Bismillaah, Ilaahaybaa mahadda iska leh dhamaanteed, waxaan ku sallinayaa nabigeena Muxamed (scw) inuu Ilaahay nabadgalyo iyo naxariis korkiisa yeelo, isaga, ehelkiisa, saxaabadiisa iyo dhamaan inta raacday jidkiisa.

Maalinta Beenta Aduunka ama maalinta Doqomada Aduunka, waxa loo dabaal dagaa 1da bisha April. Haddaba xagay kasoo jeedaa Maalinta Doqomada Aduunku? Waa maxayse xukunka shareecada Islaamka ee ku aadan dabaaldaga maalintaas?

Tusmo

Maalinta Beenta Aduunka, 1da April.

Maalinta beenta Aduunka, lama garanayo asal ahaan meesha ay kasoo jeedo.

Dadka qaar ayaa dhaha: sanadkii 1564 kii markii la badalay Jadwalka bilaha, ayaa dadka Faransiisku ka xaraabaysan jireen maalinta 1aad ee April cidii diida jadwalkaas.

Maalinta Beenta Aduunka waxa kale oo loo yaqaana maalinta Doqomada Aduunka, waxa lagu sheegay bogga ”Historic UK” in sanadkii 1698 dii bishii April bilowgeedii dadka loo sheegay inay yimaadaan buunadada London oo ay daawadaan dad madow oo loogu qubaynayo wabiga.

Dabcan waxa muuqata in maalinta beenta aduunka ay ku bilaabantay cunsuriyada dadka madow, taasoo laga dhiganayey wax lagu qoslo oo laga maadaysto.

Si kasta oo ay ku bilaabantay maalinta beenta aduunku waa xaaraan in la dabaal dago iyo in been loo sheego dadka adigoo ka riwaayadsanaya, ama ka raadinaya qosol xitaa hadii ay tahay kaftan ama dacaayad.

Xukunka Beenta ee Islaamka agtiisa:

Ugu horeyn: beentu waa dhaqan xumo, waxaana ka digay diinta Islaamka iyo guud ahaan diimaha kale ee aduunka ka jira. Diinta Islaamku way xarrintay beenta, waana arrin ay culumada Islaamku isku waafaqeen xaaraantinimeeda, ayadoo la daliishanayo aayadaha Quraanka Kariimka ah iyo xadiiska nabiga (scw).

Kaliya waxa la baneeyey in been la sheegi karo sadex meelood oo lagu badbaadinayo nafaha bani aadamka, hagaajinta laba is qabtay iyo jacayl la dhex dhigo lamaanaha is qaba. Meelahaas la baneeyeyna maaha xuquuq dad kale oo la xalaashanayo, manaha ah dhiig bani aadam oo la daadinayo, mana aha sharafta iyo karaamada qofka oo la durayo.

Daliilada ina tusaya xaaraantinimada Beenta:

Daliilka 1aad:

إِنَّمَا يَفْتَرِي الْكَذِبَ الَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِآيَاتِ اللَّـهِ ۖ وَأُولَـٰئِكَ هُمُ الْكَاذِبُونَ ﴿١٠٥﴾ [ النحل / 105 ] .

“Waxa been abuurta kuwa aan Ilaahay aayadihiisa rumaysnayn, kuwaasina waa beenaalayaal”

Ibnu Kathiir (AUH) wuxuu yidhi:

Markaa Ilaahay wuxuu ka warramay in rasuulkiisa (scw) aanu ahayn beenaale been abuuranaya, ee cida ka been abuurata Ilaahay iyo rasuulkiisu ay yihiin dadka kuwa ugu sharka badan ee aan rumaysnayn aayaatka Ilaahay sida gaalada iyo mulxidiinta lagu yaqaano beenta dadka agtooda.

Rasuulka Muxamed (scw) wuxuu ahaa dadka ka ugu run sheegnimada badan, ka ugu baarisan, ee lagu yaqaanay run sheegnimada qoomkiisa dhexdiisa, ee aanu cid ayaga kamida aanu ka shakisnayn, waxayna ugu yeedhi jireen Muxamedkii aamin ka ahaa, sidaas darteed ayaa Hiraqal (boqorkii Roomaanka) Abusufyaan u waydiiyey suaalhii ku saabsanaa sifooyinka rasuulkii Ilaahay (Scw), waxaana kamid ahaa wixii uu ku yidhi: “Hadda kahor miyaad ku tuhmi jirteen been intaanu sheeganin waxa uu sheegtay? wuxuu yidhi: maya. Hiraqal wuxuu yidhi: Dadka beentooda iskamuu daynin oo kamuu been abuuranin Ilaahay (swt)”[1]

Daliilka 2aad:

عن أبي هريرة عن النبي صلى الله عليه وسلم قال : آية المنافق ثلاث إذا حدث كذب وإذا وعد أخلف وإذا اؤتمن خان . رواه البخاري ( 33 ) و مسلم ( 59 ) .

