Bismillah:

Waxaan arkay muuqaal video ah oo nin soomaaliya oo sita calaamada Saliibka ee Kiristaanka uu ku waydiiyey dadka Soomaalida ah su’aalo dhawr ah oo noqon kara shubuhaat lagu soo dhex tuuro Muslimiinta. Su’aaluhu intii aan anigu daawaday waxaan kusoo koobi karaa sadex su’aalood oo kala ah:

  • Siduu Ilaahay ugu istiwooday Carshigiisa?
  • Sidee Kursiga Ilaahay ugu waasac noqday Samooyinka iyo Dhulkaba?
  • Malaa’ikta xanbaarsan Carshiga Ilaahay miyey qaadayaan Ilaahay maalinta Qayaame? Hadiiba Carshiga ay qaadayaan miyuu Ilaahay raacayaa mise ma raacayo?

Su’aalahan waan ka jawaabayaa Inshallah, sidoo kale waxaan maqaalkan kusoo gudbinayaa farriin kusocota Soomaalida Kiristaanka ah ee su’aalaha inasoo waydiiyey.

Tusmo

Siduu Ilaahay ugu istiwooday Carshiga dushiisa?

Quraanka Kariimka ah wuxuu Ilaahay ku sheegay todoba meelood in Ilaahay ku istiwooday Carshiga dushiisa, waxaana kamid ah aayadan:

إِنَّ رَبَّكُمُ اللَّـهُ الَّذِي خَلَقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ فِي سِتَّةِ أَيَّامٍ ثُمَّ اسْتَوَىٰ عَلَى الْعَرْشِ

Dhab ahaantii Rabbigiin waa Ilaahay kaasoo ku abuuray Samooyinka iyo Dhulkaba lix maalmood, kuna istiwooday carshiga dushiisa. [Al-acraaf:54]

Istiwooday waxa culumada Islaamku ku fasireen waa korrayn iyo sarreyn, Ilaahay ayaa ka sareeya Carshigiisa oo ka korreeya, macnaheeduna maaha inuu Ilaahay fashiyo Carshigiisa, fadhiguna kumuu soo aroorin Quraanka iyo Sunnada toona.

Si kastaba ha ahaatee in Carshiga Ilaahay fadhiyo waxa lagu sheegay Baybalka,  gaar ahaan kitaabka Boqorrada 1aad, cutubka 22 aad faqrada 19 aad.

“..Haddaba erayga Rabbiga maqal, Waxaan arkay Rabbiga oo carshigiisa ku fadhiya oo ciidankii samada oo dhammuna taagan yihiin midigtiisa iyo bidixdiisa. ” [Boqorradii 1aad, 22:19]

Sidaas awgeed ayaa ruuxa Kiristaanka ah markuu maqlo in Ilaahay carshigiisa ka sarreeyo wuxuu u malaynayaa inuu Ilaahay ku fadhiyo carshigiisa, sida ku taala kutubtooda.

Hase ahaatee diinta Islaamku waxay rumaysantahay in Ilaahay ku istiwooday Carshigiisa dushiisa, oo macnaheedu tahay inuu ka sarreeyo, sarreyntaasina waa mid u qalanta una cuntanta Rabbiga wayn. Sidaas darteed ayaa Imaamu Maalik wuxuu dhahay: “Istiwuhu waa mid la garanayo oo Ilaahay Quraankiisa ku sheegay, in la rumeeyana waa waajib, qaabka Ilaahay ugu istiwoodayna lama garanayo sababtoo ah Ilaahay inoomuu sheegin, in su’aashaas nala waydiiyana waa bidco”

Sida caqli basharku sheegayo waxa weeye in Ilaahay uu ka sarreeyo makhluuqaadkiisa iyo uunka uu abuuray, mana u haboona Ilaahay inuu ku dhex milmo makhluuqaadkiisa. Ilaahay maaha sida ay Nasaaradu/Kiristaanku sheegteen in Ilaahay yimid dhulka oo uu dhashay, isagoo abuuray hooyadii Maryama kadibna wuu ka dhashay!!!

