Tusmo

Ibliis oo ku dul wareegaya nabi Aadam (Cs)

Ibliis oo ka tirsanaa Jinka oo Ilaahay sharfay oo sare u qaaday, kuna dhex daray malaa’ikta ayaa wuxuu arkay nabi Aadam oo yaala Jannada, kadibna wuu ku dul wareegay isagoo aad u eegaya. Wuxuuna arkay in nabi Aadam egegsanyahay oo bashar yahay, markaasuu ogaaday inuu waswaasin karo.

Maalintii la abuuray nabi Aadam (Cs)

Nabi Aadam (Cs) waxa la abuuray maalin jimce, waxaana Jannada la galiyey maalin Jimce. Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yiri:

“Maalin qorrax soo baxdo waxa ugu khayr badan maalinta Jimcaha, waa maalintii Aadam la abuuray, Jannadana la galiyey, lagana soo saaray”[1]

Nabi Aadam oo ruuxdii lagu afuufay

Ilaahay wuxuu quraankiisa ku yiri, isagoo inooga warramaya amarkii uu siiyey malaa’iktiisa:

فَإِذَا سَوَّيْتُهُ وَنَفَخْتُ فِيهِ مِن رُّوحِي فَقَعُوا لَهُ سَاجِدِينَ (29)

“Markaan ekeysiiyo (Aadam) ee aan ruuxdayda ku afuufo u dhaca sujuud” [Suuratu Alxijri:29]

 

Ilaahay wuxuu malaa’iktiisa uu faray iyo ibliisba inay u sujuudaan nabi Aadam marka ruuxda lagu afuufo ee uu noolaado. Sujuudaasina waa sujuud salaam ah ee maaha sujuudii salaada.

Kadibna, Ilaahay wuxuu ruuxdii ku afuufay nabi Aadam, waxayna ruuxdu ka gashay madax, waanu hidhisay. Wuxuuna nabi Aadam (Cs) u mahad celiyey rabbigii abuuray, wuxuuna yiri: Alxamdulilaah. Malaa’iktii oo agtiisa joogtayna waxay dhaheen: Adigana, Ilaahay hakuu naxariisto.

Ibliis oo diiday inuu u sujuudo nabi Aadam (Cs)

Sida aan hore usoo sheegnay, Ilaahay wuxuu faray malaa’iktiisa iyo ibliis oo ku dhex jiray malaa’ikta inay u sujuudaan nabi Aadam, isla marka lagu afuufo ruuxda.

Malaa’iktii dhamaantood waxay u sujuudeen nabi Aadam, halka Ibliis uu ka diiday inuu u sujuudo nabi Aadam. Wuxuuna kahor yimid amarkii rabbigiisa, isagoo caasiyey oo madax adkaaday.

Ilaahay wuxuu Ibliis waydiiyey sababta ku kalliftay inuu u sujuudi waayo nabi Aadam (Cs). Ibliis wuxuu ku jawaabay: Rabbiyow, aniga ayaa Aadam ka khayr badan, isaga waxaad ka abuurtay dhoobo, anigana waxaad iga abuurtay naar.

Doqonka Ibliis wuxuu u maleeyey inuu Aadam ka khayr badanyahay, isagoo halmaamay amarkii rabiigii, waxaana qalbigiisa gashay xaasidnimo iyo kibir.

Ilaahay shaydaankii Ibliis wuu lacnaday, wuxuuna ka dheereeyey naxariistiisii, wuxuuna ugu ballanqaaday inuu naarta galayo maalinta Qayaamada. Ibliis waa laga dayriyey Jannada iyo samooyinka, waxaana dushiisa fuushay cadhadii Ilaahay.

Ballantii Ibliis uu qaaday:

Ibliis wuxuu muujistay cadaawadii iyo colnimadii uu uqabay nabi Aadam (Cs) iyo durriyadiisaba. Wuxuuna waydiistay rabbigii inuu siiyo cimri dheer, oo aanu dhimanin ilaa maalinta Qayaamada.

Ilaahay waa ka aqbalay codsigiisii, waxaana la siiyey cimri dherer. Kadibna Ibliis wuxuu axdi iyo ballan ku galay inuu lumiyo dhasha nabi Aadam. Wuxuuna yiri: Ilaahbaan ku dhaartee, waxaan u fadhiisanayaa jidka toosan oo waan ka leexinayaa hanuunka. Waxaanan kaga imanayaa xaga hore, xaga danbe, dhinaca midigta iyo dhinaca bidixdaba.

Ibliis muu dhihin xaga sare iyo xaga hoose ayaan kaga imanayaa si aan u baadiyeysiiyo, sababtoo ah wuxuu ogyahay qofka Ilaahay isu dulleeya ee dhulka ugu sujuuda inuu Ilaaha ka sareeyaa hanuuniyo oo ka difaacayo khiyaanada Ibliis iyo   shayaadiintiisaba.

Waxa Rasuulkii Ilaahay yiri:

“Shaydaanku wuxuu yiri: Ilaahayow, sharaftaadaan ku dhaartee kama tagayo adoomadaada inaan baadiyeysiiyo inta ruuxdu ku jirto jidhkooda. Waxa Rabbina dhahay: Sharaftaydaan ku dhaartee kama tagayo inaan u danbi dhaafo inta ay i waydiisanayaa danbi dhaaf”[2]

Shaydaanka Ibliis wuxuu cadaystay cadaawadiisii, wuxuuna Rabbigeen quraankiisa ku yiri:

إِنَّ الشَّيْطَانَ لَكُمْ عَدُوٌّ فَاتَّخِذُوهُ عَدُوًّا ۚ إِنَّمَا يَدْعُو حِزْبَهُ لِيَكُونُوا مِنْ أَصْحَابِ السَّعِيرِ (6)

“Shaydaanka (Ibliis) wuxuu idiin yahay cadow, ee idnkuna ka yeesha cadaw, maxaa yeelay wuxuu xisbigiisa ugu yeedhayaa inay kamid noqdaa asxaabta naata (Saciir)” [Suuratu Faadir:6]

Habaarqabe Ibliis wuxuu rabaa inuu naarta geeyo cidii raacda, wuxuuna u qurxiyaa danbiyada iyo macaasida. Ilaahayna wuxuu ballan ku qaaday cidii raacda Ibliis inuu ka buuxinayo cadaabka naareed, Ilaahaybaan ka magan galnee, wuxuuna yidhi:

لَأَمْلَأَنَّ جَهَنَّمَ مِنكَ وَمِمَّن تَبِعَكَ مِنْهُمْ أَجْمَعِينَ (85)

“Waxaan ka buuxinayaa Jahannama adiga (Ibliis) iyo kuwa ku raaca dhamaantood” [Suuratu Saad:85]

 

Sidaas darteed, Ibliis iyo bani aadamku waxay ku jiraan dagaal qadiimiya. Wuxuuna Ibliis duufsadaa oo kaxaysta ruuxii Ilaahay ka gaalooba iyo kuwa Ilaahay caasiya ee qaadan waaya awaamirtiisa.

Khiyaanada Ibliis waxa ka badbaadaya adoomada wanaagsan ee Ilaahay kaligii caabuda, isagana magangalyo waydiista.


[1] Saxiix Muslim (854)

[2] Musnadka Imaamu Axmed (27627)