Bismillaah, waxaan ku bilaabayaa magaca Ilaahay (swt), waxaanan u mahad celinayaa Rabbiga naga yeela muslimka, sidoo kale waxaan ku sallinayaa xabiibkayga Muxamed (scw) inuu Ilaahay naxariis, amaan iyo nabadgalyo korkiisa yeelo, isaga, saxaabadiisa, haweenkiisii, iyo dhamaan inta jidkiisa raacday.

Tusmo

Hordhac:

Soomaalidu meel ay joogaanba waxay ku ceebaysanyihiin dulmiga ay u gaystaan dad walaaladooda oo la dhashay, ayna wadaagaan diin iyo dhaqanba. Qaar kamida beelaha soomaalida oo sharaf iyo karaamo Ilaahay siiyey, waxa lagula kacay bahdil, eexasho, dulmi, haybsooc, iyo xuquuqdooda insaaniyadeed oo meel lagaga dhacay.

Baalahaas waxa loogu yeedhaa magacyo ku tusaya in la liidayo, sida (Beelaha laga tirada badanyahay, shisheeyaha, yahuuda, adoomada, iyo kuwo kale oo kuwaas kasii liita). Dhibaatada beelahaas lagu hayo maaha mid iminka bilaabantay, waa tu socotay mudo aad u dheer.

Waxaana nasiib darro ah in dulmiga loo gaysto beelahaas aan wali si wada jira aanay soomaalidu uga wada xaajoonin, lagana doodin si mug dheer oo cilmiyeysan qaabkii dulmigaas loo joojin lahaa.

Dabcan dulmiga loo gaysto wuu noocyo badanyahay, waxa kamid mid siyaasadeed, dhaqan, buslsheed, waxaan maqaalkan kaga hadlayaa dulmiga bulsheed ee lagu hayo beelahaas ee ku saabsan guurka iyo waxay diinta Islaamku ka qabto.

Dulmiga iyo cuquubadiisa:

Si guud dulmigu waa  shay Ilaahay necebyahay, wuxuuna Ilaahay xadiis qudsiya ku dhahay: “Adoomadaydoow, naftayda waxaan ka xarrimay dulmiga ee ha is dulminina”

Dulmigana macnihiisu waxa weeye xaq qof kale leeyahay oo lagu xadgudbo. Daalimku wuxuu Ilaahay agtiisa ka mudanayaa cadaab aad u daran, siduu Ilaahay quraankiisa ku tilmaamay:

إِنَّمَا السَّبِيلُ عَلَى الَّذِينَ يَظْلِمُونَ النَّاسَ وَيَبْغُونَ فِي الْأَرْضِ بِغَيْرِ الْحَقِّ ۚ أُولَـٰئِكَ لَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ ﴿٤٢

“Waxa dhibtu saarantahay (oo jid lagu leeyahay) kuwa dulminaya dadka ee ku kibraya dhulka dhexdiisa xaq darro, kuwaas waxay leeyihiin caddibaad aad u kulul” [Suuratu Shuuraa: 42]

Waxa nabigeenana lagasoo wariyaa:

عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عُمَرَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا عَنْ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ الظُّلْمُ ظُلُمَاتٌ يَوْمَ الْقِيَامَةِ

Cabdilaahi ibnu Cumar waxa laga wariyey, Ilaahay raali haka ahaadee inuu kasoo wariyey nabiga (scw) inuu dhahay: “Dulmigu waa mugdiyaad maalinta Qayaame” [Bukhaari:2315]

Diintan islaamka ee wayn, waxay xarrintay dulmiga iyo xaqdarradada, mana ogola in qof ibnu aadama xuquuqdiisa lagu xadgudbo. Hadaba, beelaha ay soomaalidu haybsoocdo, gaar ahaan xagga guurka lagu takooro, oo in laga guursado ama loo guuriyo ay noqoto danbi, ma xaqbaa mise waa xaq darro?

Si aan su’aashaas uga jawaabno, waxaan marka hore idiinsoo bandhigayaa xuquuqda lamaanaha is guursanaya ay leeyihiin, xaqa waalidka ama gabadha waligeeda uu leeyahay, waxyaalaha lagu doorto ninka iyo gabadha, kufka gabadha iyo in qabyaalad loo adeegsado guurka, masaafaysiga gabadha, hadii xaqdarro gabadha loogu diido ninkii soo doonay iyo tallaabooyinka ay qaadi karto, qisooyin iyo dhacdooyin xaqiijinaya sida islaamku ugasoo horjeedo qabyaalada iyo haybsooca, ugu danbayna jawaabta su’aasha ayaan cadayn doonaa inshallah.