Diinta Islaamku waxa caqiidadeeda kamid ah in Ilaahay korreeyo oo uu sarreeyo oo aanu ku dhex milmin abuurkiisa, wuxuuna ka sareeya Carshigiisa dushiisa.

Carshiguna waa mid kamid ah makhluuqaadkii ugu horeeyey ee Ilaahay abuuray, wuxuuna dhahay nabigii Ilaahay (scw):

 ( كَانَ اللَّهُ وَلَمْ يَكُنْ شَيْءٌ قَبْلَهُ ، وَكَانَ عَرْشُهُ عَلَى الْمَاءِ ، ثُمَّ خَلَقَ السَّمَوَاتِ وَالْأَرْضَ ، وَكَتَبَ فِي الذِّكْرِ كُلَّ شَيْءٍ ) روى البخاري (7418

” Ilaahay wuu jiray, wax kahoreeyeyna may jirin, Carshigiisuna wuxuu kasareeyey biyaha korkooda, markaasuu abuuray samooyinka iyo dhulkaba, wuxuu looxul maxfuudka ku qoray wax kasta” [Waxa soo saaray Bukhaari: 7418]

Xadiskan wuxuu nabigii Ilaahay ku tilmaamay dhawr arrimood oo muhiim ah, waxayna kala yihiin:

  • Ilaahay isagaa ah kii ugu horeeyey, wax ka horeeyeyna may jirin.
  • Maadaama Ilaahay uu ahaa kii ugu horeeyey, wuxuu Ilaahay jiray isagoon abuurin Carshigiisa.
  • Kadibna Ilaahay wuxuu abuuray Carshigiisa.
  • Kadibna wuxuu abuuray Samooyinka iyo Dhulkaba.
  • Wuxuuna maqaadiirtiisa iyo go’aamadiisa ku qoray Looxulmaxfuudka.

Hadaba waxa jiray sadex fikradood oo tibaaxaya qaabkii Ilaahay u abuuray koonkiisa, kuwaasoo qaar kamid ah qaldanyihiin, mid kaliyabaana ka saxsantahay, wuxuuna dhahahay Sheekhul Islaam Ibnu Taymiyah sidan:

” Ilaahay wuu jiray ayaooon cid kahoreysay aanay jirin, markuu abuurayey khalqigiisana waxa ay noqon kartaa un: 1) inuu Ilaahay ku gudo jiray khalqigiisa, kadibna uu ka baxay; taasina waa mid aan u cuntamayn Rabbiga wayn Subxaanahu. 2) Inuu Ilaahay abuuray koonkiisa isagoo dibada ka jooga kadibna uu soo dhex galay, taasina waa mid aan u qalmaynin Rabbiga wayn subxaanahu. 3) Inuu Ilaahay abuuray khalqigiisa isagoo dibada ka ah, manuusoo dhexgalin, taasbaana ah ta xaqda ah ee u u qalanta Ilaahay subxaanahu.” [Majmuucu Al-fataawaa: 5/152]

Annaguna ka muslimiin ahaan waxaan u sugaynaa Ilaahay wixii Ilaahay naftiisa ku sifeeyey, haduu dhahay: “Waxaan ka sareeyaa Carshigayga” sidaas ayaan ku rumaynaynaa, inuu Ilaahay ka korreeyo uunkiisa iyo makhluuqaadkiisa oo aanu soo dhexgalin ama aanu ku dhex milmin.

 

Sidee Kursiga Ilaahay ugu waasac noqday Samooyinka iyo Dhulkaba?

