Tusmo

Qaabka Waxyigu ugusoo dagi jiray Nabiga (scw)

Waxa jiray qaabab kala duwan oo waxyigu ugu iman jiray Rasuulkii Ilaahay (scw) waxayna kala yihiin:

In si toosa Ilaahay ugu waxyooda xijaab sokodii.

Nabiga (scw) markii sare loo qaaday habeenkii Laylatul Israa’I wa Al-micraaj waxa Rabbi ugu waxyooday si toosa ayadoo lagusoo waajibiyay isaga iyo umadiisaba shanta salaadood ee faralka ah.

In Qalbigiisa lagu ilhaamiyo oo malagu ugu waxyoodo

Rasuulka Ilaahay waxa lagu ilhaamiyo ama la waafajiyo waa waxyi xaga Ilaahay ka yimid, waxa rasuulka lagasooo wariyay inuu yiri:

“إِنَّ رُوحَ القُدُسِ نَفَثَ في رُوعي أَنّه لَنْ تَمُوتَ نَفْسٌ حَتَّى تَسْتكْمِلَ رِزْقَهَا فَاتَّقُوا اللهَ وَأَجْمِلُوا في الطَّلَبِ وَلاَ يَحْمِلَنّكُمُ اسْتِبْطَاءُ الرِّزْقِ عَلَى أَن تَطْلُبُوهُ بِمَعْصِيَةِ اللهِ فَإِنَّ مَا عِنْدَ اللهِ لاَ يُنَالُ إِلاَّ بِطَاعَتِهِ”

“Ruuxda barakaysan (Jibriil) ayaa qalbigayga kusoo tuuray in nafna aanay dhimanayn ilaa ay ka dhamaysato risqigeeda, ee Ilaahay ka cabsada oo hagaajiya dalabka, oo yaanay idiin horsedin dib udhaca arsaaqadu inaad ku dalbataan macsida Ilaahay, maxaayeelay waxa Ilaahay agtiisa ahaaday laguma helo daacadiisa mooyee”[1]

In Riyo loogu waxyoodo

 

عن عائشة أم المؤمنين رضي الله عنها قالت : ” أَوَّلُ مَا بُدِئَ بِهِ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ مِنْ الْوَحْيِ الرُّؤْيَا الصَّالِحَةُ فِي النَّوْمِ فَكَانَ لا يَرَى رُؤْيَا إِلا جَاءَتْ مِثْلَ فَلَقِ الصُّبْحِ . رواه البخاري .

Caasha hooyadii mu’miniinta waxa laga wariyay Ilaahay raali haka ahaadee inay tidhi: “Wixii ugu horeeyay ee rasuulka Ilaahay (scw) lagu bilaabay waxyiga waa riyada wanaagsan ee habeenkii, manuu arki jirin riyo haduu arkaba waxay u iman jirtay sida waaga dillaaciisa”[2]

In malaku ugu yimaado qaabkii Ilaahay u abuuray

Nabiga (scw) wuxuu arkay malaku Jibriil laba jeer oo uu ku arkay suuradii uu Ilaahay ku abuuray, labaadee jeerna waxa lagu sheegay Quraanka:

عن مسروق أنه سأل عائشة رضي الله عنها عن قوله تعالى ( وَلَقَدْ رَآهُ بِالْأُفُقِ الْمُبِينِ ) التكوير/ 23 وقوله ( وَلَقَدْ رَآهُ نَزْلَةً أُخْرَى ) النجم/ 13 ، 14 : فَقَالَتْ : أَنَا أَوَّلُ هَذِهِ الْأُمَّةِ سَأَلَ عَنْ ذَلِكَ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فَقَالَ ( إِنَّمَا هُوَ جِبْرِيلُ لَمْ أَرَهُ عَلَى صُورَتِهِ الَّتِي خُلِقَ عَلَيْهَا غَيْرَ هَاتَيْنِ الْمَرَّتَيْنِ رَأَيْتُهُ مُنْهَبِطًا مِنْ السَّمَاءِ سَادًّا عِظَمُ خَلْقِهِ مَا بَيْنَ السَّمَاءِ إِلَى الْأَرْضِ ) . رواه مسلم ( 177 )