Ugu Horeyn, xaqa gabadhu u leedahay in loo guuriyo:

Diintan wayn ee Islaamku waxay si wayn u dhiirigalinaysaa in gabdhaha iyo wiilashaba loo guuriyo, walibana sida ugu dhakhsaha badan, si looga hortago waxyaalaha xaaraanta ah ee fitnada keenaya. Wuxuu Ilaahay quraankiisa ku dhahay:

وَأَنكِحُوا الْأَيَامَىٰ مِنكُمْ وَالصَّالِحِينَ مِنْ عِبَادِكُمْ وَإِمَائِكُمْ ۚ إِن يَكُونُوا فُقَرَاءَ يُغْنِهِمُ اللَّهُ مِن فَضْلِهِ ۗ وَاللَّهُ وَاسِعٌ عَلِيمٌ (32)

“U guuriya kuwa aan xaaska lahayn (rag iyo dumarba) ee idinka mid ah, iyo kuwa wanaagsan ee adoomada ah (rag iyo dumarba), hadii ay fuquro yihiin, Ilaahaybaa fadligiisa ku hodminaya (qani ka dhigaya oo xoola siinaya), Ilaahayna waa Alle irsaaqadiisu waasac tahay ahna cilmi badane” [Suuratu Nuur:32]

Ilaahay (swt) waxa aayadan uu inoogu cadeeyey in dadka aan guursanin loo guuriyo rag iyo dumarba, xitaa hadii aanay waxba gacanta ku haynin. Maxaa yeelay Ilaahaybaa irsaaqadiisa waasaca ah ku hodminayo.

Sidaas darteed waxaynu aayadan ka qaadanaynaa in gabadhu xaq u leedahay in loo guuriyo, wiilkana sidoo kale inuu guursado.

Masaafaysiga iyo gabadha oo lala tago:

Maadaama ninkii iyo gabadhiiba ay xaq u yeesheen inay guursadaan, sidoo kale gabadha aabaheed ama cida waligeeda ahna waxay xaq u leeyihiin in gabadha laga soo doono oo ay ayagu bixiyaan. Hadii ninku ka dul booda gabadha aabaheed oo nool ama waligeedii oo jooga, kadibna uu gabadhii masaafaysto ama uu la tago sidaasna uu ku maher xado ama khudbad sir uu ku guursado, ma noqonayo guurkaasi mid ansaxaya sharciga islaamka agtiisa. Sababtuna waxay tahay aabuhu xaqii uu lahaa ayaa laga dul booday, wuxuu Rasuulkii Ilaahay (scw) dhahay:

عَنْ عَائِشَةَ  أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ أَيُّمَا امْرَأَةٍ نَكَحَتْ بِغَيْرِ إِذْنِ وَلِيِّهَا فَنِكَاحُهَا بَاطِلٌ فَنِكَاحُهَا بَاطِلٌ فَنِكَاحُهَا بَاطِلٌ

Caasha waxa laga wariyey in Rasuulkii Ilaahay (scw) dhahay: “Gabadh kasta oo guursata ayadoona uu ogolaan waligeedu, taas guurkeedu waa baadil, taas guurkeedu waa baadil, taas guurkeedu waa baadil..” [Tirmadi:1102]

Gabadha aanu waligeedu bixin ee guursata, guurkeedu waa baadil oo waxba kama jiraan, sida culumada islaamku badankoodu ay qabaan, mana noqonayo guurkaasi mid ansaxaya illamaa gabadha waligeedu uu ka bixinayo.

