Namruud wuxuu ahaa nin ku kibray Dhulka, waana mid kamida afartii boqor ee dhulka xukumay kadib duufaankii nabi Nuux cs. Namruud wuxuu ahaa kaligii taliye madax adag oo macangag ah, wuxuu ahaa sixiroole, faaliye ama falalow. Waxa la sheegaa inuu ahaa qofkii ugu horeeyay dadka salbiya ee geed kasoo lula, ninkii ugu horeeyay ee loo heeso.

Waa la isku khilaafay magiciisa, taariikhyahanada muslimiintu waxay sheegeen inuu ahaa: Namruud binu Kancaan, binu Koosh, binu Saam binu Nuux. Hase ahaatee Yahuuda ayaa ayaguna ku tilmaamay inuu ahaa: Namruud binu Koosh binu Xaam binu Nuux. Waxa kale oo la yiri magiciisu waa Daxaak ama Biyawraasib, Ilaahbaana og ka saxa ah.

Namruud waa boqorkii Saabi’ada mushrikiinta ee caabuda xidigaha iyo meerayaasha, waxa kale lagu sheegay inuu dhisay sartii dheerayd ee Baabil oo kamid ahayd todobada mucjiso ee caalamkii qadiimiga ahaa.

Waxa Imaamu Dabari taariikhdiisa ku sheegay in Namruud ku riyooday riyo ka argagixisay, kadibna loogu fasiray inuu dhalan doono wiil burburinaya boqortooyadiisa, dabadeedna wuxuu go’aan ku gaadhay inuu laayo ubadkii reer Baabil si aan wiilkaasi u dhalan. Wiilkaasina waa nabi Ibraahim cs.

Si kastaba ha ahaatee, nabi Ibraahiim wuu dhashay waanu barbaaray, waanu ka badbaaday xasuuqii habaarqabe Namruud.

Tusmo

Masaskii garbaha ka saarnaa Namruud

Ibnu Athiir ilaahay ha u naxariistee wuxuu taariikhdiisa ku sheegay in Daxaak -Namruud- garbihiisa ay lusheen laba mas madaxyadooda, kuwaasi oo markay gaajoodaan loo dili jiray laba nin kadibna maskaxdooda lagu duugi jiray masaska. Taasina waxay keentay inuu dad badan laayo, lagana cabsooda oo magiciisu noqdo argagax.

Doodii Namruud iyo nabi Ibraahim cs

Waxa quraanka Ilaahay ku xusay dood dhex martay nabi Ibraahim iyo gaal sheegtay rabbinimo oo boqor ahaa. Guud  ahaan mufasiriinta Quraanka fasirta waxay tibaaxeen in ninkaasi yahay Namruud.

أَلَمْ تَرَ إِلَى الَّذِي حَاجَّ إِبْرَاهِيمَ فِي رَبِّهِ أَنْ آتَاهُ اللَّهُ الْمُلْكَ إِذْ قَالَ إِبْرَاهِيمُ رَبِّيَ الَّذِي يُحْيِي وَيُمِيتُ قَالَ أَنَا أُحْيِي وَأُمِيتُ ۖ قَالَ إِبْرَاهِيمُ فَإِنَّ اللَّهَ يَأْتِي بِالشَّمْسِ مِنَ الْمَشْرِقِ فَأْتِ بِهَا مِنَ الْمَغْرِبِ فَبُهِتَ الَّذِي كَفَرَ ۗ وَاللَّهُ لَا يَهْدِي الْقَوْمَ الظَّالِمِينَ ‎﴿٢٥٨﴾‏

“Ka waran kii la dooday Ibraahiin inuu Ilaahay siiyay boqortooyada markii Ibraahiim yiri Rabbigay waa ka wax nooleeya waxna dila ee uu yiri anigu waxbaan nooleeyaa waanan dilaa, Ibraahiim wuxuu yiri Ilaahay wuxuu qorraxda ka keenaa dhinaca bari ee ka keen dhinaca galbeed waanu wareeray kii gaaloobay, Ilaahayna ma hanuuniyo qoom daalimiina” Suuratu Al-Baqarah: 258

