Tusmo

Ibliis oo waswaasiyey nabi Aadam (Cs)

Shaydaanka Ibliis, wuxuu ogsoona in sababta isaga Jannada kasoo saartay ay ahayd inuu caasiyey rabbigiis. Sidaas darteed ayaa wuxuu doonay inuu nabi Aadam iyo Xaawaba uu ku sababo danbi ay kaga soo baxaan Jannada.

Ibliis wuxu bilaabay inuu waswaasiyo nabi Aadam (Cs), isagoo marba xeelad iyo farsamo adeegsanaya. Maalintii danbe, wuxuu Ibliis ku yiri nabi Aadan:

قَالَ يَا آدَمُ هَلْ أَدُلُّكَ عَلَىٰ شَجَرَةِ الْخُلْدِ وَمُلْكٍ لَّا يَبْلَىٰ ﴿١٢٠﴾

“Wuxuu yiri, Aadamoow maku tusaa geedkii waarida iyo boqortooyada aan dhamaanayn” [Suuratu Daaha:120]

 

Shaydaankii Ibliis wuxuu rabay in nabi Aadam cuno geedkii Ilaahay ka reebay inuu u dhowaado, hase ahaatee nabi Aadam waa diiday inuu caasiyo Rabbigiisii waynaa.

Kadibna Ibliis wuxuu isku dayey farsamo kale oo uu Aadam ku rumaysan karo, oo uu ku khiyaameeyo nabi Aadam (Cs).

Ibliis wuxuu ogaaday in nabi Aadam (Cs), hadii loogu dhaarto magaca Ilaahay inuu cunaya geedka laga reebay, kadibna isagoo iska dhigay nin khayr iyo wanaag u haya nabi Aaday, ayuu si been ah ugu dhaartay magaca Ilaahay.

وَقَاسَمَهُمَا إِنِّي لَكُمَا لَمِنَ النَّاصِحِينَ ﴿٢١﴾

“Waanu u dhaartay inaa idiin nasteexaynayo” [Suuratu Al-acraaf:21]

Shaydaankii wuxuu nabi Aadam ku yiri: sababta geedkan la idiinku diiday waxa weeye inaydaan noqonin malag ama inaydaan nolosha ku waarin.

Markaasaa, nabi Aadam halmaamay in Ilaahay ka reebay geedkan iyo in Ibliis yahay cadawgiisa.

Kadibna Aadam iyo Xaawaba way cuneen geedkii Ilaahay ka reebay, waxayna caasiyeen rabbigood.

Isla markii ay cuneen geedkii ayaa waxa muuqatay cawradoodii oo Ilaahay u asturay.

Markuu nabi Aadam dhadhamiyey geedkii ayaa cawridiisii muuqatay wuxuuna ogaaday inuu danbi ku dhacay oo rabbigii caasiyey, kolkaasuu caleemihii Jannada ku asturay cawradiisii isaga iyo Xaawaba.

Dabadeedna, waxa la hadlay Rabbigood oo ku yiri:

وَنَادَاهُمَا رَبُّهُمَا أَلَمْ أَنْهَكُمَا عَن تِلْكُمَا الشَّجَرَةِ وَأَقُل لَّكُمَا إِنَّ الشَّيْطَانَ لَكُمَا عَدُوٌّ مُّبِينٌ ﴿٢٢﴾

Waxa u dhawaaqay Rabbigood (oo ku yiri) miyaanan idinka reebin geedkan oo aanan idinku odhan shaydaanku wauxuu idiin yahay cadaw cad” [Suuratu Acraaf:22]

 

Nabi Aadam iyo Xaawaba markii ay maqleen hadalkii rabbigoda ayey ka murugoodeen geedkii ay cuneen, wayna ka shaleeyeen, waxayna dhaheen:

قَالَا رَبَّنَا ظَلَمْنَا أَنفُسَنَا وَإِن لَّمْ تَغْفِرْ لَنَا وَتَرْحَمْنَا لَنَكُونَنَّ مِنَ الْخَاسِرِينَ ﴿٢٣﴾

“Waxay dhaheen, rabbiyoow waxaan dulminay nafahayga ee hadii aanad noo dhaafin oo aanad noo naxariisan, waxaan kamid noqonaynaa kuwa khasaaraya” [Suuratu Al-acraaf:23]

 

Nabi Aadam (Cs) iyo haweenaydiisiiba waxay qireen inay danbi galeen, waxayna rabbigood ka dalbadeen inuu dhaafo danbigooda oo ka toobad aqbalo. Rabbiga wayn ee naxariista badani waa ka toobad aqbalay nabi Aadam iyo xaaskiisiiba.

