Xilligii Jaahiliga, carabtu waxay lahaayeen dhaqano iyo caadooyin aad u xun. Waxa dagaalo lagu hoobto sababi jiray neef geela oo la dilay, ama la dhaawacay. Labada qabiil ee Bakri ibnu Waa’il iyo Taqlib ibnu Waa’il, waxa ka dhex dhacay dagaal soconayey 40 sanadood, oo waxa sababayna uu ahaa neef geela.

Tusmo

Kibirkii Carabta:

Qabiilada carabtu waxay isugu faani jireen kibirka, santaagnimada iyo qooqa. Ninka la dhaho Kuleyb oo ahaa qabiilka reer Taqlib, wuxuu dhaqan u lahaa inuu geeliisa kaxeeyo, oo daajiyo meel beer ah oo roobku helay, kadibna ey uu lahaa ayuu seerta ku sii dayn jiray, meesha eygaasi ka ciyo ama ka qayliyo waxay ahayd xuduudiisa, marka dadku ay maqlaan qaylada eyga Kuleyb, umay soo dhowaan jirin, ayagoo ka cabsanaya sharkiisa.

Kuwa kale oo carabta kamid ahaa, waxay dhaqan u lahaayeen; hadii la caayo waxay dhirbaaxi jireen qofkii caayey, kii ay dhirbaaxaana way dili jireen.

Kuwa kale ayagana dhaqankoodu wuxuu ahaa, in jidka iyo wadada dadku maraan ay ku xidhaan shinbir yar, taasoo calaamad u ahayd in wadadaas cid ayaga aan ahayni soo galaynin, waa isbaaro shinbiraysan.

Reer Bakari iyo Reer Taqlib:

Labada qabiil ee reer Bakri iyo reer Taqlib waa laba qabiil oo walaalo ah, waxa dhalay odayga la dhaho Waa’il. Waxay ahaayeen dad wada dagan, oo xidid iyo xigaalba ah.

Ninka la dhaho Kuleyb oo reer Taqlib ahaa, wuxuu qabay gabadh reer Bakriya oo la dhaho Jaliila. Jaliila waxay la dhalatay niman badan oo geesiyaal ahaa, waxaana guriga la daganayd habaryarteed oo la dhaho Basuus. Islaanta Basuus la dhaho, waxa marti ahaan ugu yimid nin reer Jurmi ahaa oo magiciisa la dhaho, Sacad ibnu Shumays Al-jurumi. Ninkan Sacad wuxuu lahaa hal magaceeda la dhaho Saraab.

Hashii Saraab la dhihi jiray ayaa waxay la daaqday geel uu lahaa Jasaas oo isagana ay walaalo yihiin xaaskii Kuleyb ee Jaliila. Ninkii Kuleyb ee kibirka badnaa, ee xuduudiisu ahayd, meesha eygiisu ka ciyo, ayaa geeliisii tirsaday. Markaasuu hal aanu lahayn ku dhex arkay, kadibna intuu cadhooday ayuu dhahay: Hashan, yaa leh? sideebay kusoo gashay seerahayga!

Jasaas oo seedigii ahaa ayaa ku dhahay: Hashan waxa leh, ninka habaryartay martida u ah, ee Sacad ibnu Shumays. Kuleyb ayaa cadhooday oo dhahay: Hdii mar kale aan ku arko ayadoo geelayga la daaqaysa, waxaan hashaas jarayaa candhada. Jasaasna wuxuu yidhi: Hadaad candhada jarto, adigana candhadaan ku jarayaa!

Kuleyb ayaa usoo galay Jaliila oo xaaskiisa ahayd, markaasay madaxa u dhaqday oo u feedhay timihiisii, kadibna wuxuu waydiiyey: Jaliilooy, miyuu jiraa nin maganta u difaaca sidaydoo kale? Jaliila waxay tidhi: Haa, walaalkay Jasaas ayaa magantiisa aad u difaaca.

Kuleyb, ereygaasbuu ka cadhooday kadibna geeliisii ayuu ku dhex arkay hashii Saraab ee ninka martida ahaa uu lahaa, dabadeedna waran ayuu kaga dhuftay candhada, kolkaasbaa hashii cabaaday oo qaylisay, waxayna iskusoo tuurtay ninkii hasha lahaa. Ninkii martida ahaana wuu qayliyey, waxa qayladii maqashay habartii Basuus ee martida loo ahaa, ayadiina way barooratay.

