Khariidad si lama filaana looga helay dalka Turkiga ayaa cadaynaysa in Juquraafiistayaashii Muslimiintu ay heleen qaarada Maraykanka. 9kii bishii Oktober ee sanadkii 1929 kii ayaa qasriga Topkapı Sarayı ee magaalada Istanbul laga helay khariidad uu sawiray badmaaxihii iyo juquraafaystihii Cusmaaniga ahaa ee Ahmed Muhiddin Piri oo ku magac dheeraa Rayis Piri.

Ahmed wuxuu noolaa qarnigii 15 aad iyo 16aad ee miilaadiga, wuxuuna ahaa hogaamiye ka tirsan ciidanka badda ee dawladii Cusmaaniyada. Ahmed wuxuu ku dhashay magaalada Gallipoli ee galbeedka magaalada Istanbul. Ahmed waxa soo barbaariyey adeerkii Kamaal Rayis oo ahaa badmaaxe u shaqeeya dawladii Cusmaaniyada.

Suldaankii dawladii Cusmaaniyada ee Baayaziidkii 2aad oo ahaa wiilkii Maxamed Alfaatix ayaa u yeedhay Kamaal iyo ciidan badeed uu hogaaminayo, waxaana loo xil saaray inuu badbaadiyo muslimiintii reer Andalus gaar ahaan magaalada Malaga. Kamaal markuu tagay wuxuu la kulmay magaaladii oo la qabsaday, wuxuuna gacanta saliibiyiinta ka badbaadiyey dad badan oo muslimiina.

Ahmed markii adeerkii dhintay wuxuu la wareegay xilkii adeerkii, wuxuuna sawiray khariidad aduunku ka yaabay. Ahmed Piri wuxuu sheegay in sanadkii 1465 kii la helay qaarada Maraykanka, ku dhowaad 27 sanadood kahor intaanu Christopher Columbus helin qaarada Maraykanka.

Sanadku markuu ahaa 1956 kii ayaa shir lagu qabtay jaamicada Georgetown ee Maraykanka, shirkaas oo lagaga hadlayay khariidii Ahmed Piri, waxayna juquraafistayaashii ka qaybgalay isku raaceen in khariidada Piri ay tahay arrin cajiiba oo layaabkeeda leh.

Dabcan khariidadan waxay cadaynaysaa in muslimiintu ahaayeen dadkii ugu horreeyey ee sawiray qaarada Maraykanka, taasoo gabi ahaanba meesha ka saaraysa mid kamida waxyaalaha ugu waawayn ee reer galbeedku ku faanaan.

Khariidadii Caalamka 1513kii ee uu sawiray Ahmed Piri

Khariidadu waxay muujinaysaa xeebaha galbeed ee qaarada Afrika iyo xeebaha bariyeed ee waqooyiga Maraykanka.

Kahriidadii Caalamka 1528kii ee uu sawiray Ahmed Piri

Khariidadii asalka ahayd waxay taala qasriga Topkapı Sarayı ee magaalada Istanbul, inta badana looma furo dadwaynaha. Turkiduna waxay khariidadan ku sawireen lacagta Liirada, gaar ahaana 10 ka liiro ee Turkiga.