Jinku waa makhluuq kamida makhluuqayada Ilaahay abuuray, waana adoomo lagu kallifay inay adeecaan Ilaahay iyo rusushiisa. Sida bani Aadaamka waxay leeyihiin muslimiin, gaalo iyo kuwo faasiqiina. Kooda wanaagsan wuxuu galayaa jannada kooda xuna wuxuu galayaa cadaabta. Ilaahay wuxuu yiri:

 ( وَمَا خَلَقْتُ الْجِنَّ وَالإِنْسَ إِلا لِيَعْبُدُونِ ) الذريات/56 .

” Uma aboorin jinka iyo insigaba inay i caabudaan mooyee” Al-Daariyaat:56

Sidoo kale Ilaahay wuxuu ka warramay jinka oo leh:

( وَأَنَّا مِنَّا الصَّالِحُونَ وَمِنَّا دُونَ ذَلِكَ كُنَّا طَرَائِقَ قِدَداً ) الجـن/11 .

“Waxa naga mid ah qaar wanaagsan iyo qaar ka hooseeya waxaan nahay kooxo kala duwan” Suuratu Al-Jinn: 11

( وَأَنَّا مِنَّا الْمُسْلِمُونَ وَمِنَّا الْقَاسِطُونَ فَمَنْ أَسْلَمَ فَأُولَئِكَ تَحَرَّوْا رَشَداً * وَأَمَّا الْقَاسِطُونَ فَكَانُوا لِجَهَنَّمَ حَطَبًا ) الجن/14، 15 .

“Waxa naga mid ah qaar muslimiina iyo kuwo xadgudbaya kuwa islaamay waa kuwo ku dadaalay hanuun. kuwa xadgudbayna waxay ahaadeen jahannama xaabadeeda” Suuratu Al-Jinn: 14,15.

Waxay culumada dhamaantood isku waafaqeen inay yihiin mukalifiin la xisaabinayo maalinta Qayaamaha, qaarkood waxay ku tageen in jinka iyo insigaba yihiin isku axkaam halka qaar kale ay ku tageen inay kala duwanyihiin xaga axkaamta oo ay ku xidhantahay awoodooda iyo tamartooda.

Sheekhul Al-islaam Ibnu Taymiyah wuxuu yiri: “waxa la amray inay u raacaan usuusha iyo furuucdaba awoodooda, maxaa yeelay insaaka lama mid ah sida xaqiiqdu tahay, lama mid ah wixii la amray ama laga reebay insiga balse waa isku nooc xaga amarka iyo reebida, xalaasha iyo xaaraanta, taasna ma ogi inay muslimiintu isku khilaafeen” majmuuc Al-fataawaa: 4/233

Halkee ku noolyihiin:

Marka la eego meesha ay ku noolyihiin waxay la mid yihiin makhluuqyada kale oo nolol u gaar ah ayay leeyhiin, way is guursadaan way tarmaan, Ilaahay sw wuxuu yiri isagoo ka warramaya Ibliis:

( أَفَتَتَّخِذُونَهُ وَذُرِّيَّتَهُ أَوْلِيَاءَ مِنْ دُونِي وَهُمْ لَكُمْ عَدُو ) الكهف/50 .

” Ma waxaad ka yeelanaysaan isaga (ibliis) iyo durriyadiisa awliyo aniga sokoday isagoo idiin ah cadaw” Suuratu Al-Kahfi:50

Aayadaasi waxay cadaysay in Ibliis leeyahay durriyad ama ubad taasoo macnaheedu tahay in jinku tarmo oo ubad dhalo sida xayawaanaadka. Guryaha jinku waxay ubadanyihiin meelaha laga guuray kharaabadaha, meelaha najaasadu taalo sida suuliyada ama musqulaha iyo kudaafadaha.

Rasuulku scw wuxuu yiri:

 ( إِنَّ هَذِهِ الْحُشُوشَ مُحْتَضَرَةٌ ، فَإِذَا أَتَى أَحَدُكُمْ الْخَلاءَ فَلْيَقُلْ : أَعُوذُ بِاللَّهِ مِنْ الْخُبُثِ وَالْخَبَائِثِ ) رواه أبو داود (6)

“Suuliyadan waa la daganyahay, marka midkiin aado xaga musqusha ha dhaho: Ilaahow waxaan kaa magangalay shaydaanka labkiisa iyo dhadigiisaba” Sunan Abudawuud.

Jinku sidoo kale way dhintaan sida makhluuqyada kale balse waxa muhiima in la ogaado in caalamka jinku inaga dahsoonyahay oo qaybka kamid yahay, mana garan karno xaaladahooda wixii shareecadu inoo cadaysay mooyee.