Jasaas ayaa maqlay in habaryartii ay barooranayso, kadibna intuu cadhooday ayuu ballan ku galay inuu Kuleyb dilo. Jasaas oo faraskiisii wata, ayaa la kulmay Kuleyb, kadibna waran ayuu kaga dhuftay xundurta, sidaasbaanu Kuleyb uu ku naf baxay.

Jasaas wuu cararay, wuxuu u tagay aabihii oo la dhaho Murrah, wuxuu u sheegay inuu dhagar usoo hooyey qabiilkii reer Bakri, oo gacantiisa uu ku baxay ninkii balaayada ahaa ee Kuleyb. Odaygii Murrah ayaa naxay, wuxuu u habar wacday qabiilkiisii, wayna u yimaadeen ayagoo seefahoodii iyo warmahoodii ku jeeni qaaran.

Jasaas wuxuu diray gabadh, warka u sheegta walaalkii oo Hamaam la dhaho. Gabadhii waxay u tagtay Hamaam oo khamri la cabaya saaxiibkii oo la dhaho Muhalhal. Muhalhalna waxay walaalo ahaayeen ninkii la dilay ee Kuleyb.

Gabadhii ayaa Hamaam u yeedhay oo dhagta ugu sheegtay in walaalkii Jasaas dilay Kuleyb. Muhalhal iyo Hamaam waxay ahaayeen laba nin oo saaxiibo ahaa, waxna may kala qarsan jirin.

Markii gabadhii ay tagtay ayuu Muhalhal waydiiyey, maxay gabadhu kuu sheegtay? isna waxba kamuu qarinin ee markiiba warkii ayuu ku taabtay, wuxuuna dhahay: walaalkay Jasaas ayaa candhada gooyey, walaalkaa Kuleyb. Muhalhal oo sarkhaansan ayaa dhahay: Hamaamoow, cab khamriga, maanta waa khamri, barrina waa aargoosi!! Markuu Muhalhal sarkhaamay, ayuu Hamaam baxsaday, wuxuuna u tagay qoyskiisii.

Waagii markuu dilaacay, ayaa ninkii Muhalhal miyirkii usoo laabtay, wuxuuna ogaaday in warkii ahaa xaqiiqo jirta oo walaalkii Kuleyb la dilay, kadibna wuxuu aasay ama duugay walaalkii. Xabaashii iyo geeridii waxa ka dul barooratay Jaliila oo ahayd xaaskii Kuleyb.

Kuleyb walaashii oo cadhaysan ayaa Jaliila ku tidhi: “Anaga, waxna hanoo barooranin, miyaanad ahayn ta la dhalatay ninkii dilay walaalkay, miyaanad Jasaas walaashiis ahayn, naa bax oo reerkiinii aad” Jaliila oo maradeeda jiidanaysa, ayaa usoo gashay aabaheed Murrah, waxayna tirisay gabayo baroordiiqa oo suugaanta Carabta caan ka ah.

Muhalhal wuxuu u habarwacday qabiilkiisii, waxayna u tageen odaygii Murrah ee dhalay Jasaas. Muhalhalbaa dhahay: Afar arrimood mid kamida ayaan idinka rabnaa: kow, inaad Kuleyb noo soo noolaysaan!! Laba, inaad Jasaas oo dilay aad gacanta noo soo galisaan, aan u qisaasno Kuleybee. Sadex, inaad Hamaam oo walaalkii ah aad gacanta noo soo galisid, isaguba waa Kuleyb dhigiisee. Afar, inaad adigu isu kaayo dhiibti, aan kuu dilno Kuleybe.

Odaygii Murrah ayaa dhahay: Horta Kuleyb, masoo noolayn karno, Jasaasna wiil wax dilaybuu ahaa oo meeluu aaday ma garanayo, Hamaamna waa nin toban wiil dhalay, tobana la dhashay, tobana ay ilmo adeer yihiin oo lama gaadhay ninkaas. Aniguna oday waayeelabaan ahay, oo marka ugu horeysay ee dagaal dhaco qofka ugu hor dhimanaya ayaan ahay, oo waxba iguma falaysaan! Ee wiilashaydaa kale kaad rabtaan ka doorta, hala idiin qisaasee ama waxaan idin siinaya kun halaad oo diyo ah, ee qaata.

