Tusmo

Camalada maalinlaha ah iyo Fadligooda

Salaadaha Faralka ah:

عن عبادة بن الصامت قال : سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ : (خَمْسُ صَلَوَاتٍ كَتَبَهُنَّ اللَّهُ عَلَى الْعِبَادِ، فَمَنْ جَاءَ بِهِنَّ لَمْ يُضَيِّعْ مِنْهُنَّ شَيْئًا اسْتِخْفَافًا بِحَقِّهِنَّ ، كَانَ لَهُ عِنْدَ اللَّهِ عَهْدٌ أَنْ يُدْخِلَهُ الْجَنَّةَ، وَمَنْ لَمْ يَأْتِ بِهِنَّ فَلَيْسَ لَهُ عِنْدَ اللَّهِ عَهْدٌ،..) وصححه الألباني في “صحيح أبي داود

Cubaada ibnu Saamit waxa laga wariyey inuu dhahay: waxaan maqlay Rasuulkii Ilaahay oo leh: ” Shan salaadood oo Ilaahay ku waajibiyey Adoomada korkooda, cidii la timaada ee aan ka dayicin waxnaba ayadoo la fududaysanayo xaqooda, wuxuu Ilaahay agtiisa ku leeyahay ballan ah inuu galiyo Jannada, cidiise aan la imanin wax ballah ah Ilaahay kuma laha…”[1]

Salaadaaha Rawaatibta:

Salaadaha Rawaatibtu waa salaadaha sunooyinka ah ee la tukado salaada Faralka ah kahor ama kadib, tiradooduna waa 12 rakcadood, waxayna kala yihiin: Laba rakcadood oo ka horeeya Salaada Subaxa, afar ka horeeya salaada Duhurka, laba ka danbeeya Salaada Duhurka, laba ka danbeeya salaada Maqribka iyo laba ka danbeeya Cishaha.

عن عائشة قالت قال رسول الله صلى الله عليه وسلم من ثابر على ثنتي عشرة ركعة من السنة بنى الله له بيتا في الجنة أربع ركعات قبل الظهر وركعتين بعدها وركعتين بعد المغرب وركعتين بعد العشاء وركعتين قبل الفجر رواه الترمذي 379

Caasha waxa laga wariyey inay tidhi: Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu dhahay: ”Qofkii u adkaysta inuu tukado laba iyo toban rakcadood oo Sunne ah wuxuu Ilaahay u dhisaa guri Jannada ku yaala, waana afar rakcadood oo duhur kahoreeya iyo laba ka danbeeya, laba rakcadood oo ka danbeeya Maqrib, iyo laba ka danbeeya Cishe iyo laba kahoreeya Subaxa” [2]

Salaada Duxada:

Salaada Duxada waxa la tukadaa marka ay Qorraxdu soo baxdo ee ay diirto ama ay cadaato, waxaana la tukadaa laba rakcadood, cidii ka badsatana dhib malaha. Waqtigeduna wuxuu ka bilaabmaa marka Qoraaxdu soo baxdo ilaa waxyar kahor intaan la adimin salaada Duhur, waxaana fadligeeda kamid ah:

 عَنْ أَبِي ذَرٍّ رضي الله عنه عَنْ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ أَنَّهُ قَالَ : ( يُصْبِحُ عَلَى كُلِّ سُلَامَى مِنْ أَحَدِكُمْ صَدَقَةٌ ، فَكُلُّ تَسْبِيحَةٍ صَدَقَةٌ ، وَكُلُّ تَحْمِيدَةٍ صَدَقَةٌ ، وَكُلُّ تَهْلِيلَةٍ صَدَقَةٌ ، وَكُلُّ تَكْبِيرَةٍ صَدَقَةٌ وَأَمْرٌ بِالْمَعْرُوفِ صَدَقَةٌ ، وَنَهْيٌ عَنْ الْمُنْكَرِ صَدَقَةٌ ، وَيُجْزِئُ مِنْ ذَلِكَ رَكْعَتَانِ يَرْكَعُهُمَا مِنْ الضُّحَى ) رواه مسلم (1181)