Gabadha lama qasbi karo:

Dhanka kale, aabuhu ma qasbi karo inantiisa/gabadhiisa. Waagii hore ee dadka ay diintu ku yarayd waxa dhici jirtay in gabadha aabaheed uu ku daro nin aanay rabin, isagoo kala dooradsiin jiray duco iyo habaar, arrintaasina diinta Islaamka sal kuma laha. Gabadhu doorasho ayey xaq u leedahay, nin ay ogoshahay mooyaane cid kale looma guurin karo. Wuxuu dhahay Rasuulkii Ilaahay (scw):

أَبُو هُرَيْرَةَ أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ لَا تُنْكَحُ الْأَيِّمُ حَتَّى تُسْتَأْمَرَ وَلَا تُنْكَحُ الْبِكْرُ حَتَّى تُسْتَأْذَنَ قَالُوا يَا رَسُولَ اللَّهِ وَكَيْفَ إِذْنُهَا قَالَ أَنْ تَسْكُتَ

“Abuhurayra waxa laga wariyey in Rasuulkii Ilaahay (scw) dhahay: “Lama guurinayo gabadha (carmalka ama garoobka ah) illamaa laga amar qaato, (waa inay cadaysaa in ninka ay rabto), lamana guurinayo gabadha bikrada aha (hada kahor aan la guursanin) illamaa laga idan dalbo, waxay dhaheen Rasuulkii Ilaahayoow: Sidee looga idan dalbayaa? wuxuu dhahay: “Inay aamusto” (hadii ay ka xishooto inay ku dhawaaqdo rabitaankeeda, waxa calaamad u ah raali ahaanshaheeda inay aamusto). [Muslim:1419]

Sida xadiiska nabigeena (scw) ku cad waa in gabadha lagala tashadaa cida loo guurinayo, hadii ay rabto ninka waa lagu darayaa, hadii kale oo ay diido lama qasabayo oo xor ayey u tahay inay doorato ninka nolosheeda la wadaagaya. Sidaas darteed aabuhu waa inaanu ku xadgudbin xuquuqda inantiisu leedahay ee ah inay doorato cidii nolosha la wadaagi lahayd. Gabadhuna sidoo kale waa inay dhawrtaa xaqa aabaheed ama waligeedu korkeeda ku leeyahay oo ah inaanay guursanin ilaa ogolaansho laga helo aabaheed ama ciduu u wakiishay.

Waxa inoo cadaatay in guurku aanu ansaxaynin sadex qof raali ahaanshadooda oo la la’yahay. Hadii ninku aanu gabadha rabin oo aanu aqbalin ma ansaxayo guurkaasi, gabadhuna hadii aanay ninka rabin oo ay diido ma ansaxayo guurkaasi, sidoo kale aabuhuna hadii aanu lamaanaha is guursanaya aanu raali ka ahayn ma ansaxayo guurkaasi. Guurku si uu ansaxo sadexdaas qof waa inay raali iska yihiin, ninka gabadha soo doonay, gabadha lasoo doonay iyo waliga gabadha. Lamana ogolo in sadexdaas qof midna xaqiisa lagu tunto oo la baal maro.

Waxyaalaha lagu doorto ninka iyo gabadha:

Diintan wayn ee islaamku waxay inoo cadaysay waxyaalaha ninka iyo gabadhaba lagu doorto. Ninka muslimka ah waa inuu gabadha ku doortaa diin, wuxuu Rasuulkii Ilaahay (scw) dhahay:

 عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ عَنْ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ : ( تُنْكَحُ الْمَرْأَةُ لِأَرْبَعٍ : لِمَالِهَا ، وَلِحَسَبِهَا ، وَلِجَمَالِهَا ، وَلِدِينِهَا ، فَاظْفَرْ بِذَاتِ الدِّينِ تَرِبَتْ يَدَاكَ )

Abuhurayra waxa laga wariyey Ilaahay raali haka ahaadee inuu kasoo wariyey nabiga (scw) inuu dhahay: “Gabadha waxa loo guursadaa afar: xoolaheeda, qoyskeeda, quruxdeeda, iyo diinteeda ee ku dadaal ta diinta leh gacmahaagu boodhoobee” [Bukhaari:4802 iyo Muslim: 1466]

Xadiiskan wuxuu ninka muslimka ah ku hagayaa ciduu dooranayo; dadku waxay gabdhaha ku doortaan afartaa shay mid un, ee adigu dadaal gabadha diinta leh.

