Tusmo

Qisadii Haabiil iyo Qaabiil

Nabi Aadam (Cs) iyo xaaskiisii Xaawa waxay yimaadeen Dhulka, waxaana u bilaabantay noloshoodii ay ku noolaayeen Dhulka. Xaawa (Cs) waxay nabi Aadam u dhashay caruur badan, waxayna sanadkasta qaadi jirta wiil iyo gabadh mataano ah.

Waxa la sheegaa in boqol iyo labaatan jeer ay qaaday mataanayaal, waxa kale oo la yidhi waxay qaaday labaatan jeer oo kaliya oo guud ahaan caruurtii ay dhashay waxay ahaayeen afartan. Wiilkii ugu horeeyey waa Qaabiil iyo mataantiisii Qaliima, waxaana ugu danbeeyey Cabdi Muqiith iyo mataantiisii Amatu Muqiith.

Caruurtii nabi Aadam (Cs) way bateen, wayna koreen, waxayna camireen dhulkii. Ubadkii nabi Aadam (Cs) waxa loogu yeedhaa bani Aadam.

Nabi Aadam (Cs) wuxuu ubadkiisa ugu yeedhi jiray inay Ilaahay kaligii caabudaan, ayna adeecaan waalidkooda iyo inay ka fogaadaan danbiyada iyo macaasida. Wuxuu markasta uga digi jiray shaydaanka Ibliis inay raacaan, wuxuuna ku odhan jiray; Shaydaanka Ibliis, waa kii kasoo saaray aabihiin Jannada, waana cadawgiina ee waligiin ha adeecina.

Basharka Ilaahay wuxuu abuuray ayagoo aqoon leh oo culumo ah, maaha sida gaalada ama kuwa jaahiliinta ah ay sheegaan ee ay dhahaan: insaanku wuxuu ahaa jaahil oo maalinba wax yar ayuu baranayey oo marba caqliga ayaa u kordhayey illamaayo ay ka noqdeen basharkan maskaxda badan ee iminka nool. Arrintaas wax ka jiraa majirto ee Rabbi wuxuu abuuray Nabi Aadam (Cs)  isagoo aqoon ay malaa’iktu ka caajistay xanbaarsana kadibna ubadkiisii ayuu sii baray aqoontiisii.

Nabi Aadam (Cs) wuxuu faray wiilkiisii ugu waynaa ee Qaabiil inuu guursado gabadha la dhalatay walaalkii Haabiil, halka Haabiilna uu ka guursanayo gabadhii la dhalatay Qaabiil ee Qaliima.

Arrintaas ayuu ka cadhooday Qaabiil oo wuxuu doonayey inuu guursado walaashiisan uurka kula mataanowday, hase ahaatee sharcigii Ilaahay soo dajiyey xilligaas ayaa ahaa in laba uur ku mataanobay aanay is guursan karin.

Nabi Aadam ayey u tageen labadii wiil (Haabiil iyo Qaabiil) isagoo Qaabiil doodayo oo leh; waxaan rabaa inaan guursado walaashaydan uurka ila gashay, sababtuna waxa la sheega in gabadha Qaabiil uurka kula mataanowday ay ka qurxoonayd gabadha la mataanta ah Haabiil.

Kadibna Nabi Aadam (Cs) wuxuu faray inay labadooduba Qurbaan la yimaadaan. (Qurbaanku waa wax Ilaahay loogu dhowaado, kolkuu Allah kaa aqbalo qurbaankaasna waxa xaga samada ka imanaysa dab qaadanaya qurbaankii).

Labadan wiil ee Qaabiil iyo Haabiil, waxay ahaayeen laba wiil oo  ku kala duwan xaga dabeecada iyo dhaqanka oo Qaabiil waxa ka muuqata xaasidnimo, shar iyo aabihii oo aanu u dhago furnayn, halka Haabiil ka ahaa wiil adeeca aabihii oo akhlaaq wanaagsan leh.

Waxa la sheegaa marka labada wiil ay ugaadhsi tagaan ayuu Qaabiil ku tuuri jiray falaadha uu wax ku ugaadhsanayo walaalkiisa ka yar ee Haabiil isagoo ay ka muuqato colaad iyo xaasidnimo badani.

