Tusmo

Qadarka

Waa maxay Qadarku?

Qadarku waa in la rumeeyo in Ilaahay leeyahay cilmi iyo aqoon, uuna qoray qayb kamida cilmigiisa, uuna doonay in wixii uu qoray ay u dhacaan sidii uu rabay, kadibna inuu abuuray makhluuqaadkiisa.

In la rumeeyo Qadarka iyo daliiladiisa:

Qadarku waa tiir kamida tiirarka iimaanka oo ah; in la rumeeyo Ilaahay, malaa’iktiisa, kutubtiisa, rusushiisa, maalinta aakhiro iyo qadarka kiisa khayrka leh iyo kiisa sharka lehba.

Daliilada lixda tiir ee iimaanka:

Daliilada kusoo aroorayna way badan yihiin, waxa kamida:

لَّيْسَ الْبِرَّ أَن تُوَلُّوا وُجُوهَكُمْ قِبَلَ الْمَشْرِقِ وَالْمَغْرِبِ وَلَـٰكِنَّ الْبِرَّ مَنْ آمَنَ بِاللَّـهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ وَالْمَلَائِكَةِ وَالْكِتَابِ وَالنَّبِيِّينَ

“Samo falku maaha inaad u jeedisaan wajiyadiina dhanka bari ama galbeed balse samo falku waa ka rumeeyey Ilaahay iyo maalinta iyo aakhiro iyo malaa’ikta iyo kitaabka iyo nabiyada”[1]

آمَنَ الرَّسُولُ بِمَا أُنزِلَ إِلَيْهِ مِن رَّبِّهِ وَالْمُؤْمِنُونَ ۚ كُلٌّ آمَنَ بِاللَّـهِ وَمَلَائِكَتِهِ وَكُتُبِهِ وَرُسُلِهِ لَا نُفَرِّقُ بَيْنَ أَحَدٍ مِّن رُّسُلِهِ

“wuu rumeeyay rasuulku wixii lagaga soo dajiyay xaga rabbigiis iyo mu’miniintuba, kulligood waxay rumeeyeen Ilaahay iyo malaa’iktiisa iyo kutubtiisa iyo rusushiisa mana kala kaxaynayno mid kamida rusushiisa”[2]

الَّذِي لَهُ مُلْكُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَلَمْ يَتَّخِذْ وَلَدًا وَلَمْ يَكُن لَّهُ شَرِيكٌ فِي الْمُلْكِ وَخَلَقَ كُلَّ شَيْءٍ فَقَدَّرَهُ تَقْدِيرًا ﴿٢﴾

“kaasoo iska leh boqortooyada samooyinka iyo dhulka mana dhalin ilmo mana yeelanin isagu cid shuraako kula ah mulkigiisa abuurayna shay kasta una qadaray qadar”[3]

إِنَّا كُلَّ شَيْءٍ خَلَقْنَاهُ بِقَدَرٍ ﴿٤٩﴾

“annagaa shay kasta u abuurnay qadar”[4]

قال فأخبرني عن الإيمان قال أن تؤمن بالله وملائكته وكتبه ورسله واليوم الآخر وتؤمن بالقدر خيره وشره قال صدقت

“Jibriil ayaa yiri: iiga warran iimaanka? Wuxuu yiri (nabigu): waa inaad rumayso Ilaahay, malaa’iktiisa, kutubtiisa, rusushiisa, maalinta aakhiro, iyo inaad rumayso qadarka kiisa khayrka leh iyo kiisa sharka leh, wuxuu yiri (Jibriil): runbaad sheegtay”[5]

Sida xadiiskan saxiixa ah tilmaamayo iimaanku waa lix tiir, ka lixaadna waa in la rumeeyo qadarka kiisa khayrka leh iyo kiisa sharka wataba.

Hadaba rumaynta qadarku ma dhamaystirmayso ilaa la rumeeyo afar tiir oo qadarku ku tiirsanyahay, kuwaasoo kala ah: In Ilaahay cilmi leeyahay, in Ilaahay qoray maqaadiirta, in Ilaahay doonis leeyahay iyo inuu Ilaahay abuuray wax kasta.

Tiirka 1aad (Cilmiga Ilaahay):

Waa waajib in la rumeeyo in Ilaahay cilmi u leeyahay wax kasta iyo inuu cilmigiisa kusoo koobay wax walba, ha yaraado ama ha badnaado. Cilmiguna waa sifo aan ka faaruqin Ilaahay, suurtagal maaha in Ilaahay cilmigiisu nuqsaamo ama siyaado, sababtoo ah wax walba wuu ogyahay mana halmaamayo. Wuxuu ogyahay wixii hadda kahor dhacay, waxa iminka dhacaya, waxa mustaqbalka dhici doona iyo wax aan dhicin haday dhici lahaayeen sida ay ku dhici lahayd. Wuxuu ogyahay cimriga makhluuqaadkiisa iyo arsaaqadooda iyo khaatumadooda iyo ka ehelka jannada kamid noqonaya iyo ka ka ehelka naarta kamid noqonaya.

Daliilada kusoo arooray cilmiga Ilaahay way badan yihiin, waxa kamida:

Furayaasha qaybka waxa og Ilaahay oo kaliya

وَعِندَهُ مَفَاتِحُ الْغَيْبِ لَا يَعْلَمُهَا إِلَّا هُوَ ۚ وَيَعْلَمُ مَا فِي الْبَرِّ وَالْبَحْرِ ۚ وَمَا تَسْقُطُ مِن وَرَقَةٍ إِلَّا يَعْلَمُهَا وَلَا حَبَّةٍ فِي ظُلُمَاتِ الْأَرْضِ وَلَا رَطْبٍ وَلَا يَابِسٍ إِلَّا فِي كِتَابٍ مُّبِينٍ ﴿٥٩﴾

“agtiisa waxa ahaaday (Ilaahay) furayaasha qaybka (waxa maqan) mana oga cid aan isaga ahayn, wuxuu ogyahay waxa ku dhex jira barriga iyo baddaba, masoo dhacdo caleen wuu ogyahay, xabad masaga oo ku sugan mugdiyada dhulka ama wax qoyan ama egagan waxay ku yaalaan kitaab cad”[6]

Saacada Qayaame waxa og un Ilaahay:

إِنَّ اللَّـهَ عِندَهُ عِلْمُ السَّاعَةِ وَيُنَزِّلُ الْغَيْثَ وَيَعْلَمُ مَا فِي الْأَرْحَامِ ۖ وَمَا تَدْرِي نَفْسٌ مَّاذَا تَكْسِبُ غَدًا ۖ وَمَا تَدْرِي نَفْسٌ بِأَيِّ أَرْضٍ تَمُوتُ ۚ إِنَّ اللَّـهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ ﴿٣٤﴾

“Ilaahay agtiisa waxa ahaaday cilmiga saacada (qayaame) wuxuu soo dajiyaa roobka wuxuu ogyahay waxa ahaaday riximyada (ilmo galeenka hooyada), mana garanayso nafna waxay kasban doonto barri, mana garanayso nafna dhulka ay ku dhimanayso, Ilaahay ayaa ah cilmi badane xogogaala”[7]

