بسم الله الرحمن الرحيم

Bismillaahi arraxmaani arraxiim.

Magaca Allah ayaan ku bilaabaynaa, Allahaas oo naxariista naxariista guud iyo naxariista  gaarka ahba.

 

Mahaddu waxay u sugnaatay Ilaahay, waan u mahad celinaynaa, isagaanan kaalmo waydiisanaynaa, isagaanan ka dalbanaynaa inuu danbiyadayada dhaafo. Waxaan ka magan galaynaa Ilaahay sharka nafahayaga iyo camaladayada kuwooda xunxun. Cidii Ilaahay hanuuninayo ma lumayo, cidiise Alle luminayo ma hanuunayo.

Waxaan qirayaa in Ilaah xaq lagu caabudo aanu jirin Allah mooyee, waana kaligii, manalaha cid la wadaagta cibaadadiisa, waxaan kale oon qirayaa in Muxammadna yahay adoonkii Ilaahay iyo Rasuulkiisii.

Intaas kadib:

Waxa walaalada iyo asxaabtuba iisoo bandhigeen inaan soo gaabiyo kitaabkaygii: (Siffatu salaat annabi mina al-takbiir ilaa al-tasliim ka annaka taraahaa), iyo in dadka loo soo dhoweeyo macnihiisa iyo ereyadiisaba.

Markaan arkay inay tahay fikrad barakaysan oo waafaqsan wixii aniga maskaxdayda ka guuxaysay mudo dheer, ayaan u qoondeeyey qayb kamid ah waqtigayga oo ku mashquulsan arrimo badan oo cilmiya.

Kadibna waxaan u degdegay inaan fuliyo, hadba inta tamartayda iyo dadaalkaygu gaadhayo. Waxaanan Ilaahay waydiisanayaa inuu ka yeelo camal Ilaahay dartiis loo qabtay iyo inuu anfaco walaalada Muslimiinta ah.

(Kitaabkan) Waxaanan ku sheegay faa’idooyin dheeraad ah oo aan ku baraarugay, oo aan jeclaystay inaan ku xuso kitaabkan aan soo gaabiyey. Waxaan kale oo aan sharraxay qaar kamid ah ereyada kusoo aroortay xadiiska iyo ducooyinkaba.

Waxaanan u yeelay cinwaano waaweyn iyo kuwo kale oo kasii farcamaya, waxaanan ku hoos qoray masalooyinka oo wata liisto lanbaraysan.

Waxaanan masalo kastaba ku cadeeyey xukunkeeda inay tahay Rukni ama Waajib, wixii aan ka aamusayna waa sunooyin. Qaar kamid ahna waxayba noqon karaan waajib balse in la gooyo arrintaas waxa diidaya khilaafka culumada.

Ruknigu (Tiir): waxa weeye shay aan marnaba laga maarmayn in laga tago, hadii laga tagana waxa ka dhalanaya inay burto shaygii uu tiirka u ahaa, sida rukuucda Salaada. Rukuucdu waa rukni qasab ah in lala yimaado, hadii laga tagana way buraysaa.

Shardi: waa sida rukniga oo kale, hase ahaatee wuxuu ka baxsanyahay wuxuu  shardiga u ahaa sida; waysada salaada (waysadu salaada way ka baxsantahay laakiin salaadu ma ansaxayso wayso la’aan).

Waajib: waa shay amarkiisu ku suganyahay Quraanka ama Sunnada, balse aan lahayn daliil sheegaya inuu rukni ama shardi yahay, lagana abaalmarinayo cidii la timaada, cidii ka tagtana lagu ciqaabayo hadii aanay cudurdaar haysanin. Waxaana waajibka lamid ah (faralka), farqiga u dhexeeyana waa wax mardanbe yimid oo aan daliil lahayn.

Sunnada: waxa weeye shay nabigu (scw) joogteeyey oo kamid ah cibaadooyinka, ama badanaa uu la iman jiray sidoo kalena aanu nabigu farin waajibnimadeeda, cidii la timaadana laga abaal marinayo, cidii ka tagtana aan lagu ciqaabayn ama aan lagu canaanayn.

Xadiiska ay dadka qaar sheegaan ee loo tiirinayo nabigu (scw) inuu dhahay: ”Ruuxii ka taga sunnadayda ma gaadhayso shafaacadaydu” waa xadiis aan asalba lahayn oo aan ka sugnayn Rasuulkii Ilaahay (scw).

Wixii aan ka sugnayn Rasuulka (scw) ma banaana in loo nisbeeyo isaga, ayadoo laga cabsanayo in laga been sheego Rasuulka (scw), wuxuuna dhahay: ”Qofkii iga sheega wax aanan dhihin ha diyaarsado booskiisa naarta”

Waxaan intaas kusii darayaa inaanan raacin madhab kamid ah madaahibta afarta ah ee la taabacsanyahay. Waxaan raacay madhabka ehelka xadiiska, kuwaasoo qaata wax kasta oo ka sugnaaday xadiisyada nabiga (scw).

Sidaas darteed ayaa madhabka ehelka xadiisku uga awood waynaa madaahibta kale, waxaana ka markhaati kacay madaahibta kale oo uu kamid yahay caalimka Abu Al-xasanaat Luknawi al-xanafi, wuxuuna dhahay:

” Oo maxaanay u ahaanaynin, ayagaaba ah kuwa si dhaba ah u dhaxlay nabiga (scw) iyo kuwa run ahaantii matalaya sharcigiisa, ilaahay hanala soo saaro lajirkooda, hana nagu dilo anagoo jecel kuna dayanayna”

Ilaahayna ha u naxariisto imaam Axmed ibnu Xanbal oo dhahay:

Diinta nabiga Muxamed waa warar (xadiisyo), maxaa uga fiican dhalintu inay soo gudbiyaan xadiisyada. Cidna haka door bidin xadiiska iyo ehelkiisaba, maxaa yeelay aragtidu waa habeen xadiiskuna waa dharaar. Waxa laga yaabaa in dhalintu ka jaahil noqoto raadka hanuunka, ayadoo Qorraxdu soo baxday oo iftiinkeedii muuqdo.

 

Muhammad Naasirud-deen Albaanee

                  Dimishiq, 26 kii Safar 1392 hijriga

Waxa Turjumay Kitaabka: Sh Abdulaziz Mohamed Oogle

 

 

Tusmo

Qiblada oo aad ujeesato.

  1. Markaad Muslimyahow u kacdo Salaada, waa inaad qaabishaa xaga Kacbada, meel kasta oo aad joogto. Ha ahaato salaad faral ah ama mid sunne ahbee, waana tiir kamid ah tiirarka salaada ee aanay ayada awgeed salaadu ansaxaynin.
  2. Qiblada oo la qaabilo waxay Meesha ka baxaysaa marka dagaal uu jiro ee la tukanayo salaada cabsida.
  • Ama qofka aan awoodi karaynin, sida ruxii bukay, ama qofka dooni saaran, ama gaadhi ama diyaarad, waa hadii uu ka cabsado qofkaasi in salaada waqtigeedii ka tagto.
  • Sidoo kale qofka tukanaya salaad sunne ah ama Witriga oo saaran gaadiid iyo wixii lamid ah. Waxa la jeclaystaa hadii ay u suurtowdo inuu qaabilo takbiirta koowaad (takbiiratu al-ixraam) dhanka Qiblada, kadibna jihadii uu doono ayuu jihaysan karaa.
  1. Waxa waajib ah in qofkasta oo kacbada arkayaa inuu u jihaysto kacbada, haduusan arkaynina waa inuu qaabilaa dhanka Kacbadu ay ka xigto.