Dhinaca kale gabadhu ninka waxay ku dooranaysaa diin iyo akhlaaq, wuxuu rasuulkii Ilaahay (scw) dhahay:

 عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: ( إِذَا خَطَبَ إِلَيْكُمْ مَنْ تَرْضَوْنَ دِينَهُ وَخُلُقَهُ فَزَوِّجُوهُ، إِلَّا تَفْعَلُوا تَكُنْ فِتْنَةٌ فِي الأَرْضِ ، وَفَسَادٌ عَرِيضٌ ) وحسنه الألباني في “صحيح الترمذي”

Abuhurayra wuxuu yidhi: Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu dhahay: “Hadii (gabadh) uu idinka soo doono mid aad raali ku tihiin diintiisa iyo akhlaaqdiisa, u guuriya. Hadii aydaan sidaa yeelin, dhulka dhexdiisa fitno ayaa ka dhacaysa iyo fasahaad aad u wayn” [Tirmadi: 1084, waxaana taxsiiniyey Albaani]

Lama dhihin hadii nin aad isku qabiil tihiin gabadh idinka soo doono, ee wuxuu rasuulku dhahay: Hadii uu idinka soo doono qof aad diintiisa iyo akhlaaqdiisa raali ku tihiin u guuriya.

Halkaas oo aynu ka fahmayno in guurka laga ilaaliyo qabyaalada iyo cunsuriyada ee ruuxii muslim ah ee akhlaaq iyo dhaqan fiican leh in loo guuriyo, hadii aan sidaas la yeelina fitno iyo fasahaad ayaa dhacaya, siduu rasuulkeenu tilmaamay. Rasuulkii Ilaahayna (scw) run ayuu sheegay, oo maanta in gabdhaha la masaafaysto, la kufsado, laga sinaysto waxa keenay waa waalidka oo diintii Ilaahay ku dhaqmi waayey.

Dadka soomaalida cudurka haya ee qabyaaladu wax kasta way kala wayntahay, maxaa wiil dhalinyaro ah oo diin iyo akhlaaqba leh loogu diiday inuu gabadh walaashiisa oo muslimada oo gayaankiisa ah inuu guursado? Maxaa ku jaban ee loo horjoogsaday? Ma qabyaaladbaa qabri inala tagaysa. Wiilku qabiilka uu kasoo jeedo muu dooranin, qaabka uu eegyahay muu dooran, ma wax aanu doorasho u lahayn ayaynu caqabad kaga dhignay.

Kufka gabadha:

Sidaynu hore kusoo sheegnay aabaha ayaa xaq uleh inuu inantiisa bixiyo, waa xaq Ilaahay siiyey, laakiin lama ogola inuu xaqaas u adeegsado dulmi iyo xaqdarro uu kula kaco wiilka iyo gabadha.

Marar badan waxaynu maqalnaa aabaha oo ninka gabadha kasoo doonay ku xujeeya inaanu kuf la ahayn inantiisa, hadaba kufku waa maxay? Mase jiraa ku la ogolyahay iyo kuf aan la ogolayn?

Kufku waa in lamaanaha is guursanaya isu qalmaan, waxaana shardi ah in gabadhu ay guursato nin muslima oo diinta ayaa kuf u ah gabadha. Waxa kale oo culumadu ay ka hadlaan; waxa kufka soo gudo galayaa in ninku aanu ahayn faasiq sida khmriile ama nin sinada lagu yaqaano ama nin furniin badan, guud ahaana marka lasoo koobo waxay ku biyo shubanaysaa in ninka gabadha soo doonayaa diin iyo akhlaaq leeyahay.

Qabiilku kuf ma noqonayo, sababtoo ah qabiilka aad tahay adiguna maad dooranin, qofna doorasho umalaha qabiilkuu noqonayo markuu dhalanayo. Cida aad ka dhalanayso iyo meesha aad ku dhalanayso iyo qaabka aad u eekaanayso waa doorasho Ilaah, dadkuna waxay ku kala fadli badan yihiin Alle ka cabsigooda, wuxuu Allah dhahay:

يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّا خَلَقْنَاكُم مِّن ذَكَرٍ وَأُنثَىٰ وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوبًا وَقَبَائِلَ لِتَعَارَفُوا ۚ إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِندَ اللَّـهِ أَتْقَاكُمْ ۚ إِنَّ اللَّـهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ ﴿١٣

Dadoow waxaan idinka abuurnay lab iyo dhadig, waxaanan idinka yeelnay shucuub iyo qabiilooyin si aad isu garataan, ka idiinku fadliga badan Ilaahay agtiisa waa ka idiinku Alle cabsiga badan, Ilaahayna waa aqoon badane xogogaala” [Suuratu Al-xujuraat: 13]

Hadii aabuhu qabyaalad darteed gabadhiisa u bixin waayo, maxay yeelaysaa?