Abuhurayra waxa laga wariyey inuu kasoo wariyey nabiga (scw) inuu yidhi: ”Astaanta munaafiqu waa sadex, markuu sheekeeyo been ayuu sheegaa, markuu ballan galana wuu buriya, marka la aaminana wuu khiyaameeyaa”[2]

Sidaas darteed beentu waa calaamadu munaafiqnimo ku tusiya, haduu qofku la yimaadana wuxuu shabahayaa munaafiqiinta uurka gaalada ka ah ee afkana ka islaama, nacuudu billaah.

Beenaha ugu daran waxa kamida:

  1. Beenta lagaga been abuurto Ilaahay iyo rasuulkiisa Muxamed (scw):

وَلَا تَقُولُوا لِمَا تَصِفُ أَلْسِنَتُكُمُ الْكَذِبَ هَٰذَا حَلَالٌ وَهَٰذَا حَرَامٌ لِّتَفْتَرُوا عَلَى اللَّهِ الْكَذِبَ ۚ إِنَّ الَّذِينَ يَفْتَرُونَ عَلَى اللَّهِ الْكَذِبَ لَا يُفْلِحُونَ (116)

“Ha ku dhihina waxa carrabkiinu sifeynayo kaasi waa xalaal kaasina waa xaaraan si aad uga been abuurataan Ilaahay been, kuwa Ilaahay ka been abuuranayaa ma liibaanaan”[3]

Waxa nabiga laga wariyey (scw):

عن علي رضي الله عنه قال : قال النبي صلى الله عليه وسلم :   لا تكذبوا عليَّ ؛ فإنه من كذب علي فليلج النار . رواه البخاري ( 106 )

Cali (Rc) waxa laga wariyey inuu yidhi: Nabiga (scw) wuxuu dhahay: ”Ha iga been abuuranina, maxaa yeelay kuwa iga been abuurta waxay galayaan naarta”[4]

Waxa kale oo lagasoo wariyey Rasuulka (scw) inuu dhahay:

عن أبي هريرة عن النبي صلى الله عليه وسلم قال : من كذب عليَّ فليتبوأ مقعده من النار  .رواه البخاري ( 110 ) ومسلم ( 3 )

Abuhurayra waxa laga wariyey inuu kasoo wariyey nabiga (scw) inuu dhahay: ”Cidii iga been abuurata ha diyaarsado booskiisa naarta” [5]

  1. Beenta laga sheego Ganacsiga iyo Baayacmushtarka:

عن أبي ذر عن النبي صلى الله عليه وسلم قال : ثلاثة لا يكلمهم الله يوم القيامة ، ولا ينظر إليهم ، ولا يزكيهم ، ولهم عذاب أليم ، قال : فقرأها رسول الله صلى الله عليه وسلم ثلاث مرار ، قال أبو ذر : خابوا وخسروا من هم يا رسول الله ؟ قال : المسبل ، والمنَّان ، والمنفق سلعته بالحلف الكاذب .

Abidarr waxa laga wariyey inuu kasoo wariyey nabiga (scw) inuu dhahay: ”Sadex lama hadlayo Ilaahay maalinta Qayaame, mana eegayo, mana daahirinayo, waxayna mudanayaan cadaab daran. Wuxuu yidhi: sadex jeer ayuu rasuulkii Ilaahay akhriyey, Abudarr wuxuu yidhi: way halaageeen oo khasaareeen, maxay ahaayeen kuwaasi Rasuulkii Ilaahayo? Wuxuu yidhi: Ka surwaalka jiida (kibir awgeed), ka mano sheegashada badan (wixii uu bixiyo dadka ugu mano sheegta) iyo ka wuxuun iibinayey been ugu dhaarta (ganacsigiisa wuxuu ku socodsiiya dhaar beena).[6]

Sidoo kale waxa rasuulka (scw) laga wariyey:

عن حكيم بن حزام رضي الله عنه قال : قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : البيِّعان بالخيار ما لم يتفرقا – أو قال : حتى يتفرقا – فإن صدقا وبيَّنا بورك لهما في بيعهما ، وإن كتما وكذبا محقت بركة بيعهما .

Xakiim ibnu Xizaam waxa laga wariyey (Rc) inuu yidhi: Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: ”Labada wax kala iibsanaya doorasho ayey leeyihiin intaanay kala tagin, ama wuxuu yidhi: illaa ay ka kala tagayaan, hadii ay run sheegaan oo ay cadeeyaan waa loo barakeeyaa wixii ay kala iibsadeen, hadii ay qariyaan oo ay been sheegaan waxa laga tirtirayaa barakada wixii ay kala iibsadeen”[7]

 

  • Riyada oo laga been abuurto. Waa qofka oo sheegta inuu riyo ku riyoodo isagoo been abuuranaya, kadibna dadka ugasii sheekeeya.

