Ilaahay wuxuu ahaa kalidii kahor intaanu abuurin samooyinka iyo dhulkaba. Manay jirin cid kale oo lamaanaysa, wuxuu yidhi rasuulkii Ilaahay (scw): ”Ilaahay wuu jiri jiray, cid la jirtayna majirin”[1]

Kadibna, Ilaahay subxaanahu wuxuu doonay inuu abuuro koonkan balaadhan ee waynidiisa isaga mooyee cid kale aanay garanaynin.

Ilaahay subxaanahu wuxuu dhulka iyo samooyinkaba ku abuuray lix maalmood.

Markaasuu, Ilaahay subxaanahu u istiwooday xaga cirka, taasoo ku haboon oo u qalanta Rabbiga wayn subxaanahu. Samo kasta wuxuu Ilaahay u waxyooday amarkiisii.

Samada koowaad ee aduunyadana, waxa Ilaahay ku qurxiyey xidigo, wuxuuna sakhiray qorraxda iyo dayaxa oo ku jira xaalad socod.

Dabadeedna, Ilaahay wuxuu abuuray malaa’ikta oo ah makhluuqyo adeeca rabbigood oo aan marnaba caasiyin. Ilaahay waxa malaa’ikta uu ka abuuray waa nuur, wuxuuna u diray shaqooyin kala duwan.

Malaa’ikta Ilaahay waxa kamida:

  • Malaga Jibriil oo ah malaga qaabilsan waxyiga inuu kusoo dajiyo rususha.
  • Malaga Ridwaan oo haya khasnada Jannada.
  • Malaga Maalik oo haya khasnada Naarta.

 

 

Waxa kale oo Ilaahay abuuray Jinka, oo isugu jira ku wanaagsan iyo kuwo xun oo shayaadiina. Kuwa xun waxa ugu horeeya Ibliis oo ahaan jiray nin wanaagsan balse markii la abuuray nabi Aadam ayuu xaasiday, waanu gaaloobay, wuxuuna noqday cadawgii jannada kasoo saaray aabaheen nabi Aadam (cs).

 

Qaabkii loo abuuray nabi Aadam:

Dhulka waxa daganaan jiray Jinka, waxayna fasahaadiyeen dhulkii, ayagoo daadiyey dhiigoodii, kadibna Ilaahay ayaa usoo diray malaa’ik ka fogaysa barriga oo geysay xeebaha iyo jasiiradaha.

Jinka waxa kamid ahaa nin wanaagsanaa oo la dhaho Ibliis, kadibna Ilaahay sare ayuu u qaaday wuxuuna la noolaaday malaa’ikta, isagoo aan malag ahayn.

Dabadeedna, Ilaahay wuxuu doonay inuu abuuro nabi Aadam (cs), si uu dhulka u dago, isaga iyo ubadkiisuba. Kadibna, Ilaahay warkii wuxuu u sheegay malaa’iktiisa.

Malaa’iktii markii ay maqleen in Ilaahay rabo inuu abuuro nabi Aadam, waxay u maleeyeen inay ka gaabiyeen daacadii Ilaahay, waxayna dhaheen:

Rabbiyoow, anagu waanu kuu tasbiixsanaa, waanan ku caabudnaa ee dhulka ma waxaad ku abuuraysaa noole dhiiga daadinaya oo fasahaadinaya sida jinkii oo kale.

Ilaahay wuxuu ku yiri: anigu waxaan ogahay wax aydaan ogayn.

Maadaama Ilaahay aqoon u leeyahay wax kasta, wuxuu ogaa in nabi Aadam dhalayo caruur badan oo qaarkood ay yihiin nabiyo, rusulo, dad wanaagsan oo rabigooda ka casada.

 

Abuuridii nabi Aadam (Cs)

Nabi Aadam (Cs) waxa laga abuuray ciid ama carro, ciidaas oo isugu jirta midabyo kala duwan sida cadaan, madow iyo casaan ama guduud. Sidaas darteed ayaa caruurtii nabi Aadam midabyadoodu ukala duwanaatay, oo qaarkood waa midabka cadaanka ah, qaarna waa madow, qaar waa maariin, qaana waa casaan, qaar kalena midabyadaas ayey u dhaxeeyaan.

Nabi aadam (Cs) abuuridiisu waxay martay marxalado kala duwan, markii ugu horeeyey wuxuu ahaa ciid ama carro laga soo qaaday dhulka, kadibna ciidii ayaa lagu daray biyo waxayna noqotay dhoobo.

Dhoobadii ayaa egegtay oo qalashay, kadibna Ilaahay ayaa sawiray oo qurxiyey, wuxuuna dhigay Jannada kahor intaanu Ilaahay ku afoofin ruuxdii.

[1] Saxiix Al-bukhaari: (3020)