Qays wuxuu noolaa bilowgii islaamka, wuxuu dhashay sanadkii 24 aad ee hijriga, wuxuu jeclaaday gabar ay ilmo adeer yihiin oo la dhaho Layla, taasoo ay soo wada koreen. Yaraantoodii waxay wada raaci jiraan adhiga, balse markii Layla qaan gaadhay ayaa loo diiday inay aragto inaadeerkeed Qays. Dhaqanku wuxuu ahaa in ninku guursado inaadeertii balse Qays wuxuu dadka hortooda ka sheegay inuu Layla jecelyahay isagoo gabayo tiriyay taasina waxay keentay in Layla aabaheed u diido la kulankeeda.

Tusmo

تَعَلَّقتُ لَيلى وَهيَ غِرٌّ صَغيرَةٌ   وَلَم يَبدُ لِلأَترابِ مِن ثَديِها حَجمُ

Waxaan ku xirmay Layla ayadoo dhoocil yara, ayna faceed u muuqan horaadadeeda (gabar aad u yar)

صَغيرَينِ نَرعى البَهمَ يا لَيتَ أَنَّنا   إِلى اليَومِ لَم نَكبَر وَلَم تَكبَرِ البَهمُ

Waan yarayn oo raaci jirnay adhiga, shalaytaydee  ilaa maanta maxaan la kornay oo la waynaaday adhigii

Sida ka muuqata gabayga Qays wuxuu cadeeyay in Layla ay aad u yarayd markuu jeclaaday xataa horaadada (naaska) uma soo bixin, kadibna wuxuu jeclaystay inaanay waynaan oo noloshii caruurnimo usii socoto maadaama laga xijaabay Layla markay waynaatay.

Gabayga kale wuxuu ku sheegay in Layla aabaheed dhaar ku galay inuu dilayo haduu la kulmo Layla ama soo booqdo.

أَلا حُجِبَت لَيلى وَآلى أَميرُها   عَلَيَّ يَميناً جاهِداً لا أَزورُها   

Waa la xijaabay Layla wuxuu ku dhaaraty amiirkeedii (aabaheed) dhaar adag inaanan soo booqan

وَأَوعَدَني فيها رِجالٌ أَبَرَّهُم  أَبي وَأَبوها خُشِّنَت لي صُدورُها

Waxa ii hanjabay rag ka ugu fiican uu yahay aabahay iyo aabaheed oo ii adkeeyay hadalka

عَلى غَيرِ شَيءٍ غَيرَ أَنّي أُحِبُّها   وَأَنَّ فُؤادي عِندَ لَيلى أَسيرُها

Wax kale maaha kaliya anigu waan jeclahay, Qalbigaygana Layla agteeda ayuu maxbuus u yahay.

Markii aabihii arkay dhibta haysata Qays wuxuu rag uu ku jiro ay u tageen Layla aabaheed ayagoo ka dalbaday in loo guuriyo Qays gabadha uu jecelyahay ee ka seexan kari waayay, cuntada iyo cabitaankana uu udiiday. HAse ahaate Layla aabaheed ayaa diiday inuu ninkan u waashay Layla aanu siinayn gabar wax kasta oo dhaca, carabtuna kuma sheekaysan doonto inaan siiyay inantaydii nin waalan.

Markii gabadhii loo diiday ayaa Qays aabihii kaxeeyay oo geeyay xajka si uu Ilaahay u waydiisto in dhibkan jacaylkan waalida ah uu ka dul qaado hase ahaatee Qays isagoo xaramka jooga ayuu tiriyay gabaygiisii:

يا رَبُّ لا تَسلُبَنّي حُبَّها أَبَداً   وَيَرحَمُ اللَهُ عَبداً قالَ آمينا

Rabbiyoow ha iga qaadin jacaylkeeda waligeed, Ilaahayna ha u naxariisti adoonka dhaha Aaamiin

Qays markuu gabaygaa tiriyay aabihii wuu garaacay ayagoo xaramka joogay. Qays markii uu waayay Layla wuxuu noqday qof waalan oo aan waxba la noolayn, gabadhiina waa la guursaday taasoo dhinbiil dab ah ku noqotay noloshii Qays.

Ugu danbayn waxa la sheegay inuu Qays jacaylkii Layla uu udhintay. Wuxuuna tirin jiray gabayo jacayl ah oo suugaanta Carabta caan ku ah.

عَلى مِثلِ لَيلى يَقتُلُ المَرءُ نَفسَهُ  وَإِن كُنتُ مِن لَيلى عَلى اليَأسِ طاوِيا

Layla darteed ayaa qofku isu dilaa  aniguna waxaan Layla ka joogaa quus

خَليلَيَّ إِن ضَنّوا بِلَيلى فَقَرِّبا لِيَ   النَعشَ وَالأَكفانَ وَاِستَغفِرا لِيا 

Saaxiibadayoow haday la bakhayleen Layla isoo dhoweeya  Naxashka, kafanta iina danbi dhaaf warsada

وإن مت من داء الصبابة فأبلغا   شبيهة ضوء الشمس مني سلاميا

Hadaan u dhinto cudurka Jacaylka iga gaadhsiiya tii shabihi jirtay ilayska cadceeda salaan