Hase ahaatee, wuxuu Ilaahay go’aammiyey in Aadam iyo Xaawa ay ka hoobtaan Jannada oo ay aadaan dhulkii loo abuuray inay ku nolaadaan.

Nabi Aadam, Xaawa iyo shaydaankii Ibliis ayaa yimid dhulka, waxaana bilaabmay dagaalka shaydaanku kula jiro durriyadii nabi Aadam (Cs).

Dadka qaar ayaa is waydiiya hadii nabi Aadam (Cs) aanu cuni lahayn geedkaas, waxaynu ku noolaan lahayn Jannada.

Jawaabtooduna waxay tahay, Ilaahay nabi Aadam markii uu abuurayey wuxuu u abuuray inuu dhulka ku noolaado isaga iyo durriyadiisuba, ayna ku dhintaan kadibna Ilaahay maalinta Qayaamada uu kasoo saaro si loo kala abaalmariyo.

Markaa nabi Aadam laguma canaan karo wax Ilaahay qadaray oo uu ugu talo galay inay sidaas u dhacdo, wax walbana waxay ku dhacaan qadarka Ilaahay subxaanahu wa tacaalaa.

Dadka qaarna waxay eedeeyaan Xaawa oo ay ka sheegaan inay sababtay in nabi Aadam kasoo baxo Jannada.

Arrintaasina waa been oo Yahuuda ayaa kaga been abuurtay hooyadeen Xaawa. Sida saxda ahna waxa weeye in nabi Aadam iyo Xaawaba ay labadooduba geedka cuneen oo labadooduba ay gaf ku kaceen, kadibna Ilaaha naxariista badan danbigoodii dhaafay.

 

Shaydaanka Ibliis cadaw ka dhigo

Shaydaanka Ibliis oo ahaa ninkii sababay in aabaheen Aadam iyo hooyadeen Xaawa ay kasoo baxaan Jannada, wuxuu ku dhaartay inuu baadiyeysiinayo durriyadii nabi Aadam.

Sidaas darteed ayaa Rabbigeenu inooga digay oo wuxuu yiri:

يَا بَنِي آدَمَ لَا يَفْتِنَنَّكُمُ الشَّيْطَانُ كَمَا أَخْرَجَ أَبَوَيْكُم مِّنَ الْجَنَّةِ يَنزِعُ عَنْهُمَا لِبَاسَهُمَا لِيُرِيَهُمَا سَوْآتِهِمَا

“Bani Aadamow, yaanu idin fitnayn shaydaanku sidii uu aabihiin ugasoo saaray Jannada, isagoo ka siibi dharkooda si uu utusiyo xumaanahooda…” [Suuratu Al-acraaf:27]

Qisadan cajiibka ah sababta Ilaahay inooga warrmayo waxa weeye inaynu ku cibro qaadano kuna waantoono, sidoo kalena ay inoo cadaato cadaawada shaydaanka Ibliis u hayo bani Aadamka.

 

Maxaynu Qisadan ka faa’idaynaa?

  • Waxaynu ka faa’idaynaa in Ilaahay yahay rabbigii abuuray samooyinka, dhulka, malaa’ikta, jinka, nabi Aadam, Xaawa iyo dhamaan makhluuqaadka jooga samooyinka iyo dhulkaba.
  • Waxaynu ka faa’idaynaa in todaabadka maalinta ugu khayrka badan ay tahay maalinta Jimcada, waana maalintii Ilaahay abuuray aabaheen Aadam, jannadana la galiyey. Waana maalinta Qayaamadu dhacayso.
  • Waxaynu ka faa’idaynaa in malaa’ikta Ilaahay ka abuuray nuur, ayna yihiin noole fuliya amarka rabbigood oo aan caasiyin marnaba.
  • Waxaynu ka faa’idaynaa in Ibliis yahay madaxa shayaadiinta, uuna cadaw ku yahay nabi Aadam iyo durriyadiisaba, isagoo raba inay cadaabka naareed la galaan.
  • Waxaynu ka faa’idaynaa in kibirku yahay danbiyada ugu waaweyn, waana danbigii sababay in Ibliis laga eryo samada, looguna ballan qaado cadaabka naareed.
  • Waxaynu ka faa’idaynaa in cidii danbaabta ee Ilaahay u toobad keentaa in Ilaaha naxariista badan ka aqbalayo toobadiisa.
  • Waxaynu ka faa’idaynaa in aduunku yahay daartii la isku imtixaamayey, aakhirana ay tahay daarta baaqiga ah.