Hadii aad jeceshay in irsaaqadu kuu korodho sidoo kalena lagaa dul qaado dhibaato kasta, waxa shardi u ah inaad Ilaahay ka cabsato. Alle ka cabsiguna waxa weeye markaan soo koobno, waa inaad la timaado amaradii Ilaahay ku faray iyo inaad ka fogaato waxyaalaha Ilaahay kaa reebay.

Ilaahay wuxuu adoomadiisa u ballanqaaday inuu dhib kasta ka faydayo hadii ay ka cabsadaan sidoo kalena meel aanay filaynin uu ka arsaaqayo. Ilaahay wuxuu yiri:

وَمَن يَتَّقِ اللَّـهَ يَجْعَل لَّهُ مَخْرَجًا ﴿٢﴾ وَيَرْزُقْهُ مِنْ حَيْثُ لَا يَحْتَسِبُ ۚ وَمَن يَتَوَكَّلْ عَلَى اللَّـهِ فَهُوَ حَسْبُهُ ۚ إِنَّ اللَّـهَ بَالِغُ أَمْرِهِ ۚ قَدْ جَعَلَ اللَّـهُ لِكُلِّ شَيْءٍ قَدْرًا ﴿٣﴾

Qofkii Ilaahay ka cabsada wuxuu u furaa faraj (2) wuxuuna ka arsaaqaa meel aanu filanayn, qofkii talo saarta Ilaahay waa ku filanyahay, Ilaahayna amarkiisu waa fulayaa, wax kasta waxa Ilaahay u yeelay qadar (3)

Sida aan ogsoonahay Ilaahay ballan hadii uu qaado wuu oofiyaa, amarkiisuna wuu fulaa, cid hor istaagi kartaana ma jirto, taasi waa caqiidada qofka mu’minka ah. Hadaba guushaas wayn Ilaahay wuxuu ku xidhay hal shardi oo kaliya, hadii shardigaas aad la timaado waa hubaal in farajka iyo arsaaqaduba ay kuu imanayaan. Shardigaasina waa inaad ka cabsato Ilaahay adigoo la imanay awaamirta Ilaahay ina faray kana dheeraanaya xumaanaha iyo macaasida Ilaahay inaga reebay.

Dadka raadinaya shaqo fiican, nolol ka wanaagsan ta maanta ay ku noolyihiin, caafimaad, nabadgalyo, ubad, waxa la haboon inay shardigaas sidiisa ay ugasoo baxaan, kadibna farajku wuu u imanayaa, Ilaahayna ma buriyo ballanta uu qaado.  Rasuulkii Ilaahay (scw) waxa laga wariyey in istiqfaarta ama in Ilaahay la waydiisto danbi dhaaf ay ayaduna keento faraj dagdaga iyo in irsaaqado ay korodho.

عن عبد الله بن عباس رضي الله عنهما قَال : قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : ( مَنْ لَزِمَ الِاسْتِغْفَارَ جَعَلَ اللَّهُ لَهُ مِنْ كُلِّ ضِيقٍ مَخْرَجًا ، وَمِنْ كُلِّ هَمٍّ فَرَجًا ، وَرَزَقَهُ مِنْ حَيْثُ لَا يَحْتَسِبُ ) رواه أبو داود (1518)

Cabdilaahi binu Cabbaas Ilaahay raali haka ahaado isaga iyo aabihiibee, waxa laga wariyey inuu yiri: rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yiri: “Qofkii laasima (si joogta ah ula yimaada) istiqfaarta (danbi dhaaf waydiista Ilaahay) waxa Ilaahay cidhiidhi kasta uga furaa meel uu kaga baxo, walwalkastana wuxuu uga yeelaa faraj, wuxuuna ka arsaaqaa meel aanu filanaynin” [Abudaawuud: 1518]

Alle ka cabsigu wuxuu keenaa in qofka muslimka ah badsado istiqfaarta oo uu qirto inuu gaabis sameeyey iyo inuu danbiyo galay, qirashadaasi waxay kuu horseedaysaa inuu Ilaahay danbigaagii dhaafo, cidhiidhigiina kuugu badalo waasac, walwalkiina daganaasho, sabaalnimadana taajirnimo.

Si aan u wada dareeno Ilaahay naxariistiisa iyo siduu Rabbigeen u fuliyo ballantii uu qaaday, waxaan soo qaadanaynaa qisadii cajiibka ahayd ee Xaatim Al-asam.

Qisadii Xaatim Al-Asam.

Xaatim wuxuu ahaa nin caabida oo ka saahiday aduunyada, wuxuu ahaa nin xikmad badan ilaa lagu naanaysay Luqmaankii Umadan. Xaatima Ilaahay ha unaxariistee wuxuu noolaa qarnigii sadexaad ee hijriga, waa mid kamida sadexdii qarni ee fadliga badnaa, wuxuuna la kulmay caalimkii waynaa ee Axmed binu Xanbal, si wayna wuu usoo dhoweeyey.