Ilaahay wuxuu ku sheegay Suurada 2 aad ee Quraanka suuratu Al-baqarah aayada 255 aad, inuu leeyahay kursi, wuxuuna dhahay;

وَسِعَ كُرْسِيُّهُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ ۖ وَلَا يَئُودُهُ حِفْظُهُمَا ۚ وَهُوَ الْعَلِيُّ الْعَظِيمُ ﴿٢٥٥

“Waxa Kursigiisu waasac ku noqday Samooyinka iyo Dhulkaba, mana dhibayso Ilaahay inuu waardiyeeyo (ilaaliyo), waana Allaha korreeya ee wayn” [Al-baqarah: 255]

Halkan Ilaahay wuxuu ku sheegay inuu leeyahay Kursi, kursiguna uu ka duwanyahay Carshiga. Kursiga Ilaahayna waa makhluuq kamid ah makhluuqyada Ilaahay, wuxuuna ka waynyahay dhulalka iyo todobada cirarba. Inuu Samooyinka iyo Dhulkaba ka waynyahay waxa inoo cadaynaya Xadiiskan:

عن ابن مسعود رضي الله عن قال : بين السماء الدنيا والتي تليها خمسمائة عام وبين كل سماء خمسمائة عام ، وبين السماء السابعة والكرسي خمسمائة عام ، وبين الكرسي والماء  خمسمائة عام ، والعرش فوق الماء ، والله فوق العرش لا يخفى عليه شيء من أعمالكم . رواه ابن خزيمة في ” التوحيد ” ( ص 105 ) ، والبيهقي في ” الأسماء والصفات ” ( ص 401 ) .

Ibnu Mascuud waxa laga wariyey Ilaahay raali haka ahaadee inuu dhahay: ” Samada Aduunyada iyo samada ku xigta waxa u dhexeeya shan boqol oo sanadood, samo kasta ta kale waxay u jirtaa shan boqol oo sanadood, samada todobaad iyo kursiguna waxay isu jiraan shan boqol oo sanadood, kursiga iyo biyahana waxay isu jiraan shan boqol oo sanadood, carshiguna wuxuu ka sareeyaa biyaha, Ilaahayna carshiga ayuu ka sareeyaa, kamana qarsoona wax kamid ah camaladiina” [Waxa soo saaray ibnu Khuzaymah, (Tawxiidka) bogga 105, waxaana saxiixiyey Ibnu Qayyim iyo Dahabi ]

Xadiiskana wuxuu inuu cadeeyey:

  • In Samooyinku inta ay isu jiraan aad u wayntahay.
  • Kursiguna uu ka waynyahay todobada samo iyo dhulalkab, sababtoo ah waxa jira xadiisyo tilmaamaya in Todobada Dhul iyo Todobada Cirarba uga dhigmaan Kursiga sida shilin lagu tuuray dhul Saxare ah.
  • Carshiga Raxmaanku inuu aad u waynyahay, maxaa yeelay Kursiga oo waynidiisa la garanayo ayaa uga dhigma Carshiga sida shilin lagu tuuray dhul saxare ah. Carshiga Ilaahayna waa makhluuqaadka Ilaahay ka ugu wayn.

Yaa Xanbaarsan Carshiga Ilaahay?

Malaa’ikta Ilaahay miyey xanbaarsantahay Carshiga Raxmnaaka? Jawaabtu waa Haa, sababtoo ah Ilaahaybaa Quraanka noogu sheegay in Malaa’iktu xanbaarsantahay Carshiga Ilaahay, wuxuuna dhahay:

الَّذِينَ يَحْمِلُونَ الْعَرْشَ وَمَنْ حَوْلَهُ

“Kuwa xanbaarsan Carshiga iyo kuwa hareerahooda jooga (Malaaikta Ilaahay)” [Suuratu Qaafir: 7aad]

وَيَحْمِلُ عَرْشَ رَبِّكَ فَوْقَهُمْ يَوْمَئِذٍ ثَمَانِيَةٌ ﴿١٧

“Waxa xanbaaraya Carshiga Rabbigaaga korkooda maalintaas Siddeed” [Suuratu Alxaaqah:17]

Labadan aayadood waxay tilmaameen in Carshiga Ilaahay xanbaarsanyihiin Malaa’ik, waxayna ku xanbaarsanyihiin idanka Ilaahay (ogolaanshaha Ilaahay), lamana garanayo tiradoodu inta ay tahay.