Masruuqa waxa laga wariyay inuu waydiiyay Caasha (Rc) aayadan (wuxuuna ku arkay jihadi cadayd) iyo (wuu arkay mar kale) waxayna tidhi: aniga ayaa ugu horeeyay umadan oo waydiiyay ariintaas rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuuna yiri: “kaasi waa Jibriil, manaan ku arkin suuradiisa Ilaahay uu ku abuuray labadaa jeer mooyee, waxaan arkay isagoo kasoo dagaya samada daboolay oo abuurkiisu waynyahay joogana samada iyo dhulka dhexdiisa”[3]

In malaku ugu yimaado suurada nin bani aadam ah

Marar badan ayaa malaku Jibriil -Ilaahay nabadgalyo korkiisa ha yeelee- uu nabiga ugu yimid isagoo wata suurad nin bani aadam ah. Sida xadiiska caanka ah ee Jibriil waydiinayay nabiga Islaamnimada, iimaanka, ixsaanka iyo saacada Qayaame.

In malaku ugu yimaado sida bir la garaacayo oo kale

عن عائشة رضي الله عنها : أن الحارث بن هشام رضي الله عنه سأل النبي صلى الله عليه وسلم فقال : يَا رَسُولَ اللَّهِ كَيْفَ يَأْتِيكَ الْوَحْيُ ؟ فقال رسول الله صلى الله عليه وسلم : ( أَحْيَانًا يَأْتِينِي مِثْلَ صَلْصَلَةِ الْجَرَسِ وَهُوَ أَشَدُّهُ عَلَيَّ فَيُفْصَمُ عَنِّي وَقَدْ وَعَيْتُ عَنْهُ مَا قَالَ ) . رواه البخاري ( 2 ) ومسلم ( 2333 )

Caasha Ilaahay haka raali ahaadee waxa laga wariyay: in Xaaris binu Hishaam (RC) uu nabiga (scw) uu waydiiyay: rasuulkii Ilaahayow, sidee waxyigu kuugu yimaadaa? Wuxuu yiri Rasuulkii Ilaahay (Scw): mararka qaarkood wuxuu iigu yimaadaa sida bir la garaacay oo kale waana ka iigu daran wuuna iga go’aa (waxyigu) anigoo fahmay wuxuu i dhahay”[4]

Dhibaatooyinka nabigu uu kala kulmi jiray soo dagista waxyiga

Nabiga (scw) wuxuu soo dagista waxyiga kala kulmi jiray dhibaatooyin dhawr ah:

Nabigu wuu dhididi jiray ayadoo maalintu ay aad u qabowdahay

قَالَتْ عَائِشَةُ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهَا : ” وَلَقَدْ رَأَيْتُهُ يَنْزِلُ عَلَيْهِ الْوَحْيُ فِي الْيَوْمِ الشَّدِيدِ الْبَرْدِ فَيَفْصِمُ عَنْهُ وَإِنَّ جَبِينَهُ لَيَتَفَصَّدُ عَرَقًا ” . رواه البخاري ( 2 )

Caasha waxay tidhi: ”waan arkay isagoo waxyigu kusoo dagayo maalin ay darantahay qabowgeedu oo uu ka go’ayo ayadoo dhafoorkiisa uu ka soconayo dhidid”[5]

Miisaankiia oo cuslaan jiray

Marka waxyigu kusoo dagayo Rasuulka (scw) waxa cuslaan jiray miisaankiisa ilaa hasha uu saaranyahay ay qoorteeda ku dhufato dhulka.

