Markuu bilaabmayay qarnigii cusbaa ee hijriga 1400 sano kadib hijradii rasuulka scw, maalintii 1aad ee bisha 1aad ee Muxarram kuna beegnayd 20kii bisha November ee sanadkii 1979 kii waxa la qabsaday masaajidka xaramka, ayadoo koox uu hogaaminayo Jahaymaan Alcutaybi ay gacanta ku dhigeen goobta ugu khayrka badan dhulka Alle abuuray ee masaajidka xaramka.

Tusmo

Waa kuma Jahaymaan?

Jahaymaan wuxuu dhashay 16 kii bishii September ee 1936 dii, wuxuu aqoontii waxbarasho ka gaadhay fasalka afaraad ee dugsiga hoose, wuxuu askari ka tirsanaa xooga dalka Sacuudiga. Wuxuu yiri nin kamid ahaa kooxdan oo kitaab ka qoray qaabkii ay u qabsadeen masaajidka xaramka in Jahaymaan ay ku adkayd wax qorista, hase ahaatee uu ahaa nin akhlaaq ama dhaqan wanaagsan leh. Jahaymaan wuxuu ku guulaystay inuu aasaaso koox diimeed ku kacday fal argagax galiyay caalmka islaamka.

Galidii Masaajidka

Salaadii subax ee maalintii uu bilaabmayay qarniga cusub ayaa Jahaymaan iyo kooxdiisii oo lagu qiyaasay inay kor u dhaafayeen 200 oo qof ay ka dhex kaceen dadkii tukanayay. Isla markii imaamkii dhameeyay salaadii ayaa Jahaymaan iclaamiyay in seedigii oo la dhaho Maxamed binu Cabdilaahi Al-Qaxdaani inuu yahay mahadigii la sugayay ayna waajib ku tahay dadka muslimiinta inay bayco ama heshiis la galaan. Kadibna Jahaymaan ayaa baycadii koowaad la galay isagoo taagan halka u dhaxaysa dhagaxa madow iyo maqaamka nabi Ibraahiim, sidoo kale ciidankii uu watay waxay xidheen albaabadii masaajidka iyo irridadii lagasoo galayay ayagoo hubkoodii lasoo baxay ay ku qariyeen naxashka lagu qaado maydadka marka lagu tukanayo salaada janasada.

Mudo laba todobaada ayay kooxdani haysteen masaajidka xaramka, ayagoo sugaya in Ilaahay dhulka la jaro ciidamada ayaga soo weeraraya, hase ahaatee maalintii sadexaad ayaa la waayay mahdigii ay sheegayeen kadibna nin kamida kooxdan ayaa u yimid Jahaymaan oo u sheegay in Maxamed binu Cabdilaahi Al-qaxdaani la dilay oo uu dhintay. Arrintaa wuu aqbali waayay Jahaymaan, wuxuu yiri: Mahdigu ma dhimanayo jeer uu ka dhamaystiro hawshiisa, wuxuu ku xaniban yahay goob masaajikda kamida ee waan soo xoraynaynaa…

Laba todobaad kadib waxa lasoo afjaray hashii lagu badbaadinayay masaajidka Xaramka, ayadoo lasoo xidhay ragii ka danbeeyay falkan foosha xun, madaxdii kooxdan intii noolydna waxa lagu fuliyay dil toogasho ah.

Maxaa ku kallifay kooxdan inay hub u qaataan Masaajidka Xaramka?

Sida ay cadeeyeen dadkii kooxdan kamidka ahaa waxa kaliya ee ku kallifay waxay ahayd riyooyin badan oo ay arkeen in la gaadhay xilligii uusoo baxaya mahdigu, waxayna u caleemo saareen mahdiga inuu yahay ninka la dhaho Maxamed binu Cabidlaahi Al-qaxdaani, kaasoo aan bilowgii ku qanacsanayn inuu yahay mahdiga, hase ahaatee riyooyin badan ayaa kooxdu la wadaagtay sidaasna wuu ku aqbalay inuu yahay mahdigii soo baxayay aakhiru samaanka. Run ahaantii, kooxdan may ahayn koox  haysata diin ka duwan dadka kale, manay ahayn koox gaalaysay madaxda Sacuudiga iyo shacabkeedaba. Kooxdan may ahayn koox siyaasadeed ama koox dad shisheeye oo cadw ah ay garab siinayeen, kaliya arrinkoodu wuxuu ahaa inay ka quusteen xaalada xilligaa uu ku sugnaa caalmka islaamka ayadoo Yahuudu qabsadeen dhulka barakaysan ee Falasdiin, sidoo kale kacaankii reer Iiraan ee shiicada raafidadu ay qabsadeen lana wareegeen taladii dalka iiraan. Xaaladahaas oo ay quus ka taagnaayeen iyo riyooyin badan oo ay fasirteen iyo aqoon darro xaga diinta ah ayaa ku kalliftay inay go’aanka aadka u xun ay ku kacaan.