Ilaahay wuxuu ogyahay waxa maqan iyo waxa joogaba:

هُوَ اللَّـهُ الَّذِي لَا إِلَـٰهَ إِلَّا هُوَ ۖ عَالِمُ الْغَيْبِ وَالشَّهَادَةِ ۖ هُوَ الرَّحْمَـٰنُ الرَّحِيمُ ﴿٢٢﴾

“isagu Ilaahay waa ka ilaah xaq lagu caabudo aanu jirin isaga mooyee, wuxuu ogyahay waxa maqan iyo waxa joogaba, waana Ilaaha raxmaanka ah ee naxariista naxariis guud iyo mid gaaraba”[8]

Wax kasta Ilaahay cilmi ayuu kusoo koobay:

لِتَعْلَمُوا أَنَّ اللَّـهَ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ وَأَنَّ اللَّـهَ قَدْ أَحَاطَ بِكُلِّ شَيْءٍ عِلْمًا ﴿١٢﴾

“si aad u ogaataan in Ilaahay shay kasta awoodo iyo in Ilaahay ku koobay wax kasta cilmi (aqoon)”[9]

Ilaahay wuxuu ogyahay wax aanay malaa’iktiisa sharafta badan ogayn:

قَالَ إِنِّي أَعْلَمُ مَا لَا تَعْلَمُونَ ﴿٣٠﴾

“Wuxuu yiri (Ilaahay) anigu waan ogahay wax aydaan ogayn”[10]

قَالَ أَلَمْ أَقُل لَّكُمْ إِنِّي أَعْلَمُ غَيْبَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَأَعْلَمُ مَا تُبْدُونَ وَمَا كُنتُمْ تَكْتُمُونَ ﴿٣٣﴾

“wuxuu yiri miyaanan idinku odhan idinka anigu waxaan ogahay waxa ku maqan samooyinka iyo dhulka waxaan ogahay waxaad muujisataan iyo waxaad ahaydeen kuwa qarsada”[11]

Ilaahay wuxuu ogyahay waxa laabaha ku jira:

وَأَسِرُّوا قَوْلَكُمْ أَوِ اجْهَرُوا بِهِ ۖ إِنَّهُ عَلِيمٌ بِذَاتِ الصُّدُورِ ﴿١٣﴾

“qarsada hadalkiina ama muujista, isagu wuxuu ogyahay waxa laabaha ku jira”[12]

Ilaahay wuxuu ogyahay hadalka sirta ah iyo waxa kasii qarsoon:

وَإِن تَجْهَرْ بِالْقَوْلِ فَإِنَّهُ يَعْلَمُ السِّرَّ وَأَخْفَى ﴿٧﴾

“hadaad muujiso hadalka wuxuu Ilaahay ogyahay (hadalka) sirta ah iyo waxa kasii hooseeya (waxa naftu isugu sheekayso)”[13]

Ilaahay wuu ogyahay cida jannada ama naarta galaysa:

عَنْ عِمْرَانَ بْنِ حُصَيْنٍ ، قَالَ : قَالَ رَجُلٌ : يَا رَسُولَ اللَّهِ ، أَيُعْرَفُ أَهْلُ الجَنَّةِ مِنْ أَهْلِ النَّارِ ؟ قَالَ : نَعَمْ قَالَ : فَلِمَ يَعْمَلُ العَامِلُونَ ؟ قَالَ : كُلٌّ يَعْمَلُ لِمَا خُلِقَ لَهُ ، أَوْ : لِمَا يُسِّرَ لَهُ

Cimraan binu Xusayn waxa laga wariyay inuu yiri: nin ayaa dhahay: rasuulkii Ilaahayow: malaga gartay ehelka jannada kuwa ehelka naarta? Wuxuu yiri: haa. Wuxuu yiri: maxay u shaqaysanayaan kuwa shaqaystaa? Wuxuu yiri: ku kasta wuxuu shaqaynayaa wixii loo abuuray ama loo fudaydiyay”[14]

Tiirka 2aad: (wax qorida)

Wax qoridu waa in la rumeeyo in Ilaahay maqaadiirta ku qoray kitaabkiisa Looxa Maxfuudka, kahor intaanu abuurin samooyinka iyo dhulkaba. In wax kasta oo koonkan ka dhacayaa ay qoran yihiin, waxaana u daliila aayadaha quraanka iyo sunnada nabiga (ﷺ).

Looxa Maxfuudka wax kasta ayaa lagu qoray:

مَّا فَرَّطْنَا فِي الْكِتَابِ مِن شَيْءٍ ۚ ثُمَّ إِلَىٰ رَبِّهِمْ يُحْشَرُونَ ﴿٣٨﴾

”kamaanaan tagin kitaabka (Looxa Maxfuudka) shayna (wax kasta waa lagu qoray), markaana xaga rabbigood ayay u laabanayaan”[15]

Qaniimadii dagaalkii Badar inay muslimiintu qaataan kitaabka ayay ku taalay:

لَّوْلَا كِتَابٌ مِّنَ اللَّـهِ سَبَقَ لَمَسَّكُمْ فِيمَا أَخَذْتُمْ عَذَابٌ عَظِيمٌ ﴿٦٨﴾

”Hadii aanay jiri lahay (way jirtaye) kitaab xaga Ilaahay ka hormaray waxa idinku taaban lahaa waxaad qaadateen (qaniimada) cadaab wayn (balse kitaabka ayay ku qornayd inay xalaal idiin tahay”[16]

Ilaahay qayb cilmigiisa kamida ayuu kitaabka ku qoray:

أَلَمْ تَعْلَمْ أَنَّ اللَّـهَ يَعْلَمُ مَا فِي السَّمَاءِ وَالْأَرْضِ ۗ إِنَّ ذَٰلِكَ فِي كِتَابٍ ۚ إِنَّ ذَٰلِكَ عَلَى اللَّـهِ يَسِيرٌ ﴿٧٠﴾

”miyaydaan ogayn in Ilaahay ogyahay waxa ahaaday samada iyo dhulka, waxay ku qorantahay kitaab, taasina Ilaahay way u fududahay”[17]

Waxa ku maqan samada iyo dhulka waxay ku yaalaan kitaabka:

وَمَا مِنْ غَائِبَةٍ فِي السَّمَاءِ وَالْأَرْضِ إِلَّا فِي كِتَابٍ مُّبِينٍ ﴿٧٥﴾

”majiro wax ku maqan samada iyo dhulka (oo isha aadamuhu arkaynin) waxay ku qoranyihiin kitaab cad”[18]

Wax kasta waxa la qoray konton kun oo sanadood kahor abuurida samada iyo dhulka:

عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عَمْرِو بْنِ الْعَاصِ ، قَالَ : سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ ، يَقُولُ : كَتَبَ اللَّهُ مَقَادِيرَ الْخَلَائِقِ قَبْلَ أَنْ يَخْلُقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ بِخَمْسِينَ أَلْفَ سَنَةٍ ، قَالَ : وَعَرْشُهُ عَلَى الْمَاءِ