Sida badan waalidku wuxuu ka taliyaa wanaaga ubadkiisa, wuxuuna jecelyahay in gabadha uu dhalay ay guursato nin uu ku kalsoonyahay. Arrintaas, diintan wayn ee Islaamku way u tix galisay aabihii, laakiin ayadoo taasi ay jirto waxa dhici karta in aabuhu ninka gabadha kasoo doonay uu ugu diiday qabyaalad qaawan oo cadaana, sida ku dhacday beelaha la haybsooco.

Hadii arrintaasi ay dhab noqoto oo aabuhu ugu diido gabadha in ninka ay kala qabiil yihiin, waxa markaa gabadha u furan inay tagto maxkamada oo ay aabaheed dacwayso, sababtoo ah wax aan cadaalad ahayn ayuu ugu diiday inay guursato ninkii ay rabtay. Qaadiga maxkamadu markuu arko in sababta wiilka loogu diiday gabadhu ay tahay kaliya qabyaalad iyo cunsuriyad, wuxuu aabaha ku dhahayaa: iminka gabadha bixi hadii kale wilaayada ayaan kaa wareejin oo qaadiga ayaa si toosa u bixinaya.

In maxkamada la tago oo aabaha la dacweeyo ayaa ka wanaagsan in gabadha la masaafaysto oo lala tago, taasi hadii ay dhacdana wuxuu aabuhu ku doodi karaa in inantiisii laga dhacay, nin hablo dhacayna waa faasiq, umana noqonayo inantayda kufkeeda.

Diinta Isaalmku waxay la dagaalantay qabyaalada iyo cunsuriyada:

Guurkii Zayid ibnu Xaarith iyo Zaynab bintu Jaxsh:

Zayid ibnu Xaarith, Ilaahay raali haka ahaadee wuxuu ahaa mawlihii Rasuulka (scw), nabiguna aad ayuu u jeclaa, wuxuuna ahaa adoon balse rasuulka ayaa xoreeyey wuxuuna ku qaatay tabanni (wuu sheegatay) waa markii tabannigu banaana, waxaana loo bixiyey Zayid ibnu Muxamed. Hase ahaatee, Ilaahay wuxuu soo dajiyey aayado xarrimay tabanniga ama ilmo aanad dhalin inaad sheegato, kadibna aabihii ayaa loogu magac daray.

Nabigu (scw) isagoo raba inuu burburiyo dabaqadihii bulshada carbeed ay lahayd, kuwaasoo aan ku dhisnayn cadaalad iyo garsoor.

Xilligaas, nin adoon ah ama la xoreeyey oo mawle ah muu guursan karaynin gabadh carbeed oo xor ah. Dabadeedna nabigu (scw) wuxuu Zayid u doonay gabadh ay eedadii Umayma bintu Cabdulmudalib ay dhashay, waa Zaynab bintu Jaxshi.

Zaynab waxay ahayd gabadh carbeed oo qureeshiyada, oo xorna ah sidoo kalena kusoo kortay dhaqankii bulshadii ay la noolayd oo ahaa in adoonku aanu guursan karayn gabadh xor ah. Markii rasuulku (scw) u yimid Zaynab ee uu ubandhigay inay guursato Zayid ibnu Xaarith, way diiday wayna ku gacan saydhay, sababtoo ah waxa dabrayey dhaqankii xilligaa ka jira dhulka Carabta.

Nabigu (scw) waxa kusoo dagtay aayadan:

وَمَا كَانَ لِمُؤْمِنٍ وَلَا مُؤْمِنَةٍ إِذَا قَضَى اللَّـهُ وَرَسُولُهُ أَمْرًا أَن يَكُونَ لَهُمُ الْخِيَرَةُ مِنْ أَمْرِهِمْ ۗ وَمَن يَعْصِ اللَّـهَ وَرَسُولَهُ فَقَدْ ضَلَّ ضَلَالًا مُّبِينًا ﴿٣٦

“Uma haboona nin mu’min ah iyo gabadh mu’minad ah hadii Ilaahay iyo rasuulkiisu arrin ay go’aamiyaan inay umuurahooda doorasho u yeeshaan, cidii Ilaahay caasida iyo rasuulkiisana wuxuu xaqiiqdii baadiyoobay baadi cad” [Suuratu Al-axzaab: 36]

Aayadani markii ay soo dagtay ayey Zaynab bintu Jaxshi, Ilaahay raali haka ahaadee u hogaansantay amarkii Ilaahay iyo rasuulkiisa, waxayna guursatay Zayid ibnu Xaarith, ilaahay raali haka ahaadee.