 

Xukunka in loo tukado meel aan Kacbada ahayn waa khalad:

 

  1. Haduu u tukado meel aan Qiblada ahayn: sida inay jirto daruur ama wax lamida oo uuna dadaalo isagoo raadinaya meeshii jihadu ay ka xigtay (kadibna uu tukado) salaadiisii way u ansaxaysaa, umana baahna inuu kusoo celiyo.
  2. Hadii ay u timaado cid uu ku kalsoonyahay isagoo tukanaya ayna u sheegto meesha qibladu ay ka xigto, waa inuu u jeestaa qiblada, salaadiisuna way u jirtaa (way u ansaxaysaa).

 

Istaaga:

  1. Waxa qofka ku wajiba inuu tukado isagoo taagan, waana tiir kamid ah tiirarka salaada, waxaana laga soo reebayaa:
  • Qofka tukanaya salaada cabsida iyo marka ay jirto dagaal culus, waxa markaas ubanaan inuu tukado isagoo saaran gaadiidkiisa.
  • Ruuxa buka ee xanuusanayana way ubanaantahay inuu tukado isagoo fadhiya haduu awoodo, hadii kalena jiifka ayuu ku tukanayaa.
  • Qofka tukanaya salaada sunnada ah waxa u banaan inuu tukado isagoo saaran gaadiid ama isagoo fadhiya haduu doono, wuxuuna rukuucayaa oo sujuudayaa isagoo foorarinaya madixiisa, waana sidaas oo kale ruuxii xanuusanayey. Wuxuuna sujuudiisa ka yeelayaa mid ka hoosaysa rukuucdiisa.
  1. Umana banaana qofka fadhiga ku tukanaya inuu dhulka dhigo shay ama walax uu ku sujuudo (barkinta iwm) ee kaliya sujuudiisa ayuu ka hoosaysiinayaa rukuucdiisa, waa hadii aanu qofku awoodi karayn inuu madixiisa gaadhsiiyo dhulka.

 

Qaabka loogu tukado doonta iyo diyaarada:

 

  1. Way banaantahay in salaada faralka ah lagu tukado doonida iyo diyaaradaba.
  2. Haduu ka cabsado inuu dhaco, waxa ubanaan inuu fadhiga ku tukado.
  3. Waxa kale oo ubanaan inuu cuskado tiir ama ul markuu taaganyahay, waa hadii qofka tukanaya cimirigisu waynyahay ama uu tamaryaryahay.

 

Istaaga iyo fadhiga oo la kulmiyo:

  1. Waxa ubanaan inuu salaada habeenkii tukado isago taagan ama fadhiya xitaa hadaanu haysanin wax cudurdaaraba. Waxa kale oo ubanaan inuu kulmiyo istaaga iyo fadhigaba oo uu tukado, akhriyana Quraanka isagoo fadhiya, kadibna waxyar kahor intaanu rukuucin ayuu istaagayaa, markaasuu akhrinayaa isagoo taagan aayadihii u hadhsanaa kadibna wuu rukuucayaa oo wuu sujuudayaa, dabadeedna sidaas ayuu yeelayaa rakcada labaadna.
  2. Haduu fadhiga ku tukanayo wuxuu u fadhiisanayaa isagoo badhida dhulka dhigaya kadibna lugihiisa hoos marinaya bowdada, ama qaabkii kale ee uu raaxo ku dareemi karo.

 

Kabaha waa lagu tukan karaa:

 

  1. Waxa u banaan inuu istaago isagoo kabo la’, sidoo kale way ubanaantahay inuu ku tukado kabihiisa.
  2. Sida fadliga badanna waa inuu marna kabaha ku tukadaa, marna uu kabo la’aan uu kutukadaa, marba qaabka u fududaata (ayuu ku tukanayaa) isagoo aan isku dhibaynin. Haduu kabo la’yahay, wuxuu ku takanayaa kabo la’aantaas, haduu kabo sitana wuxuu ku tukanayaa kabihiisa, waa hadii aanay jirin arrin kale oo u diidaysa.
  3. Marka kabaha uu la baxana ma dhigayo dhankiisa midigta ee bidixdiisa ayuu dhigayaa, waa hadii aan bidixdiisa cid kale oo tukanaysaa aanay kaxigin, hadii kalena wuxuu dhigayaa labadiisa lugood dhexdooda. Amarkaas baana ka sugan nabiga (scw).

 

Salaada Minbarka:

 

  1. Qofka imaamka ah waxa u banaan inuu meel sare ku tukan karo sida minbarka, waa markuu rabo inuu dadka baro (qaabka loo tukado salaada), wuu ku istaagayaa (minbarka), markaasuu takbiiranayaa oo rukuucayaa isagoo ku taagan (minbarkii ama meeshii saraysay), kadibna dib-dib ayuu usoo guranayaa (dib ayuu usoo dhaqaaqayaa) si ay ugu suurtowdo inuu ku sujuudo xaga hoose ee minbarka, kadibna halkii ayuu ku laabanayyaa, sidaas ayuu yeelayaa rakcada labaadna.

 

Waajibnimada Sutrada salaada iyo in loo dhowaado:

 

  1. Waxa waajib ah inuu tukado ayadoo sutro kahoreyso, mana jirto wax farqiya oo u dhexeeya Masaajidka iyo meelaha kale, ha waynaado ama ha yaraado, ayadoo laga qaadanayo xadiiska nabiga (scw) oo leh: ”Ha tukanin adigoon sutro haysanin, hana u ogolaanin qofna inuu hortaada maro, haduu diidana la dagaalan, maxaa yeelay qareenkiisii ayaa ku lamaan” Qareenku waa Shaydaan.
  2. Waxaana waajiba inuu ku dhowaado sutrada, siduu faray nabigu (scw).
  3. Meesha nabigu (scw) uu ku sujuudi jiray iyo gidaarka ama darbiga waxa u dhaxeeyey meel neef lax ah mari karto, qofkii sidaas yeelaana wuu la yimid dhoowaanshihii waajibka ahaa.

