Tusmo

Sheekadii Kabo Calaf iyo Huryo Ugaas:

Ninka la dhaho Kabo Calaf ayaa wuxuu la tagay gabadha la dhaho Huryo Ugaas ; La tagistu waxa weeye marka ninku ka cabsado inuu ugole fadhiisto gabadha, ayuu la baxsan jiray.

Kabo Calaf waxa gabadha la waday nin kale, gabadhuna waxay ahayd gabadh caqli badan, waxayna rabtay inay jarribto ninka lasoo tagay. Kadibna waxay waydiisay dhawr su’aalood oo halxidhaale ama duurxul ahaa.

Dabadeedna geed hoostii  ayay fadhiisteen, markaasay tidhi Huryo: Miyeynaan nasanayn? Ninkii watay ayaa dhahay: Oo miyeynaan fadhiyin! Ninkii kale ee la socday ayaa dhahay: Gabadhu waxay u jeedaa, miyeynaan kabaha bixinayn, markaasa si fiican loo nastaaye.

Cabaar markii la socday ayey tidhi: Miyenaan afurayn? Ninkii lasoo tagay ayaa dhahay: oo cidlaynu maraynaaye! Ninkii kale ayaa yidhi: waxay u jeedaa, miyeynaan cadayanaynin, ileen cadaygaa cunto u dhigmee.

Markii mudo la socday ayey tidhi: waxaan arkaa adeeti! (Adeetidu waa marka guryaha lagusoo dhowaado) Ninkii watay ayaa dhahay: Oo cidlaynu maraynaaye, xagaad ka arkaysaa adeetida? Ninkii la socday ayaa dhahay: waxay u jeedaa Haadbaan arkaa. (Haaduna waxay tilmaantaa in meeshaas dad ka dhowyihiin).

Markii ay yimaadeen gurigii ayaa loo keenay hadhuudh, caano iyo subag. Kadibna dhankii gabadha xigtay ayaa iidaankii ka dhamaaday oo dhinacii ragga ayuu iidaankii isugu tagay. Gabadhii waxay ka xishootay inay dhahdo dhinacaan waday qarax buu noqday, kadibna farsamo ayay keentay oo intay fandhaalki qaadatay ayay tiri: Kaba Calafow hadalkaad igu tidhi maanta markaynu soo soconay sidaasa caloosha laykala xaabiyay, intay raashinkii gacan soo jeexday, iidaankina dhinaceeda ayuu soo raacay.

Ninkii ayaa ku fahmay, wuxuuna dhahay amba jawaabta aad itiri caloosha saas lay walaaqay ,inta uu cuntadii isku walaaqay si uu iidaanku uwada gaadho.

Gabadhii markii wadaadki loo keenay ee lays dhahay meheriya ayay tidhi: Ninkii isoo kaxaystay dooni maayo, ee ninkii ila waday halay meheriyo. Sababto ah hadaladii ay waydinaysay oo dhami waxay ahaayeen tijaabo maskaxdiisa ayay ku baadhaysa

 

Sadexdii Hablood ee Heerinka ahaa:

Barigii horre waxa jiri jiray hablo heerin ladhaho, habluhu markay noqdaan garab wayn ayay israaci jireen ooy dhihi jireen aynu calaf doonano.

Waxa la tilmaama in sadex hablood oo heerina ay yimaadeen degmo. Kadibna nin duqa ayaa dhahay: hablaha aan iska hubino!

Hablihii waxa loo geeyey xeedho hiliba oo kulul, waxa kale oo la diray niman u kuur galaya habluhu waxay leeyihiin, kadibna hablaha tii koowaad ayaa xeedhadii gacanta galisay, markaasay tidhi: KULULAA KAMA NAALEE, tii labaadna waxay tidhi: NAA KAMA KAADSAN KARNEE KALA GOO. tii sadexaadna waxay tidhi: NAA HA KAFAFEE KORKA SAAR.

Nimankii ayaa warkii keenay, oo sheegay sadexdii erey ee habluhu ku dhawaaqeen. Dabadeena, odoyaashii waxay dhaheen: Ta koowaad, way samir darantahay oo waxay sugi kari wayday hilibka kulul intuu ka qaboobayo, ta labaadna, way huguri wayntahay oo hilib kulul ayey rabtaa inay kala goyso, ta sadexaad ee tidhi: hakfafee korka saar, ayeynu ka qaadanaynaa, sababtoo ah waa gabadh samir leh.


Xigasho:

Abwaan Yuusuf Shaacir