Waxa jiray nin iyo xaas is qabay oo nolol wanaagsan kuwada noolaa, kadibna maalin ayaa nin dawarsanaya (tuugsanay) kusoo garaacay albaabka gurigooda, wuxuuna waydiistay cunto. Gabadhii ayaa guriga furtay, waxayna ninkeed ka dalbatay inuu siiyo xabad digaagada, ninkii ayaa diiday oo canaan iyo hiifid ugu daray ninkii miskiinka ahaa.

Miskiinkii waa iska laabtay, hase ahaatee aduunyadu ileen waa hadhkaas labadiisa galine! Waxa qoyskii is qabay asiibtay faqri iyo baahi badan, taaasoo ku keentay inay furaan oo kala tagaan.

Markii ay kala tageen, gabadhii waxay guursatay nin kale, ninkeedii horena wuxuu noqday miskiin guryaha dadka ku garaaca. Dabadeedna ninkii miskiinka noqday ayaa maalin maalmaha kamida guri soo garaacay, waxa ka furtay gabadh, markaasuu waydiistay cunto uu cuno.

Gabadhii guriga furtay ayaa oyday oo baruuratay, markaa ninkeedii ayaa waydiiyey maxaad la oynaysaa? Waxay tidhi: ninkaygii hore oo faqiir noqday ayaa guriga albaabkiisa taagan oo cunto ina waydiisanaya!!  Ninkii guriga lahaa ayaa ninkii miskiinka ahaa siiyey xabad digaagada, markaasuu xaaskiisii ku dhahay: “Gabadhyahay! Ma xasuusataa nin miskiina oo guriga idinku soo garaacay oo aad u diideen xabadii digaagada ahay, ninkaasi walle waa aniga!!!!  Aduunyadu waa hadhkaa labadiisa galin.

Ilaahay wuxuu Quraankiisa ku dhahay:

 وَأَمَّا السَّائِلَ فَلَا تَنْهَرْ ﴿١٠

Kan wax ku waydiistana ha hiifin (ha canaananin). [Suuratu Duxaa:10]

Ruuxa miskiinka ah ee wax ku waydiista waa inaad wax siisa hadii aad hayso, hadii kalena afkaagu haka nabad galo oo cay iyo aflagaado ha ugu darin, ee hadal wanaagsan kula hadal. Sababtoo ah waxa dhici karta inuu Ilaahay, isagana xoolo siiyo adigana faqiiq kaa yeelo.