Tusmo

Qaabkii loo helay Ceelka Zamzamka kadib markii la waayay

Sida aynu wada ogsoonahay ceelka Zamzamka waxa qoday Malaku Jibriil Ilaahay nabadgalyo korkiisa ha yeelee, kadib markii Haajara iyo wiilkeedii Ismaaciil lagaga tagay meel aan biyo iyo baadba lahayn.

Nabi Ismaaciil (Cs) markuu waynaaday isaga ayaa gacanta ku hayey xukunka magaalada Makkah, isagaana ka masuul ahaa ceelka Zamzamka iyo baytka Ilaahay ee xurmaysan. Markuu geeriyooday Nabi Ismaaciil (Cs) waxa xilkii uga danbeeyey laba wiil oo uu dhalay oo lakala dhaho; Naabit iyo Qaydaar. Kadibna waxa xilkii ku wareegay awoowgood hooyo oo la dhaho Madhaadh ibnu Camru, odaygani markuu dhintayna waxa taladii magaalada Makkah la wareegay caruurtiisii, waxayna ahaayee qabiilka Jurhum oo kasoo haajiray dhulka Yaman.

Qabiilka Jurhumiyiinta ayaa magaalada Makkah ka talinayey sanado aad u badan kadibna waxa la dagaalamay qabiilka reer Khusaaca oo ka saaray magaalada Makkah. Qabiilka Jurhum markay ka baxayeen magaalada Makkah waxay aaseen ceelkii Zamzamka, manay helin qabiilkii reer Khusaaca. Sanado badan kadib waxa taladii magaalada Makkah la wareegay Qusayy ibnu Kilaab oo kamida awoowyada uu nabi Muxamed (scw) ku abtirsado, ninkaas ayaa qabiilkii reer Qureesheed dawlad u aasaasay, sidaasbayna reer Qureesheed markii ugu horraysay ay ku hanatay xukunka magaalada Makkah.

Lagasoo bilaabo tan iyo markii la aasay ceelka Zamzamka waxa xujaajta timaadka baytka Ilaahay loo soo dhaamin jiray biyo, dadkii biyahaas diyaarin jirayna waxa kamid ahaa Haashim ibnu Cabdi Manaaf oo ah awoowga labaad ee Rasuulka (scw).

Haddaba ayadoo xaaladu sidaas tahay ayaa Cabdumudallib oo nabiga awoowgiis ahaa uu habeen seexday masaajidka xaramka, wuxuuna ku riyooday cid ku leh: waxaad qodaa Daybah! Wuxuu yiri: waa maxay Daybah? waxba looma sheegin habeenkaas, sidaasbaanu ku waabariistay. Habeenkii xigtay ayaa lagu dhahay: waxaad qodaa Barrah! wuxuu yiri: waa maxay Barrah? Habeenkii sadexaad ayuu seexday, waxana lagu yiri: waxaad qodaa Madnuun! wuxuu yiri: madnuun waa maxay.? Habeenkii afaraad ayaa lagu dhahay: waxaad qodaa Zamzam! wuxuu yiri: Zamzam waa maxay? waxa lagu yiri: waxaad waraabinaysaa xujaajta, waxayna ku taala meesha u dhaxaysa dhiig iyo uuska ee u dhow meesha tukaha baalka cad uu qodayo ee u dhow magaalada qudhaanjada.

Habeenkaas ayuu ogaaday in loo sheegay calaamadihii uu ku garan lahaa ceelka Zamzamka. Subaxii ayuu arkay magaaladii qudhaanjada, hadana wuxuu arkay tukihii baalka cadaa oo qodaya, hadana wuxuu arkay dhiig iyo uus, markaasuu soo qaatay sabaradii wuxuuna qoday dhulkii, waxa la qodayey wiilkiisa kalida ahaa xilligaas ee Xaarith binu Cabdumudallib. Siduu u qodayey ayuu arkay daboolkii ceelkii Zamzamka, markaasuu takbiirtay, kadibna reer Qureesheed ayaa ogaatay inuu helay ceelkii Zamzamka, waxayna dhaheen: shuraako ayaanu kugula nahay ceelka, maadaama aabahayo Ismaaciil uu lahaa.

Cabdumudallib wuu diiday, wuxuuna yiri: anigaa la igu gaaryeelay, kadibna waxay isku afgarteen inay u tagaan naag fooxiso ahayd ama faaliso oo kasoo jeeday qabiilka Bani Sacad binu Hudayim si ay ukala saarto labada dhinac. Gabadhan sixiroolada ahayd waxay daganayd dhulka Shaam, waxaana u dhaxeeya dhul saxare ah oo biyo la aani ay ka jirto. Si kastaba ha ahaatee way baxeen Cabdulmudallib iyo niman matalaya dhamaan jilbaha ay Qureesh ka koobnayd.  Nimankii siday u soconayeen waxa ka dhamaaday biyihii, waxayna joogaan meel eeri go’ana oo aan biyo iyo baad toona lahayn.

Cadbumudallib ayaa ku taliyey in ninkasta uu qoto xabaashiisa, kadibna uu dul fadhiisto ayagoo sugaya geerida, dabadeedna hadba ka dhinta ayaa lagu tuurayaa xabaasha. Sidiibay yeeleen, oo nin walba xabaashiisii ayuu qoday, wayna dul fadhiisteen.

Mudo markii ay fadhiyeen ayuu Cabdumudallib yiri: Ilaahbaan ku dhaartee, waa wahsigii dhabta ahaa, waar aynu dhaqaaq samayno. Kadibna hashiisii ayuu fuulay, mise meeshii hashiisu ka dhaqaaqday waxa kasoo booday il biyo macaana, markaasuu Cabdumudallib cabay, weelkana ka dhaansaday, sidoo kale reer Qureesheedna way cabeen, wayna ka dhaansadeen.

Nimankii la socday Cabdumudallib ayaa yiri: Cabdumudallibow, kuguma haysano ceelka Zamzam, sababtoo ah, Ilaaha kaa waraabiyey dhulkan saxaraha ayaa ku siiyey ceelka Zamzamkana, kadibna waysoo guryo noqdeen.

Biyaha Zamzamka iyo Fadligooda:

Biyaha Zamzamku waa biyo barakaysan siduu tilmaamay rasuulkii Ilaahay (scw)

 ” إنها مباركة إنها طعام طعم ”  رواه مسلم 4/1922 زاد الطيالسي 61 في رواية له : ” وشفاء سقم ” .

“Waa biyo barakaysan, waana cuntada cuntadeeda” waxa soo wariyey Muslim: 4/1922. Dayaaliisii wuxuu ku daray, riwaayada 61aad: “waa daaweeyaha cudurada”

Qaabka loo cabo biyaha Zamzka:

  1. inaad u jeesato dhanka Qiblada.
  2. inaad bisinka qabsato.
  3. inaad u neefsato sadex jeer.
  4. inaad ka dharagto biyaha.
  5. inaad la fadhiisato cabitaankeeda.
  6. inaad Alxamdulilaah dhahdo markaad dhamaysato.