Guurkii Bilaal iyo Haala bintu Cawf:

Bilaal ibnu Rawaaxa, ilaahay raali haka ahaadee wuxuu kamid ahaa saxaabadii goor hore islaamtay ee diinta uu qaatay lagu dhibay. Bilaal wuxuu ahaa nin madow oo adoon ah, waxaana dhibi jiray sayidkiisa oo ahaa Umaya ibnu Khalaf iyo Abujahal. Markii uu dhibtii loo gaystay u samray, ayaa Abubakar (Rc) iibsaday Bilaal, wuxuuna u xoreeyey wajiga Ilaahay. Sidaas darteed ayuu Cumar dhihi jiray: Abubakar waa sayidkayaga, wuxuuna xoreeyey sayidkayaga.

Bilaal  wuxuu guursaday gabadh reer Qureeshiyad ah oo ay walaalo yihiin Cabdiraxmaan ibnu Cawf, waxaana la dhihi jiray Haala bintu Cawf. Dabcan, markuu Bilaal guursanayey laguma xidhin qabiilkiisa, ee waxa loo fiiriyey diintiisa iyo dhaqankiisa, sidaasbaanu ku guursaday Cabdiraxmaan walaashiis. Ilaahay dhamaantoodba raali haka ahaadee.

Guurkii Usaama ibnu Zayid iyo Faadima bintu Qays:

Faadima bintu Qays, ilaahay raali haka ahaadee, waxa soo doonay sadex nin si ay u guursadaan, waa Mucaawiya ibnu Abisufyaan, Abujuham iyo Usaama ibnu Zayid. Kadibna waxay Faaidma u tagtay nabigii Ilaahay (scw) ayadoo la tashanaysa, waxayna tidhi: rasuulkii Ilaahayow, waxa isoo doonay Mucaawiya, Abujuham iyo Usaama ee keebaad igula talin lahayd inaan guursado?

Rasuulkii Ilaahay (scw) isagoo la talinaya gabadhaas ayuu ku dhahay: Mucaawiya waa faqiir, Abujuhamna waa nin dumarka garaaca, ee waxaad guursataa Usaama ibnu Zayid oo ahaa nin madow oo hooyadii xabishiyad tahay, aabihiina mowle ahaa. Markaasbay yaabtay, oo ay tidhi: Usaama guursaa, Usaama guursaa!! Markaasuu rasuulkii Ilaahay ku yidhi: waa daacadii Ilaahay iyo rasuulkiisa, markaasay guursatay. Mudo kadib markii ay Usaama wada noolaayeen ayey Faadima tidhi; guurkii Usaama waan ku farxay.

Oo simaanay ugu farxaynin, waxaaba u dooray Rasuulkii Ilaahay (scw).

Guurkii Julaybiib iyo xaaskiisii:

Julaybiib wuxuu ahaa saxaabi aan qurux badnayn, kana mid ahaa fuqarada magaalada Madiina, manay jirin cid u guurinaysa. Maalintii danbe ayuu nabigii Ilaahay waydiiyey: Julaybiibow, maxaad u guursan wayday? Oo yaa ii guurinaya Rasuulkii Ilaahayow.

Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu u tagay nin reer ansaareed wuxuu waydiistay inuu inantiisa u guuriyo! Ninkii ayaa farxay oo dhahay: Rasuulkii Ilaahayow waa sharaf iyo karaamo. Nabigii ayaa dhahay: uma doonayo anigu naftayda, ee waxaan u doonayaa Julaybiib! Ninkii ayaa dib u gurtay, wuxuuna yidhi: Nabigii Ilaahayow, gabadha hooyadeed ayaan kalasoo tashanayaa.

Ninkii wuu tagay, wuxuuna xaaskiisii ku yidhi: Rasuulkii Ilaahay (scw) ayaa inantaada kaasoo doonay! Waxay tidhi: marxaba, waa sharaf iyo karaamo. Wuxuu yidhi: nabigu naftiisa uma rabo ee wuxuu u doonayaa Julaybiib. Gabadhiibaa tidhi: Julaybiibaa, inneeeeh, (ish julaybiibaa). Markii gabadha hooyadeed diiday ayuu ninkii doonay inuu Rasuulkii Ilaahay (scw) ku laabto oo uu dhaho: Gabadha hooyadeed ayaa diiday.