Sutradu intee ayey dhulka ka sareynaysaa:

 

  1. Waxa waajiba in sutradu ka sareyso dhulka ku dhowaad hal taako ama laba taako, sida laga qaadanayo xadiiskii nabiga (scw) ee ahaa: ”haduu qofku dhigo hortiisa tusaale ahaan kurisga geela [1]oo kale ha tukado, dhibna malaha wixii hormara intaas kadib”
  2. Wuxuuna qaabilayaa sutrada si toos ah, sababtoo ah sida ka muuqata xadiiska waa in lo tukadaa xaga sutrada, hase ahaatee in sutradu kaa xigto bidix ama midig ayadoo aanay kaasoo hor jeedin, taasi waa mid aan sugnayn.
  3. Wayna banaantahay in loo tukado meesha ay kaa xigto ul ka taagan dhulka , iyo wixii lamid ah, ama geedba, ama tiirba (rukumada guryuhu ku tiirsanyihiin) iyo waxa loo tukan karaa xaga ay kaa xigto gabadha sariirteeda jiifta ayadoo maradeeda huwan (sariirta oo xigta xaga qiblada waad ujeesankartaa, xitaa hadii haweenaydaadu ku hurudo) , ama hadii neef xoolo ah kaa horeeyo sida awrka.

 

Waa xaaraan in loo tukado dhanka Xabaalaha:

 

  1. Marnaba ma banaana in loo tukado xaga xabaalaha, ha ahaato xabaalaha nabiyada iyo kuwo kalabee.

Waa xaaraan in la hormaro qofka tukanaya hortiisa xitaa ha joogo Masaajidka Xaramkee:

 

  1. Ma banaana in la hormaro qofka tukanaya ee ay ka horeyso sutradiisu, wax farqiya oo u dhexeeyana majiro masaajidka Xaramka iyo masaajidada kale, ee dhamaantood waa isku mid oo ma banaana (in la hormaro qof tukanaya isaga iyo sutradiisa dhexdooda.) waxaana u daliia xadiiskii nabiga (scw):

“Haduu ogyahay ka soconaya ruuxa tukanay hortiisa wuxuu danbi kasbanayo, wuxuu istaagi lahaa afartan, taasbaana uga khayr badnaan lahayd inuu hormaro” (waxaana looga jeedaa in la hormaro qofka tukanaya iyo Meesha uu ku sujuudayo dhexdooda)

 

Waajibnimada in qofka tukanayaa iska celiyo ruuxa hormaraya, xitaa Masaajidka Xaramka ha joogee:

 

  1. Uma banaana qofka tukanaya ee sutro ka horeyso inuu u ogolaado in cid kale hormarto, sida xadiiskii hore tilmaamay: “Ha u ogaalin in qof hortaada maro….” Iyo sidoo kale xadiiskii nabiga (scw): “Hadii midkiin tukanaya isagoo dadka sutro isaga dhigay, oo qof kale doono inuu dhex maro, ha iska celiyo, hana ka leexiyo intuu awoodo” riwaayo kalena waxay ahayd: “ha udiido laba jeer, haduu diidana hala dagaalamo, maxaayeelay waa shaydaan”

 

Hore inaad u dhaqaaqdo si aad u diido in cid kale idin dhexmarto sutradaada:

 

  1. Waxa u banaan inuu hore u dhaqaaqo hal tallaabo ama wax ka badan, si uu ugu diido (ilmo yar ama qof waalan) inay dhex maraan isaga iyo sutradiisa, si dhabarkiisa ay umaraan.

 

Waxyaalaha buriya/kharriba salaada:

  1. Muhiimada ay leedahay in sutro la iska horeysiiyo waxa kamid ah; inay ka hortagayso in qofka tukanaya salaadiisu ka burto ama ay ka kharribto, waa hadii ay cid hormarto. hase yeeshee qofkii aan sutro lahayn waa ka duwanyahay.

Salaadu way ka buraysaa hadii ay hormaraan gabadh qaangaadhay, dameer ama ey madow.

 

Niyada:

  1. Waxa ku waajiba ruuxa tukanaya inuu niyeysto salaada uu tukanayo, isagoo ka niyeysanaya qalbiga, sida salaada faralka duhurka iyo casarka ama sunooyinkood. Niyaduna waa shardi ama tiir kamid ah tiirarka salaada.

Niyada in lagaga dhawaaqo carrabka waa bidco khilaafsan sunnada, manaysan sheegin mid kamid ah imaamyada lagu daydo ee la raacsanyahay. (madaahiibta islaamka).

 

Takbiirta (in la dhaho Allahu-akbar)

  1. Kadibna wuxuu Salaadiisa ku bilaabayaa inuu dhaho: (Allahu-akbar), waana tiir kamid ah tiirarka salaada, waxaana u daliila xadiiska nabiga (scw): ”Furaha Salaadu waa is daahirinta (waysoqabka), waxayna ku xidhantaa takbiirta (Allahu-akbar), waxaana lagaga baxaa salaamo naqsiga”
  2. Salaad kastana sare uma qaadayo Takbiirta, marka laga reebo inuu isagu imaamyahay moyee.
  3. Waxaana iska banaan in mu’adinku gaadhsiin karo dadka takbiirtii imaamka, waa hadii ay jirto arrimo qasbaya; sida imaamkii oo xanuusanaya ama codkiisa oo gaaban ama dadka tukanaya oo tiro badan.
  4. Qofka la tujinayaana ma takbiiranayo illamaa uu imaamku ka dhamaynayo takbiirtiisa.

 

Sare in loo qaado Gacmaha iyo qaabka loogu qaadayo.

 

  1. Gamihiisa wuxuu sare u qaadayaa isla markuu takbiirto ama wuu ka horeysiin karaa ama wuu ka danbaysiin karaa, dhamaan qaababkaasi oo dhan way ku suganyihiin sunnada.
  2. Wuxuuna sare u qaadayaa ayadoo gacmihiisu fidsanyihiin.
  3. Wuxuu gacmihiisa la simayaa garbihiisa, mararka qaarna kor ayuu u dhaafinkaraa illamaa uu ka gaadho dhagihiisa[2]

 

Qaabka gacmaha la isu saarayo:

  1. markuu takbirto kadib, gacantiisa midig ayuu saarayaa gacantiisa bidix. Arrintaasina waa mid kamid ah sunooyinka nabiyada (Naxariis iyo nabadgalyo korkooda Alle ha yeelee). Rasuulkuna (scw) wuu faray saxaabadiisa, sidaas darted ma banaana in gacmaha la sii daayo.
  2. Wuxuuna gacanta midig (kafkeeda) saarayaa dusha sare ee kafka gacanta bidix, ama curcurka dusheeda (Meesha kafku kasoo laabmo), ama dhudhunka.
  3. Mararka qaarkoodna gacanta midig ayuu ku qabsanayaa ta bidix.[3]

 

Booska la saarayo:

  1. Wuxuu saaraya labada gacmood laabtiisa oo kaliya. Ninka iyo gabadhuna taas way ka simanyihiin.
  2. Mana banaan inuu gacantiisa midig saaro dhexdiisa (calooshiisa).

 

In lagu khushuuco salaada dhexdeeda iyo in la fiiriyo meesha aad ku sujuudayso.

 

  1. Waana inuu qofku ku khushuucaa salaadiisa, waana inuu ka fogaado wax kasta oo ka mashquulinaya salaada sida rinjiga iyo dhaldhalaalada lagu qurxiyo masaajidka.