Cabdilaahi binu Camru binu Caas waxa laga wariyay inuu yiri: waxaan maqlay rasuulkii Ilaahay (ﷺ) oo leh: ”Ilaahay wuxuu qoray maqaadiirta makhluuqaadkiisa kahor intaanu abuurin samooyinka iyo dhulka konton kun oo sanadood, wuxuu yiri: carshigiisuna biyo korkeeda ayuu ahaa”[19]

Qalinka oo Ilaahay amray inuu wax qoro:

عَنْ عُبَادَةَ بْنِ الصَّامِتِ قال : سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ :  إِنَّ أَوَّلَ مَا خَلَقَ اللَّهُ الْقَلَمَ فَقَالَ لَهُ : اكْتُبْ ، قَالَ : رَبِّ وَمَاذَا أَكْتُبُ ؟ قَالَ : اكْتُبْ مَقَادِيرَ كُلِّ شَيْءٍ حَتَّى تَقُومَ السَّاعَةُ

Cubaadah binu Saamit waxa laga wariyay inuu yiri: waxaan maqlay rasuulkii Ilaahay (ﷺ) oo leh: ”wixii ugu horreeyay ee Ilaahay abuuro waa qalinka, wuxuuna ku yiri: qor. Wuxuu yiri: rabbiyow, maxaan qoraa? Wuxuu yiri: waxaad qortaa maqaadiirta shay kasta (qadarkiisa) ilaa ay Qayaamadu ka dhacayso”[20]

Noocyada wax qorida:

Wax qoridu waxay u qaybsantaa afar qaybood, qoraalka Looxul Maxfuudka, qoraalka cimriga ee ilmaha caloosha ku jira marka ruuxda lagu afuufayo, qoraalka sanadlaha ah iyo qoraalka maalinlaha ah.

Qoraalka Looxul Maxfuudka:

يَمْحُو اللَّـهُ مَا يَشَاءُ وَيُثْبِتُ ۖ وَعِندَهُ أُمُّ الْكِتَابِ ﴿٣٩﴾

”Ilaahay wuu tirtiraa wuxuu doono wuuna sugaa (ma badalo wuxuu doono) agtiisana waxa ahaaday Ummul Kitaabka (looxul maxfuudka)[21]

بَلْ هُوَ قُرْآنٌ مَّجِيدٌ ﴿٢١﴾ فِي لَوْحٍ مَّحْفُوظٍ ﴿٢٢﴾

”waa Quraan sharaf leh (21) kuna yaala Looxul Maxfuudka (dhawrsoon) (22)[22]

Qoraalka Cimriga ah:

Waxa malagu qoraa marka ilmaha yar lagu afuufo ruuxda, ayadoo la qorayo ajashiisa, camalkiisa, irsaaqadiisa iyo khaatumadiisaba.

عن عبد الله قال حدثنا رسول الله صلى الله عليه وسلم وهو الصادق المصدوق قال إن أحدكم يجمع في بطن أمه أربعين يوما ثم علقة مثل ذلك ثم يكون مضغة مثل ذلك ثم يبعث الله ملكا فيؤمر بأربع برزقه وأجله وشقي أو سعيد

Cabdilaahi binu Mascuud waxa laga wariyay inuu yiri: waxa noo warramay rasuulkii Ilaahay (ﷺ) waana run badane run sheegaya, wuxuu yiri: ”midkiin waxa lagu abuuraa caloosha hooyadiis afartan maalmood kolkaasuu noqdaa calaqo intaasoo kale markaasuu noqdaa waslad intaasoo kale kadibna Ilaahay wuxuu usoo diraa malag oo waxa la amraa afar (inuu qoro) arsaaqadiisa, cimrigiisa, habaar qabe inuu yahay ama duco qabe”[23]

Qoraalka sanadlaha ah:

Waxa la qoraa habeenka Laylatul Qadriga.

إِنَّا أَنزَلْنَاهُ فِي لَيْلَةٍ مُّبَارَكَةٍ ۚ إِنَّا كُنَّا مُنذِرِينَ ﴿٣﴾ فِيهَا يُفْرَقُ كُلُّ أَمْرٍ حَكِيمٍ ﴿٤﴾

”Annagaa soo dajinay (quraanka) habeen barakaysan, annagaa digayna (3) waxa la xukumaa (la qoraa) arrinkasta oo qadaran”[24]

Qoraalka maalinlaha ah:

Waxa la qoraa qadarka maalin kasta dhacaya sida qof bukooday ama caafimaaday, mid dhashay iyo mid dhintay iwm.

كُلَّ يَوْمٍ هُوَ فِي شَأْنٍ ﴿٢٩﴾

”maalin kasta isagu (Ilaahay) ujeedo ayuu leeyahay (mid buu dullaynayaa ama sharfayaa)”[25]

Qadarka la qoray ma is badalaa?

Waxyaalaha Ilaahay ku qoray Looxa Maxfuudka isma badalaan, sidii Ilaahay u qoray ayayna u dhacayaan, sababtoo ah Ilaahay cilmigiisa ayuu ku qoray, hadii la dhaho isbadal ayaa ku yimidna, waxay ceeb iyo nuqsaan ku tahay Ilaahay (ﷻ).

Balse kutubta malaa’iktu hayso waa suurtagal inuu isbadal ku yimaado, isbadalkaas ku yimidna wuxuu asal ahaan ku qoran yahay kitaabka Looxa Maxfuudka.

Isbadalka ku imanaya kutubta malaa’iktu hayso kama hor imanayo wixii lagu qoray kitaabka Looxa Maxfuudka, kaliya waxay ku tusaysaa in malaga qoray ama loo xil saaray inuu wax qoro inaanu ogayn cilmiga qaybka, sababtoo ah cilmiga qaybka waxa og Ilaahay oo kaliya.

Rasuulkii Ilaahay waxa laga wariyay in qadarka waxa celiya un uu yahay ducada, sidoo kale inuu cimriga aadamahu siyaadi karo ayadoo hadda kahor malagu qoray inuu xilli cayiman ku dhimanayo.

عَنْ سَلْمَانَ قَالَ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ لَا يَرُدُّ الْقَضَاءَ إِلَّا الدُّعَاءُ وَلَا يَزِيدُ فِي الْعُمْرِ إِلَّا الْبِرُّ

Salmaan waxa lagasoo wariyey inuu yiri: rasuulkii Ilaahay (ﷺ) wuxuu yiri: “Qadarka waxa celiya un Ducada, cimrigana waxa kordhiya un samo falka”[26]

عَنْ أَنَسِ بْنِ مَالِكٍ رضى الله عنه قَالَ سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم يَقُولُ : ( مَنْ سَرَّهُ أَنْ يُبْسَطَ لَهُ رِزْقُهُ أَوْ يُنْسَأَ لَهُ فِى أَثَرِهِ فَلْيَصِلْ رَحِمَهُ ) . رواه البخاري (2067) ، ومسلم (2557)

Anas binu Maalik Ilaahay raali haka ahaadee waxa laga wariyey inuu yiri: waxaan maqlay rasuulkii Ilaahay (ﷺ) oo leh: “Qofkii ay farxad galinayso in loo balaadhiyo risqigiisa ama in loo kordhiyo cimrigiisa ha xiriiriyo qaraabadiisa”[27]

Cimriga kordhaya iyo arsaaqada siyaadaysa culumada qaar badan waxay ku fasireen in loo barakaynayo, halka culumo kale ay ka dhaheen: cimriga iyo arsaaqaduba si dhaba ayay u kor dhayaan, waxa la kordhiyayna waxay ku yaalaan isla kitaabka Looxa Maxfuudka.

