Tusmo

Ma rabtaa in khasnada Jannada taala aad hesho?

Hadii aad rabto waxaad tidhaahdaa:  ”Laa xawla walaa quwwata ilaa billaah”. Waxaana u daliila fadligaas xadiiskan:

قال صلى الله عيه وسلم:” يا عبد الله بن قيس ألا أدلك على كنز من كنوز الجنة ؟” فقلت:بلى يا رسول الله ، قال :” قل لا حول ولا قوة إلا بالله[1]

Rasuulkii Ilaahay wuxuu yidhi: ” Cabdilaahi ibnu Qaysoow, makuu tilmaamaa khasnad kamida khasnadaha jannada? Waxaan dhahay: Haa, Rasuulkii Ilaahayow. Wuxuu yidhi: ”Waxaad tidhaahdaa: ”Laa xawla walaa quwwata ilaa billaah”

Ma rabtaa in geed timireed Jannada lagaaga beero?

Hadii aad rabto in Jannada geed timireed lagaaga beero, waxaad tidhaahdaa: “SubxaanaAllah al-cadiimi wa bixamdihii” Waxaana u daliila xadiiskan:

عن جابر رضي الله عنه أن النبي صلى الله عليه وسلم قال” :مَنْ قَالَ : سُبْحَانَ اللهِ العَظِيمِ وَبِحَمْدِهِ ، غُرِسَتْ لَهُ نَخْلَةٌ فِي الجَنَّةِ رواه الترمذي (3464) وقال : هذا حديث حسن صحيح غريب

Jaabir, Ilaahay raali haka ahaadee waxa laga wariyey in nabigu (scw) dhahay: ”Ruuxii dhaha: SubxaanaAllah al-cadiimi wa bixamdihii, waxa Jannada looga beeraa geed timireed”[2]

Ma rabtaa in danbiyadaada la dhaafo xitaa xunbada baada hala mid noqdaane?

Hadii aad rabto danbiyadaada oo lamid noqday sida xunbada badda, fara badnaantooda awgood, waxa laguugu dhaafaya ereyadan kooban oo aad ku celcliso boqol jeer maalintii. Waxaad tidhaahdaa: ”SubxaanaAllah wa bixamdihii” Waxaana u daliila:

قال صلى الله عيه وسلم: من قال سبحان الله وبحمده في يوم مائة مرة حطت خطاياه ولو كانت مثل زبد البحر

Wuxuu dhahay Rasuulku (scw): ”Cidii tidhaahda, subxaanaAllah wa bixamdihii, maalintii boqol jeer, waxa laga tirtirayaa danbiyadiisa, xitaa hala mid noqdaan xunbada baddee” [3]

Ma rabtaa in hamigaaga Ilaahay kaaga filnaado?

Hadii aad rabto in hamigaaga aduunyo iyo aakhiraba, Ilaahay kaa kaafiyo waxaad ku celcelisaa todoba jeer ” Xasbiya Allahu laa’ilaaha ilaa huwa calayhi tawakkaltu wahuwa rabbul carshi al-cadiim” waxaana u daliila xadiiskan:

عن أبي الدرداء رضي الله عنه أن من قالإذا أصبح وإذا أمسى: حسبي الله لا إله إلا هو عليه توكلت وهو رب العرش العظيم سبع مرات كفاه الله ما أهمه، صادقاً كان أوكاذباً. رواه أبو داود.

Abi dardaa, ilaahay raali haka ahaadee waxa laga wariyey inuu dhahay: qofkii dhaha: markuu waabariisto iyo markuu galabaystaba: xasbiya Allahu, laa’ilaaha ilaa Allahu, calayhi tawakkaltu wahuwa rabbu al-carshi al-cadiimi, todoba jeer, waxa Ilaahay kaga filnaada wuxuu ku haminayey, run ha ahaado ama beenbee”[4]

Ma rabtaa in 4 qof oo adoomo ah inaad Ilaahay wajigiisa u xoreyso:

Hadii aad rabto inaad xoreyso afar qof oo adoomo ah, oo Ilaahayna (swt) kuu qoro ajirkooda, waxaad akhridaa ducadan toban jeer: ”Laa’ilaaha ilaa Allahu waxdahu laa shariika lahuu, lahu al-mulku, walahu al-xamdu, wahuwa calaa kulli shay’in qadiirun” Waxaana u daliila xadiiskan:

عن أَبِي أَيُّوبَ الْأَنْصَارِيِّ عَنْ رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قال : ( مَنْ قَالَ : لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ وَحْدَهُ لَا شَرِيكَ لَهُ، لَهُ الْمُلْكُ وَلَهُ الْحَمْدُ وَهُوَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ، عَشْرَ مِرَارٍ كَانَ كَمَنْ أَعْتَقَ أَرْبَعَةَ أَنْفُسٍ مِنْ وَلَدِ إِسْمَاعِيلَ ) 

Abu Ayuub al-ansaari wuxuu kasoo wariyey Rasuulkii Ilaahay (scw) inuu dhahay: ”Cidii tidhaada: laa’ilaaha ilaa Allahu waxdahuu laa shariika lahuu, lahu al-mulku, walahu al-xamdu wa huwa calaa kulli shay’in qadiir, toban jeer, wuxuu lamid yahay sidii qof xoreeyey afar qof oo kamida ubadkii nabi Ismaaciil” [5]

Ma rabtaa in ajirka khatinka Quraanka laguu qoro?

Hadii aad jeceshahay in laguu qoro ajirka khatinka Quraanka Kariimka, waxad sadex jeer akhridaa suuratu al-ikhlaas. Waxaana u daliila xadiiskan:

عَنْ أَبِي الدَّرْدَاءِ عَنْ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ : أَيَعْجِزُ أَحَدُكُمْ أَنْ يَقْرَأَ فِي لَيْلَةٍ ثُلُثَ الْقُرْآنِ ؟ قَالُوا : وَكَيْفَ يَقْرَأْ ثُلُثَ الْقُرْآنِ . قَالَ : قُلْ هُوَ اللَّهُ أَحَدٌ تَعْدِلُ ثُلُثَ الْقُرْآنِ 

Abi dardaa waxa laga wariyey inuu kasoo wariyey nabiga (scw) inuu dhahay: ”Midkiin ma wuxuu ka caajisayaa inuu akhriyo habeenkii Quraanka sadex daloolkii? Waxay dhaheen: Oo sidee ayaan u akhrinaa quraanka sadex daloolkii? Wuxuu yidhi: Qul huwa Allahu axadun, waxay u dhigmaysaa sadex meelood hal meel oo Quraanka ah”[6]


[1] Bukhaari iyo Muslim

[2] Tirmadi: 3464, waxa saxiixiyey Albaani, silsilada xadiisyada saxiixa ah, xadiiska 64.

[3] Bukhaari: 6405 iyo Muslim: 2692

[4] Abu-daawuud ayaa soo saaray isagoo mawquufa, waxaana saxiixiyey Shucayb iyo Cabdiqaadi al-arnaa’uudi. Akhriso xisnul muslimka, ducooyinka galinka hore iyo galinka danbe, bogga 61aad.

[5] Bukhaari: 6404 iyo Muslim: 2693

[6] Muslim: 811 iyo Bukhaari: 6643