عن ابن عباس عن النبي صلى الله عليه وسلم قال : من تحلَّم بحلم لم يره كلِّف أن يعقد بين شعيرتين ولن يفعل ، ومن استمع إلى حديث قوم وهم له كارهون – أو يفرون منه – صُب في أذنه الآنُك يوم القيامة ، ومن صوَّر صورة عذب وكلف أن ينفخ فيها وليس بنافخ . رواه البخاري ( 6635 )

Ibnu Cabbaas waxa laga wariyey inuu kasoo wariyey nabiga (scw) inuu dhahay: “Cidii iska dhigta inuu ku riyooday riyo aanu arkin, waxa lagu kallifaa (mashaqeeyaa) inuu isku xidho laba tin, mana samaynayo. Cidii dhagaysata warka qoom karaahiyeysanaya- ama ay isaga kala ordayaan- waxa lagu shubaa dhagtiisa Aanuk (bir madow) maalinta Qayaame. Cidii sawirta sawir waa la cadaabaa, waxaana lagu kallifaa inuu ku afuufo (ruuxda) mana ku afuufayo”[8]

  • In wax kasta ood maqasho inaad ka sheekayso:

عن حفص بن عاصم قال : قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : كفى بالمرء كذباً أن يحدِّث بكل ما سمع . رواه مسلم ( 5 ) .

Xafs binu Caasim waxa laga wariyey inuu yidhi: Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: “Qofka waxa been ugu filan inuu ka sheekeeyo wax kasta oo uu maqlay”[9]

  • Kaftanka beenta ah: Dadka qaar ayaa u maleeya in kaftanka beenta ah banaanyahay, oo dhexdooda isku dacaayadeeya been iyo hadalo aan asal iyo raad toona lahayn.

عن ابن عمر قال : قال صلى الله عليه وسلم : إني لأمزح ولا أقول إلا حقّاً .

Ibnu Cumar wuxuu yidhi: Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: “Anigu waan kaftamaa mana dhaho waxaan xaq ahayn”[10]

عن عبد الرحمن بن أبي ليلى قال : حدثنا أصحاب رسول الله صلى الله عليه وسلم أنهم كانوا يسيرون مع رسول الله صلى الله عليه وسلم في مسير فنام رجل منهم فانطلق بعضهم إلى نبل معه فأخذها فلما استيقظ الرجل فزع فضحك القوم فقال ما يضحككم فقالوا لا إلا أنا أخذنا نبل هذا ففزع فقال رسول الله صلى الله عليه وسلم لا يحل لمسلم أن يروع مسلماً . رواه أبو داود ( 5004 ) وأحمد – واللفظ له – ( 22555 ) . والحديث : صححه الشيخ الألباني في ” صحيح الجامع ” ( 7658 )

Cabdiraxmaan ibnu Abi Layla wuxuu yidhi: Asxaabtii rasuulkii Ilaahay (scw) ayagoo la socda rasuulka Ilaahay (scw) safar, ayaa waxa seexday nin kamida, kadibna qaar kamida ayaa qaatay leebabkiisii (falaadh), markii uu soo kacay ninkii ayuu argagaxay, kadibna waxa qoslay qoomkii, markaasuu dhahay (Rasuulku): Maxaa idinka qoslinaya? Waxay dhaheen: kaliya waxaan qaadanay leebabkii kan markaasuu argagaxay, markaasuu yidhi rasuulkii Ilaahay (scw): “Ma banaana in muslim argagax galiyo muslim kale”

  • Ilmaha yar oo been loo sheego, sida inaad tidhaahdo waxaan ku siinayaa telefoon kadibna aad siinwaydo.

عن أبي هريرة رضي الله عنه قال : قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : من قال لصبي تعال هاك ثم لم يعطه فهي كذبة . رواه أبو داود ( 4991 ) . والحديث : حسنه الشيخ الألباني في ” صحيح الجامع ” ( 1319 )

Abihurayra waxa laga wariyey inuu dhahay: Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: “Cidii ku tidhaahda ilmo kaalay oo qaado kadibna aan siinin waa been”

  • Beenta la sheego si dadka looga qosliyo:

عن معاوية بن حيدة قال : سمعت النبي صلى الله عليه وسلم يقول : ويل للذي يحدث بالحديث ليضحك به القوم فيكذب ، ويل له ، ويل له . رواه الترمذي ( 235 ) وقال : هذا حديث حسن ، وأبو داود ( 4990 ) .

Mucaawiya ibnu Xayida waxa laga wariyey inuu dhahay: waxaan maqlay nabiga (scw) oo leh: “Halaag ayaa u sugan kan ka sheekaynaya sheeko si ay dadku ugu qoslaan, hoogbaa u sugan oo hoog ayaa usugan”

Masiirka beenta iyo cidhib xumadeeda:

  • Beentu waa faajirnimo, faajirnimadana naarbaa lagu galaa.