Sidoo kale ma tukanayo hadii ay u taalo cunto uu jecelyahay inuu cuno, iyo hadii ay kaadi ama saxare hayo toona.

  1. Wuxuuna fiirinayaa markuu taaganyahay meesha uu ku sujuudayo.
  2. Mana eegayo dhankiisa midigta ama bidixdaba, maxaa yeelay jeesjeesadku waa shaydaanka oo salaadiisa wax ka xadaya.
  3. Umana banaana inuu indhihiisa sare u qaado.

 

Ducada Furfurshada Salaada:

  1. Kadibna wuxuu salaadiisa ku furfuranayaa ducoyinka ka sugan Nabiga (scw), wayna badanyihiin, waxaana ugu caansan:

 

سُبْحَانَكَ اللَّهُمَّ وَبِحَمْدِكَ وَتَبَارَكَ اسْمُكَ وَتَعالَى جَدُّكَ وَلا إِلَهَ غَيْرُكَ

Subxaanaka Allahumma, wabi xamdika, wa tabaaraka ismuka, wa tacaalaa Jadduka, wa laa’ilaaha qayruka.

”Ilaahow adigaa xumaan ka nasahan, waanan kuu mahadcelinaynaa, waxaana barako batay Magacaaga, waxaana sareysa sharaftaada iyo waynidaada, Ilaah xaq lagu caabudana majiro adiga mooyee.”

 

Waxaana haboon in la ilaaliyo ducooyinkan, maadaama ay ka suganyihiin nabiga (scw).[4]

 

Quraan Akhrinta (Qiraa’ada)

 

  1. Kadibna wuxuu iska naarayaa Shaydaanka, waana waajib, haduu ka tagana wuu danbaabayaa.
  2. Sunnaduna waxay tahay inuu mararka qaar dhaho sidan:

 

اعوذ بالله من الشيطان الرجيم من همزه ونفخه ونفثه

Acuudu billaahi mina ash-shaydaani arrajiim, min hamzihii wa nafkhihii wa nafthihii.

”Waxaan Ilaahay ka magan galayaa Shaydaanka la fogeeyey, afuufkiisa, kibirkiisa iyo gabaygiisaba.”

 

  1. Marar kalena wuxuu dhahayaa:

 

أعوذ بالله السميع العليم من الشيطان الرجيم

Acuudu billaahi assamiici alcaliimi mina ash-shaydaani arrajiim.

”Waxaan Ilaaha maqalka badan ee Cilmiga leh ka magan galayaa Shaydaanka la fogeeyey”

 

  1. Kadibna si hoose ayuu u akhrinayaa Bisinka, ha ahaato salaadaha kor loo qaado ama kuwa hoos loo dhigabee.

 

Akhrinta Faataxada:

 

  1. Kadibna wuxuu akhrinayaa Suurada Al-faatixa ayadoo dhamaystiran oo ay bisinkuna la socoto. Waana tiir kamida tiirarka Salaada, mana ansaxayso salaadu ayada la’aanteed, waxaana waajib ku ah dadka aan Carabida aqoon inay bartaan.
  2. Qofkiise aan awoodi karaynin akhrinteeda, waxa ka gudaysa inuu dhaho:

 

”SubxaanaAllah, Alxamduli Allah, Laa ilaaha ilaa Allah, Allahu akbar, laa xawla walaa quwwata illaa billaah”

 

  1. Sunnada waxa kamid ah inuu kala googooyo aayadaha, isagoo istaagaya aayadkasta madaxeeda, wuxuuna dhahayaa:

 

بِسْمِ اللَّـهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ ﴿١﴾

”Bismillahi arraxmaani arraxiim” waanu istaagayaa, kadibna wuxuu dhahayaa:

الْحَمْدُ لِلَّـهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ ﴿٢﴾

”Alxamdulilaahi Rabbil caalamaiina” hadana wuu istaagayaa, kadibna wuuxu dhahayaa:

الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ ﴿٣﴾

”Arraxmaani arraxiimi” hadana wuu istaagayaa, markaasuu dhahayaa:

مَالِكِ يَوْمِ الدِّينِ ﴿٤﴾

”Maaliki yawmi addiini” markaasuu istaagayaa.. ilaa dhamaadka laga gaadho.

 

Sidaasbayna ahayd qiraa’adii nabiga (scw), wuxuu ku dul istaagi jiray aayadaha madaxooda, iskumuu dari jirin aayadaha, ayadoo waliba macnahoodu isku xidhanyahay.

  1. Waxaana banaan in la akhriyo (مَالِكِ) ama (مَلِكِ) (Maalik) ama (Malik).

 

Akhrinta Qofka ka danbeeya iimaamka:

 

  1. Waxa waajib ku ah ruuxa ka danbeeya imaamka inuu ka daba akhriyo imaamka (Faatixada), ha ahaato salaadaha kor loo qaado iyo kuwa hoos loo dhigabee waa hadii aanu maqlaynin qiraa’da imaamka, ama waa inuu aamusaa (imaamku) wax yar markuu dhameeyo Faatixada kadib, si qofkii ka danbeeyey u akhrin karo Faatixadii.

Ayadoo aan u aragno in aamusnaantaasi aanay ku sugnayn Sunnada.[5]

 

Quraan Akhrinta ka danbaysa Faatixada:

  1. Waxaana sunne ah in la akhriyo -Faatixada kadib- suurad kale, xitaa salaadaha Janaasada, ama in la akhriyo dhawr aayadood labada rakcadood ee hore.
  2. Mararka qaarkoodna wuu dheeraynayaa qiraa’ada, marar kalena wuu gaabinayaa hadii uu yahay safar ama madaxu xanuunayo ama xanuun kale uu jiro ama ilmo yar uu oynayo.
  3. Quraan akhrintuna way kala duwantahay. Salaada subax qiraa’adeedu way ka dheertahay salaadaha kale, waxa ku xigta Duhurka, kadibna Casarka iyo Cishaha dabadeedna sida badan Maqribka.
  4. Quraan akhrinta habeenkii (salaada habeenkii) way ka dheertahay dhamaantood.
  5. Sunnadana waxa kamid ah in qiraa’aada (quraan akhrinta) la dheereeyo rakcada koowaad, wax ka badan rakcada labaad.
  6. Iyo inuu qiraa’ada ka gaabiyo labada rakcadood ee danbe wax u dhigmaya kala badhka labadii rakcadood ee hore[6]

 

Faatixada in la akhriyo Salaad kastaba:

 

  1. Waxa waajib ah in la akhriyo Faatixada rakcad kastaba.
  2. Waxaana sunnada kamid ah in mararka qaarkood labada rakcadood ee danbe lagu kordhiyo aayado kale.
  3. Umana banaana imaamka (salaada tujinay) inuu quraan akhrinta ka badiyo wixii sunnada kusoo arooray, maxaa yeelay waxay arrintaasi dhibaysaa dadka ka danbeeya oo ay ku jiraan oday waayeela ama qof xanuusanaya, ama gabadh haysta ilmo naaska nuugaya ama qof baahi kaleba leh.