Dabadeedna Axmed binu Xanbal ayaa waydiiyey Xaatim Al-Asam: Sidee dadka dhibbtooda uga bixi kartaa? Wuxuu yiri: inaad siiso xoolahaaga, xaqoodana aad u garsoorto, xaqaagana aanad cidna waydiisanin, inaad u dul qaadato kooda xun.

Xaatim Ilaahay ha unaxariistee wuxuu lahaa caruur badan, wuxuuna ahaa nin saboolo balse Ilaahay isku xidhay oo rabbigii talo saarta. Habeen ayuu saaxibadii la fadhiistay, waxayna ka hadlayeen xajka, kadibna xajkii ayaa qalbigiisa kusoo dhacay, wuxuuna go’aansaday inuu aado guriga Ilaahay. Reerkiisii ayuu u sheegay inuu damasanyahay inuu tago xajka, kadibna xaaskiisii iyo caruurtiisii ayaa ku dhahay: hadii aad tagto xagaan biilka ka keenaa? Anagoo waliba xaaladan ku sugan? Gabar yar oo uu dhalay ayaa tidhi: Maxaad ugu diidaysaan inuu tago xajka? Isagu ma Allaha wax arsaaqaa! Markii horeba Ilaahaybaa noogusoo dhiibi jiray. Gabartii yarayd markay waanisay qoyskeedii ayay u ogolaadeen inuu tago xajka.

Markii uu tagay oo raashinkiina ka madhay, ayay reerkii canaanteen gabartii yarayd ayagoo ku leh: Haye, waad sii daysay aabaheen, xagaan ka keenaa wax la cuno? Dabadeena inantii yarayd ayaa Ilaahay bariday, waxayna tidhi: rabbiyoow fadligaaga ayaad na bartay, namanaad dayici jirin, Ilaahow ha niyad jabinin aniga yay igu wiiranin.

Ayagoo xaalada ku jiray ayaa guriga waxa soo garaacay nin amiir ahaa oo ka yimid ugaadhsi oo ay la socdaan askartiisii, wuxuuna reerkii waydiisay biyo. Xaaskii Xaatim ayaa weel nadiifa biyo qabow ugusoo shubtay, markuu cabay ayuu yiri: gurigan yaa iska leh? waxa lagu dhahay: waa gurigii ninkii wanaagsanaa ee Xaatim Al-asam.

Ninkii amiirka ahaa ayaa macaansaday biyihii uu cabay, wuxuuna yiri: waa inaan reerkan ka abaalmarinaa biyaha macaan ee ay i waraabiyeen, kadibna dahab fara badan oo uu dhexda ku sitay ayuu ku tuuray albaabkii guriga, kadibna wuxuu la hadlay askartiisii isagoo leh: ku kasta oo i jecelow suunka aad dhexda ku sidato dahabka ku jira halkan soo dhig, dhamaan askartii dahabkii ayay gurigii ka buuxiyeen, wayna iska tageen. Reerkii maanta galinkii hore faqiirka ahaa, wuxuu isu badalay reerka ugu taajirsan magaalada hal ilbidhiqsi gudaheeda.

Gabartii yarayd markay aragtay dahabkii ayay oyday, waxay ku dhaheen maxaad la ooyaysaa? waxay tidhi: waxaan la ooyayaa, xalaytoole waxaan seexanay anagoo gaaajoonayna, markaasaa il makhluuq naxariis nagu fiirisay oo naga yeelay taajiriin, ka warran hadii Ilaahay il naxariiseed nagu fiiriyo hal ilbidhiqsi ayuu nagu kaaftoonsiinayaa. Ilaahow aabahay aabaha il naxariiseed ku eeg ee umuurihiisa oo dhan u hagaaji.

Sidaynu hore usoo sheegnay Xaatim wuu safray isagoo aan sahay badan sidanin, intii uu safarka ku jiray ayaa waxa bukooday ninkii safarka hogaaminayey, markaasaa dhakhtar loo raadiyey waana la waayey, kadibna Xaatim ayaa loo yeedhay, wuuna u duceeyey, kadibna isla markiiba wuu caafimaaday, dabadeedan ninkii ayaa siiyey wuxuu cuno iyo wuxuu cabo iyo wuxuu fuuulaba.

[Qisadan Shihaabi Diin Al-abshahi kitaabkiisa Al-mustadraf fii kulli fannin mustadraf, ayadoo aan sanad lahayn]

Hadii qisadaasi saxiix noqoto waa arrin aad u cajiiba, waxayna ina tusaysaa siduu Ilaahay faraj ugu furay qofkii Ilaahay ka cabsada.