Balse aayada dhahaysa waa sideed waxa isku khilaafay Culumada Islaamka, ma sideed malagbaa? ma sideed safbaa? ma sideed noocbaa? Guud ahaan sideedaas waxay yihiin Ilaahay inooma sheegin sidaas awgeed ayaa la isugu khilaafay.

Sida dhabta ahna waxa weeyey; Ilaahay uma baahna cid u xanbaarta carshigiisa, hase ahaatee maadaama uu abuuray Malaa’iktiisa, wuxuu malak kastaba u diray shaqo uu qabanayo, wuxuuna malaa’ikta xanbaarsan carshiga Ilaahay ka dhigay kuwo shaqadoodu tahay inay xanbaaraan Carshiga Ilaahay, kuwaasoo u tasbiixsanaya Rabbiga wayn marwalba, wuxuuna Ilaahay siiyey awood ay ku qaadi karaan Carshigiisa subxaanahu.

Maxaa cadaynaya in Ilaahay awoodiisa lagu xanbaarsanyahay Carshigiisa?

  • Bilowgii kahor intaanu Ilaahay abuurin makhluuqaadkiisa, wixii ugu horeeyey ee uu abuuray waa Carshiga. Xilligaasna may jirin malaa’iktu, sidaas awgeed su’aashu waxay noqonaysaa Yaa xanbaarsanaa kolkii aanay malaa’iktuba joogin? Waxa caqligu ku siinayaa in Ilaahay uu ahaa kii awoodiisa ku xanbaarsanaa Carshigiisa, iminkana isaga awoodiisa ayey Malaa’iktu ku xanbaarsanatahay, ama ay ku qaadayaan maalinta Qayaame.
  • Ta labaad ee cadaynaysa awooda Ilaahay waxa weeyey, Ilaahay wuxuu Quraanka inoogu sheegay in dhammaan makhluuqaadkiisu dhimanayaan, oo Ilaahay kaligii uu baaqi ahaanayo, hadii Malaa’ikta Ilaahay ee xanbaarsan Carshigu dhimanayaan, yaa xanbaaraya Carshiga? Waxa xanbaaraya oo awoodiisa ku qaadaya waa Allah subxaanahu wa tacaala, sidoo kale waxa suurtagal ah inuu Ilaahay dilo carshiga laftigiisa oo uu baabi’yo maadaama carshigu yahay makhluuq kamid ah makhluuqyada Ilaahay.

Dhanka kale si aad u fahanto awooda Ilaahay, ma is waydiisay yaa iminka xanbaarsan Dhulkeena oo ku yaala meel hawo ah ood moodo inuu meel ka heehaabayo! Yaa u diiday Samada oo aan tiirar lahayn inay kusoo dhacdo Dhulka oo ay burburiso? Yaa udiiday in Dayaxa, Qorraxda, meerayaasha iyo Dhagxaanta cirku inay kusoo hoobtaan Dhulka?  Cida u diiday ee samada ka haysay in Dhulka ay kusoo dhacdo waa Allah, wuxuuna Quraankiisa ku dhahay:

 وَيُمْسِكُ السَّمَاءَ أَن تَقَعَ عَلَى الْأَرْضِ إِلَّا بِإِذْنِهِ ۗ إِنَّ اللَّـهَ بِالنَّاسِ لَرَءُوفٌ رَّحِيمٌ ﴿٦٥

“Ilaahay ayaa ka haya Samada inay kusoo dhacdo dhulka dusheeda idankiisa mooyee, Ilaahayna waa mid u tudhid badan dadka una naxariista” [Suuratu Al-xajj: 65]

إِنَّ اللَّـهَ يُمْسِكُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ أَن تَزُولَا ۚ وَلَئِن زَالَتَا إِنْ أَمْسَكَهُمَا مِنْ أَحَدٍ مِّن بَعْدِهِ ۚ إِنَّهُ كَانَ حَلِيمًا غَفُورًا ﴿٤١

