Saxaabiga Sayid binu Khaarija Al-ansaari wuxuu kamid ahaa saxaabadii ka qaybgashay dagaalkii Badar, waana saxaabigii isagoo dhintay hadana hadlay. Imaamu Bayhaqi wuxuu soo wariyay in saxaabiga Sayid binu Khaarija Al-ansaari uu geeriyooday xilligii Cusmaan binu Cafaan, waxa dusha laga saaray go’ii, kadibna waxay maqleen cod kasoo baxay laabtiisa, waanu hadlay wuxuu yiri: Axmed Axmed wxuu ku yaalaa Kitaabkii koowaad, runbuu sheegay runbuu sheegay Abubakar Sidiiq oo ahaa nin caato ah kun xoogaa amarka Ilaahay, runbuu sheegay runbuu sheegay Cumar binu Khadaab oo xooganaa aamina ahaa, wuxuu ku yaala kitaabkii koowaad, runbuu sheegay runbuu sheegay Cusmaan binu Cafaan jidkooda ayuu haystaa afar sano ayaa tagay laba hadhsan, waxa bilaabantay Fitnadii, ka xooga wuxuu cunayaa ka tamarta yar, kadibna waxa dhacaya Qayaamadii.