Tusmo

Qaraamidadii dhacday dhagaxa madaw ee Kacbada.

Qaraamidadu waa koox habaarqabtay oo kamida kooxaha shiicada Ismaaciliyiinta, kuwaasoo xasuuq fool xun u gaystay dad badan oo muslimiina oo gudanaya waajibaadka xajka, waxayna dhaceen dhagaxa madow ee kacbada ayagoo la maqnaa mudo laba iyo labaatan sanadooda.

Imaamu Ibnu Kathiir, Ilaahay ha unaxriistee isagoo ka warramaya Qaraamidada wuxuu ku sheegay kitaabkiisa Al-bidaayah wa-alnihaayah:

Sanadku markuu ahaa 317 kii hijriyada waxa soo baxay Abu Daahir Al-Qurmudi iyo ciidankiisii, waxay yimaadeen magaalada Makkah. Maalintii 8aad ee bisha Dulxaj oo loo yaqaano maalinta Tarwiyada oo xujaajtii ay gudanayaan waajibaadkii xajka ayuu weerar ku qaaday, wuxuuna laayey xujaajtii isagoo aan u aabo yeelin.

Habaarqabe Abu Daahir wuxuu fadhiistay albaabka kacbada, isagoo hareerihiisa lagu gawracayo dad muslimiina oo aan waxba galabsan, wuxuuna lahaa:

”Aniga ayaa Ilaah ah, Ilaahna waa aniga wuxuu abuuraa khalqiga aniguna waan madhiyaa”

Dadkiina waxay cabsidii ku dhageen daaha kacbada, arrintaasina waxba umay tarin ee meeshii lagu qabtaba waa lagu dilayey.

Kadibna habaarqabihii Qurmudi wuxuu faray ciidankiisii in maydadka lagu guro ceelka Zamzamka, dad badan oo kalena halkii ay ku naf baxeen ayaa lagu aasay. Kadibna wuxuu dumiyey barandadii ceelkii Zamzamka, waxa kale oo uu faray in lasoo rujiyo albaabka kacbada, wuxuuna ka siibay daaheedii, waanu jeexjeexay wuxuuna u qaybiyey ciidankiisii.

Kadibna nin ayuu faray inuu soo rujiyo mijiroorka kacbada, hase ahaatee dhulka ayuu kusoo dhacay waanu dhintay.

Kadibna wuxuu faray in lasoo saaro dhagaxa madax ee Xajaru Al-aswadka, dabadeedna nin ayaa dhagixii soo fujiyey isagoo leh: ”Meeye shinbirihii kooxaha ahaa, meeday dhagxaantii kululayd”

Abu Daahir Al-Qurmudi iyo ciidankiisii waxay qaateen dhagaxii madoobaa iyo xoolihii ay ka dhaceen xujaajtii gudanaysay waajibaaka xajka. Habaarqabahani wuxuu ku xadgudbay bishii xurmaysnayd, dhulkii xurmaysnaa iyo dhiig xurmaysan.

Markuu laabtay waxa ka daba tagay amiirkii magaalada Makkah isagoo bixiyey xoolihiisii oo dhan si uu dhagaxa meeshiisii ugu celiyo balse wuu diiday kadibna amiirkii wuu la dagaalamay, waana la jabiyey ciidankii amiirka, waana la dilay isaga iyo qaar badan oo ciidankiisa kamida.

Habaarqabihii sidaas ayuu ku qaatay dhagixii madoobaa, wuxuuna la maqnaa 22 sanadood.

Xilliga ay boobka iyo xadgudubka ku sameeyeen magaalada Makkah waxay ahayd mawsimkii Xajka, lamana filayn in dad sidaas wuxuush u ah ay ku xadugubayaan masaajidka xurmaysan, sidoo kale waxay ahayd xilli dawlada Cabbaasiyiintu ay ku jirto qalalaanse siyaasadeed iyo madaxtinimada oo la isku haystay.

Sanadkii 339 kii hijriyada ayay Qaraamidadu soo celiyeen dhagixii madoobaa, kadib markay haysteen laba iyo labaatan sanadood. Dad badan ayaa isku dayey inay kasoo celiyeen dhagaxa madaw, balse way diideen ayagoo dhahaya: ”amar baan ku qaadanay, amarna waan kusoo celinaynaa”

Qaraamidadu maxay yihiin? Maxayse rumaysanyihiin?

Qaraamidadu waa koox kamida shiicada Ismaaciiliyada kuwaasoo imaam ka dhigtay Ismaaciil binu Jacfar, waxayna rumaysanyihiin in Maxamed binu Ismaaciil yahay mahdigooda. Qaraamidada iyo Faadimiyiintuba waxay labadooduba ka tirsanyihiin shiicada Ismaaciiliyiinta.

Waxa kale oo loogu yeedhaa baadiniyiin, sababtoo ah waxay rumaysanyihii in quraanku leeyahay fasir muuqda iyo fasir qarsoon. Fasirka muuqda waxa yaqaana doqomada oo kaliya, halka fasirka qarsoon ay yaqaanaan dadka caqliga leh un.

Qofka aqoonta u leh fasirka qarsoon waxa ka daga axkaamta shareecada sida salaada, soonka iyo xajka, qofkaasina wuu raaxaystaa. Waxayna daliishadaan aayado ay badaleen macnahooda sida:

وَيَضَعُ عَنْهُمْ إِصْرَهُمْ وَالْأَغْلَالَ الَّتِي كَانَتْ عَلَيْهِمْ

”Wuxuu ka dajinayaa culayska iyo xadhkaha korkooda ahaaday”

Waxay dhaheen: kuwa jaahilka ahna waa kuwa aayadani ka hadlayso:

فَضُرِبَ بَيْنَهُم بِسُورٍ لَّهُ بَابٌ

”Waxa la yeelay dhexdood darbi”

Shayaadiintaas ujeedadoodu waxay ahayd inay shareecada meesha ka saaraan oo dadku ay noqdaan mulxidiin iyo gaalo.

Ibnu Kathiir Ilaahay ha unaxariistee wuxuu yiri: sababta ku kalliftay inay muslimiinta laayaan waxa weeye ayagoo ahaa gaalo munaafiqiina iyo mulxidiin”

Waxayna lamid ahaayeen Faadimiyiintii xilligaas kasoo if baxday waqooyiga Afrika oo aasaasay dawlad xoog wayn oo ka talisa Masar iyo waqooyiga Afrika.

Qaraamidadu waxay rumaysnaayeen madhbaka Mazdak sida ibnu Al-Jawzi uu ku xusay kitaabkiisa Al-Qaraamidah.

Mazdakna waa nin majuusiya oo rumaysnaa zinada iyo in naagaha la wadaago, waana meesha asal ahaan ay kasoo jeedo shuuciyadii hanti wadaaga ahayd, waxa kale oo la socotay naag wadaag.

Waxay kale oo rumaysnaayeen caqiidada (xuluulka) isku milmida Ilaahay iyo makhluuqaadkiisa, waana sababta habaarqabe Abu Daahir Al-Qurmudi u lahaa: “aniga ayaa Ilaah ah, Ilaahna waa aniga wuu abuuraa aniguna waan madhiyaa”

Xigasho:

Ibnu Kathiir, Albidaayah wa al nihaayah