Muhalhal iyo qabiilkiisiibaa cadhooday, waxayna dhaheen: Ma Kuleyb ayaan dhiigiisa caano geel dhaafsanaa, ma yeelayno ee waa inoo dagaal!

Halkaas, ayuu ka bilaabmay dagaalkii Basuus ee socday 40ka sanadood, ee labadii qabiil ee walaalada ahaa, waa reer Bakri iyo reer Taqlib ay isku rogmadeen, wayna is xasuuqeen, oo dumarkii goblon ayey ka dhigeen, caruurtii agoomo iyo madi miidhan ayey ka dhigeen.

Dagaaladii ay labada qabiil isku af rogayeen ayaa Hamaam iyo Jasaasba lagu dilay. Markii Jasaas dhintay ayaa odaygii Murrah, wuxuu farriin u diray Muhalhal, isagoo leh: waar Jasaasna dishey, ee dagaalka joojiya oo nabada qaata.

Muhalhal oo maalintii walaalkii la dilay ka go’ay khamrigii iyo qamaarkii, sidoo kalena ka soomay dumarka iyo haasawahooda, ayaa ku gacan saydhay odaygii Murrah, isagoo dhahay: inta naf igu jirto ma arki karo qabiilka reer Bakri ee walaalkay dilay.

Xaaris ibnu Cabbaas oo ahaa qabiilka reer Bakri suldaankooda, oo aan isagu ka qeybgalin dagaalka, ayaa markii Jasaas dhintay, wuxuu Muhalhal u diray wiil uu dhalay oo la dhaho Bujayr, wuxuuna u dhiibay warqad. Warqadana waxa ku qornayd, Muhalhaloow, labadeena qabiil mudo dheer ayeynu dagaalamaynay, ee wiilkaygii Bujayr waa kaas, ee hadii aad rabto walaalkaa ugu aar, si nabad u timaado hadii kalena iska cafi oo nabada qaado.

Muhalhal markii uu akhriyey warqadii ayuu Bujayr madaxa gooyey, wuxuuna dhahay: Kani, kabtii Kuleybna uma dhigmo. Odaygii Xaaris ayaa maqlay falka uu ku kacay Muhalhal, markaasuu cadhooday, waxaana dib u siraadmay dagaalkii. Ugu danbayn, ninkii Muhalhal waa la qabtay, waxaana cafiyey odaygii Xaaris ibnu Cabaad.

Maalintaas Muhalhal la qabtay, waxa dagaalka labadaa beelood ee walaalaha ahaa kasoo wareegay 40 sanadood. Muhalhal, wuxuu aaday Yemen, wuxuuna dhahay: anigu ma arki karo nimankii walaalkay dilay.

Intuu Yemen joogay ayaa gabadh uu dhalay lagasoo doonay, markaasuu gabadhii inuu bixiyo ayuu diiday. Dabadeedna wuxuu dib ugusoo laabtay deegaankiisii, waxaana qabtay, ninka la dhaho Camru ibnu Maalik oo qabiilka reer Bakri ahaa, kaasbaana dilay oo biyaha ayuu u diiday, wuxuuna u dhintay Muhalhal harraad iyo oon.

Dabcan, dagaalada noocaasa waxa iminka isku laaya qabiilada soomaalida. Waxyaalaha ugu liita ee aadamuhu isku qabsado ayey laba reerood oo walaalo ah u rogmadaan, ayna isu xasuuqaan. Ayagoo dhiigooda is xalaashada, xoolahooda kala dhaca, dumarka goblan ka dhiga, caruurtana agoomo iyo rajay ka dhiga.

Dadka falalka noocaasa ku kaca, wuxuu Ilaahay ku ciqaaba cadibaad daran, waxa Alle ku sallidaa abaar xun oo xoolaha iyo baadkaba midba reebin, colaad joogta ah oo aan dhamaanaynin, ubadkoodii oo khayrkood ka hadhaya. Ilaahbaan ka magan galnay.

Casrigii Jaahiliga ayeynu ku jirnaa, Ilaahay ha inoo gargaaro, oo jahliga aqoon iyo garaad shaqeeya hanoogu badalo.