Tusmo

Ilaahay run u sheeg, hakuu rumeeyee!

Nin reer baadiye ah oo Ilaahay run u sheegay.

Ma ogtahay hadii aad Ilaahay run u sheegto inuu Ilaahayna kuu rumaynayo wixii aad rabtay. Waxa nabigeena (scw) u yimid nin reer baadiye ahaa, wuxuuna ka dalbaday inuu raaco. Nabigu (scw) wuu ka aqbalay, wuxuuna saxaabadiisa u dardaarmay inay daryeelaan.

Maalintii danbe ayey muslimiintii weerar qaadeen, wayna guulaysteen kadibna qaniimadii ayaa qeybtiisa la siiyey ninkii reer baadiyaha ahaa. Ninkii ayaa waydiiyey, maxaa xoolahan la igu siiyey? Nabiga (scw) ayaa ku dhahay: waa dheeftii ama qeybtii aad qaniimada ku lahayd.

Ninkii wuxuu yidhi: Anigu inaan xoolo qaato kuuman soo raacin, waxaan kuusoo raacay in leeb igaga dhaco halkaas hunguriga oo dhinaca kale ka baxo, kadibna aan dhinto oo aan jannada galo. Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: “Hadaad Ilaahay run u sheegto wuu kuu rumayn”

Mudo yar kadib, waxa dib u bilowday dagaalkii waxaana nabiga (scw) hortiisa la mariyey ninkii oo la sido, sidoo kalena hunguriga ay kaga dhacday leeb oo dhinaca kale uga baxay, markaasuu Rasuulku (scw) dhahay: “Isagu ma isagiibaa?” Waxay dhaheen saxaabadii: Haa. Wuxuu Rasuulku (scw) dhahay: “Run ayuu Ilaahay u sheegay, Ilaahayna wuu u rumeeyey” [Sunan Al-nisaa:1953 ]

Geeridii Cumar ibnu Khadaab:

Amiirkii mu’miniinta ee Cumar ibnu Khadaab, ilaahay raali haka ahaadee wuxuu Ilaahay waydiistay inuu noqdo shahiid isagoo jooga magaalada Madiina oo ahayd caasimadii muslimiinta.

Maadaam uu Ilaaahay run usheegay, Ilaahayna waa ka aqbalay, wuxuuna usoo dira nin adoona oo gaala, waa Abu Lu’lua al-majuusi, kasoo dilay Cumar isagoo salaad subax tjinaya muslimiinta.

مِّنَ الْمُؤْمِنِينَ رِجَالٌ صَدَقُوا مَا عَاهَدُوا اللَّهَ عَلَيْهِ ۖ فَمِنْهُم مَّن قَضَىٰ نَحْبَهُ وَمِنْهُم مَّن يَنتَظِرُ ۖ وَمَا بَدَّلُوا تَبْدِيلًا (23)

“Mu’miniinta waxa kamida rag oofiyey ballantii Ilaahay ay la galeen, kuwa ayaga kamidana kuwa gutay ajashoodii (dhintay) iyo kuwa sugayaba, manaysan badalin” [Suuratu Al-axzaab:23]

Gabogabo:

Ruuxa mu’minka ah waxa looga baahanyahay in hadalkiisu runyahay, oo qalbigiisa kasoo baxay ay ka tahay daacad iyo ikhlaas, sidaasoo kale ficilkiisuna waa inuu yahay daacadnimo iyo ikhlaas, markaas ayaa Rabbiga wayn (swt) isaguna rumaynaa himilooyinka iyo rajooyinkaagaba.