” Dhab ahaantii Ilaahaybaa ka haya Samooyinka iyo Dhulkaba inay suulaan (baaba’aan) hadii ay suulaan majiro cid isaga ka danbaysa oo qaban karta, Ilaahayna waa dulqaad badane danbiyada dhaafa.” [Suuratu Faadir: 41]

Hadii samada Ilaahay hayo, xidigahana Ilaahay hayo ayagoon tiirar lahayn siduu Ilaahay ku sheegay Quraankiisa subxaanahu, miyaanu ahayn sidoo kale Ilaahay ka awoodiisa ku haya carshigiisa?  Jawaabtu waa: Haa.

Wuxuuna Ilaahay dhahay isagoo ka warramaya in Samada la abuuray ayadoon tiirar lahayn:

خَلَقَ السَّمَاوَاتِ بِغَيْرِ عَمَدٍ تَرَوْنَهَا ۖ

“Ilaahaybaa abuuray Samada oo aan tiir lahayn, sidaad arkaysaanba” [Luqmaan:10]

Halka Baybalku tilmaamayo in Samada iyo Dhulkuba ay leeyihii tiirar:

“tiirarka samadu way gariiraan..”[ Ayuub:26: 11]

Sidoo kale Baybalku wuxuu leeyahay Dhulka ayaa tiirar leh:

“Waayo, tiirarka dhulka Rabbigaa leh, Oo dunidana iyaguu saaray.” [Samu’eelka 1aad: 2:8]

“Dhulka wuu ka ruxruxaa meeshiisa, Oo tiirarkiisuna way wada gariiraan. ” [Ayuub: 9:6]

Hadaba ha iswaydiiyaan Nasaaradu/Kiristaanku sidee ayaa Dhulku tiirar u yeelan karaa iyo Cirkuba ayagoo arkaya in wax tiir ah aanu Ilaahay ku abuurin.

 

Annagu ka musliin ahaan waxaan leenahay, Ilaahaybaa ah ka haya Carshigiisa, Kursiga, Samooyinka, Dhulka iyo dhamaan koonkiisa oo dhan, wuxuuna Ilaahay u taaganyahay inuu maamulo makhluuqaadkiisa.

Maalinta Qayaame miyuu Ilaahay raacayaa Carshigiisa? 

Su’aashan waxa xaq uleh inay ka jawaabaan Kiristaanka, sababtoo ah ayagaa sheegtay inuu Ilaahay fadhiyo Carshigiisa, waa su’aal ku haboon In Kiristaanku ka jawaabaan. Sababtuna waxay tahay marka horeba Muslimiintu ma rumaysna inuu Ilaahay ku fadhiyo Carshigiisa, ee waxay rumaysanyihiin inuu ka sarreeyo Carshigiisa.

Ilaahay miyuu imanayaa Maalinta Qayaame?

Dhanka kale Maalinta Qayaame way ka duwantahay Aduunyadeenan, waanan rumaysanahay inuu Ilaahay imnayo, si uu ukala xukumo makhluuqaadkiisa, qaabka uu ku imanayana Ilaahay noomuu sheegin, waana qaab u cuntama una qalma Ilaahay subxaanahu. Sababta Ilaahay u imanayana waxa weeyaan:

  •  In camaladii gaalada ama kuwii dafiray jiritaanka Ilaahay, in camaladooda dabaysha la raaciyo siduu Allah leeyahay:

وَالَّذِينَ كَفَرُوا أَعْمَالُهُمْ كَسَرَابٍ بِقِيعَةٍ يَحْسَبُهُ الظَّمْآنُ مَاءً حَتَّىٰ إِذَا جَاءَهُ لَمْ يَجِدْهُ شَيْئًا وَوَجَدَ اللَّـهَ عِندَهُ فَوَفَّاهُ حِسَابَهُ ۗ وَاللَّـهُ سَرِيعُ الْحِسَابِ ﴿٣٩

