Tusmo

Jacaylku qasab maaha!

Lamaanaha guri kuwada nool waxa fiican inay yihiin dad is jecel oo nolosha wada wadaagaya, macaankeeda iyo qadhaadhkeedaba. Hadi jacaylku lamaanuhu dhinac kaliya yahay, dhinaca kale cadho u hayo waxa adkaanaysa sii wada noolaansha qoyskaas. Diinta Islaamka ee wayn ma ogola in nin ama gabadh lagu qasbo, waxaanay rabin. Ninka laguma qasbi karo inuu qasab ku guursado gabadh aanu rabin, sidoo kale gabadhana laguma qasbi karo inay guursato nin aanay rabin.

Qisadii Bariira iyo Muqiith:

Bariira (I.R.H) waxay ahayd saxaabiyad, waxayna la noolayd hooyadii mu’miniinta ee Caasha bintu Abubakar. Waxa Bariira qabi jiray nin adoon ahaa oo la dhaho Muqiith. Dabcan, Bariira ayaduna adoomad ayey ahayd hase ahaatee waa la xoreeyey.

Markii la xoreeyey ayey diiday inay la noolaato ninkeeda oo ahaa Muqiith oo ahaa nin adoona. Muqiith si xad dhaafa ayuu u jeclaa xaaskiisa, waanu ku dul wareegi jiray, isagoo oohintu ka qubanayso. Dabadeedna wuxuu nabiga (scw) ka dalbaday inuu ergo u noqdo oo xaaskiisa dib ugusoo laabato.

Nabigu (scw) Bariira ayuu waydiiyey inay la noolaato Muqiith, markaasay tidhi: Rasuulkii Ilaahayow: miyaad i amraysaa, mise ergo kaliya ayaad tahay? Wuxuu dhahay Rasuulkii Ilaahay: Maya, ee ergo ayaan ahay. Waxay tidhi: Hadaba, ma rabo ninkan.

عن ابن عباس أن زوج بريرة كان عبدا يقال له مغيث كأني أنظر إليه يطوف خلفها يبكي ودموعه تسيل على لحيته فقال النبي صلى الله عليه وسلم لعباس يا عباس ألا تعجب من حب مغيث بريرة ومن بغض بريرة مغيثا فقال النبي صلى الله عليه وسلم لو راجعته قالت يا رسول الله تأمرني قال إنما أنا أشفع قالت لا حاجة لي فيه

Ibnu Cabbaas waxa laga wariyey in ninkii Bariira qabay, uu ahaa adoon loogu yeedho Muqiith, waan arkayey isagoo ku dul wareegaya dhabarkeeda, oo oohintu ku qubanayso gadhkiisa, markasuu Rasuulkii Ilaahay (scw) ku yidhi Cabaas: Cabbaasow, miyaanad la yaabayn, jacaylka Muqiith u hayo Bariira iyo cadhada Bariira u qabto Muqiith. Markaasuu nabigu (scw) ku dhahay: Maad, dib usoo ceshitid? Markaasay tidhi: Rasuulkii Ilaahayow, miyaad i amraysaa? Wuxuu yidhi: Anigu ergo unbaan ahay. Waxay tidhi: Uma baahni. [Saxiixu Bukhaari: 4979 ]

Dabcan xadiiskan saxiixa ah waxa inooga cad in gabadha marnaba aan lagu qasbi karin nin aanay rabin, xitaa saygeedii hore ha ahaadee. Diintan Islaamka ee wayn, dumarka muslimaatka ah waxay ka xoreysay adoonsigii jaahiliga iyo istusnimada reer galbeedkaba. Alxamdulilaah.

Qisadii gabadhii diiday nabiga (scw):

Nabigu (scw) wuxuu guursaday gabadh magaceeda la dhaho, Umayma bintu Nucmaan Sharaxbiil, kadibna guriga ayuu ugu galay, markaasu isku dayey inuu taabto kadibna waxay gabadhii dhahday: Ilaahbaan kaa magangalay!! Rasuuku (scw) wuxuu dhahay: Waxaad magan gashay ku la magan galo. Waanu kasoo baxay, wuxuuna bixiyey maherkeedii, wuxuuna faraya saxaabigiisii Abisaciis Assaacidii inuu reerkeedii u geeyo.

