Ayadoo muslimiintu gudanayaan waajibaadka xajka ayaa nin reer baadiye ah uu qamiiskiisii faytay kadibna wuxuu ku kaadiyay ceelka zamzamka, markii loo geeyay amiirkii Makkah, wuxuu yiri ninkii “Waxaan rabay in dadku i xasuustaan, haba igu xasuustaan lacnadbee” Hadaba dad badan ayaa sida ninkaas u raadiya inay caan noqdaan, ayagoon u aabo yeelin waxay dadka usoo gudbinayaan. Qaar dadka kamida ayaa kusoo caanbaxa qabyaalad foolxun oo dadka kala tagsiinaysa, qaarbaa si ay usoo caan baxaan isasoo qaawiya ayagoo cawradooda banaanka keena, qaarbaa culumo sheegta oo dadka u fatwoodo waxyaalo kahor imanaya shareecada diinta islaamka, sida ninkii fatwooday in sigaarka la cabi karo bisha barakaysan ee Ramadaan. Qaar dadka kamida ayaa caanimo darteed u sameeya ficilo gaalnimo cad ah, sida calmaaniyiinta, mulxidiinta, naagaysiinta, qoomu luudnimada. kulligood waxay ficilada diinta ka dhanka ah u sameeyaan dadku ha idin sheegsheegaan, hala idin hadal hayo, hala dhaho; naagtu waa aftahanad, codkar ah oo wareerisay ragii oo dhan, waxaan arkaynaa dumar maxram la’aan ku dhex jira rag ajaanib ka ah, kuwaasoo sheegta inay u doodaan xuquuqda naagaha, xaqiiqduna waa in dadku ku hadal hayo. Ugu danbayn caanimada si loo raadiyo dadku waxay aakhiradooda ku iibsadaan aduunyo dhamaanaysa, Ilaahbaan ka magan galnaye.