“Kuwa gaaloobay camalkoodu wuxuu lamid yahay sida dhalanteed dhul saxare ah oo ka harraadani u malaynayo biyo, illamaa uu ka yimid oo aanu waxba ka helin, oo uuna Ilaahay agtiisa ka heli (abaalmarkiisa) waanu u oofiyey xisaabtiisa, Ilaahayna waa degdegtaa xisaabtiisu” [Suuratu Nuur: 39]

  • In kuwii iimaanka laga helay lagaliyo Jannada Raxmaanka siduu Allah inoo sheegay:

إِنَّ اللَّـهَ يُدْخِلُ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ جَنَّاتٍ تَجْرِي مِن تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ…

“Ilaahaybaa galinaya kuwii iimaanka laga helay ee camalka saalixa ah la yimid Jannooyin ay soconayso hoosteedu wabiyayaalkii..” [Suuratu Al-Xajj:23}

Qaabkee ayuu Ilaahay u imanayaa Maalinta Qayaame?

Qaabka Ilaahay u imanayo waa mid u cuntama kuna haboon Ilaahay, oo imaanshaha makhluuqa iyo imaanshaha Ilaahay way kala duwanyhiin:

وَجَاءَ رَبُّكَ وَالْمَلَكُ صَفًّا صَفًّا ﴿٢٢

“Waxa yimid Rabbigaaga, malaa’iktuna saf saf ay ku jiraan” [Suuratu Al-Fajri:22]

هَلْ يَنظُرُونَ إِلَّا أَن يَأْتِيَهُمُ اللَّـهُ فِي ظُلَلٍ مِّنَ الْغَمَامِ وَالْمَلَائِكَةُ وَقُضِيَ الْأَمْرُ ۚ وَإِلَى اللَّـهِ تُرْجَعُ الْأُمُورُ ﴿٢١٠

“Miyey sugi inuu Ilaahay ku yimaado hoos daruur ah mooyee, iyo malaa’iktu, lana xukumo arrinka, Ilaahay xagiisaana loo celin umuuruha.” [Albaqarah: 210]

Rabbiga wayn wuxuu imanayaa si loo maxkamadeeyo makhluuqaadkiisa, looguna abaalmariyo wixii ay kasbadeen intii ay Aduunka joogeen, hase ahaatee waa inaad ogsoonaataa in imaanshaha Ilaahay aanu waligii lamid ahayn imaansha makhluuqiisa, waa imaansho ku habooon Ilaahay, maxaa yeelay Ilaahay wax u dhigmaa majiraan. Allahna wuxuu dhahay:

 لَيْسَ كَمِثْلِهِ شَيْءٌ ۖ وَهُوَ السَّمِيعُ الْبَصِيرُ ﴿١١

“Ilaahay wax lamid ah majiraan, waana maqal badane waana arag badane” [Suuraty Ash- shuuraa 11]

وَلَمْ يَكُن لَّهُ كُفُوًا أَحَدٌ ﴿٤

“Ilaahay wax la kuf ah (lamid ah) majiraan.”  [Suuratu Al-ikhlaas:4]

Sidaas awgeed, Ilaahay wuu ka duwanyahay wax walba oo kusoo dhaca qalbigaaga, si kasta ood u fakarto oo aad isu tidhaahdo bal soo dhowee Ilaahay qaabka uu eegyahay, ma keeni kartid sababtoo wax lamid ah Ilaahay maba jiraanba.

 

Maxaa ku kallifay Nasaarada inay ku fakaraan in Ilaahay lagu xanbaarayo Carshigiisa?

Sababtu waxa weey; marka koowaad waxay Ilaahay ka rumaysanyihiin inuu yahay Nin ibnu aadam ah oo yimid Dhulka, kuna fadhiya Carshigiisa oo ay hareertiisa midig iyo bidixba ay taaganyihiin Malaa’iktiisu, sidaas awgeed ayey sanamyada Kaniidaha la sudho ay ku sawiraan Qof lagu matalayo Ilaahay oo ah oday waayeela iyo malaa’ik baalal leh oo duulaya.