Abudarr waxa laga wariyey inuu kasoo wariyey nabiga (scw) inuu dhahay: ”waxa laf kasta oo aad leedihiin lagu leeyahay sadaqo, Ilaahay oo xumaanta laga nasahana waa sadaqo, Ilaahay oo loo mahad celiyaana waa sadaqo, Ilaahay oo tawxiidkiisa la akhriyaana waa sadaqo, Ilaahay oo la wayneeyaana waa sadaqo, inaad wanaaga dadka farto waa sadaqo, xumaanta inaad ka reebtaana waa sadaqo, waxaana dhamaan gudaya laba rakcadood oo salaada Duxada ah” [3]

 

Salaada Habeenkii:

Salaada Habeenkii waa salaada ugu fadliga badan marka laga yimaado salaadaha Faralka ah, waxaana wanaagsan in la tukado habeenka marka sadex meelood laba meelood tagaan, waxaana la tukadaa kow iyo toban rakcadood oo quraan akhrinteedu dheertahay. Hase ahaatee qofkii caajisa wuxuu tukan karaa rakcado intaas ka yar, wuxuuna tukan karaa laga bilaabo marka salaada Cishe laga baxo illaa laga gaadhayo aadaanka salaada Subxa, xitaa ha noqoto hal rakcad oo aad habeenkii tukato waxa laguu xisaabinayaa Salaatu Laylka.

عن أبي أمامة الباهلي ، عن رسول الله – صلى الله عليه وآله وسلم – ، قال : ” عليكم بقيام الليل فإنه دأب الصالحين قبلكم ، وهو قربة لكم إلى ربكم ، ومكفرة للسيئات ، ومنهاة عن الإثم ) . رواه الترمذي (3549) وحسنه الألباني في إرواء الغليل

Abu Umaama Al-baahiliyy wuxuu ka wariyey Rasuulkii Ilaahay (scw) inuu dhahay: ”Waa inaad tukataan Salaada Laylka, maxaa yeelay waa dhaqankii Saalixiintii idinka horeysay, waana wax loogu dhowaado Rabbigiina, waana danbi dhaafka xumaanaha, waana cibaado kuu diidaysa Dunuubta” [4]

Quraan Akhrinta:

Kitaabka Ilaahay oo la akhriyo waa nicmada iyo barwaaqada Aduun iyo Aakhiraba waana mid kuu shafaaco qaadaya Maalinta Qayaame.

روى الترمذي (2910) عن عَبْد اللَّهِ بْن مَسْعُودٍ، قال: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: ( مَنْ قَرَأَ حَرْفًا مِنْ كِتَابِ اللَّهِ فَلَهُ بِهِ حَسَنَةٌ ، وَالحَسَنَةُ بِعَشْرِ أَمْثَالِهَا، لَا أَقُولُ الم حَرْفٌ، وَلَكِنْ أَلِفٌ حَرْفٌ وَلَامٌ حَرْفٌ وَمِيمٌ حَرْفٌ ) ، وصححه الألباني في “صحيح الترمذي” .

Cabdilaahi ibnu Mascuud waxa laga wariyey inuu dhahay: Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu dhahay: ” Qofkii akhriya xaraf kamid ah Kitaabka Ilaahay wuxuu helayaa xasano, xanadana waxa labanlaabaa toban jeer, ma dhahayo Alif laam miiim waa hal xara, ee alifku waa xaraf, laamkuna waa xaraf, halka miimkuna uu ka yahay hal xaraf” [5]

 

Barashada Xadiiska iyo Cilmiga Sharciga:

Ruuxa baranaya Cilmiga sharciga oo uu kamid yahay Xadiiska Nabiga, Siirada, Tawxiidka, Fiqiga, Taariikhda Islaamka, Cilmiga dhaxalka, , Culuumta kala duwan ee Quraanka waa qof xanbaaraya  diinta Islaamka, lamana soo koobi karo fadliga uu qofkaasi leeyahay, balse waxaynu soo qaadanaynaa un hal xadiis oo kaliya:

روى الترمذي (2658) عن عبد الله بن مسعود، عن النبي صلى الله عليه وسلم، قال: ( نضر الله امرأ سمع مقالتي فوعاها وحفظها وبلغها،) وصححه الألباني في “صحيح الجامع” (2309) 

Cabdilaahi ibnu Mascuud wuxuu ka wariyey nabiga (scw) inuu dhahay: ”Ilaahay ha sharfo qofka maqlay xadiiskayga oo weeleeyey oo xifdiyeyna kadibna sii faafiyey..” [6]

 

Adkaarta iyo Ducooyinka:

