Tusmo

Ma rabtaa Danbi dhaaf iyo in ducada lagaa aqbalo?

 

Ibnu Aadamku goob kasta oo uu joogo iyo goor walba waxa ka dhaca qaladaad, danbiyo, gafaf, macaasi, dhaga adayg, inay ka gaabiyaan amarka Ilaahay iyo amarada Rasuulka Ilaahay (scw).

Ayadoo taasi ay jirto ayaa Rabbiga naxariista naxariista wayni, wuxuu furay albaabada toobad keentka, illamaa qayaamuhu ka dhacayo ama qofku uu ka dhimanyo.

Taas oo macnaheedu tahay intay neef kugu jirto waad toobad keeni kartaa, waxaadna usoo laaban kartaa Rabbigaaga ku uumay ee ku sawirtay. Wuxuu Ilaahay xadiis qudsi ku dhahay: ”Hadaad iisoo dhowaato hal taako, waxaan kuusoo dhowaanayaa hal dhudhun. Hadaad dhudhun iisoo dhowaatana waxaan kuusoo dhowaanaya baac”[1]

Dhowaanshaha Ilaahay loo dhowaadana macnaheedu waa daacada Ilaahay, sidaas awgeed ayuu Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu dhahay: ”Adoonku markuu Ilaahay ugu dhowyahay waa markuu sujuudsanyahay” [2] Dadka soomaaliduna waxay ku maahmaahaan: ” Lakala dheeree orodse maaha.”

Hadaba walaalkayga muslimka ahoow iyo walaashayda muslimada ahay, waxaan kuusoo gudbinayaa xadiis ka sugan rasuulkeena (scw) oo hadii aynu ku dhaqano inoo dhoweynaya Ilaahay, danbigeenana lagu dhaafayo sidoo kalena ducadeena lagu aqbalayo.

عن عبادة بن الصامت عن النبي صلى الله عليه وسلم قال من تعار من الليل فقال لا إله إلا الله وحده لا شريك له له الملك وله الحمد وهو على كل شيء قدير الحمد لله وسبحان الله ولا إله إلا الله والله أكبر ولا حول ولا قوة إلا بالله ثم قال اللهم اغفر لي أو دعا استجيب له فإن توضأ وصلى قبلت صلاته

Cubaada ibnu Saamit waxa laga wariyey inuu kasoo wariyey nabiga (scw) inuu dhahay: ”Ruuxii ka hanbaabura (ka kaca) hurdada oo dhaha: Ilaah xaq lagu caabudo majiro Allah mooyee, waana kalidii, manalaha cid la wadaagta cibaadadiisa, isaga ayey u sugnaatay mulkiga iyo mahadduba, waana Alle wax kasta awooda. Ilaahbaa mahadda iska leh, xumaan iyo nuqsaana wuu ka dheeryahay, Ilaah xaq lagu caabudo majiro isaga mooyee, Ilaahbaa wayn, xeelad iyo awoodna majirto oo aan ka ahayn ta Ilaahay. Markaana dhaha: Ilaahow danbigayga dhaaf ama Ilaahay barya, waa laga aqbalaa. Haduu wayso qaato oo uu tukadana, waana laga aqbalaa salaadiisa” [3]

Xadiiskan barkaysan waxaan ka faa’idaynaa dhawr arrimood:

  1. Markaad hurdada ka kacdo habeenkii tusaale ahaaan: suuliga ayaad doontay inaad aado ama biyo inaad cabto.
  2. Kadibna waxaad xasuusatay xadiiskan cajiibka ah.
  3. Waxaad dhahday: Laa’ilaaha ilaa Allah waxdahuu, laa shariika lahuu lahu al-mulku wa lahu al-xamdu, wahuwa calaa kulli shay-in qadiir, al-xamdu lilaah, wa subxaanaAllah, wa laa’ilaaha ilaa Allah, wa Allahu akbar, walaa xawla walaa quwwata ilaa billaah.
  4. Kadibna waxaad tidhi: Ilaahow danbigaygii hore iyo kii danbe, kiisii waynaa iyo kiisii yaraa, kii qarsoonaa iyo kuu muuqdayba, ku aan ogahay iyo ku aan halmaamayba Ilaahow ii dhaaf.
  5. Ama waadba ducaysatay oo waxaad dhahday: Yaa Allah irsaaqada ii waasici, Ilaahaw ii fudaydi muraadkayga oo khayr leh, Ilaahow jannada i gee, Ilaahow iga magan gali cadaabkaaga iyo cadhadaada.
  6. Ama waadba wayso qaadatay oo waxaad tukatay laba rakcadood.
  7. Camaladaas mid kasta oo aad la timaado, waa lagaa aqbalayaa.

Alxamdulilaah, waxa Ilaahay mahaddiisa inaan tijaabiyey ducadan, oo Ilaaha waynina i tus khayrka ku jira ducadan.

Hadii aad ka cabsato inaad ilowdo ducadan, waxaad ducada ku qortaa waqrqad kadibna waxaad ku dhajisaa gidaarka ama darbiga qolkaaga, si aad markaad kacdo u xasuusato oo ishaadu u qabato


Waxa Diyaariyey: Abdulaziz Mohamed Oogle

 

[1] Saxiixu Muslim (2675 )

[2] Saxixu Muslim (482 )

[3] Saxiixu Bukhaari (1103 )