Tusmo

Ilaaliyaashii rasuulka (scw)

Nabiga Muxmaed (scw) waxa ilaaliyey qaar kamida saxaabadiisa kahor intaan Ilaahay soo dajinin inuu ka ilaalinayo dhibaatada dadku ay u gaysanayaan rasuulka (scw). Saxaabada ilaalin jirtay waxa kamida:

Sacad ibnu Waqaas

Waxa Imaamu Bukhaari iyo Muslim kusoo saareen saxiixooda xadiiska Caasha ee ahaa

قالت عائشة أرق النبي صلى الله عليه وسلم ذات ليلة فقال ليت رجلا صالحا من أصحابي يحرسني الليلة إذ سمعنا صوت السلاح قال من هذا قال سعد يا رسول الله جئت أحرسك فنام النبي صلى الله عليه وسلم حتى سمعنا غطيطه

Caasha waxay tiri: habeen ayuu nabigu (scw) soo jeeday markaasuu yiri: hadii nin wanaagsan oo saxaabadayda kamida i ilaalin lahaa caawa, markaasaan maqalnay sanqadhii hubka, wuxuu yiri: waa kuma? Wuxuu dhahay: waa Sacad, rasuulkii Ilaahayow, waxaan u imid inaan ku ilaaliyo. Waanu seexday rasuulkii Ilaahay (scw) illamaa aan ka maqalnay khuuradiisa.[1]

Xadiiskan waxaan ka faa’idnay:

  1. Rasuulka (scw) inuu yahay bashar lana imanay sababtii Ilaahay amray oo ah inuu digtoonaado.
  2. Ilaalinta rasuulku waa kahor intaan Ilaahay soo dajinin inuu isagu ka ilaalinayo gacanta aadamaha.
  3. Fadliga Sacad binu Abiwaqaas oo nabigu ku tilmaamay inuu yahay nin wanaagsan.
  4. Amaanka nabigu dareemay markii Sacad u yimid
  5. Ducadii nabiga oo markiiba Ilaahay ka aqbalay.

Sacad binu Mucaad

Sacad binu Mucaad wuxuu ilaaliyey nabiga (scw) cariishkiisii looga dhisay Badar.

Abubakar Sidiiq

Nabiga (scw) wuxuu ilaaliyey maalintii hijrada markuu seexday geedka hoostiisa iyo dagaalkii Badar.

Maxamed binu Maslamah

Maxamed binu Maslamah Ilaahay raali haka ahaadee wuxuu nabiga ilaaliyey dagaalkii Uxud.

Zubeyr ibnu Cawaam

Zubayr Ilaahay raali haka ahaadee wuxuu rasuulka ilaaliyey maalintii Axzaab.

Muqiira binu Shucbah

Muqiira Ilaahay raali haka ahaadee wuxuu nabiga ilaaliyey maalintii Xudaybiya.

Abu Ayuub Al-ansaari

Wuxuu rasuulka (scw) ilaaliyey habeenkii nabigu la aqal galay xaaskiisii Safiya bintu Xuyay binu Al-akhdab.

Anas ibnu Abi Marthad Al-Qanawi

Wuxuu nabiga (scw) ilaaliyey habeenkii dagaalkii Xunayn

Nabiga (scw) waa la ilaalin jiray ilaa ay kasoo dagtay aayadan (والله يعصمك من الناس) (Ilaahybaa kaa ilaalinaya dadka). Markii ay soo dagtay ayuu nabigu saxaabadiisa kala diray isagoo leh ”Dadoow iska taga waxa i ilaalinaya Ilaaha sharfta iyo sarreynta iska leh”[2]


[1] Bukhaari:6804 iyo Muslim: 4427

[2] Tirmadi: 3046