Dabcan duco kasta oo ruuxa Muslimka ah uu ku ducaysto waxay leedahay fadli iyo nafci wayn, waxaana ugu filan fadliga ducooyinka inuu Ilaahay ducooyinka aad akhrido kugu galinayo Jannada siduu Allah leeyahay:

{وَالذَّاكِرِينَ اللهَ كَثِيرًا وَالذَّاكِرَاتِ أَعَدَّ اللهُ لَهُمْ مَغْفِرَةً وَأجْرًا عَظِيمًا} [الأحزاب: 35]

”Iyo Ragga xusa Ilaah inbadan iyo dumarka xusa Ilaahay wuxuu Ilaahay u diyaariyey ayaga danbi dhaaf iyo ajir aad u wayn” [Suuratu Axzaab:35]

 

Caafimaadka:

Caafimaadka Jidhka iyo Maskaxduba waxay muhiim u yihiin inaad nolol raaxo leh kunoolaato Aduunka, wuxuuna ahaa nabigeenu mid ilaaliya caafimaadkiisa, hadii ay tahay cuntooyinka uu cuni jiray iyo hadii ay tahay jimicsiga uu samayn jiray.

Nabigeenu (scw) wuxuu cabi jiray cabitaanka malabka oo ka samaysan dhawr qaado/malcaqad malab ah oo lagu shubo koob biyo ku jiraan, wuxuuna cabitaankaas cabi jiray subaxa intaanu quraacanin kahor si jidhkiisu u furfurmo oo uu diyaar ugu noqdo hawl maalmeedka u yaala maalintaas.

Cabitaankaas oo kaliya ayaa ina tusaya qaabka nabigu ugu dadaali jiray cuntada uu qaadanayo, sidoo kale nabigu (scw) wuxuu ahaa orodyahan, wuxuuna la baratamay xaaskiisa Caasha (RC) oo marna ka dheeraysay, halka mar labaadkiina uu nabigu ka dheereeyey.

Shaqada ama Waxbarashada:

Ruuxa Muslimka ah waa inuu ku mashquulsanyahay waxbarasho uu naftiisa ku hormarinayo ama waa inuu shaqaynayo oo uu soo dhicinayo arzaaqadiisa oo xalaal ah, si uu udaryeelo naftiisa, qoyskiisa iyo bulshadiisaba.

Hadaba marka aad joogto goobta waxbarashada ama shaqada waa inaad ugu dadaasha sida ugu haboon, oo aad tahay ruux hawl kar ah oo kartina leh.

أَنِ اعْمَلْ سَابِغَاتٍ وَقَدِّرْ فِي السَّرْدِ ۖ ….﴿١١﴾

” waxaad sameysaa (nabi Daawuudow) duruucda (dharka dagaalka) sugana tixiddeeda (si wanaagsan u shaqayso” [Suuratu Saba’: 11]

Ilaahay wuxuu faray nabi Daawuud inuu si wanaagsan u shaqaysto oo aanu dadka khiyaamaynin, ama aalada uu samaynayo aanay noqon mid daciifa oo tamar yar. Halkaas waxaynu ka qaadanaynaa inaad adiguna ku dadaasho shaqadaada.

Ka fogow Danbiyada:

Danbiyadu waa waxyaalaha keena in farajku kuu iman waayo, waxayna sababtaa cadho Ilaahay iyo ciqaab aduunyo iyo mid aakhiraba, sidaas awgeed inaad ka dheeraato danbiyada waa asal kamid ah usuusha diinta Islaamka, wuxuu Ilaahay dhahay:

قُلْ إِنَّمَا حَرَّمَ رَبِّيَ الْفَوَاحِشَ مَا ظَهَرَ مِنْهَا وَمَا بَطَنَ وَالْإِثْمَ وَالْبَغْيَ بِغَيْرِ الْحَقِّ وَأَن تُشْرِكُوا بِاللَّـهِ مَا لَمْ يُنَزِّلْ بِهِ سُلْطَانًا وَأَن تَقُولُوا عَلَى اللَّـهِ مَا لَا تَعْلَمُونَ ﴿٣٣﴾

”Waxaad dhahdaa wuxuu uun Xarrimay Rabbigaygu faaxishooyinka, kan Muuqda iyo ka Qarsoonba, iyo Dambiga, iyo Xad Gudub Xaq darro iyo inaad la wadaajisaan Ilaahay waxaanu Xujo u soo Dejinin, iyo inaad ku Sheegtaan Ilaahay waxaydaan Ogayn «Xaqnimadiisa».” [Suuratu Acraaf:33]