Sida culumadu ku fasireen waxa Namruud xabsiga kasoo saaray laba nin oo ku xukunaa inuu dilo, kadibna mid ayuu sii daayay kii kalana wuu dilay sidaana wuxuu ku sheegtay inuu waxna dilo oo wax nooleeyo. Ayadoo ay muuqato in Namruud dooda marinkeedii ka leexday hadana nabi Ibraahiim wuxuu keenay xujo cad oo aanu awood u lahayn in Namruud ka murmo wuxuuna yiri: Rabbigay wuxuu qorraxda kasoo saaray Bari ee kasoo bixi galbeed taasi waxay wareeririsay Namruud, sidaasna wuu ku fashilmay.

Doodii markii lagaga adkaaday Namruud iyo tolkiiba waxay go’aansadeen inay dab ku tuuraan nabi Ibraahii, balse Ilaaha awooda sare leh ayaa badbaadiyay, dabkiina ka yeelay qabow nabadgalyo ah.

Shinbirkii Gorgorka iyo Namruud

Ibnu Athiir wuxuu sheegay in Namruud si uu arko Ilaaha sarreeya ayuu rabaystay shinbiro gorgora, isagoo siin jiray raashin iyo khamri, kadib wuu gaajaysiiyay, wuxuuna ku xidhay buudhi sanduuq oo kale ah, wuxuuna nin u dhiibay waran dheer oo hilb saaran yahay, wuxuuna amray inuu buudhiga fuulo hilibkana sare u qaado, shinbirii markay arkeen hilibkii ayay la duuleen Namruud, ilaa uu arkay buurihii oo qarsoomay, kadib wuxuu gaadhay meel uu arki waayay hoostiisa iyo dushiisaba, wuxuuna amray in waranka hoos loo dhigo, kadibna shinbrihii waxay soo aadeen dhulka. Namruud waxa u suurtoobi wayday inuu arko Rabbiga korreeya ee sarraynta iska leh, wuxuuna soo noqday isagoo indhuhu gabax yihiin.

Sartii dheerayd ee Baabil

Namruud wuxuu dhisay sar dheer oo lagu tiriyay inay kamid ahay todobadii mucjiso ee caalamkii qadiimiga ahaa, sartaasi waxa dhisayay dad kala duwan oo meelo kala durugsan laga keenay. Hase ahaatee sartii way duntay oo dhulgariir ayaa hoosta kaga yimid. Waxa culumo badan ku fasiraan aayadan:

قَدْ مَكَرَ الَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ فَأَتَى اللَّهُ بُنْيَانَهُم مِّنَ الْقَوَاعِدِ فَخَرَّ عَلَيْهِمُ السَّقْفُ مِن فَوْقِهِمْ وَأَتَاهُمُ الْعَذَابُ مِنْ حَيْثُ لَا يَشْعُرُونَ ‎﴿٢٦﴾‏

Way maleegeen dhagar kuwii ka horreeyay markaasuu Ilaahay kaga yimid guryahoodii xaga aasaaska (seeska) waxaana ku dumay sanqaafkii korkooda, cadaabkiina wuxuu kaga yimid meel aanay dareemin. Suuratu Al-naxli: 26

Sartaa dheer markay duntay ayaa la sheegaa in luuqadihii dadkuna kala duwanaadeen, maadaama dadkii argagaxeen. Wallahu aclam.

Masiirkii habaarqabe Namruud

Habaarqabe Namruud waxa u yimid malag kaasoo afar jeer ugu yeedhay inuu Islaamo, markuu diiday ayuu ku yiri: soo kaxayso ciidamadaada, waxaan soo kaxaysanayaa ciidankayga. Kolkii Namruud iyo ciidankiisii soo baxeen ayaa Ilaahay furay albaabkii kaneecada, waxayna cuntay ciidamadii Namuud ayadoo jaqday dhiigoodii kan yeeshay lafo baaliyoobay. Habaarqabe Namruud waxa sanka ka gashay xabad kaneeco ah, taasoo fadhiisatay maskaxdiisa. Qofka ugu naxariista badan wuxuu ahaa ninka madaxa kab kala dhaca, sidaas ayaa Ilaahay ku dulleeyay Namruud.