Tusaale:

Qof ayaa loo qoray markuu caloosha hooyadii ku jiray inuu noolaanayo 50 sanadood, arsaaqadiisuna isugayn ay tahay 50 malyan, balse adoonkii ayaa xiriiriyay ehelkiisa, raali galiyayna rabbigiis, dabadeedna Ilaahay malagii ayuu farayaa inuu 10 sano ugu daro cimrigiisa iyo in 20 malyan loogu daro arsaaqadiisa. Si kastaba ha ahaatee, cimrigiisa ku qoran Looxa Maxfuudku waa 60 sanadood, arsaaqadiisuna waa 70 malyan.

Qoraalada ay ka suurtowdo inuu is badal ku yimaado waa qoraalka sanad laha ah, qoraalka cimriga iyo qoraalka maalin laha ah, balse qoraalka ku yaala Looxa Maxfuudku isma badalayo.

Waxa ku tusaya in Ilaahay wax ka badali karo kutubta malaa’iktu hayso aayadan sharafta leh:

يَمْحُو اللَّـهُ مَا يَشَاءُ وَيُثْبِتُ ۖ وَعِندَهُ أُمُّ الْكِتَابِ ﴿٣٩﴾

”Ilaahay wuu tirtiraa wuxuu doono wuuna sugaa (ma badalo wuxuu doono) agtiisana waxa ahaaday Ummul Kitaabka (looxul maxfuudka)[28]

Looxa Maxfuudka waxa ku yaalaa isma badalayaan, tusaale cimriga ama arsaaqada dadka ee ku taala isma badalayso.

وَلِكُلِّ أُمَّةٍ أَجَلٌ ۖ فَإِذَا جَاءَ أَجَلُهُمْ لَا يَسْتَأْخِرُونَ سَاعَةً ۖ وَلَا يَسْتَقْدِمُونَ ﴿٣٤﴾

”Ummad kasta waxay leedahay ajal (waqti), marka ajashoodu timaado ma dib dhacayaan saacad mana hor marayaan”[29]

Tiirka 3aad (Doonista Ilaahay):

Koonkan waxa ka dhacaya waxay ku dhacaan doonista Ilaahay, wixii Ilaahay doono ayunbaa dhaca, wixii Ilaahay aanu doonin ma dhacaan. Doonista Ilaahayna, waxa kusoo arooray aayado badan:

Haduu Ilaahay dooni lahaa dadkuba isma khilaafeen.

وَلَوْ شَاءَ اللَّـهُ لَجَعَلَكُمْ أُمَّةً وَاحِدَةً وَلَـٰكِن يُضِلُّ مَن يَشَاءُ وَيَهْدِي مَن يَشَاءُ ۚ وَلَتُسْأَلُنَّ عَمَّا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ ﴿٩٣﴾

”hadii Ilaahay dooni lahaa wuxuu idinka yeeli lahaa ummad kaliya balse wuxuu baadiyaysiiyaa ciduu doono wuxuuna hanuuniyaa ciduu doono, waana la idin waydiinayaa waxaad camal fasheen”[30]

Haduu Ilaahay dooni lahaa wuxuu halaagi lahaa qoomkii nabi Nuux kahor duufaanka:

قَالَ إِنَّمَا يَأْتِيكُم بِهِ اللَّـهُ إِن شَاءَ وَمَا أَنتُم بِمُعْجِزِينَ ﴿٣٣﴾

”wuxuu yiri (nabi Nuux) wuu idiin keenayaa Ilaahay haduu doono mana tihidin kuwo cajsi galinaya”[31]

Haduu Ilaahay dooni lahaa qaar kamida dadkii rumeeyay nabiyada ayaa gaaloobi lahaa:

وَمَا يَكُونُ لَنَا أَن نَّعُودَ فِيهَا إِلَّا أَن يَشَاءَ اللَّـهُ رَبُّنَا ۚ وَسِعَ رَبُّنَا كُلَّ شَيْءٍ عِلْمًا

”mana noo ahaanayso inaan ku laabano (diintiina gaaleed) ilaa uu doono Ilaahay oo ah rabbigayaga, waxa waasaca rabbigayo cilmigiisa”[32]

Nabi Muuse hadii aan Ilaahay samir siin lahayn muu sabri kareen:

قَالَ سَتَجِدُنِي إِن شَاءَ اللَّـهُ صَابِرًا وَلَا أَعْصِي لَكَ أَمْرًا ﴿٦٩﴾

”wuxuu yiri (nabi Muuse) waxaad i helaysaa hadii Ilaahay doono anoo sabraya mana caasinayo amarkaaga”[33]

Nabi Muxamed (ﷺ) waxa la amray inuu arrin kasta uu qabanayo kahoraysii haduu Ilaahay doono:

وَلَا تَقُولَنَّ لِشَيْءٍ إِنِّي فَاعِلٌ ذَٰلِكَ غَدًا ﴿٢٣﴾ إِلَّا أَن يَشَاءَ اللَّـهُ ۚ

”ha dhihin shayna waan samaynayaa barritoole (23) ilaa Ilaahay doono (inaad dhahdo mooyee)[34]

Ilaahbaa doonistiisa ku sharfa ciduu doono kuna dulleeya ciduu doono:

قُلِ اللَّـهُمَّ مَالِكَ الْمُلْكِ تُؤْتِي الْمُلْكَ مَن تَشَاءُ وَتَنزِعُ الْمُلْكَ مِمَّن تَشَاءُ وَتُعِزُّ مَن تَشَاءُ وَتُذِلُّ مَن تَشَاءُ ۖ بِيَدِكَ الْخَيْرُ ۖ إِنَّكَ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ ﴿٢٦﴾

”waxaad dhahdaa Ilaahow adigaa hantay mulkiga waad siisaa mulkiga cidaad doonto waad ka qaadaa mulkiga cidaad doonto waad sharaftaa cidaad doonto waad dullasaa cidaad doonto, gacantaada ayaa khayrku ki jiraa, wax walbana waad awoodaa.[35]

Sawirka aad leedahay iyo midabkaaga Ilaahbaa doonay inuu sidaas noqdo:

هُوَ الَّذِي يُصَوِّرُكُمْ فِي الْأَرْحَامِ كَيْفَ يَشَاءُ ۚ لَا إِلَـٰهَ إِلَّا هُوَ الْعَزِيزُ الْحَكِيمُ ﴿٦﴾

