Makusoo martay qof aad markii ugu horreysay wada kulanteen oo hadana aad naftaada waydiisay  qofkan hadda kahor ayaad kulnteen? Ma jirtaa meel aad tagtay markii kuugu horraysay haddana aad is tidhaahdo meeshan hadda kahor ayaad timid?

Dhacdadan waxa loo yaqaanaa déjà vu, waa eray af faransiisa oo macnaheedu yahay “hadda kahor ayaan arkay” Boqolkiiba 70 aad dhalinta u dhaxaysa 15 ilaa 25 aad waxay la kulmaan dhacdadan.

Meel ayuu tagayaa wuxuuna dhahayaa: “Meeshan hadda kahor ayaan imid, waana maalintii ugu horraysa ee uu yimaado”

Qof ayuu la kulmayaa markii ugu horraysay wuxuuna dhahayaa: “hadda kahor ayaan kula kulmay” haddaba dhacdadan maxaa lagu fasiri karaa?

Waxa jirta dhawr aragtiyood oo lasoo bandhigay:

Tusmo

Riyooyinka

Aragtidani waxay dhahayaa meesha aad tagtay ama qofka aad la kulntay waxaad ku aragtay riyo, kadibna markaad la kulanto ayaad dareemaysaa inaad meeshan hadda kahor timid ama inaad qofkan la kulntay, balse si dhaba uma xasuusatid goobtii iyo goortii aad kula kulntay.

Maskaxda

Aragtidani waxay dhahaysaa maskaxdu waxay u qaybsantaa laba qaybood, waxayna macluumaadka heshaa isku hal mar balse marka dhacdada déjà vu aad la kulmayso qeyb maskaxda kamida ayaa macluumaadka ka hor heshay qeybtii kale, kadibna waxaad is dhahaysaa qofkaan ama meeshan hadda kahor ayaad la kulntay ama aad timid.

Dhacdooyin hadda kahor kusoo maray ood ilwoday.

Aragtidani waxay dhahaysaa dhacdada déjà vu waxay timaada marka aad la kulnto dhacdo hadda kahor kusoo martay oo aad halmaantay, kadibna aad xasuusatay.

Indhaha oo kala horreeya

Aragtidani waxay dhahaysaa labada indhood ayaa araga ku kala horreynaya, kadibna waxaad is dhahaysaa meeshan hadda kahor ayaad aragtay. Hase ahaatee, aragtidan waxa burinaya qofkii cawarnaa ama qofkii indhaha la’aa oo ayaguna la kulma dhacdadan déjà vu.

Dhulalka Badan

Aragtidani waxay dhahaysaa waxa jira dhulal badan oo ay ku noolyihiin adiga koobigaagu, oo dadkaas koobigaaga ahna ay u noolyihiin sida aad u nooshahay adigu.

Xasuusta

Aragtidani waxay dhahaysaa waxaad dhacdadan aad la kulntay ku aragtay sawir, kitab, filin kadibna marka wax lamida wixii aad daawatay ay kula kulmaan ayaad isku xidhaysaa labadii dhacdo.

Hadda kahor ayaad la kulntay

Aragtidan waxay dhahaysaa waad sax santahay oo qofkan hadda kahor ayaad la kulantay oo hadda kahor waad noolayd waanad dhimatay, kadibna waad soo noolaatay. Fikradan waa aragtida diinta Hinduuska ee aaminsan in dadku ay dhintaan kadibna ay dib u dhashaan.

Dhamaan fikradahani kuma fadhiyaan arrin cilmiyeysan, balse kawarran hadii aan ku dhaho: dhacdadan waxa ka jawaabay rasuulkii Ilaahay (scw).

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ الْأَرْوَاحُ جُنُودٌ مُجَنَّدَةٌ فَمَا تَعَارَفَ مِنْهَا ائْتَلَفَ وَمَا تَنَاكَرَ مِنْهَا اخْتَلَفَ

Abihurayra waxa laga wariyey in rasuulkii Ilaahay (scw) yiri: “Arwaaxdu waa kooxo isu yimid (noocyo kala duwan) kuwii is aqoonsada ayaa isasoo jiita kuwii aan is aqoonsanina way is khilaafaan”[1]

Xadiiskan culumadu markay sharraxeen waxay dhaheen:

Arwaaxda marbaa lawada abuuray, kadibna jidhkooda ayaa la galiyey, kuwii isa shabahaana way is waafaqaan, kuwa kalena way kala tagaan oo is khilaafaan.

Waxay kale oo dhaheen: arwaaxdu waxay u qaybsamaan laba qaybood: duco qabayaal iyo habaar qabayaal, duco qabayaashu way isa soo jiitaan, halka habaar qabayaashuna ay ayguna isasaoo jiitaan.

Dabcan xadiiska waxa laga fahmayaa in arwaaxda laga hor abuuray jidhka, ayna caalam kale oo Ilaahay ogyahay ay ku kulmeen. Labadii hadda kahor kulmayna way isasoo jiidanayaan oo way is waafaqaan, kuwa kalena way kala yaacayaan.

 

[1] Saxiix Muslim: 2638