 

Quraan akhrinta oo sare loo qaado ama hoos loo dhigo:

 

  1. Waxa qiraa’ada sare loo qaadayaa Salaada Subaxa, Jimcaha, labada Ciidood, salaada Roob Doonta, salaada Qorrax iyo Dayax madoobaadka, iyo labada rakcadood ee salaadaha Maqribka iyo Cishaha.

Waxaana hoos loo dhigayaa salaada Duhurka, Casarka, rakcada sadexaad ee Maqribka, iyo labada rakcdadood ee Cishaha udanbeeya.

  1. Mararka qaarkood waxa imaamka u banaan inuu maqashiiyo aayadaha salaadaha hoos loo dhigo qiraa’adeeda.
  2. Hase ahaatee salaada Witriga iyo Salaada Habeenkii hoos ayuu u dhigi karaa mararka qaarkood, marna sare ayuu u qaadi karaa, marna meel dhexaad ayuu ka dhigi karaa.

 

Tartiilka Quraanka (sifiican in loo akhriyo Quraanka)

  1. Sunnada waxa kamid ah inuu qofku quraanka u akhriyo qaab tartiil ah isagoon gaabinayn oo aan dheeraynaynina, qiraa’adiisuna ay u kala baxsantahay xaraf xaraf, wuxuuna codkiisa ku qurxinayaa Quraanka.

Sidoo kalena wuu ku luuqaynayaa Quraanka isagoo dhawraya xuduuda axkaamta ee macruufka ah (la yaqaano) eek u qeexan cilmiga Tajwiidka. Mana ugu luuqaynayo Quraanka laxanada bidcada ah iyo xeerarka heesaha ama musikadaaba.

 

Imaamka in loo sheego aayada uu garan waayo:

 

  1. Waxa loo sharciyeey qofka ka danbeeya imaamka inuu aayada u sheegi karo imaamka hadii imaamku hakad galiyo Quraankii ama uu xasuusan waayaba.

 

Rukuucda:

 

  1. Markuu qiraa’da dhameeyo wuxuu aamusayaa wax yar, qiyaas ahaan waqti uu neef qaadan karo.
  2. Kadibna gacmihiisa ayuu sare u qaadayaa, isagoo raacaya qaababkii aynu kusoo sheegnay Takbiirtii lagu xidhanaya salaaada.
  3. Waxaana waajib ah inuu Takbiirto
  4. Kadibna wuu rukuucayaa, illamaa ay ka dagayaan oo xubin walba booskiisii istaagayo, waana Rukni (Tiir kamid ah tiirarka Salaada).

Qaabka loo Rukuucayo:

 

  1. Wuxuu gacmihiisa saarayaa labadiisa jilbood (ruugaga), wuxuuna cuskanayaa jilbihiisa, wuxuuna kala bixinayaa farihiisa isagoo qabsanaya labada jilbood, waana waajib dhamaantood.
  2. Wuxuuna kala bixinayaa dhabarkiisa isagoo simaya, hadii lagu shubi lahaa biyo korkeed intay ka istaagayaan, waana waajib.
  3. Hoosna uma dhigayo madixiisa, sarena uma qaadayo, hase ahaatee wuxuu ka yeelayaa mid la siman dhabarkiisa.
  4. Wuxuuna jeeniayadiisa ka fogaynayaa labadii suxul (xusul).
  5. Wuxuuna dhahayaa Rukuucdiisa:

سبحان ربي العظيم

“Subxaana Rabbiya Al-cadiimi”

“Waxa xumaan ka nasahana Rabbigayga Wayn.” sadex jeer ama wax ka badanba.[7]

 

In la isla simo tiirarka Salaada:

  1. Waxa sunnada kamid ah in la isla simo arkaanta ama tiirarka salaada xaga dhererkooda, isagoo qofku ka yeelaya rukuucdiisa, kasoo kaca rukuucdiisa, sujuudiisa iyo fadhiga u dhexeeya labada sujuudba kuwo isla siman.
  2. Umana banaana in la akhriyo Quraanka markuu rukuucsanyahay iyo markuu sujuudaba.

 

Sare in looga soo kaco Rukuucda:

  1. Kadibna dhabarkiisa ayuu sare uga qaadayaa Rukuucda, waana Rukni (tiir kamid ah tiirarka Salaada).
  2. Markuu istaago wuxuu dhahayaa:

سمع الله لمن حمده

”Samica Allahu liman xamidah.”

”Ilaahay wuu ajiibay cidii mahadisa”. Waana waajib.

 

  1. Wuxuuna sare u qaadaya gacmihiisa qaababkii aynu soo marnay.
  2. Kadibna si xasilooni ku jirto ayuu isu taagayaa, illamaa xubin kastaba booskiisii ka istaagayo, waana rukni.
  3. Wuxuuna dhahayaa intuu taaganyahay:

ربنا ولك الحمد

”Rabbanaa walaka al-xamdu” [8]

”Rabbiyoow adigaa mahadda iska leh”

waana ku waajib ducadani ruux kasta oo tukanaya, xitaa haba ahaado ruux la tujinayee,[9] maxaa yeelay ducadu waxay kusoo aroortay markuu taaganyahay (ee uu kasoo kacay rukuucda) hase ahaatee (samica allahu liman xamida) waxay kusoo aroortay marka sare looga kacayo Rukuucda.

 

  1. Wuxuuna isla simayaa taagnidan iyo rukuucda dhererkeeda, sdii aynu hore usoo sheegnay.

Sujuuda:

  1. Kadibna wuxuu dhahayaa: ”Allahu akbar” waana waajib.
  2. Gacmihiisana sare ayuu u qaadi karaa mararka qaarkood.

Gacmaha in la iska horeysiiyo markaad sujuudayso:

  1. Kadibna gacmihiisa ayuu iska horeysiinayaa, wuxuuna dhulka dhigayaa kahor intaanu dhigin labadiisa jilbood, sidaasbaanu faray Rasuulkii Ilaahay (scw), waana sida ka sugan ficilkiisa. Waxaanu reebay in loo fadhiisto sida geelu u fadhiisto. Sababtoo ah geela ayuu ku fadhiista labadiisa jilbood ee horeeya.
  2. Waana rukni in la sujuudo, wuxuuna cuskanayaa baabacadiisa waanu kala bixinayaa.
  3. Farahana wuu isku keenayaa.
  4. Wuxuuna u jeedinaya dhanka Qiblada.
  5. Baabacadiisan wuxuu la simayaa garbihiisa.
  6. Mararka qaarkoodna dhagihiisa.
  7. Dhudhunkiisan wuxuu ka qaadayaa dhulka, waana waajib, umana fidinayo dhudhunkiisa sida eygu u fidiyo.
  8. Wuxuuna dhulka gaadhsiinayaa jabhadiisa (madixiisa) iyo sankiisaba, waana rukni.
  9. Labadiisa jilboodna dhulkuu dhigayaa.
  10. Sidoo kale faraha cagihiisa.
  11. Wuxuuna faraha lugihiisa ku foorarinayaa dhulka, waana waajib.
  12. Faraha lugihiisuna waa inuu u jeediyo xaga qiblada.
  13. Labadiisa cidhboodna waa inay isku dhagan yihiin.