Dabcan, xadiiska riwaayado badan ayaa lasoo arooriyaa, waxa la tilmaama in gabadhu aanay markii hore garanaynin in cida guursatay Rasuulkii Ilaahay yahay. Waxa kale oo la yidhi: Haweenkii nabiga (scw) ayaa ogaaday inuu gabadhan nabigu guursanayo, kadibna way ka hinaaseen oo waxay u sheegeen inuu jecelyahay ereyga aha (Ilaahbaan kaa magan galay) ee markuu kuu yimaado sidaas ku dheh, kadibna ayadiina ay sidii ku dhawaaqday, oo rasuulku (scw) furay.

Kii ay ahaataba, waxa aynu ka qaadanayna akhlaaqda wanaagsan ee Rasuulka (scw) oo aan qof muslima dhib u gaysanaynin, sidoo kalena cidna aan qasbayn. [Saxiixu Bukhaari: 4957 ]

Qisadii gabadhii diiday inay guursato inaadeerkeed:

Gabadh ayaa rasuulka (scw) utimid, waxayna ka cabatay aabaheed oo raba inuu u guuriyo inaadeerkeed, waxayna tidhi: aabahay ayaa raba inuu ii guuriyo wiil uu adeer u yahay, si uu booskiisa sare ugu qaado (markuu wiilku guursado ayuu darajo sare gaadhayaa), markaasuu nabigu go’aanka siiyay gabadhii. Hadii ay rabto ha guursato, hadii kalena ayadaa go’aanka iska leh.

Markii doorashada la siiyey ayey tidhi: rasuulkii Ilaahayow, waan guursanayaa ninka aabahay isiiyey, laakiin waxaan rabay in dumarku ay ogaadeen in aabayaashood aanay arrinka waxba ku lahayn. [kaligood aanay go’aan qaadan karaynin, illamaa lala tashado gabadha]. [Sunanu Ibnu Maajah: 1874 ]

Ma banaantahay in gabadha lakal doorad siiyo duco iyo habaar?

Dhaqanka soomaalida waxa kamida in aabuhu gabadha uu dhalay uu kala dooradsiiyo duco iyo habaar. Duco qaado oo guurso ninkan, ama habaar hakugu dhaco hadii aanad guursanin oo aanad yeelin amarkayga!

Ugu horeyn in waalidka lagu adeeco daacada waa waajib, laakiin guurku waa xaq ay gabadhu leedahay, lagumana qasbi karo cidii aanay rabin, hadii ay diido gabadho ninka aabaheed soo bandhigay xaqbay uleedahay. Sababtoo ah, cida ninka guursanaysa waa ayada, waa masiirkeedii iyo cidhib danbeedkeedii, sidaas awgeed talada qayb ayey ku leedahay.

أبو هريرة أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال لا تنكح الأيم حتى تستأمر ولا تنكح البكر حتى تستأذن قالوا يا رسول الله وكيف إذنها قال أن تسكت

Abuhurayra, waxa laga wariyey in Rasuulkii Ilaahay dhahay: lama guurinayo gabadha carmalka ah (garoobka ah) ilamaa amarka laga qaato, lamana guurinayo bikrada ilamaa ogolaansho laga haysto, waxay dhaheen: Rasuulkii Ilaahayow, sidaas uga idan dalbanaa (maadaama ay xishoonayso) wuxuu yidhi: inay aamusto. [Saxiix Muslim: 1419 ]

Sidaas dareed ma banaan in gabadha lagu qasbo nin aanay rabin, waa in laga amar qaato ta garoobka ah ee hadda kahor soo guursatay, ta bikrada ahna waa in ogolaansho laga haysto, hadii ay awoodi kari waydo inay ku dhawaaqdo ogolaansha, way aamusaysaa. Aamusnaantuna waa calaamada iyo astaanta inay raali tahay.

Kaliya, waxa lagasoo reebayaa gabadha bikrada ah ee ayadu aan qaangaadhin ee aabaheed rabo inuu siiyo nin guursada mustqablaka. Sida aabe ayaa dhalay gabadh cimirigeedu yaryahay tusaale waa todoba jir, manay qaangaadhin, laakiin wuxuu ninka soo doonay inant yar ugu ballan qaaday in markay waynaato uu uguuriyo, markaa aabaha way u banaantahay inuu bixiyo inantiisa xitaa hadii aanu ogolaansho ka haysanin, sababtoo ah way yartahay oo may qaangaadhin.

