Sheekha la dhaho Cumar Cabdi Kaafi wuxuu ka sheekeeyey in isagoo akhrinaya xadiiskii nabiga (scw) ee ahaa: waad raad raacaysaan kuwii idinka horeeyey, illamaa ay ka galaan god mas cagaley (mas lugaley) oo aad ka daba gashaan.

Kadibna sheekhii wuxuu dhahay: waxa soo saaray Tirmadi.

Nin sheekha hortiisa fadhiyey ayaa dhahay: Sheekh Tirmadigaasi waa geesi.

Sheekhii wuxuu dhahay: Muxuu geesi ku noqday?

Ku lahaa mascagalaydii ayuu godka kasoo saaray.

Sheekhii wuxuu dhahay: inaalilaahi wa inaa ilayhi raajicuun. Waar sidee Tirmadi usoo saaray mascagalayda waabu indho beelaye. Wuxuu soo saaray Xadiiska.