”Ilaahay isagaa idinku sawira riximyada siduu doono, Ilaah xaq lagu caabudo majiro isaga mooyee, waana Ilaaha adakaada ee xikmada badan”[36]

Qofkii Ilaahay doono ayuu hanuuniyaa kuu doonana wuu baadiyaysiiyaa:

فَمَن يُرِدِ اللَّـهُ أَن يَهْدِيَهُ يَشْرَحْ صَدْرَهُ لِلْإِسْلَامِ ۖ وَمَن يُرِدْ أَن يُضِلَّهُ يَجْعَلْ صَدْرَهُ ضَيِّقًا حَرَجًا كَأَنَّمَا يَصَّعَّدُ فِي السَّمَاءِ

”Qofkii uu doono Ilaahay inuu hanuuniyo wuxuu ku nuuriyaa laabtiisa islaamnimo, qodkii uu doono inuu lumiyana wuxuu ka yeelaa laabtiisa ciriiri adag sida qof fuulaya samada (jawiga sare)”[37]

Quluubta aadamaha Ilaahay ayaa u gadgadiya siduu doono:

إن قلوب بني آدم كلها بين إصبعين من أصابع الرحمن كقلب واحد يصرفه حيث يشاء ثم قال رسول الله صلى الله عليه وسلم اللهم مصرف القلوب صرف قلوبنا على طاعتك

”quluubta aadamaha kulligood waxay ku jiraan laba farood oo kamida faraha Raxmaanka, sidii hal qalbi oo kaliya, siduu doono ayuu u gadgadiyaa, markaasuu yiri rasuulkii Ilaahay (ﷺ): Ilaaha gadgadiya quluubtow usoo gadi qaluubteena daacadaada”[38]

Doonista Ilaahay waxay u qaybsantaa laba qaybood:

Waxa muhiima inaad ogaato in doonista Ilaahay u qaybsanto laba qaybood oo la kala dhaho: doonista qadarka ah ama kawniga ah iyo doonista sharciga ah.

Doonista 1aad:

Doonista qadarku waa doonista Ilaahay ee wayn ee mar walba u dhacaysa siduu Ilaahay rabay.

Tusaale: Ilaahay wuxuu doonay inuu dhulgariir keeno, waxa meeshaa ku halaagsamaya qof Ilaahay jecelyahay iyo mid uu necebyahay, qof Ilaahay raali ka yahay iyo mid aanu raali ka ahayn, mid danbiile ah iyo mid aan danbiile ahayn. Waxaynu dhahaynaa goobtaas dhulgariirku ka dhacay Ilaahay ayaa ku doonay doonistii qadarka ah ee aanay cidina hor istaagayn.

Doonista Ilaahay ee qadarka ama kawniga loo yaqaano hadii Ilaahay cid ku doono inuu kusoo hanuuniyo way hanuunaysaa, haduu ku doono inuu cid ku baadiyaysiiyo way baadiyoobayaan.

Tusaale ahaan: Ilaahay ayaa hanuuniyay Abubkar kuna doonay doonistiisa qadarka inuu hanuuno, sidoo kale Ilaahay ayaa baadiyaysiiyay Abulahab, kuna doonay doonistiisa qadarka inuu lumo.

فَمَن يُرِدِ اللَّـهُ أَن يَهْدِيَهُ يَشْرَحْ صَدْرَهُ لِلْإِسْلَامِ ۖ وَمَن يُرِدْ أَن يُضِلَّهُ يَجْعَلْ صَدْرَهُ ضَيِّقًا حَرَجًا كَأَنَّمَا يَصَّعَّدُ فِي السَّمَاءِ

”Qofkii uu doono Ilaahay inuu hanuuniyo wuxuu ku nuuriyaa laabtiisa islaamnimo, qodkii uu doono inuu lumiyana wuxuu ka yeelaa laabtiisa ciriiri adag sida qof fuulaya samada (jawiga sare)”[39]

Doonista 2aad:

Waa doonista sharciga ama waa waxyaalaha Ilaahay soo dajiyay sharci ahaan ee uu jecelyahay in dadku ay raacaan. In dadka aduunka jooga oo dhan ay islaamaan Ilaahay wuxuu ku rabaa doonistiisa sharciga balse doonistiisa qadarka kuma rabo.

Tusaale: Ilaahay wuxuu rabaa inuu hanuuniyo sharci ahaan oo ay diintiisa qaataan dadka oo dhan balse doonistiisa qadarka kuma rabo. Fircoon , Ilaahay wuxuu rabay inuu sharci ahaan uu hanuuno sidaas darteed ayaa rasuulka loogu diray balse doonistiisa qadarka ama kawniga ah kumuu rabin.

يُرِيدُ اللَّـهُ بِكُمُ الْيُسْرَ وَلَا يُرِيدُ بِكُمُ الْعُسْرَ وَلِتُكْمِلُوا الْعِدَّةَ وَلِتُكَبِّرُوا اللَّـهَ عَلَىٰ مَا هَدَاكُمْ وَلَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ ﴿١٨٥﴾

”Ilaahay wuxuu doonayaa inuu idiin fudaydiyo mana idinla rabo culays iyo inaad dhamaysaan tirada (ramadaan) iyo inaad u takbiirataan Ilaahay  (ciida) iyo inaad waynaysaan (maadaama) uu idin hanuuniyay iyo inaad u mahadcelisaan”[40]

يُرِيدُ اللَّـهُ لِيُبَيِّنَ لَكُمْ وَيَهْدِيَكُمْ سُنَنَ الَّذِينَ مِن قَبْلِكُمْ وَيَتُوبَ عَلَيْكُمْ ۗ وَاللَّـهُ عَلِيمٌ حَكِيمٌ ﴿٢٦﴾ وَاللَّـهُ يُرِيدُ أَن يَتُوبَ عَلَيْكُمْ

”Ilaahay wuxuu doonayaa inuu idiin cadeeyo idinkuna hanuuniyo jidkii dadkii idinka horreeyay (ee wanaagsanaa) iyo inuu idinka toobad aqbalo, Ilaahayna waa cilmi badane xikmad badan (26) Ilaahay wuxuu doonayaa inuu idinka toobad aqbalo…”[41]

Sida ku xusan aayadahan waxa Ilaahay doonayaa inuu idin hanuuniyo, idinka toobad aqbalo, idiin fudaydiyo iyo inaad waynaysaan Ilaahay. Doonistan way ka duwantahay tii hore sababtoo ah doonista qadarka ama kawniga haduu Ilaahay ku dooni lahaa, dadka oo dhan ayaa wada hanuuni lahaa.

Sidaa darteed, doonistan waxa loo yaqaanaa doonista sharciga, Ilaahay sharciga uu soo dajiyay darteed wuxuu rabaa in la raaco, balse dadka oo dhan ma wada raacayaan sharciga sababtoo ah doonista qadarka Ilaahay kuma doonin.