Sidoo kale Nabi Ciise oo ay qaarkood rumaysanyihiin inuu yahay wiilkii Ilaahay ama inuu ahaaba Ilaahay, wuxuu fadhiistay dhanka midig ee Ilaahay sida ku xusan Baybalka.

Book of Act, Farriimaha Rasuul, 7:55

“Laakiin isagoo Ruuxa Quduuska ahu ka buuxo ayuu samada aad u fiiriyey, oo wuxuu arkay ammaanta Ilaah iyo Ciise oo midigta Ilaah taagan, ” [Farriimha Rasuul: 7:55]

Book of Ephesians, Efesos, 1:20

“oo uu fadhiisiyey meelaha jannada xagga midigtiisa. ” [Efesos: 1:20]

Colossians, Kolosay 3:1

“meesha uu Masiixu joogo, isagoo fadhiya midigta Ilaah.” [Kolosay: 3:1]

 

Maadaama ay Ilaahay ku shabaheen Qof ibnu Aadam ah oo fadhiisanaya, marna istaagaya, marna ibnu Aadam jidhkiisa soo qaadanaya, way iska fududahay inay su’aalahan iyo kuwo kaleba ay is waydiiyaan. Annaguna waxaan lenahay: “Ilaahay wuu ka nasahanyahay, kana dheeryahay, kana fogyahay, kana hufanyahay xumaan oo dhan iyo nuqsaan oo dhan, wuxuuna ku sifeysanyahay sifo kasta oo wanaagsan”

Hadaba Nasaaradu ayaguna haka Jawaabaan Su’aalahan:

Qofka rumaysan diinta Kiristaanka waxa jira calaamadooyin ka muuqda oo dadka tusinaya inuu yahay ruux laga helay iimaanka diinta Masiixiyada, waxaanan calaamadahan ka rabnaa qof kasta oo Kiristaan ah inuu buuxiyo oo ay ka muuqdaan, hadii kale ma noqonayo Kiristaan dhab ah, calaamadahana waxa lagu sheegay Baybalka, kitaabka Markus cutubka 16aad faqradaha 17 iyo 18.

17 Calaamooyinkanna ayaa la socon doona kuwa rumaysta. Magacayga ayay jinniyo ku saari doonaan, afaf cuscusubna ayay ku hadli doonaan, 
18 abeesooyin ayay qaadi doonaan, oo hadday cabbaan wax lagu dhimanayo waxba ma yeeli doono, gacmo ayay kuwii buka dul saari doonaan, wayna bogsan doonaan. 

waxaan rabnaa in calaamadahan ay ka muuqdaan qof kasta oo Kiristaan ah haduu yahay ruux iimaansan diinta Masiixiyada:

  1. Waa inuu Jimanka ku saara Magaca Ciise Masiix.
  2. Afaf cusub waa inay ku hadlaan, (Luuqadaha Aduunka oo dhan).
  3. Abeesooyin waa inay xanbaarsanyihiin (Maaha saliibka ama mucatabka).
  4. Waa inay cabbaan wax lagu dhimanayo oo aanay waxna ku noqonin.
  5. Waa inay dadka buka gacantooda dusha ka saaraan oo ay bugsadaan (Dadka qaba Kansarka, Adiska, Faaliga iwm)

Dabcan waxaynu ognahay in calaamadahaasi ka muuqanayn ruux ibnu Aadam ah oo aanu Ilaahay awooda noocaas ah siinin, sidaas awgeed hadii aanad awoodahaas lahayn ogsoonow matihid Kiristaan ee diinta Xaqa ah usoo laabo.

Nabi Ciise (scw) oo dadka caabuda ku tilmaamay Danbiilayaal:

Dhanka kale ruuxa Kiristaanka ama Masiixiga ah waxa aan waydiinayaa maxaa sababay inuu Nabi Ciise markuu soo laabto inuu ugu jawaabo jawaabtan cajiibka ah, ee lagu sheegay Baybalka, Kitaabka Mathew, cutubka 7 aad, faqradaha 22 iyo 23.

