Kumanaan kun oo qof oo dhimasho ka cararaya.

Waxa Ilaahay quraankiisa ku sheegay, gaar ahaan suuratu Al-baqaraha; dad tiradoodu kumanaan ay yihiin oo dhimasho ka cararay kadibna Ilaahay ku xukamay inay hal mar wada dhintaan.

Qoomkan ayaa ka mid ahaa reer bani Israa’iil waxayna dagaanaayeen magaalo la dhaho Daawardaan, waxa tiradooda ugu yar lagu sheegay afar kun oo qof, waxay ka carareen cudur la kala qaado oo magaaladooda ka dhacay sida cudurka Daacuunka.

Waxay ka carareen qadartii Ilaahay ayagoo raadinaya magaalo aan lagu dhimanayn, kadibna Ilaahay ayaa dilay hal mar waxayna naftu uga baxday sidii hal qof oo kaliya.

Waxa la sheegaa in qoomkan ay yimaadeen meel dooxa ah, kadibna laba malag ay kaga qayliyeen labada dhinac, sidaasna ay ku dhinteen.

Mudo markii ay kasoo wareegtay ee lafahoodiina baaliyoobeen ayaa nabi kamida nabiyadii reer bani Israa’iil oo lagu sheegay inuu ahaa nabi Xasqiil ayaa soo maray togii lafahoodu yaaleen, markaasuu Ilaahay baryay inuu dib usoo nooleeyo, kadibna Ilaahbaa ka aqbalay ducadii wayna noolaadeen, ayadoo lafahoodii ay isku yimaadeen, kadibnsa seedihihii iyo haragii ayaa fuulay, kadibna ruuxdii ayaa lagu afuufay, wayna noolaadeen.

أَلَمْ تَرَ إِلَى الَّذِينَ خَرَجُوا مِن دِيَارِهِمْ وَهُمْ أُلُوفٌ حَذَرَ الْمَوْتِ فَقَالَ لَهُمُ اللَّـهُ مُوتُوا ثُمَّ أَحْيَاهُمْ ۚ إِنَّ اللَّـهَ لَذُو فَضْلٍ عَلَى النَّاسِ وَلَـٰكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لَا يَشْكُرُونَ ﴿٢٤٣﴾

Ma aragtay kuwii ka baxay guryahooduu ayagoo kumanaana kana digtoon geeri ee Ilaahayna ku yidhi dhin markaana Ilaahay nooleeyay. Ilaahay deeq ayuu ku kor leeyahay dadka balse dad badan ma u mahadnaqaan [243][1]

Dabcan qoomkan sharcigoodu wuxuu ahaa inaanay ka cararin meesha uu cudurada la kala qaado ay ka dhacaan si aanay maaalooyin kale ugu gudbinin cudurkaas.

Sharcigaasin maaha mid la nasakhay ee inagaba waa la ina faray oo rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yiri:

عن النبي صلى الله عليه وسلم أنه قال إذا سمعتم بالطاعون بأرض فلا تدخلوها وإذا وقع بأرض وأنتم بها فلا تخرجوا منها

Nabiga waxa laga wariyay inuu yiri: hadii aad ku maqashaan daacuun dhul ha galina, hadii uu ka dhaco dhulna idinkoo jooga haka bixina.[2]

Xikmada ku jirta in la karantiimeeyo dadka qaba cudurada saf mareenka ah waa in bulshada inta kale laga ilaaliyo inuu ku fido, waana arrinta maanta ay gaaladu ku amaaneen nabigeena Muxamed (scw).

[1] Albaqarah: 243

[2] Saxiix Bukhaari: 5396