Farqiga u dhaxeeya labada doonisood:

  • Doonista qadarka hadii Ilaahay wax ku doono way dhacaysaa sidii Ilaahay ugu talo galay, balse doonista sharciga ah oo ah inuu Ilaahay jecelyahay in sharcigiisa la raaco way dhacaysaa mana dhacayso.

Tusaale: doonista sharciga, Ilaahay wuxuu ku doonay in Nabi Nuux (ﷺ) hanuuno sidoo kale wiilkii gaalka ahaa ee nabi Nuux (ﷺ) dhalayna waxa Ilaahay sharci ahaan doonayay inuu hanuuno.

Balse doonista qadarka ama kawniga, Ilaahay wuxuu doonay inuu Nabi Nuux hanuuno, wiilkiisuna gaaloobo.

  • Doonista qadarka, Ilaahay wuxuu ku doonay inuu abuuro shaydaanka Ibliis oo ah madaxa sharka oo dhan si dadka loogu imtixaamo, looguna fitneeyo. Balse doonistiisa sharciyeed kuma doonin in dadku ay raacaan Ibliis sababtoo ah Ilaahay kama raali aha in adoomadiisu sharci ahaan ay gaaloobaan.
  • Doonista qadarka haduu Ilaahay ku dooni lahaa inuu hanuuniyo dhamaan basharka way hanuuni lahaayeen balse Ilaahay ma doonin. Doonista sharcigana Ilaahay wuu rabaa in sharcigiisa loo hogaansanaado, wuuna jecelyahay sharci ahaan in adoomadiisu hanuunaan.

Hanuunka.

Sida doonista Ilaahay ay ugu qaybsantay laba qaybood, waxa sidoo kale laba qaybood loo qaybiyaa hanuunka; hanuun macnihiisu yahay hagid ama far ugu fiiqid iyo hanuunka qalbiga oo ah waafajinta Ilaahay.

Hanuunka hagida, waxa u daliila:

وَإِنَّكَ لَتَهْدِي إِلَىٰ صِرَاطٍ مُّسْتَقِيمٍ ﴿٥٢﴾ صِرَاطِ اللَّـهِ الَّذِي لَهُ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الْأَرْضِ ۗ أَلَا إِلَى اللَّـهِ تَصِيرُ الْأُمُورُ ﴿٥٣﴾

”adigu (nabiyow) waxaad ku hanuuninaysaa (ku hagaysaa) xaga jidka toosan (52) jidka Ilaahay kaasoo iska leh waxa ahaaday samooyinka iyo dhulkaba, hooy! Ilaahay xagiisa ayaa umuuruhu ulaabanayaan”[42]

Hanuunka hagida ama far u fiiqista waxa Ilaahay u sugay nabigiisa (ﷺ) inuu dadka ku hagayo jidka toosan ee Islaamka, waana mid ay la wadaagaan dadka kale. Qof kasta oo dadka xaqa ugu yeedhaa wuxuu dadka ku hagayaa kuna hanuuninayaa jidka toosan.

Hanuunka waafajinta:

إِنَّكَ لَا تَهْدِي مَنْ أَحْبَبْتَ وَلَـٰكِنَّ اللَّـهَ يَهْدِي مَن يَشَاءُ ۚ وَهُوَ أَعْلَمُ بِالْمُهْتَدِينَ ﴿٥٦﴾

”Adigu (nabiyow) ma hanuuninaysid cidii aad jeceshahay balse Ilaahay ayaa hanuuniya ciduu doono, isagaana og cida hanuunaysa”[43]

Aayadan sharafta lehna waxay nabiga iyo dadka kaleba u cadaysay inaanay lahayn awooda hanuunka loo yaqaano waafajinta qalbiga xitaa hadii dadka qaar aynu la jeclaano hanuunka.

Labadaas qaybood ayaa hanuunka culumadu u qaybiyaan, waxaana si wayn usii cadaynaya labada qaybood ee hanuunka aayadan sharafta leh oo Ilaahay kaga warramayo reer Thamuud oo ilaahay hanuuniyay balse hanuunkii ka doorta indho la’aan!

وَأَمَّا ثَمُودُ فَهَدَيْنَاهُمْ فَاسْتَحَبُّوا الْعَمَىٰ عَلَى الْهُدَىٰ فَأَخَذَتْهُمْ صَاعِقَةُ الْعَذَابِ الْهُونِ بِمَا كَانُوا يَكْسِبُونَ ﴿١٧﴾

”Reer thamuudse waan hanuuninay waxayna ka jeclaadeen indho la’aan hanuunkii waxaana qabatay danabkii cadaabkii dulleeyay wixii ay kasbadeen darteed”[44]

Ilaahay wuxuu yiri: reer thamuud waan hanuuninay, hadii la hanuuniyay sidee ku gaaloobeen? Jawaabtu waxa weeye; hanuunku waa kii hagida iyo far ugu fiiqida jidka toosan balse markii la hagay ayay ka weecdeen jidkii xaqa ahaa.

Aayadan sharafta leh ayaa si toosa u cadaynaysa in hanuunku u qaybsamo labadaas qaybood. Dadka aan u qaybinin hanuunka labadan qaybood sidoo kale doonista Ilaahayna u qaybinin labadii qaybood ee aan hore kusoo sheegnay, waxay ka lumaan jidka xaqa ah iyo dariiqii ay mareen nabiga iyo saxaabadiisu.

Tusaalooyin cadaynaya dadkii ka baadiyoobay Qadarka:

Dadka ehelka bidcada sida Muctasilada, Qadariyiinta waxay diideen inuu Ilaahay hadda kahor qoray maqaadiirta, waxa ku kallifay arrintaasna ay tahay inay is moodsiiyeen in hadii ay qiraan inuu Ilaahay hadda kahor qoray maqaadiirta in macnaheedu tahay; Ilaahay dulmi ayuu ku kacay! Sida xaqiiqada ahna meesha dulmi iyo xaq darro kuma jirto ee ayaga unbaa is moodsiiyay.

Bal qisooyinkan aad ugu fiirso, dhibaatada ay leedahay in la dafiro doonista Ilaahay, qoraalka Ilaahay qoray maqaadiirta iyo cilmiga Ilaahayba.

Qisada 1aad;

Nin reer baadiye ahaa ayaa uyimid wadaad Muctasiliya oo diidan qadarka Ilaahay, wuxuuna ku yiri: Sheekhow, iigu ducee in Ilaahay iisoo celiyo dameerkaygii oo lumay. Wadaadkii ayaa yiri: ”Ilaahow, maad rabin inuu dameerkiisu ka lumo ee usoo celi” Ninkii reer baadiyaha ahaa ayaa yiri: ”uma baahni ducadaa, sababtoo ah waxaan ka cabsanayaa inuu doono inuu iisoo celiyo dameerka balse uu awoodi kari waayo soo celintiisa!”