عَنْ عَائِشَةَ أَنَّهَا قَالَتْ : ” إِنْ كَانَ لَيُوحَى إِلَى رَسُولِ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ وَهُوَ عَلَى رَاحِلَتِهِ فَتَضْرِبُ بِجِرَانِهَا ” . رواه أحمد ( 41 / 362 ) وصححه المحققون

Caasha waxay tidhi: ”waa loo waxyoon jiray rasuulkii Ilaahay (scw) isagoo saaran hashiisa markaasay ku dhufan jirtay qoorteeda (dhulka)”[6]

Sidoo kale saxaabiga Sayid binu Thaabir waxa laga wariyay in bawdadiisu jabi gaadhay markii waxyiga lagusoo dajiyay nabiga (scw)

عن زَيْدَ بْنَ ثَابِتٍ قال : ” … فَأَنْزَلَ اللَّهُ تَبَارَكَ وَتَعَالَى عَلَى رَسُولِهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ وَفَخِذُهُ عَلَى فَخِذِي فَثَقُلَتْ عَلَيَّ حَتَّى خِفْتُ أَنَّ تَرُضَّ فَخِذِي ” . رواه البخاري ( 2677 ).

Zayid binu Thaabit waxa laga wariyay inuu yiri: “Ilaaha barkada badan ee korreeya ayaa kusoo dajiyay rasuulkiisa (scw) ayadoo bawdadiisu ay ka sarrayso badwadadayda, wayna cuslaatay ilaa aan ka cabsaday in bawdadaydu inay jabto”[7]

Xumada ayaa qaban jirtay nabiga (Scw)

Waxa Caasha laga wariyay in waxyigu ku adkaa rasuulka (Scw):

عن عائشة فَأَخَذَهُ مَا كَانَ يَأْخُذُهُ مِنَ الْبُرَحَاءِ عِنْدَ الْوَحْيِ

Caasha waxa laga wariyay: ”Waxa qabtay wixii qaban jiray (rasuulka) oo xumad ah marka loo waxyoonayo”[8]

Waxa is badali jiray wajigiisa

عَنْ عُبَادَةَ بْنِ الصَّامِتِ قَالَ : ” كَانَ نبي اللَّهِ صلى الله عليه وسلم إِذَا أُنْزِلَ عَلَيْهِ الوحي كُرِبَ لِذَلِكَ وَتَرَبَّدَ وَجْهُهُ ” . رواه مسلم ( 2334 ) .

Cubaada binu Saamit waxa laga wariyay inuu yiri: “Nabiga Ilaahay (Scw) wuxuu ahaa marka korkiisa lagusoo dajinayo waxyiga mid kurbo ay qabato wajigiisuna uu is badalo”

Madaxa ayuu nabigu fooraran jiray isaga iyo saxaabadiisuba

Ixtiraam ay u hayaan waxyiga soo dagaya ayaa nabiga iyo saxaabadiisuba ay fooraran jireen madaxyadooda.

عَنْ عُبَادَةَ بْنِ الصَّامِتِ قَالَ : ” كَانَ النَّبِىُّ صلى الله عليه وسلم إِذَا أُنْزِلَ عَلَيْهِ الْوَحْىُ نَكَسَ رَأْسَهُ وَنَكَسَ أَصْحَابُهُ رُءُوسَهُمْ فَلَمَّا أُتْلِىَ عَنْهُ رَفَعَ رَأْسَهُ ) . رواه مسلم ( 2335 ) .

Cubaada binu Saamit waxa laga wariyay inuu yiri: nabiga (scw) wuxuu ahaa markuu waxyigu kusoo dagayo mid foorariya madaxiisa, saxaabadiisuna waxa fooraran jireen madaxooda marka waxyigu dhamadaana madaxa ayuu sare u qaadi jiray”[9]


[1] رواه الحاكم في ” المستدرك ” ( 2 / 4 ) من حديث أبي أمامة ، وصححه الألباني في ” صحيح الجامع ” ( 2085 )

[2] Bukhaari: 2

[3] Saxiix Muslim: 177

[4] Bukhaari: 2

[5] Bukhaari: 2

[6] Munadka Imaamu Axmed (41/362)

[7] Bukhaari: 2677

[8] Saxiix Muslim: 2770

[9] Saxiix Muslim: 2335