Tusmo

Qaabka loo nidaamiyo Waqtigaaga

Waqtigu waa hantida kaliya ee aad haysato, waana cimrigaaga. Hadaba qaabka aad uga faa’idaysato, ayey guushaadu ku xidhantahay. Dadka ugu saamaynta badan Aduunka waa dadka nidaamiyey waqtigooda, samaystayna qorshayaal cadcad oo ay ku xaqiijiyaan hadafyadooda. Ma jirto dawlad, urur, koox, shirkad, jaamicad, dugsi, qoys, iyo qof aan lahayn nidaam iyo qorshe nololeed ilaa way fashilmaan.

Dadka guusha ka gaadha dhinacyada kala duwan ee nolosha sida dhaqaalaha, ganacsiga, cilmiga, siyaasada, dacwada, cibaadada, tiknaloojiyada, sayniska, xiriirka bulshada iyo horumarinta nafahoodu, waxay dhamaantood nidaamiyaan waqtigooda. Dabcan waqtigu isma badalo oo waa 24 saacadood maalin iyo habeen, hase ahaatee waxa guusha iyo guuldarrada keenaa waa hadba sida looga faa’idaysto.

Waagii hore waxa jiray qaabab dhawr ah oo dadku ku nidaamin jireen waqtigooda, hase ahaatee casrigan aynu noolnahay qaabka ugu fiican ee wax loo nidaamiyo waa inaad mudnaanta kala siiso camalada aad qabanayso, sida ay ukala muhiimsan yihiin. Qoraaga qoray kitaabka  “7 habits of highly effective people” “7 dhaqan ee ay leeyihiin dadka ugu saamaynta badan” oo magiciisa la dhaho Stephen Covey ayaa kitaabkiisa kusoo bandhigay qaabka aad ukala hormarinayso camaladaada.

Wuxuu camalada aad qabato u qaybiyey 4 nooc oo kala ah: Camal muhiima oo degdeg ah, camal muhiima oo aan degdeg ahayn, camal degdega oo aan muhiim ahayn iyo camal aan muhiim ahayn, degdegna aan ahayn.

Camalo muhiima oo degdega

Hadii aynu ku horeyno camalka muhiimka ah ee degdega ah, waxa soo hoos galaya dhamaan camalada muhiimka ee si dhakhso ah ay tahay in loo fuliyo. Sida wareysiga maamulahaagu kula yeelanayo, imtixaanka iskuulka, qof xanuusanaya oo aad cusbitaalka gayso, qof dhintay oo janaasadiisa aad ka qaybgalayso ama shil baabuur oo dhacay iwm. Sababta jadwalka loogu qorayona waxa weeye, si aad usii qorshaysato intaan dhibaatadu dhicin kahor iyo inaad yareyso is dhigashada faraha badan.

Camalada Muhiimka ah ee aan degdeg ahayn:

Camalada muhiimka ah ee aan degdega ahayn waa kuwa ugu midho dhalka badan, waana qeybta ugusii muhiimsan afarta qeybood ee camalada loo qaybiyey. Hadii aad boqolkiiba 80 wax kabadan aad waqtigaaga galiso camalada muhiimka ah ee aan degdega ahayn, waa kuwa guusha kuu keenaya ee runtii xaqiijinaya hadafkaaga iyo yoolka aad nolosha kaleedahay. Xitaa hakala duwanaato hadafyadaadu, waxay noqon karaan kuwo diiniya, kuwo dhaqaale, kuwo qoys, kuwo qaran, kuwo shakhsiyadeed.

Camalada muhiimka ah ee aan degdega ahayn waxa kamida, inaad dhamayso dugsiga sare, jaamicada, iyo koorsooyinka. Inaad soo gudato waajibaadka Xajka iyo Cumrada, inaad guursato, inaad ubad dhasho, inaad koriso caruurtaada, inaad shaqayso, inaad cibaadaysato, inaad jidhkaaga dhisto, inaad lacag samayso, inaad safarto, iwm.

Camalada Degdega ah ee aan muhiimkana ahayn:

Camalada degdeg ah ee aan muhiimkana ahayn waa kuwa adigoo hawl muhiima qabanaya kusoo dhex gala, sida telefoon kusoo wacay oo aan faa’ido kuu lahayn, kulan aan faa’ido lahayn, daawashada filim ama ciyaar aan muhiim agtaada ka ahayn, iyo dhamaan camalada hadii aad ka tagto aan dhib kuu keenayn. Waxaana muhiima in camalada noocaas ah aad iska yareyso sida fadhi ku dirirka soomaalida, oo aad ka fogaato intii awoodaada ah.

Camalada aan degdeg ahayn sidoo kalena aan muhiim ahayn:

Camaladan waa kuwo la rabo inaad gabi ahaanba ka fogaato, sababtoo ah wax faa’ido ah oo ay kugusoo celinayaanba ma jirto. Sida Facebooka ama internetka oo aad saacado badan ku raagto, tvga oo aad maantaba janal cusub geyso, telefoonka oo aad saacado badan ku sheekaysi macno darro awgeed.

 

Hadii aad camaladaada u qeybiso afartaas nooc, waxa kuu fududaanaya inaad samaysato qorshe cad oo jadwalaysan, sidoo kalena hadafkaaga iyo himiladaada si fudud ayaad ku gaadhaysaa.

Talo:

Afarta nooc ee camalada loo qeybiyey waa inaad xooga saartaa labada hore, waqtigaagana siisaa intiisa badan. Hadaad sidaa yeesho, adigaa arki noloshaada oo is badashay iyo hadafyadaadii oo aad xaqiijisay.