Subxaana Allah, Mushkiladu xagay ka timid? Wadaadkan Muctasiliga ah ma rumaysna in Ilaahay doonistiisa ku doono khayrka iyo sharkaba, sidoo kale ma fahansana in doonista Ilaahay u qaybsanto laba qaybood, wuxuu ka dhigay hal mid kaliya sidaa darteed ayuu yiri: Ilaahow usoo celi dameerkiisii, adigu maad rabin in la xado dameerkiisiiyee!

Sida saxda ahna waxa weeyey Ilaahay doonistiisa sharciyeed ma rabin in la xado dameerka, balse doonistiisa qadarka wuu ku rabay. Markuu soo celinayana doonistiisa qadarka ayuu kusoo celinayaa. Waxaana cajiiba sida ninka reer baadiyaha ah ula yaabay caqligiisa, ee ugu jawaabay su’aal qofkii caqli leh wax ku qaadanayo.

Qisada 2aad:

Waxa la sheegaa nin Majuusiya oo dabka caabuda ayaa waxa la kulmay wadaad diidan qadarka, markaasuu ku yiri ninkii majuusiga ahaa: maxaad u islaami wayday? Ninka majuusiga ahna wuu ogyahay in ninkani qadari yahay (dadka dafira qadarka), wuxuuna yiri: ”Ilaahay ma rabo inuu i hanuuniyo? Ninkii qadariga ahaa ayaa yiri: wuu rabaa, balse shaydaankaaga ayaan rabin! Ninkii Majuusiga ahaa ayaa yiri: anigu hadba ka xoog wayn ayaan la jiraa!!!

Xasbuna Allahu wa nicma al-wakiil, bal daawo ninkaas qadarka diidan isagoo is leh Ilaahay dulmi ayaad u nisbaynaysaa hadaad qirto qadarka wuxuu ku dhacay gaalnimo isagoo diiday tiir kamida tiirarka iimaanka, isagoo dafiray doonista Ilaahay ee xoogan ee uu khayr iyo shar labadaba ku doonay.

Caqiidada saxda ah waa caqiidada muslimiinta ehlu sunnah ee masdarkoodu yahay kitaabka Ilaahay ee Quraanka, sunnada saxiixa ah ee nabiga iyo fahanka suuban ee saxaabada iyo culumadii ka danbaysay.

Caqiidadaas macaan waxay ku taagantahay daliil iyo xujo cad iyo muxuu dhahay Ilaahay ama muxuu yiri rasuulkii Ilaahay ama maxay culumadu isku waafaqeen oo ku kulmeen, Ilaahay hanugu dilo hana nagu soo saaro caqiidadaas wanaagsan ee Ilaahay u sugaysa wuxuu naftiisa ku sifeeyay ama nabi Muxamed (ﷺ) ku sifeeyay.

Tiirka 4aad: (Ilaahbaa wax kasta abuuray)

Tiirka afaraad ee Qadarku waa in la rumeeyo in Ilaahay abuuray dhamaan waxa koonkan saaran, majiro cid aan Ilaahay ahayn oo abuurtay koonkan ama wax kamida unkuntay ama sawirtay ama bar bilowday.

Ilaahay wuxuu yiri:

Ilaahbaa abuuray wax kasta:

قُلِ اللَّـهُ خَالِقُ كُلِّ شَيْءٍ وَهُوَ الْوَاحِدُ الْقَهَّارُ ﴿١٦﴾

”Waxaad dhahdaa Ilaahbaa abuuray shay kasta waana Ilaaha kalida ah ee awooda leh”[45]

Ilaahbaa abuuray ayaga iyo waxay caabudayaanba:

قَالَ أَتَعْبُدُونَ مَا تَنْحِتُونَ ﴿٩٥﴾ وَاللَّـهُ خَلَقَكُمْ وَمَا تَعْمَلُونَ ﴿٩٦﴾

”Wuxuu yiri ma waxaad caabudaysaan wixii aad qorteen (sanamyo) (95) Ilaahbaa idin abuuray iyo waxaad qabanaysaanba”[46]

Iskusoo wada duuboo, qadarku waa inaad rumayso in Ilaahay cilmi leeyahay, uuna qoray wax kamida cilmigiisa, uuna doonay inay sidaa u dhacdo, uuna abuuray makhluuq kasta. Qofkii afartaa tiir rumaysan ayunbaa rumeeyay qadarka oo isaguna kamida lixda tiir ee iimaanka.

Dadka diida qadarka:

Rasuulkii Ilaahay wuxuu yir, isagoo ka hadlaya dadka qadarka diidi doona:

عَنْ ابْنِ عُمَرَ رضِي الله عنْهُما عَنْ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ : ( الْقَدَرِيَّةُ مَجُوسُ هَذِهِ الْأُمَّةِ ، إِنْ مَرِضُوا فَلَا تَعُودُوهُمْ وَإِنْ مَاتُوا فَلَا تَشْهَدُوهُمْ )

Ibnu Cumar Ilaahay haka raali ahaado isaga iyo aabihiibee waxa laga wariyay inuu kasoo wariyay nabiga (ﷺ) inuu yiri: ”Qadariyiintu waa majuusiinta ummadan, haday bukoodaan ha booqanina haday dhintaana ha ka qaybgalina”[47]

Sidoo kale xadiiskii dheeraa ee saxiixu Muslimka ku yaalay waxa Ibnu Cumar ku dhaartay in qofka diida qadarka inaan laga aqbalayn buur dahaba xitaa haduu sadaqeeyo.

قال فإذا لقيت أولئك فأخبرهم أني بريء منهم وأنهم برآء مني والذي يحلف به عبد الله بن عمر لو أن لأحدهم مثل أحد ذهبا فأنفقه ما قبل الله منه حتى يؤمن بالقدر ثم قال حدثني أبي عمر بن الخطاب قال بينما نحن عند رسول الله صلى الله عليه وسلم ذات يوم إذ طلع علينا رجل شديد بياض الثياب شديد سواد الشعر لا يرى عليه أثر السفر ولا يعرفه منا أحد حتى جلس إلى النبي صلى الله عليه وسلم فأسند ركبتيه إلى ركبتيه ووضع كفيه على فخذيه وقال يا محمد أخبرني عن الإسلام فقال رسول الله صلى الله عليه وسلم الإسلام أن تشهد أن لا إله إلا الله وأن محمدا رسول الله صلى الله عليه وسلم وتقيم الصلاة وتؤتي الزكاة وتصوم رمضان وتحج البيت إن استطعت إليه سبيلا قال صدقت قال فعجبنا له يسأله ويصدقه قال فأخبرني عن الإيمان قال أن تؤمن بالله وملائكته وكتبه ورسله واليوم الآخر وتؤمن بالقدر خيره وشره…

