Imaamyada tukinaya salaadaha Taraawiixda iyo Tahajudka ee masaajidka xaramka bisha barakeysan ee Ramadhaan ee sanadkan hijriyada 1442 ayaa si rasmi ah loo shaaciyey.

Sida lagu shaaciyey warqad qoraal ka soo baxay xafiiska Xarameyn Al-Shariifeyn waxaa lagu sheegay in imaamnimada bisha Ramdhaan ee masaajidka xaramka loo xushay 6 ka mid ah culimada caanka ku ah akhrinta Qur’aanka kariimka.

Culimadaasina waxay kala yihiin:

Tusmo

1. Sheekh C/raxmaan Al-Sudeys

Sheekh C/raxmaan Al-Sudeys sanaddi 1961-kii ayuu ku dhashay magaalada Qaasim ee dalka Sacuudi Carabiya.

Magaca Sheekha oo dhammeytiranna waa C/raxmaan Cabdulcaziiz Al-Sudeysi Al-Najdi wuxuu Sacuudi Carabiya iyo dunida muslimkaba uu caan kaga yahay akhrinta qur’aanka kariimka.

Qaarinimadana waxaa u dheer waa imaamka koobaad ahna khadhiibka masaajidka Xaramka ee magaalada Makkah. Sida oo kalana waa madaxa guud ee arrimaha labada masjid ee barakeysan (Makkah iyo Madina).

Sheekh Sudeysi wuxuu Qur’aanka uu xifdiyey isaga oo ay da’diisu ahayd 12 jir waxbarashada dugsiga hoosa, dhex iyo sarana wuxuu ku bartay ‘Dugsiga hoose ee Al-Muthana’ isaga oo dugsi sare ka baxay 1979.

Kaddibna sanadki 1983 wuxuu ku biiray jaamacadda la oran jiray ‘Riyadh University’ oo hadda loo bixiyey ‘King Saud University’ wuxuuna ka qaatay shahaadada koobaad iyo labaad. Shahaadada PHD wuxuu sanakii 1995 uu ka qaatay jaamacadda ‘Umm al-Quraa’

2. Sheekh Sacuud Al-Shureym

Sheekh Sacuud Al-Shureym bishii January 1966-kii wuxu ku dhashay magaalada Riyadh.

Magaca Sacuud Al-Shureym waa magac caan ah marka la fiiriyo cilmiga diineed uu leeyahay iyo sida quruxda badan oo uu Qur’aan Kariimka u akhhriyo.

Shahaada Sharafeedka doktareetka uu ka qaatay Jaamacadda Umm Al Quraa ee ku taalla magaalada Makka.

Sheekh Shureym wuxuu Imaam iyo Khadhiib uu ka yahay masaajidka Xaramka ee magaalada Makkah.

3. Sheekh C/llaahi Cawad Al-Juxany

Sheekh C/llaahi Cawad Al-Juxany wuxuu ku dhashay magaalada Makkah, xifdiga qur’aankana waxaa baray imaamki hore ee masjidka nabiga ee Madiina Sheekk Maxamed Ayuub.

Sheekh Juxany wuxuu qur’aanka xifdiyey da’diisu markay ahayd 16 jir isaga oo tartanka qur’aanka kariimka xilligaasi kaalinta koobaad ka galay.

Shadaadad koobad ee cilmi Qur’aanka wuxuu ka qaatay Jaamacadda islamiga ee Madiina, Shahaadada labaad iyo tan seddexaadba oo cilmiga Qur’aanka wuxuu ka qaatay Jaamacadda Umm al-Qura ee ku taalla magaalada Makkah.

4. Sheekh Maher Al-Mucaqili

Sheekh Maher Al-Mucaqili Al Baloui sanadki 1969 wuxuu ku dhashay magaalada Madiina. Wuxuuna ka mid yahay culimada caanka ku ah akhrinta Qur’aanka Kariimka.

Wuxuu sida oo kale Sheekhan uu caan ku yahay aqoonta cilmiga xisaabta uu heer sare ka gaaray, wuxuuna macallin ka ahaa jaamacadda Boqor Cabdalla ee ku taallo magaalada Makkah.

2006-2007-dii wuxuu imaam ka soo noqday masaajidka nabiga ee Madiina. 2008-ddina isaga iyo Shekh Sudeys waxay salaadda taraawiix ku tujinayeen masaajidka Xaramka.

Sheekh Maher wixi ka dambeeyey 2016-ki wuxuu ka mid noqday imaamyada masaajidka Xaramka iyada oo imaamnimada uu u magacaabay boqorka boqortooyada Sacuudi Carabiya.

5. Sheekh Bandar Baleelah

Sheekh Bandar bin Abdulaziz bin Siraaj Bin C/maalik Baleelah sanaddi 1975 wuxuu ku dhashay magaalada Makka.

Wuxuuna ka mid yahay culimada Qur’aanka sida uu u akhriyo aad loogu jecel yahay. Shahaadooyinka koobaad iyo laabaad ilaa iyo PHD oo cilmiga Shareecada Islaamka iyo Fiqiga wuxuu ka qaatay jaamacadda Umm Al-Qura.

Wuxuuna in mudda ah uu imaam ka soo ahaa masaajidka Al Amira Nouf ee ku yaalla xaafadda Al Aziziyah ee magaalada Makkah.

2013 wuxuu ka mid noqoday imaamyada salaadda taraawiixda ee bisha ramadhaan ku tujiya masaajidka Xaramka.

2016-kii Boqor Salmaan ayaa Shekh Baleelah u magacaabay inuu imaam ka noqdo tujinta salaadda ‘Istisqaa’ Roob doonka ee Xaramka.

6. Sheekh Yaasir Al-Dossariy

Sheekh Yaasir Al-Dossariy sanadkii 1981-kii ayuu ku dhashay magaalada Riyadh. Wuxuuna ilaahey hiba u siiyey cod qurux badan oo Qur’aan akhriskana ku wanaagsan.

Qur’aanka kariimkana wuxuu ku xifdiyey da’diisu markay ahayd 15 jir, kaddibna wuxuu cilmiga shareecada islaamka uu kaga soo qalin jabiyey jaamacadda Islaamiga ee Imaam Maxammed bin Sacuud.

Wakhti xaadirkanna wuxuu ka mid yahay macallimiinta ugu caansan jaamacadda Boqor Sacuud, wuxuuna cilmiga ka akhriyaa Masaajidka Dakhli ee ku yaalla Riyadh, waana xoghayaha guud ee jaamacadda Amiir Suldaan qaybta ciidamada qalabka sida ee Sacuudiga lagu baro Qur’aanka kariimka.

Xigasho: Bbcsomali