In lagu xasilo Sujuuda dhexdeeda:

  1. Waxa waajib ah in lagu xasilo Sujuuda, isagoo si siman u cuskanaya dhamaan xubnaha uu ka sujuudayo, waxayna kala yihiin: Jabhada iyo sanka oo wada socda, labada baabacood, labada jilbood iyo faraha labada lugood.
  2. Ruuxii qaabkaas u sujuuda wuu ku xasilayaa sujuudiisa. In lagu xasilo sujuudana waa rukni ama tiir kamid ah tiirarka salaada.
  3. Wuxuuna dhahayaa sujuuda dhexdeeda:

سبحان ربي الاعلي

(Subxaana Rabbiya al-aclaa)

”Waxa xumaan ka nasahan Rabbigayga Korreeya” sadex jeer ama ka badanba.[10]

 

  1. Waxaana la jeclaystaa in sujuuda dhexdeeda la badiyo ducooyinka, maxaa yeelay waa la ajiibayaa.
  2. Wuxuuna sujuudiisa ka yeelayaa mid u dhow xaga dhererka rukuucdiisii, sidaynu hore usoo sheegnay.
  3. Waxaana banaan in lagu sujuudo dhulka dushiisa ama wax ka sareeya dhulka sida maro, roog, caw iwm.
  4. Mana u banaana inuu akhriyo Quraan isagoo sujuudsan.

Fadhiga labada sujuudood dhexdooda:

  1. Kadibna madixiisa ayuu sare usoo qaadayaa isagoo takbiiranayaa, waana waajib arrintaasi.
  2. Mararka qaarkoodna gacmaha ayuu sare uqaadi karaa.
  3. Kadibna wuxuu u fadhiisanayaa si dagan oo xasiloon, illamaa xubin kasta kusoo laabto meeshiisa, waana rukni.
  4. Wuxuu ku fadhiisanayaa lugtiisa bidixda, waana waajib.
  5. Wuxuuna taagayaa lugtiisa midigta. (dhulka ayuu ku qotominayaa)
  6. Wuxuuna faraheeda u jeedinayaa dhanka Qiblada.
  7. Mararka qaarkoodna wuxuu ku fadhiisan karaa labadiisa cidhbood korkooda.
  8. Wuxuuna fadhigan akhrinayaa ducadan:

 

اللهم اغفر لي، وارحمني، واجبرني، وارفعني، وعافني وارزقني

Allahumma iqfir lii, warxamnii, wajburnii, warfacnii, wa caafinii, warzuqnii.

”Ilaahow danbigayga dhaaf, iina naxariiso, iina gargaar, sare ii qaad, i cafi, ina arzaaq.”

  1. Haduu doonana wuxuu dhihi karaa:

))رب اغفر لي رب اغفر لي((

Rabi iqfirlii, rabbi iqfirlii.

”Rabbiyow danbigayga dhaaf, rabbiyow danbigayga dhaaf”

 

  1. Fadhiigsana wuu dheeranayaa dhererkiisa, si ay ugu dhowaato sujuudiisii.

Sujuuda Labaad:

  1. Kadibna wuu takbiiranayaa, waana waajib.
  2. Mararka qaarkoodna gacmihiisa sare ayuu u qaadayaa markuu takbiiranayo.
  3. Wuxuuna sujuudayaa sujuuda labaad, waana rukni.
  4. Wuxuuna la imanayaa wixii uu la yimid sujuudiisii hore.

Fadhiga Nasashada:

  1. Sujuuda labaad markuu madixiisa sare usoo qaadayo ee uu rabo inuu isu taago rakcada labaad, wuu takbiiranayaa, waana waajib.
  2. Gacmihiisana sare ayuu u qaadayaa mararka qaarkood.
  3. Waanu fadhiisanayaa kahor intaanu istaagin, isagoo lugtiisa bidix ku fadhiisanaya, illamaa xubin kastaa kusoo laabanayo meeshiisii.

Rakcada Labaad:

  1. Kadibna wuu istaagayaa isagoo dhulka ku cuskanaya labadiisa gacmood oo duuban, wuxuuna isu taagayaa rakcadi labaad, waana rukni.
  2. Wuxuuna la imanayaa wixii uu sameeyey rakcadii koowaad.
  3. Kaliya waxaanu akhrinaynin ducada furfurashada.
  4. Wuxuuna ka yeelayaa mid ka gaaban rakcadii koowaad.

Fadhiga Atixiyaadka Koowaad:

  1. Markuu ka faaruqo rakcada labaad ayuu u fadhiisanayaa Atixiyaadka, waana waajib.
  2. Wuxuuna u fadhiisanayaa siduu u fadhiistay labada sujuudood dhexdooda.
  3. Balse halkan ma banaana inuu ku fadhiisto labadiisa cidhbood korkooda.
  4. Wuxuuna baabacadiisa midig saarayaa bowdadiisa iyo ruugiisa (jilibka) midigeed. Meesha suxulkiisa midig ku dhamaadana wuxuu saarayaa bowdadiisa oo kama fogaynayo.
  5. Wuxuuna baabacdiisa bidixeed ku fidinayaa bowdadiisa iyo jilibkiisa bidixeed.
  6. Umana banaana inuu fadhiisto isagoo cuskanaya gacantiisa, gaar ahaana gacantiisa bidixda.

Dhaqdhaqaajinta Farta (Murdiso) iyo in la fiiriyo.

  1. Wuxuuna duubayaa faraha gacantiisa midig dhamaantood, wuxuuna suulkiisa saarayaa mararka qaarkood fartiisa dhexe dusheeda.
  2. Mararka qaarkoodna wuxuu kusoo wareejinayaa wareeg.
  3. Fartiisa murdisadana wuxuu ku jihaynayaa dhanka Qiblada.
  4. Wuxuuna indhihiisa ku eegayaa farta.
  5. Wuuna dhaqdhaqaajinayaa, laga bilaabo atixiyaadka bilowgiisa ilaa dhamaadkiisa.
  6. Faraha gacantiisa bidixdana waxba kuma tilmaamayo.
  7. Sidaasbaanu yeelayaa, atixiyaad kasta.

Qaabka loo akhriyo Atixiyaadka iyo ducada ka danbaysa.

  1. Atixiyaadkani waa waajib, haduu ilaawana wuxuu sujuudayaa laba sujuudood oo sahwiya.
  2. Hoosna wuu u akhrinayaa.
  3. Qaabka loo akhrinayaana waa sidan:

 

التحياة لله ، والصلواة، والطيبات، السلام على النبي، ورحمة الله وبركاته، السلام علينا وعلى عباد الله الصالحين، أشهد ان لا اله الا الله، وأشهد ان محمدا عبده ورسوله.