 

Camadalada Saalixa ah:

Camalada Saalixa ah way badan yihiin, waxa kamid ah soonka waajibka ah iyo ka sunnada ahba, waxaana u fiican ruuxa muslimka ah inuu soomo bishii sadex maalmood, haduu soomo Khamiista iyo Isniinta way kasii ficantahay sababtoo ah waa maalmaha Ilaahay loo bandhigo camalada bani aadamka, wuxuuna dhahay nabigu: ”waxaan jeclahay in camaladayda la bandhigo anigoo sooman”.

Sidoo kale camalda saalixa waxa kamid ah sadaqada, hadii aad maalin kastaba aad la baxdo lacag yar sida hal doolaar oo aad ku kaydiso sanduuq kadbna bishii aad siiso qof miskiina,  waxaad ka helaysaa abaalmarin aad u balaadhan.

Camalada Saalixa waxa kale oo kamida in la xidhiidhiyo qoyskaaga iyo riximkaaga, in si wanaagsan loola dhaqmo reerkaaga, in jaarkaagu ka amaan helo dhibkaaga, in qof buka aad soo booqato, inaad raacdo janaasada Muslimiinta iwm.

( فَمَنْ كَانَ يَرْجُوا لِقَاءَ رَبِّهِ فَلْيَعْمَلْ عَمَلاً صَالِحاً وَلا يُشْرِكْ بِعِبَادَةِ رَبِّهِ أَحَدا ً) الكهف/110

”Ruuxii rajaynaya inuu la kulmayo Rabbigiis hala yimaado camal saalixa, oo yaanu cibaadada rabbigiis cidna la wadaajinin” [Suuratu Al-kahfi:110]

 

Maalin Dahabiya:

Qofka muslimka ah ee hal maalin wada qabta afar camal oo kamida camalada saalixa ah wuxuu Rasuulkeenu (scw) ugu ballan qaaday inuu galayo Jannada Raxmaanka. Afartaasna waxay kala yihiin: In hal maalin gudaheed aad kulansato inaad soonto, sadaqo la baxdo, qof buka soo booqato iyo inaad janaaso raacdo, wuxuuna dhahay nabigu:

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ قَالَ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ مَنْ أَصْبَحَ مِنْكُمْ الْيَوْمَ صَائِمًا قَالَ أَبُو بَكْرٍ أَنَا قَالَ فَمَنْ تَبِعَ مِنْكُمْ الْيَوْمَ جَنَازَةً قَالَ أَبُو بَكْرٍ أَنَا قَالَ فَمَنْ أَطْعَمَ مِنْكُمْ الْيَوْمَ مِسْكِينًا قَالَ أَبُو بَكْرٍ أَنَا قَالَ فَمَنْ عَادَ مِنْكُمْ الْيَوْمَ مَرِيضًا قَالَ أَبُو بَكْرٍ أَنَا فَقَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ مَا اجْتَمَعْنَ فِي امْرِئٍ إِلَّا دَخَلَ الْجَنَّةَ.

”Abuhurayra waxa laga wariyey inuu dhahay: Rasuulkii Ilaahay (scw) ayaa dhahay: ”Yaa maanta ku waabariistay isagoo sooman? Abubakar ayaa dhahay: Aniga. Wuxuu yidhi: Yaa maanta raacay janaaso? Wuxuu dhahay Abubakar: Aniga. Wuxuu yidhi: yaa quudiyey maanta Miskiin? Abubakar ayaa dhahay: Aniga. Wuxuu yidhi: yaa maanta soo booqday qof buka? Abubakar ayaa yidhi: Aniga. Wuxuu dhahay Rasuulkii Ilaahay (scw): ”Ruux Muslim ah kuma kulanto illaa wuxuu galaa Jannada” [7]


[1] Abudaawuud (1420) iyo Nisaa’i (461)

[2] Tirmadi (379)

[3]  Waxa soo saaray Muslim (1181)

[4] Waxa soo saaray Tirmadi (2549)

[5] Waxa soo saaray Tirmadi (2910)

[6]  Waxa soo saaray Tirmadi (2658)

[7] Waxa soo saaray Muslim (1028)