Gabadhu ma guursan kartaa aabaheed la’aanteed?

Diintan Islaamka ee wayn, sida ay dumarka xuquuqda usiisay ayey aabaha gabadha dhalay isagana ay usiisay xaq wayn oo ah in isaga lagasoo doono inantiisa, hadii aanu noolayna cidii ugu dhow waligeeda. Aabaha oo nool, lagama dul boodi karo, mana banaana in xaqiisa cid kale tuurta saarato aabaha oo nool, waa hadii aanu faasiq ahayn (sida khamriile), markaas haduu faasiq yahay cida ehelkeeda ugu dhow ayaa wali u ah. Waliguna tartiib ayuu leeyahay, mana banaana in laga boodo, sidan soo socota ayey ukala horeynayaan:

  1. Aabaha ayaa ugu horeeya.
  2. Ka labaad waa ruuxa aabuhu soo wakiisho.
  3. Aabuhu hadii aanu noolayn ama uu faasiq yahay waxa u gudbaysaa Awoowga, haba sareeyee.
  4. Awoogu cidii uu wakiisho.
  5. Wiilka gabadhu dhashay oo qaan gaadh ah iyo ubadka uu sii dhalay, haba hooseeyaanbee.
  6. Walaalakeeda isku hooyo iyo isku aabo ah. Iyo wiilasha walaalkeed dhalay ee ay eedada u tahay, haba hooseeyaanbe.
  7. Walaalkeeda kala hooyada yihiin.
  8. Adeerkeed ay aabaheed isku hooyo iyo isku aabo yihiin, kadibna adeerkeeda aabaheed la dhashay.
  9. Inaadeeradeed.
  10. Cid tolkeeda ugu dhow.
  11. Hadii aanay tolba lahayna waxa bixinaya qaadiga maxkamada, oo bixinaya cidii aan wali lahayn.

Marnaba ma banaana in gabadhu kaligeed is guuriso, iyo in la maher xado oo khudbad sir lagu guursado. Guurkaasina waa mid baadila, wuxuu dhahay nabigu (scw):

عن عائشة أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال أيما امرأة نكحت بغير إذن وليها فنكاحها باطل فنكاحها باطل فنكاحها باطل فإن دخل بها فلها المهر بما استحل من فرجها فإن اشتجروا فالسلطان ولي من لا ولي له 

Caasha waxay rasuulkii Ilaahay (scw) ka warisay inuu dhahay: gabadh kasta oo guursata ayadoon ogolaansho ka haysanin waligeeda, guukeedu waa baadil, guurkeedu waa baadil, guurkeedu waa baadil. Hadii uu la aqal galo (xidhiidh gogoleed dhex marto) waxay gabadhu yeelanaysaa maherkeedii, wixii uu ku xalaashaday farjigeeda, hadii ay murmaan suldaanka (cida muslimiinta maamulaysa) ayaa wali u ah cidii aan wali lahayn. [Sunan Tirmadi: 1102 ]

Hadii gabadho ay ayadu iskeed isu maheriso oo aabaheed ceebayso kana dul boodo gabadhaasi xumaan iyo danbi ayey ku kacday. Aabaheedna sharafta ayey ka qaaday. Sababta gabadha loo cananaayo waxa weeye, inta badan dumarka ayaa raali ka noqda in la maher xado oo waligeeda laga dul boodo, ama inaadeerkeeda 4 aad oo aan waliba u ahayn u yeedhata.

Ninku sidiisaba waa bahal, raba inuu dumarka si fudud u helo oo buste bustayso, kadibna uu banaanka ku tuuro sidaas awgeed ayaa diinta Islaamk wajaib uga dhigtay in gabadha aabaheed bixiyo ama waligeeda cida ugu dhow.

 عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ ، قَالَ : ” لا تُزَوِّجِ الْمَرْأَةُ الْمَرْأَةَ ، وَلا تُزَوِّجِ الْمَرْأَةُ نَفْسَهَا فَإِنَّ الزَّانِيَةَ هِيَ الَّتِي تُزَوِّجُ نَفْسَهَا ”

(Haweenay ma guurin karto gabadh kale, gabadhuna nafteeda isma guurin karto, maxaa yeelay gabadha sinaysata ayaa nafteeda guurisa) [Ibnu Maajah: 1782]