Attaxiyaatu li allahi wa assalawaatu, wa addayibaatu, assalaamu calaa annabiyyi,[11] wa raxmatu allahi, wa barakaatuhuu, assalaamu calaynaa, wa calaa cibaadi allahi, assaalixiina, ash-hadu an laa ilaaha ilaa allah, wa ash-hadu anna muxamadan cabdu allahi wa rasuulihii.[12]

 

  1. Kadibna wuxuu ku sallinayaa nabiga (scw), isagoo leh:

اللهم صل على محمد وعلى آل محمد كما صليت على إبراهيم وعلى آل إبراهيم إنك حميد مجيد . اللهم بارك على محمد وعلى آل محمد كما باركت على إبراهيم وعلى آل إبراهيم إنك حميد مجيد.

Allahuma salli calaa muxammadin wa calaa aali muxammadin, kamaa sallayta calaa ibraahiima wa calaa aali ibraahiima, innaka xamiidun majiid. Allahumma baarik calaa muxammadin wa calaa aali muxammad, kamaa baarakta calaa ibraahiima wa calaa aali ibraahiima, innaka xamiidun majiid.

 

  1. Hadaad rabto ayadoo lasoo gaabiyeyna, waxaad akhridaa:

اللهم صل على محمد وعلى آل محمد و بارك على محمد وعلى آل محمد كما صليت وباركت على ابراهيم وعلى آل ابرهيم انك حميد مجيد

Allahumma salli calaa muxammad wa calaa aali muxammad, wa baarik calaa muxammad wa calaa aali muxammad, kamaa sallayta wa baarakta calaa ibraahiima wa calaa aali ibraahiima, innaka xamiidun majiid.

 

  1. Kadibna wuxuu dooranayaa ducooyinka soo arooray kuwa cajab galisa, isagoo ku baryaya Ilaahay.

Rakcada sadexaad iyo ta afaraad:

  1. Kadibna wuu takbiiranayaa, waana waajib. Sunnada waxa kamid ah inuu takbiirto isagoo fadhiya.
  2. Gacmihiisana sare ayuu u qaadayaa mararka qaarkood.
  3. Kadibna rakcada sadexaad ayuu isu taagayaa, waana rukni sida rakcada ka danbaysa oo kale.
  4. Sidaas oo kale ayuu samaynayaa markuu rabo inuu u kaco rakcada afaraadna.
  5. Hase ahaatee intaanu kicin wuxuu ku fadhiisanayaa lugtiisa bidix, isagoo ku xasilaya si xubin kasta booskiisii ugu soo laabto.
  6. Kadibna wuxuu istaagayaa isagoo cuskanaya gacmihiisa, sidii uu yeelay markuu isu taagayey rakcada labaad.
  7. Kadibna wuxuu akhrinayaa rakcada sadexaad iyo ta afaraadba Faatixada, waana waajib.
  8. Wuxuuna ku darayaa aayad ama wax ka badanba mararka qaarkood.

 

 

Qunuutka (Ducada salaada dhexdeeda) marka dhib timaado, iyo booskeeda:

  1. Waxa sunnada kamida inuu qunuuto oo uga duceeyo muslimiinta dhibaatooyin kusoo habsaday.
  2. Booskeeduna waa rukuucda kadib markuu dhaho: “Rabbanaa wa laka al-xamdu”
  3. Mana jirto ducooyin u gaar ah ee wuxuu hadba ku ducaynayaa wax munaasab ku ah dhibaatada timid.
  4. Gacmihiisana sare ayuu u qaadayaa ducadan.
  5. Codkana sare ayuu u qaadayaa haduu yahay imaam.
  6. Dadka ka danbeeyana waxay dhahayaan: aaamiin
  7. Markuu ka faaruqo wuu takbiiranayaa, waanu sujuudayaa.

Qunuutka salaada witriga, booskeeda iyo qaabka loo ducaysanayo.

  1. Qunuutka salaada witriga waa la ogolyahay mararka qaarkood.
  2. Booskeeduna waa rukuucda kahor, wuuna ka duwanyahay qunuutkii dhibaatadu markay timaado.
  3. Wuxuuna ku ducaysanayaa, sidan soo socota:

 

اللهم اهدني فيمن هديت وعافني فيمن عافيت وتولني فيمن توليت وبارك لي فيما أعطيت وقني شر ما قضيت فإنك تقضي ولا يقضى عليك و إنه لا يذل من واليت ولا يعز من عاديت،  تباركت ربنا وتعاليت ولا منجا منك الا اليك

Allahumma ahdinii fiiman hadayta, wa caafinii fiiman caafayta, wa tawallanii fiiman tawallayta, wa baarik lii fiima acdayta, wa qinii sharra maa qadhayta, fa innaka taqdhii walaa yuqdhaa calayka, wa innahuu laa yadillu man waalayta, walaa yacizu man caadayta, rabbanaa wa tacaalayta, walaa

manjaa minka ilaa ilayka.

 

  1. Ducadana waxa dadka baray Rasuulkii Ilaahay (scw). Waxna laguma kordhinayo ee kaliya waxa banaan in lagu daro salliga nabiga (scw), maadaama sidaasi ay ka sugnaatay saxaabada.
  2. Kadibna wuu rukuucayaa, wuxuuna sujuudaya labadii sujuudood sidaan hore usoo sheegnay.

 

 

Atixiyaadka danbe iyo qaabka loo fadhiisanayo.

  1. Kadibna wuxuu u fadhiisanayaa atixiyaadkii danbe, labadooduna waa waajib.
  2. Wuxuuna la imanayaa wixii uu sameeyey atixiyaadkii hore.
  3. Kaliya wuxuu u fadhiisanayaa isagoo salkiisa dhulka dhigaya, labadiisa lugoodna usoo bixinaya dhankiisa midig. Lugtiisa bidixna wuxuu ka hoosaysiinayaa kubkiisa midig.
  4. Wuxuuna dhulka ku taagayaa faraha lugtiisa midig.
  5. Mararka qaarkoodna wuu seexin karaa dhulka (cagta midigta).
  6. Baabacadiisa bidixeedna wuxuu ku cuskanayaa jilibkiisa bidixda.

Waajibnimada salliga nabiga (scw) iyo in afar Ilaahay laga magan galo.

  1. Waxa waajib ku ah atixiyaadkan inuu ku salliyo nabiga (scw), noocyada la akhriyana waxaan qaar kamida ku sheegnay atixaadkii koowaad.
  2. Waxa kale oo waajib inuu Ilaahay ka magan galo afartan, isagoo leh:

 

اللهم اني أعوذ بك من عذاب جهنم، ومن عذاب القبر، ومن فتنة المحيا والممات، ومن شر فتنة المسيح الدجال.

Allahumma innii acuud bika min cadaabi jahannama, wamin cadaabil qabri, wamin fitnati almaxyaa wal mamaat, wamin sharri fitnati al-masiixi addajaal.[13]

 

”Ilaahow waxaan kaa magangalayaa cadaabka Jahannama, cadaabka qabriga, fitnada nolosha iyo geeridaba iyo sharka fitnada Masiixa Dajjaalka”

Ducooyinka Salaama naqsiga kahor:

  1. Kadibna naftiisa ayuu u duceynayaa wuxuu rabo, ducooyinka kusoo arooray kitaabka iyo sunnadaba, wayna badanyihiin oo fiicanyihiin. Hadii aanu xifdisanayna wuxuu ku ducaysanayaa wixii u fududaada oo anfacaya diintiisa iyo aduunyadiisaba.