عن عبد الله بن مسعود قال : قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : إن الصدق بر، وإن البر يهدي إلى الجنة ، وإن العبد ليتحرى الصدق حتى يكتب عند الله صدِّيقا ، وإن الكذب فجور ، وإن الفجور يهدي إلى النار ، وإن العبد ليتحرى الكذب حتى يكتب كذاباً . رواه البخاري ( 5743 ) ومسلم ( 2607 ) .

Cabdilaahi ibnu Mascuud waxa laga wariyey inuu yidhi: Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: Run sheegnimadu waa baarinimo, baarinimaduna waxay ku hanuunisaa Jannada, adoonkuna ma baaro runta (kuma dadaalo) hadiiba uu ku dadaalo waxa Ilaahay agtiisa loo qoraa inuu yahay run badane, beentuna waa faajirnimo, faajirnimaduna waxay ku hanuunisa naarta, adoonkuna ma baaro beenta (kuma dadaalo) hadiiba uu ku dadaalo waxa Ilaahay agtiisa loo qoraa beenaale” [11]

  • Lama aqbalayo markhaatigiisa:

Beenaalaha lama aqbalo markhaatigiisa iyo warka uu soo tabiyo toona, sababtoo carrabka beenta sheegayaa wuxuu u dhigmaa sida qof indho la’ oo sheegtay inuu arkay bishii ramadaan oo dhalatay. Ka indhaha la’ lama aqbalo haduu dhaho waxaan arkay bishii, sidaasoo kale ayaan beenaalahana warkiisa loo aqbalayn

  • Wajiyada beenaalayaasha oo madoobaanaya:

Ilaahay wuxuu yidhi:

ويوم القيامة ترى الذين كذبوا على الله وجوههم مسودة [ الزمر / 60 ] .

“Maalinta Qayaame waxaad arkaysaa kuwii ka been abuuranayey Ilaahay oo wajiyadoodu madowdahahy”[12]

  • Cadaabka qabriga oo uu mudanayo beenaaluhu:

وَأَمَّا الرَّجُلُ الَّذِي أَتَيْتَ عَلَيْهِ يُشَرْشَرُ شِدْقُهُ إِلَى قَفَاهُ وَمَنْخِرُهُ إِلَى قَفَاهُ وَعَيْنُهُ إِلَى قَفَاهُ فَإِنَّهُ الرَّجُلُ يَغْدُو مِنْ بَيْتِهِ فَيَكْذِبُ الْكَذْبَةَ تَبْلُغُ الْآفَاقَ ..

“Ninkii aad kor tagtay ee la jeexjeexayey dhabankiisa illaa qaadaadka, sankiisa illaa qadaadka iyo ishiisa illaa qadaadka, waa ninka ka kallaha gurigiisa ee sheega been gaadhaysa aduunka oo dhan…”[13]

Beenta banana:

Waxa jira dhawr beenood oo banaan:

وعن أسماء بنت يزيد قالت : قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : لا يحل الكذب إلا في ثلاث : يحدث الرجل امرأته ليرضيها ، والكذب في الحرب ، والكذب ليصلح بين الناس . رواه الترمذي ( 1939 ) . والحديث : حسنه الشيخ الألباني في ” صحيح الجامع ” ( 7723 ) .

Asma bintu Yaziid waxa laga wariyey inay tidhi: Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: “Beentu ma banaana sadex mooyee, ninka oo haweenaydiisa u sheekeeya si uu uraali galiyo, beenta dagaalka iyo beenta lagu heshiisiinayo dadka.”

Dabcan gabadhana way ubanaantahay inay been u sheegi karto ninkeeda si ay u raali galiso. Hase ahaatee, beentaasi waa inaanay ahayn mid lagu xalaashanayo shay xaaraana, lagu xadgudbayo xuquuqda dadka kale sida xoolahooda, sharaftooda iyo maalkoodaba.

Wallahu aclam.

Waxa Diyaariyey: Sheekh Abadulaziz Mohamed Oogle

Xigasho:

Islamqa.ifo

 


[1] ” تفسر ابن كثير ” ( 2 / 588 ) .

[2] Bukhaari iyo Muslim

[3] Suuratu Naxli: 116

[4] Bukhaari: 106

[5] Bukhaari iyo Muslim

[6] Muslim: 106

[7] Bukhaari: 1973 iyo Muslim 532

[8] Bukhaari: 6635

[9] Muslim: 5

[10] رواه الطبراني في ” المعجم الكبير ” ( 12 / 391 )

[11] Bukhaari iyo Muslim

[12] Suuratu Zumur: 60

[13] Bukhaari: 5745