Si kastaba ha ahaatee, labadii wiil ee Haabiil iyo Qaabiil waxay sameeyeen wixii aabahood faray oo ahayd inay soo qaadaan Qurbaan ay Ilaahay ugu dhowaanayaan. Haabiil wuxuu ahaa adhi jire, wuxuuna soo qaaday Wan wayn oo shilis. Qaabiilna wuxuu ahaa beer fale, wuxuuna soo qaaday  xaabo, isagoo ay ka tahay amar diido iyo kibir.

Labadii wiil Qurbaankii ayey geeyeen meel buur ahayd, kadibna Dab ayaa ka yimd xaga samada oo qaatay qurbaankii Haabiil oo ahaa wankii. Qofkii la qaato qurbaankiisana waa laga aqbalay. Markuu arrintii uu ogaaday Nabi Aadam (Cs) ayuu faray inuu Haabiil guursado gabadhii la mataanta ahayd Qaabiil.

Qaabiil oo shaydaankii Ibliis soo jaho habaabiyey ayaa ku yiri aabihii: Qurbaankii Haabiil waxa loo aqbalay adigaa u duceeyey anigana iimaad ducayn, kolkaasbuu dhahay nabi Aadam: Dhab ahaantii Ilaahay wuxuu ka aqbalaa (Qurbaanka) kuwa ka cabsada isaga.

 

Qaabiil oo dilay walaalkii Haabiil:

 

Qaabiil oo ciil is cuncunaya ayaa ku dhaar galay inuu dilo walaalkii Haabiil, wuxuuna ku dhahay: Haabiiloow, waan ku dilayaa!!

Haabiilna wuxuu yiri: Hadii aad gacantaada ii qaado si aad ii disho anigu gacantayda kuuma qaadayo si aan kuu dilo oo waxaan ka cabsanayaa Ilaahayga ah Rabiga caalamiinta. Waxaanan rabaa inaad isku darsato danbigayga iyo danbigaaga oo markaas aad noqotid asxaabta naarta.

Qaabiil oo shaydaanka Ibliis adeecaya ayaa maalin Haabiil oo hurda Dhagax wayn madaxa kaga dhuftay, sidaasbaanu ku dhintay. Waxa la dhahaa meesha Qaabiil uu ku dilay walaalkii Haabiil waxay ahayd buurta Qaasiyoon ee ku taala waqooyiga Dimishiq.

Waxa kale oo la dhahaa habeen ayuu Haabiil soo habsaamay kadibna Nabi Aadam ayaa Qaabiil u diray inuu soo daydayo walaalkii Haabiil. Dabadeenda Qaabil wuxuu la kulmay walaalkii Haabiil, wuxuuna ku dhahay: Qurbaankaagii ayaa lagaa aqbalay, anigan kaygii lama aqbalin.

Markaasu Haabiil yiri: Ilaahay wuxuu ka aqbalaa qurbaanka cida isaga ka cabsata. Kolkaasuu Qaabiil cadhooday oo mindi xadiida ayuu ka taagay walaalkii ama wuu ciijiyey illamaayo uu ka dhimanayey, si kastaba ha ahaatee, Qaabiil walaalkii Haabiil ayuu dilay.

Dilkii Haabiil waxa ka murugooday aabihii Nabi Aadam (Cs) iyo hooyadii Xaawa.

Tuke ayaa tusay qaabka wax loo xabaalo:

 

Qaabiil markuu dilay walaalkii ayuu xanbaartay maydkiisii, isagoon garanayn sida loo xabaalo maydka. Waxa la sheegaa mudo dheer ayuu dusha ku sitay maydkii walaalkii, illamaayo Ilaahay usoo diray Tuke qodaya dhulka oo xabaalaya Tuke kale oo dhintay. Kolkuu arkay Tukahaas ayuu murugooday Qaabiil, wuxuuna yiri:  “Shallaytadaydee ma waxaan ka liitaa Tukaha” Kadibna maydkii walaalkii ayuu u qoday xabaal, waanu ku asturay.

Sidaasbuuna Qaabiil ku noqday qofkii ugu horeeyey ee dhiig bani aadam ku daadiya Dhulka, waxaanu Allah dhahay: wuxuu kamid noqday Qaabiil kuwa qoomamooday.

Maadaama Qaabiil ahaa qofkii ugu horeeyey ee dhiig daadiya, waxa loo qoraa danbiga qofkasta oo dhiig daadiya mid lamida, sababtoo ah isaga ayaa bilaabay dilka.