Salaama naqsiga iyo noocyadiisa:

  1. Kadibna dhanka midig ayuu u salaamo naqsanayaa, waana rukni, illamaa laga arkayo cadaanta dhabankiisa midig.
  2. Iyo dhankiisa bidixna illamaa laga arko cadaanta dhabankiisa bidix, xitaa ha tukanayo salaad janaaso ahbee.
  3. Imaamkuna sare ayuu u qaadayaa salaamta, marka laga reebo salaada Janaasada.
  4. Waana dhawr nooc:
  • Ta koowaad: ”Assalaamu calaykum wa raxmatu allahi wa barkaatuhuu” dhanka midig, iyo ”Assalaama calaykum wa raxmatu allahi” dhanka bidix.
  • Ta labaad: sida salaamo naqsigii hore oo kale balse wuxuu ka reebayaa ereygan ”Wa barakaatuhuu
  • Ta sadexaad: ”Assalaama calaykum wa raxmatu allahi” dhanka midig. ”Assalaama calaykum” dhanka bidix.
  • Ta afaraad: wuxuu dhahayaa: ”Asalaama calaykum” oo kaliya, isagoo hore usoo jeeda, markaasuu dhanka midigta wax yar u leexinayaa.

 

 

Walaalka muslimka ahow:  kani waa wixii iiga fududaaday soo gaabinta kitaabka siffatu salaat annabi (scw) ”Qaabkii rasuulku u tukan jiray”, anigoo isku dayaya inaan kuusoo dhoweeyo si ay kuugu cadaato, ayna ugu duxdo maskaxdaada adigoo lamoodo inaad arkayso.

 

Hadaad u tukato qaabka aan kuu sifeeyey oo ah salaadii nabiga (scw), waxaan Ilaahay kaaga rajaynayaa inuu kaa aqbalayo adiga, sababtoo ah waxaad sidaa ku xaqiijisay qawlkii nabiga (scw) ee ahaa: ”U tukada sidaad ii arkaysaan inaan u tukanayo”.

 

Intaa kadib waa inaanad halmaamin inaad soo xaadiriso qalbigaaga iyo inaad ku dhex khushuucdo salaada, maxaa yeelay waa hadafka ugu wayn ee laga leeyahay inuu adoonku istaago Ilaahay hortiisa. Hadii aad xaqiijiso khushuucdaas aan kuu sifeeyey iyo ku dayashada salaadii nabiga (scw), waxaa ku sugnaanaya midhaha la rajaynayo in laga helo tukashada salaada, siduu Ilaahay tilmaamay.

 

 

إِنَّ الصَّلَاةَ تَنْهَىٰ عَنِ الْفَحْشَاءِ وَالْمُنكَرِ

”Salaadu waxay reebtaa xumaanta iyo munkarka-” [Alcankabuut:45]

 

Gabogabo:

 

Waxaan Ilaahay waydiisanaynaa inuu aqbalo salaadeena iyo dhamaan camaladeena, uuna inoogu kaydiyo abaal markeeda maalinta aan la kulmayno.

 

يَوْمَ لَا يَنفَعُ مَالٌ وَلَا بَنُونَ (88) إِلَّا مَنْ أَتَى اللَّهَ بِقَلْبٍ سَلِيمٍ (89)

”Maalinta aan xoolo iyo ubad waxna tarayn. (88) Ruux ula Yimaadda Ilaahay Qalbi Fayow Mooyee (Iimaan).(89)” [Shucraa:88,89]

Ilaahaybaana mahadda iska leh.

 

 


[1] Kursiga geela waa qori lagu tiirsado marka awrka lagu safrayo, waa sida kabada oo kale balse waxay leedahay qori lagu tiirsado marka awrka dushiisa la saaranyahay.

[2] Waxaan idhi: inuu suulkiisa taabsiiyo carjowda dhagihiisa, kumaysoo aroorin Sunnada, ee aniga xagayga waxay ka tahay waxyaalaha waswaaska keena.

[3] Hase ahaatee, dadka qaar ayaa jeclaysta in la kulmiyo  hal mar in dusha laga saaro iyo in gacanta la qabsado, taasi may soo aroorin.

[4] Cidii ubaahan inay akhrisato ducooyinka kale dib ha ugu laabto kitaabka “Siffatu Salaat” bogga (91 ilaa 95), ee ay daabacday maktabada Almacaarif magaalada Riyaadh.

[5] Waxaan idhi: waxaan daliilada ku sheegay ay adeegsadaa kuwa taageersan arrintaas, iyo waxa lagu radinayaba “Silsilada Axaadiista Daciifka ah” Lanbarka, (546, 547).

[6] Macluumaadd dheeraad ah hadaad u baahantahay dib ugu laabo (Siffatu Salaatu Annabi) bogga (102).

[7] Waxa kale oo jira ducooyin kale oo la akhriyo rukuucda, waxa kamid ah kuwo dheer, kuwo meel dhexaad ah iyo kuwo gaabanba, dib ugu laabo kitaabka (Siffatu salaat annabi scw) bogga: (132), dabcada maktabada Al-macaarif.

[8] Waxa jira ducooyin kale oo la akhriyo, waxaad ku noqotaa (Siffatu Salaat Al-nabi) bogga: (135).

[9] Loomana sharciyeynin  halkan inuu labada gacmood is dul saaro, sababtoo ah kumay soo aroorin, hadaad rabtana waxaad fiirisaa kitaabka la faahfaahiyey ee (siffatu salaat).

[10] Waxa kale oo jirta ducooyin kale ood ka akhrisan karto (Siffatu Salaatu annabi scw) bogga: 145.

[11] Qaabkan ayaa la ogolyahay kadib markuu dhintay Nabigu (scw), waana sida ka sugan Ibnu Mascuud, Caasha, Ibnu Zubayr, Ibnu Cabbaas ilaahay raali haka ahaadee, cidiise ubaahan macluumaad dheeriya haku laabato kitaabka (Siffatu Salaat annabi) bogga:161, ee ay daabacday maktabada Al-marif ee Riyaadh.

[12] Isla kitaabkaygaas waxa ku qoran qaabab kala duwan oo kale oo ayguna sugan, balse ta aan halkan ku sheegay waa ta ugu saxiixsan.

[13] Fitnatu almaxyaa waxa looga jeedaa: waa waxyaalaha lagu fitnoobo aduunyada ee shahawaatka ah. Fitnau almamaat, waxa looga jeedaa: waa fitnada qabriga iyo su’aasha labada malag. Fitnada masiix aldajjaalna, waxa weeye dajjal cawarka fitnadiisa, iyo mucjisooyinka uu wato ee uu dadka ku baadiyeysiinayo ayagoo raacaya markuu sheegto ilaahnimada.