Wuxuu yiri (Ibnu Cumar) hadaad la kulanto kuwaas (diidan qadarka) u sheeg inaan bari ka ahay iyo inay bari iga yihiin, ka uu ku dhaaranayo Cabdilaahi binu Cumar (oo ah Ilaahay), hadii midkood haysto buurta Uxud oo dahaba oo uu bixiyo ma aqbalayo Ilaahay illamaa ay rumeeyaan qadarka, markaasuu yiri: aabahay ayaa ii warramay Cumar binu Khadaab: Anagoo fadhina maalin rasuulka Ilaahay (ﷺ) agtiisa, ayaa waxa nagusoo baxay nin dharkiisu aad u cadyihiin, timihiisuna aad u madowyihiin, oo aan laga arkaynin raadkii safarka oo qof naga mid ahna aanu garanaynin, illamaa uu fadhiistay xagii nabigii Ilaahay (ﷺ) (hortiisa), jilbihiisana wuxuu ku tiiriyey jilbiha (nabiga), gacmihiisana wuxuu saaray bawdadiisa, wuxuuna yiri: Muxamedow iiga warran islaamka? Wuxuu yiri rasuulkii Ilaahay (ﷺ): “islaamku waa inaad qirto in Ilaah xaq lagu caabudo aanu jirin Allah mooyee iyo in Muxamed yahay rasuulkii Ilaahay, iyo inaad oogto (tukato) salaada, zakadana aad bixiso, ramadaankana aad soomto iyo inaad soo gudato xajka hadii aad awoodo” wuxuu yiri (ninkii): runbaad sheegtay, waanan la yaabnay isaga, oo wuu waydiinayaa waanu rumaynayaa! Wuxuu yiri: iiga warran iimaanka? Wuxuu yiri: waa inaad rumayso Ilaahay, malaa’iktiisa, kutubtiisa, rusushiisa, maalinta Aakhiro iyo qadarka kiisa khayrka leh iyo kiisa sharka ahba”[48]

Gabogabo:

Qadarku waa sirta Ilaahay mana noo haboona inaan iska dhex galno wax aanaan aqoon u lahayn, waxa ruuxa muslimka ah laga rabaa inuu aamino in Ilaahay xikmad badane yahay, cilmi leeyahay, awood leeyahay, doonis leeyahay, caadilna uu yahay, wax walbana abuuray oo uuna qoray oo uu qadaray.

Balse hadii caqiidaadu daciif tahay waxaad halis ugu jirtaa inaad baadiyowdo sidii ay quruumo badan ugu lumeen arrinta Qadarka.

Dadka ka baadiyoobay qadarka waxa ugu waawayn laba fikradood oo kala ah: fikrada diidaysa inuu Ilaahay hadda kahor wax qoray, cilmiga Ilaahayna duraysa iyo fikrada dadka u diidaysa inay doorasho leeyihiin.

Dhamaan afkaarta dunida maanta taala labadaas fikradood ayunbay ku biyo shubanayaan, kuwa leh qadar majiro oo xorbaanu nahay, waxaanu doono ayaan samaynaynaa, sidaan doono ayaan u noolaan iyo fikrad kasoo horjeeda oo dhahaysa; anagu xayawaano ayaanu nahay oo doorasho malihin ee sida xoolaha aanu unoolaan.

Labada fikradoodba ujeedadoodu waa hal kaliya, waana in la diido xisaabta Qayaamada, takaaliifta iyo waxyaalaha Ilaahay waajibiyay in lala yimaado ama laga fogaado.

Insaanku doorasho ma leeyahay mise wuu qasbanyahay?

Qolo waxay tidhi; wax kasta doorasho ayaan uleenahay, kuwa kalena waxay dhaheen: doorasho malihini ee waan qasbanahay. Sida saxda ahna waxa weeye; Insaanku waxna doorasho ayuu u leeyahay, waxna wuu ku qasbanyahay.

Ilaahay wuxuu yiri:

لِمَن شَاءَ مِنكُمْ أَن يَسْتَقِيمَ ﴿٢٨﴾ وَمَا تَشَاءُونَ إِلَّا أَن يَشَاءَ اللَّـهُ رَبُّ الْعَالَمِينَ ﴿٢٩﴾

“Kiinii doonaa ha toosnaado (28) mana doonaysaan ilaa uu Ilaahay doono oo ah rabbiga caalamiinta (29)[49]

Aayada hore waxa Ilaahay cadeeyay in insaanku doorasho leeyahay, halka aayada danbana ay soo hoos galisay doorashada Ilaahay.

Sdiaas darteed insaanku doorashu ayuu leeyahay taasoo hoos timaada doorashada Ilaahay subxaanahu wa tacaala.

Labadan aayadood ee sharafta leh ayaa ka jawaabaya waxa gaaladu ay ka jawaabi kari waayeen tan iyo intii aduunyadu bilaabantay.

Wallahu Aclam.

Waxa Qoray: Sheekh Abdulaziz Mohamed Oogle


Xigasho ama faahfaahin dheeriya akhriso kitaabkan:

القضاء والقدر في ضوء الكتاب والسنة ومذاهب الناس فيه/ عبد الرحمن بن صالح المحمود

 

[1] Suuratu Al-baqarah: 177

[2] Suuratu Al-baqarah: 285

[3] Suuratu Al-Furqaan: 2

[4] Suuratu Qamar: 49

[5] Saxiixu Muslim: 8

[6] Suuratu Al-ancaam: 59

[7] Suuraru Luqmaan: 34

[8] Suuratu Al-xashri: 22

[9] Suuratu Dalaaq: 12

[10] Suuratu Al-baqarah: 30

[11] Suuratu Al-baqarah: 33

[12] Suuratu Al-mulki: 13

[13] Suuratu Daaha: 7

[14] Saxiix Bukhaari: 6251

[15] Suuratu Al-ancaam: 38

[16] Suuratu Al-anfaal: 68

[17] Suuratu Al-Xajj: 70

[18] Suuratu An-namli: 75

[19] Saxiix Muslim: 4926

[20] Sunanka Abudaawuud: 4700, waxa saxiixiyaya Albaani (saxiixa Tirmadi)

[21] Suuratu Arracdi: 39

[22] Suuratu Alburuuj: 21,22

[23] Saxiix Bukhaari: 6221

[24] Suuratu Dukhaan: 2,3

[25] Suuratu Arraxmaan: 29

[26] Sunan Tirmadi: 2139

[27] Saxiix Bukhaari: 2067

[28] Suuratu Arracdi: 39

[29] Suuratu Acraaf: 34

[30] Suuratu An-naxli: 93

[31] Suuratu Huud: 33

[32] Suuratu al-acraaf: 89

[33] Suuratu Al-kahfi: 69

[34] Suurau Al-kahfi: 23,24

[35] Suuratu Aala Cimraan: 26

[36] Suuratu Aala Cimraan: 6

[37] Suuratu Al-ancaam: 125

[38] Saxiix Muslim: 2654

[39] Suuratu Al-ancaam: 125

[40] Suuratu Al-baqarah: 185

[41] Suuratu An-nisaa: 26,27

[42] Suuratu Shuuraa: 52,53

[43] Suuratu Qasas: 56

[44] Suuratu Fussilat: 17

[45] Suuratu Arracd: 16

[46] Suuratu Saaffaat: 95,96

[47] Sunanka Abudaawuud: 4691

[48] Saxiix Muslim: 8

[49] Suuratu Takwiir: 28,29