen kuwo ubadkooda u dardaarma inaanay rumayn nabi Nuux ayagoo dhihi jiray: ha rumaynin ninkaas, maxaayeelay aabayaasho ayaa nooga warrmay inuu waalanyahay oo uu dadka baadiyeysiinayo.

[1] Suuratu Al-cankabuut:14