22 Maalintaas qaar badan baa igu odhan doona, Rabbow, Rabbow, miyaannan magacaaga wax ku sii sheegin, oo miyaannan magacaaga jinniyo ku saarin, oo miyaannan magacaaga wax badan oo xoog leh ku samayn? 
23 Markaasaan ku odhan doonaa, Weligay idinma aqoon, iga taga, dembifalayaalow. 

Waxaad is waydiisaan waakuwam dadka u yaqaana nabi Ciise inuu yahay Rabbi, ma Yahuudaa? Ma Buddiskaa? Ma Hinduuskaa? Ma muslmiintaa? Ma mulxidiintaa?

Kuwa Ciise u yaqaana inuu Ilaahay yahay waa Kiristaanka, mana aha kuwa munaafiqiinta ah ee aan camalo wanaagsan qabanin ee waa Kiristaan rumaysan Ciise inuu Yahay Rabbi kuna fuliyey magaca Ciise mucjisooyin, iyo waxyaalo kaleoo xoog leh. Hadaba muxuu Ciise ugu jawaabay, “idinma aqaano, i dhaafa, shayaadiinyahay” !!!!!!!!!!!

Sababta waxa weeye; maadaama ay Kiristaanku Ilaah ka dhigeen Ciise Masiix (scw) isagoo aan sheeganin Ilaahnimada sidaas awgeed ayuu uga bari noqday kuwii Ilaaha ka dhigtay.

Nabi Ciise (scw) Muxuu isagu sheegtay?

Waana inaad ogsoonaataan Nabi Ciise waligii muu sheeganin Ilaahnimo, waligii muu dhihin Ilaahbaan ahay, i caabuda, wiilkii Ilaahay dhalaybaan ahay, sadexda Ilaah mid kamid ah baan ahay, ee wuxuu sheegtaa inuu yahay Rasuul iyo Nabi Ilaahay soo diray:

  • [The Bible, John 14:28] “My Father is greater than I” oo macnaheedu yahay “ Eebahay ayaa iga wayn aniga” Kalmada Father waa magac tilmaamaya Eebe, macnaheedu maaha aabahay sababtoo ah diimihii hore markay doonayaan inay tilmaamaan Eebe waxay odhan jireen Aabaheen, laakiin markay diinta Islaamku timid ayuu Eebe ku badalay kalmada (Rabbi) oo noqonaysa Eebaha wax kasta barbaariya.
  • [The Bible, John 10:29] “My Father is greater than all.” Oo macnaheedu yahay “ Eebahay ayaa ka wayn cid kasta” Qof kasta oo aaminsan inuu Eebe (S.W.T) uu ka wayn yahay cid kasta waa muslim sidaa awgeed Nabi Ciise waa Muslim.
  • [The Bible, Mathew 12:28] “I cast out devils by the Spirit of God….” Waxaan Shaydaanka ku saaray ruuxda Ilaahay” ruuxda macanaheedu waa awooda ilaahay.
  • [The Bible, Luke 11:20] “…I with the finger of God cast out devils….” “ Waxaan Shaydaanka ku saaray farta ilaahay” macnaha awooda ilaahay.
  • [The Bible, John 5:30] “I can of mine own self do nothing: as I hear, I judge: and my judgement is just; because I seek not my own will, but the will of the Father which hath sent me.” Nabi Ciise waxa uu leeyahay “ Anigu naftayda waxba uma qaban karo, waxaan maqlo ayaan wax ku xukumaa, Xukunkayguna waa Xaq; Sababtoo ah ma doono inaan doonistayda yeelo, laakiinse waa doonista Eebahay isoo diray” waa hadal cad oo Nabi Ciise (N.N.K.H) uu ku cadaynayo inuu yahay rasuul iyo nabi, uuna wax ku xukumo sharciga Eebe (S.W.T).