Qisadii Nabi Shiith ibnu Aadam (Cs):

Nabi Shiith (Cs) waa mid kamida wiilashii uu dhalay nabi Aadam (Cs), waanu ka yaraa xaga da’da walaaladii Haabiil iyo Qaabiil.

Magaca Shiith macnihiisu waxa weeye (hibadii ilaahay), sababtoo ah wuxuu dhashay kadib markii la dilay Haabiil, sidaas darted ayaa aabaheen Aadam iyo hooyadeen Xaawa ay wiilkoodan ugu bixiyeen hibadii Ilaahay nagu arzaaqay.

Intaanu dhimanin nabi Aadam (Cs) wuxuu u dardaarmay wiilkiisa Shiith, wuxuuna baray saacadaha maalinta iyo habeenka iyo cibaadooyinka lala yimaado.

Nabi Shiith waxa Ilaahay kusoo dajiyey konton saxiifadood, sida lagasoo warinayo rasuulka (scw): “Ilaahay wuxuu soo dajiyey boqol saxiifadood iyo afar kutub, Ilaahay wuxuu Aadam kusoo dajiyey toban saxiifadood, Shiithna konton saxiifadood”[1]

Waxa la sheegaa in abtirsiinta dadka aduunka ku nool ay sii marto nabi Shiith, sababtoo ah dhamaan ubadkii nabi Aadam way dabargo’een.

Nabi Shiith markii uu dhimanayey wuxuu isaguna u dardaarmay wiilkiisii Anuush oo isaguna sii waday dacwadii ilaa inta uu ka dhimanayey.

Anuush waxa uga danbeeyey wiilkiisii Qeyneen. Qeyneena waxa ugu danbeeyey wiilkii Mahlaa’iil.

Mahlaa’iil waa ninkii boqorka ka noqday todobada qaaradood sida Faarisiyiintu ay sheegeen, waana ninkii ugu horeeyey ee bilaabay dhismaha magaalooyinka iyo dhufaysyada waaweyn. Waana ninkii dhisay magaalada Baabil iyo Suus.

Mahlaa’iil markuu dhintayna waxa uga danbeeyey wiilkiisii Bardu, isagana waxa uga danbeeyey wiilkiisii Khanuukha, waana nabi Idriis (Cs).

 

Qisadii nabi Idriis (Cs):

Nabi Idriis (Cs) waxa lagu xusay magiciisa iyo sifadiisaba Quraanka Kariimka ah:

وَاذْكُرْ فِي الْكِتَابِ إِدْرِيسَ ۚ إِنَّهُ كَانَ صِدِّيقًا نَّبِيًّا ﴿٥٦﴾

“Kun sheeg kitaabka nabi Idriis, wuxuu ahaa run badane nabiya”[2]

Ilaahay wuxuu ku tilmaamay nabi Idriis inuu ahaa nin run badan oo nabiya, kana mid ahaa dadka wanaagsan ee Ilaahay dartii ugu samray dhibaatooyin qoomkiisu soo gaadhsiiyey.

Idriis (Cs) wuxuu ahaa aqoonyahan, wuxuuna ahaa qofkii ugu horeeyey ee qalinka wax ku qora iyo qofkii ugu horeeyey ee dharka toshay.

Nabi Idriis wuxuu socon jiray dhulka isagoo marba magaalo galaya oo ugu yeedhaya diinta Ilaahay iyo inay Ilaahay kalidii caabudaan oo ayna ka fogaadaan shirkiga iyo gaalnimada.

Nabi Idriis wuxuu ahaa nin aad ugu dadaala cibaadada Ilaahay, waxayna malaa’iktu u qori jirtay camal lamida camalada bani Aadamkii aduunka ku noolaa xilligaas.

Maalintii danbe waxa nabi Idriis u yimid malag kamida asxaabtiisa, wuxuuna malagii u sheegay inuu rabo cimri dheer inuu Ilaahay siiyo si camalo badan oo khayr leh loogu qoro. Kadibna malagii ayaa xanbaaray oo geeyey samada.

Markii ay gaadheen samada afaraad ayaa waxa kahor yimid malaku mawtkii oo Ilaahay u xilsaaray inuu nafaha ka qaado dhamaan basharka.

Malakii xanbaarsana nabi Idriis ayaa la hadlay malagii dhimashada, wuxuuna ku yiri:

Waxaan xanbaarsanahay nabi Idriis oo Ilaahay i faray inaan halkan keeno, ee waxaad u fiirisa inta cimrigiisa ka hadhay, sababtoo ah wuxuu rabaa inuu mudo dheer noolaado si camalo badan oo khayr ah loogu qoro.

Malagii mawtka ama dhimashada ayaa yiri: subxaanaAllah, waxa Ilaahay i faray inaan nabi Idriis ruuxda kaga qaado samada afaraad, waxaanan is waydiinayey sidee ruuxda loogaga qaadayaa samada afaraad isagoo nabi Idriis jooga dhulka.

Kadibna malagii mawtku wuxuu fiiriyey diiwaankii dadkii lasoo faray inuu oofsado mise waxa ugu horeeya nabi Idriis, dabadeedna ruuxdii ayuu ka qaaday nabi Idriis, wuxuuna ku geeriyooday samada afaraad.

Ilaahay wuxuu Quraanka inoogu sheegay in nabi Idriis sare loo qaaday:

وَاذْكُرْ فِي الْكِتَابِ إِدْرِيسَ ۚ إِنَّهُ كَانَ صِدِّيقًا نَّبِيًّا ﴿٥٦﴾ وَرَفَعْنَاهُ مَكَانًا عَلِيًّا ﴿٥٧﴾

“Ku sheeg kitaabka nabi Idriis, wuxuu ahaa run badane nabiya (56) waxaanan sare ugu qaadnay meel sare (57)”[3]

Meesha nabi Idriis (Cs) sare loogu qaaday waa samada afaraad oo ku geeriyooday.

Habeenkii la dheelmiyey nabigeena Muxamed (scw) wuxuu samada afaraad kusii maray nabi Idriis (cs). Nabi Idriisna wuu salaamay rasuulka oo wuxuu ku yiri:

“Soo dhowoow walaalkii iyo nabigii wanaagsanaayow”[4]

Maxaynu ka faa’daynaa qisadan?

  • Waxaynu ka faa’idaynaa in waalidku ay ku dadaalaan caqiiqda ubadkooda. Waxaynu aragnay nabi Aadam (cs) oo u dardaarmaya wiilkiisii nabi Shiith (Cs) iyo shiith oo isaguna u dardaarmay ubadkiisii.
  • Waxaynu ka faa’idaynaa in dacwada iyo diinta la gaadhsiiyo dadka, oo waxa ugu horeeya ee loo sheegayana ay noqoto tawxiidka.
  • Waxaynu ka faa’idaynaa in nabiyadu aanay ogayn cilmiga qeybka. Nabi Idriis (Cs) muu garanayn inuu ku dhimanayo samada afaraad, kaliya cilmiga qeybka waxa og Ilaahay subxaanahu wa tacaalaa.
  • Waxaynu ka faa’idaynaa in ubadku yihiin irsaaqad ama hibo Ilaahay bixiyo oo uu siiyo cidii uu doono.

[1] Taariikhda Dabari:302

[2] Suuratu Maryam:56

[3] Suuratu Maryam: 56,57

[4] Bukhaari: 3674