Tusmo

Siduu u ekaa nabi Aadam (Cs)?

Nabi Aadam (Cs) waxa gacmihiisa ku abuuray Rabbiga wayn subxaanahu wa tacaalaa. Suuradii ugu quruxda badnayd ayuu raabiga wayni u yeelay.

Rasuulkeenu wuxuu yiri: Nabi Yuusuf, Ilaahay wuxuu siiyey quruxda kala badhkeed. Sidaas darteed ayaa culumada qaar waxay dhaheen: Nabi Yuusuf (Cs) waxa la siiyey quruxdii nabi Aadam (Cs) kala badhkeed.

Aabaheen Nabi Aadam (Cs) waa ka ugu quruxda badan basharka, wuxuuna Rasuulki Ilaahay (Scw) dhahay:

“Ilaahaybaa ku abuuray Aadam suuradiisa, dhererkiisu wuxuu ahaa lixdan diraac, markuu abuurayna wuxuu ku yiri: waxaad utagtaa oo aad salaantaa kooxdaas malaa’ikta ah ee fadhida, dhagaysana waxay kugu salaamaan, maxaayeelay waa salaantaada iyo salaanta durriyadaada. Wuxuu (nabi Aadam) ku yiri: Assalaama Calaykum. Waxayna ku dhaheen: Assalaamu Calayka wa raxmatu Allah. Waxay ku dareen wa raxmatu Allah, ku kasta oo Jannada galaana wuxuu ku galayaa suurada nabi Aadam, kamanuu suulin khalqigu inuu yaraado ilaa iminka”[1]

Ilaahay oo baray nabi Aadam magacyada dhamaantood:

Ilaahay subxaanahu wa tacaalaa, wuxuu baray nabi Aadam magacyada makhluuqaadka nool iyo kuwa iman doonaba. Sidaas darteed nabi Aadam wuxuu noqday caalim iyo aqoonyahay wayn oo Ilaahay siiyey cilmi balaadhan.

Kadibna, Ilaahay ayaa malaa’ikta u bandhigay inay sheegaan magacyada makhluuqaadka. Malaa’iktiina way garan waayeen magacyada makhluuqaadka, markaasay dhaheen ayagoo si edeb iyo akhlaaq ku jirt u hadlaya:

قَالُوا سُبْحَانَكَ لَا عِلْمَ لَنَا إِلَّا مَا عَلَّمْتَنَا ۖ إِنَّكَ أَنتَ الْعَلِيمُ الْحَكِيمُ ﴿٣٢﴾

“Waxay dhahaeen (Malaa’iktu) Ilaahayow, adigaa xumaan ka nasahan ee cilmi uma lihin wixii aad na bartay mooyee, adiguna waxaad tahay Alle cilmi iyo xikmad badane” [Suuratu Al-baqarah:32]

Malaa’ikta Ilaahay ayaa ka cudurdaaratay inay sheegaan magacyada makhluuqaadka. Kadibna, Ilaahay ayaa nabi Aadam (Cs) faray inuu uga warramo magacayadii malaa’iktu ay garanwayday.

Nabi Aadam (Cs) isagoo adeecaya rabbigii ayuu malaa’iktii uga warramay dhamaan magacyadii la waydiiyey. Kadibna, Ilaahay wuxuu yiri:

قَالَ أَلَمْ أَقُل لَّكُمْ إِنِّي أَعْلَمُ غَيْبَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَأَعْلَمُ مَا تُبْدُونَ وَمَا كُنتُمْ تَكْتُمُونَ ﴿٣٣﴾

“Wuxuu Rabbi yiri, miyaanan idinku dhihin anigu waxaan ogahay qaybka ku maqan samooyinka iyo dhulkaba, iyo inaan ogahay waxaad muujisanaysaan iyo waxaad qarsanaysaanba” [Suuratu Albaqarah:33]

Markaas ayey malaa’ikta u cadaatay fadliga wayn ee uu leeyahay nabi Aadam (Cs) iyo sababta Ilaahay u abuuray.

Ilaahay subxaanahu wa tacaala, wuxuu Sharaf iyo karaamo uu siiyey aabaheen nabi Aadam (Cs). Hadii dadka qaar ku faanaan aabayaashooda dhalay, inagu waxaynu ku faanaynaa aabahii dhalay dhammaan insaanka oo ah Nabi Aadam (Cs).

Waxyaalaha Nabi Aadam (Cs) la gaarka yahay

  1. Ilaahay ayaa gacmihiisa sharafta leh ku abuuray.
  2. Ilaahay ayaa ku afuufay ruuxdiisa.
  3. Malaa’ikta ayaa u sujuuday.
  4. Ilaahay ayaa baray magacyada dhamaantood.
  5. Basharka oo dhan wuxuu u yahay Aabe.
  6. Ilaahay ayaa danbigiisii dhaafay, kana yeelay Nabi.

Hooyadii Basharka

Markii Ilaahay abuuray nabi Aadam (Cs) ee Jannadana la galiyey, wuxuu dareemay kalinimo, isagoo ubaahday qof waheliya oo jannada la jooga.

Maalin maalmaha kamida ayuu nabi Aadam (Cs) seexday, wuxuuna kacay isagoo madixiisa ay joogto gabadh Ilaahay u abuuray inuu ku nasto oo ku xasilo.

Maadaama, nabi Aadam aqoon u lahaa dhamaan magacyada, wuxuu gabadhii ugu yeedhay Xaawa. Wuxuuna ku yiri: Ilaahay wuxuu kaa abuuray feedhayda bidix, sidaas darteed waxaad tahay Xaawa.

Kadibna Ilaahay ayaa faray nabi Aadam (Cs) in isaga iyo xaaskiisa Xaawa ay degaan Jannada oo ay ka cunaan midho kasta iyo faakiho kasta, marka laga reebo geed loo calaamadiyey oo lagu yiri: ha u dhowaanina geedkaas.

Nabi Aadam iyo haweenaydiisii Xaawa waxay ku noolaadeen nolol farxad iyo raaxo ah.

Waxay cunaan midhaha Jannada, waxay cabaan biyaha iyo cabitaanada Jannada. Waxay hadhsadaan dhirta udgoon ee Jannada.

Jannada dhexdeeda kuma haraadayaan, kumana gaajoonayaan, kumana dhar beelayaan, sidoo kale waxa la siiyey wax kasta oo ay ku raaxaystaan.

Ilaahay subxaanahu wa tacaala, wuxuu nabi Aadam iyo haweenaydiisa Xaawaba u sheegay inaanay adeecin Ibliis, oo ahaa ninkii diiday inuu u sujuudo nabi Aadam, ee muujistay cadaawada uu uqabo nabi Aadam (Cs).

Ilaahay wuxuu nabi Aadam (Cs) u dardaarmay inay iska ilaaliyaan shaydaanka Ibliis, si aanu uga saarin nicmada ay ku jiraan ee ah Jannada.


[1] Bukhaari (6227) iyo Muslm (2834)