Cimrigii Nabi Aadam (Cs):

 

Nabi Aadam (Cs) markii Ilaahay abuuray wuxuu masaxay dhabarkiisa, wuxuuna Rabbi kasoo saaray durriyadiisa dhamaantood, wuxuuna ka qaaday ballan inay Ilaahay kaligii caabudaan. Dhamaan ubadkii nabi Aadam (Cs) waxay ka markhaati kaceen in Ilaahay yahay kalidii, uuna xaq u leeyahay in loo gaaryeelo cibaadada.

Markaasuu Ilaahay ku dhahay: Maalinta Qayaame waxaan idiin ka digayaa inaad tidhaahdaan, maanan ogayn in Ilaahay kalidii la caabudayo.

Sidaas daraadeed, dhamaan ibnu Aadamka koodii ugu horeeyey illaa ka ugu danbayna waxa maalina Qayaame la waydiinayaa inuu ballantii kasoo baxay iyo inkale.

Qofkii Ilaahay kalidii caabuday ee rumeeyeyna, wuxuu galayaa Jannada, ka kalena wuxuu galayaa naarta.

Markii Ilaahay dhabarkii nabi Aadam kasoo saaray dhamaan durriyadiisii, ayuu nabi Aadam arkay nin kamida durriyadiisa oo aad u nuuraya, markaasuu waydiiyey rabbigii: Rabbiyow, waa kuma ninkaas nuuraya?

Ilaahay wuxuu ku yiri: waa wiilkaagii, nabi Daa’uud.

Nabi Aadam (Cs) wuxuu yiri: Rabbiyow, wiilkayga Daa’uud imisa sanadood ayuu noolaanayaa?

Ilaahay wuxuu ku yiri: Wuxuu noolaanayaa lixdan sanadood.

Nabi Aadam (Cs) wuxuu yiri: Rabbiyow, waxaad u siyaadisaa cimrigiisa.

Ilaahay wuxuu yiri: Maya, illaa aan ka jaro cimrigaaga adiga.

Nabi Aadam cimrigiisu wuxuu ahaa kun sanadood, kadibna afartan sanadood ayuu ugu daray wiilkiisii nabi Daa’uud. Ilaahayna arrintaas wuxuu ku qoray kitaab, wuxuuna markhaati galiyey malaa’iktiisii.

Qaabkii Nabi Aadam (Cs) u geeriyooday:

Nabi Aadam (Cs) markii cimrigiisu marayey sagaal boqol iyo lixdan sanadood ayaa waxa u timid malaa’iktii oofsanaysay, waxayna dooneen inay ruuxda ka qaadaan.

Hase ahaatee, Nabi Aadam (Cs) ayaa la dooday malaa’iktii oo dhahay: Cimrigaygu kun sanadood ayuu ahaa, wali waxa ii hadhay afartan sanadood.

Malaa’iktii waxay ku tidhi: Nabigii Ilaahayow, miyaanad afartankaas siinin wiilkaaga nabi Daa’uud?

Nabi Aadam (Cs) wuxuu dhahay: Maya, anigu cid aan wax siiyey ma jirto.

Malaa’iktii ayaa u tagay Rabbigood oo dhahay: rabbiyow, adoonkaagan Aadam ma rabo inuu geeriyoodo, wuuna diiday inuu afartan sanadood oo cimrigiisa ahaa siiyey wiilkii nabi Daa’uud.

Markaasuu Ilaahay muujiyey kitaabkii lagu qoray iyo malaa’iktii maalintaas markhaatiga ka ahaa.

Nabigenuna (Scw) wuxuu yiri: “Aadam wuu diiday (inuu nafta bixiyo), durriyadiisuna way diiday, aadamna wuu ilaaway, durriyadiisuna way ilowday”[1]

Hase ahaatee Ilaaha naxariista badan ayaa nabi Aadam ugu daray afartankii sanadood, nabi Daa’uudna ugu kordhiyey afartan sanadood.

Nabi Aadam markii ajashiisii soo dhowaatay ayuu xanuustay, wuxuuna ubadkiisii u diray inay u keenaan midho.

Caruurtii nabi Aadam way tageen, waxaase kahor yimid malaa’ik, kuwaasoo sida kafan iyo sabarado. Malaa’iktii waxay ku tidhi caruurtii nabi Aadam: Bani Aadamow, xagaad ku socotaan, maxaadse doonaysaan?

Waxay dhaheen: aabahayo ayaa xanuusanaya, waxaanan u raadinaynaa midho uu cuno.

Malaa’iktii waxay dhaheen: dib ulaabta, aabihiin waxa dhamaatay ajashiisiiye.

Malaa’iktii ayaa yimid gurigii nabi Aadam joogay, waxaana aragtay Xaawa, markaasay ku dhagtay nabi Aadam.

Kadibna malaa’iktii ayaa oofsatay nabi Aadam (Cs), waxayna dhaqeen maydkiisii, una galiyeen kafantii.

Malaa’iktii ayaa nabi Aadam u qoday xabaal, waxayna nabi Aadam (Cs) dhigeen iilkii xabaasha, kadibna way aaseen, waxayna la hadleen caruurtii nabi Aadam ayagoo ku yiri: Bani aadamow, taasi waa sunadiina (qaabkaas ayaad isu xabaalaysaan).

Nabi Muxamed oo la kulmay nabi Aadam (Cs)

Habeenkii la dheelmiyey rasuulkeena Muxamed (scw) ayaa waxa kaxeeyey malaga Jibriil (Cs), waxayna garaaceen samada koowaad, waxaana lagu dhahay: waa kuma? Waxay dhaheen: waa Jibriil iyo Muxamed.

Malaa’iktii waxay dhaheen: Muxamed miyaa lasoo diray? Wuxuu Jibriil dhahay: Haa.

Kadibna waxa laga furay albaabkii, wuxuuna nabigu arkay nin dheer oo hareertiisa midig iyo bidixba ay joogaan dad badan, ninkaasi wuxuu marna egaya dhinaciisa midig oo wuu qoslayaa, marna wuxuu eegaya dhinaciisa bidix oo wuu ooyayaa.

Kadibna ninkii ayaa salaamay rasuulka oo ku dhahay: soo dhowoow, nabiga wanaagsanow iyo wiilka wanaagsanow.

Nabigu wuxuu yiri: Jibriil ayaan waydiiyey, waa kuma ninkani? Wuxuuna dhahay: waa nabi Aadam (Cs), dadka hareetiisa joogana waa caruurtiisii.

Kuwa dhinaca midig jooga waa ubadkiisii jannada galay, markuu arkana wuu qoslayaa. Kuwa dhinaca bidix joogaana waa ehelka naarta, markuu arkana wuu oynayaa.

Maxaynu ka faa’idaynaa Qisadan:

  • Waxaynu ka faa’idaynaa in nolosha aduunka ay tahay dhib iyo kadeed ilaa qofka muslimka ah uu ka galayo Jannada.
  • Waxaynu ka faa’idaynaa in xaasidnimadu ay tahay cudur aad xun oo ku dhaca qalbiga, kaasoo halaagay qofkii xaasidka ahaa.
  • Waxaynu ka faa’idaynaa in bani Aadamka badankoodu ay halmaameen ballantii ay Ilaahay la galeen.
  • Waxaynu ka faa’idaynaa in cimrigeenu aad u yaryahay, marka loo barbardhigo qoomamkii inaga horeeyey.

[1] Tirmadi: 3076