Hase ahaatee, gabadhii ayaa maqashay aabaheed iyo hooyadeed oo wada hadlaya, markaasay u yeedhay aabaheed oo waydiisay: Yaa gabadha idinka soo doonay? Wuxuu yidhi: Rasuulkii Ilaahay. Waxay tidhi: Oo ma rasuulkii Ilaahay (scw) ayaad amarkiisa ku celinaysaan, ii geeya nabigii Ilaahay, ilaahbaan ku dhaartee ima dayacayo nabiga Ilaahay (scw). Maadaama gabadhii ogolaatay, waxa la isu guuriyey Julaybiib iyo gabadhii reer ansaareed.

Mudaba kamay soo wareegin guurkaas, mise waxa lagu dhawaaqay (qaylo dhaan dagaal), wuxuuna Julaybiib ka qaybgalay dagaalkii. Markii dagaalkii dhamaaday ayaa nabigii Ilaahay waydiiyey saxaabadiisii, yaa maqan? waxay dhaheen cidna. Wuxuu yidhi: mee walaalkay Julaybiib?

Saxaabadii ayaa raadiyey, waxayna heleen Julaybiib oo la dilay iyo todoba mayd oo hareertiisa yaala. Markii rasuulka loo sheegay, ayuu dhahay: Todoba ayuu ka dilay, isagana way dileen, kan aniga ayuu iga ahaaday, aniguna isaga ayaan ka ahaaday, kan aniga ayuu iga ahaaday, aniguna isaga ayaan ka ahaaday, kan aniga ayuu iga ahaaday, aniguna isaga ayaan ka ahaaday. Rasuulkii Ilaahay ayaa maydkii Julaybiib gacmaha ku siday, illamaa looga qodayey xabaashiisi.

Gabadhii wanaagsanayd ee nabiga Ilaahay amarkiisa raalida ku ahayd, waxay noqotay dumarka ugu taajirsan magaalada Madiina. Ma ogtahay, ducadii Rasuulkii Ilaahay (scw) ugu duceeyey, wuxuu ku dhahay:

اللهُمَّ صُبَّ عَلَيْهَا الْخَيْرَ صَبًّا ، وَلَا تَجْعَلْ عَيْشَهَا كَدًّا كَدًّا

Ilaahow ku shub korkeeda khayr shubis, hana ka yeelin nolosheeda kadeed iyo kadeed.

Sidaas darteed ducadii nabigeena (scw) ayaa ku dhacday, waxaana u tartamay guurkeeda saxaabadii waaweynayd ee Rasuulkii Ilaahay (scw).

Guurkii Abii wadaaca iyo inantii Saciid ibnu Musayab:

Sacdiid ibnu Musayab ilaahay ha u naxariistee, wuxuu kamid ahaa culumadii taabiciinta, wuxuuna fadhiisan jiray masaajidka rasuulka, isagoo duruus badan ka bixin jiray. Wuxuu lahaa arday badan oo isugu jira kuwo isaga ka da’ wayn iyo kuwo ay is la eegyihiin iyo kuwa ka yaryarba. Maalintii danbe waxa gabadh uu dhalay kasoo doonay khaliifkii muslimiinta ee Cabdimalik ibnu Marwaan, oo inanta u doonaya in wiilkiisa oo dhaxal suge ahaa guursado. Wiilkiisuna wuxuu ahaa Waliid ibnu Cabdil Malik oo dabacan aabihii kadib noqday khaliifkii dawladii Umawiyiinta, kana soo jeeda qabiilka reer Qureesheed.

Saciid markii loo sheegay in inantiisii uu soo doonay dhaxal sugaha dawladu, wuxuu dareemay in inantiisu ku fitnoobayso aduunyada, waanu u diiday inuu u guuriyo Waliid inantiisa. Arrintaasina waxay cadho badan ku reebtay Cabdimalik ibnu Marwaan oo wiilkiisa gabadhii loo diiday, waxaana la tilmaamaa in Cabdimalik garaacay Saciid ibnu Musayab sababtaas darteed.

Ardaydii Saciid waxa kamid ahaa Abiwadaac, oo ardaydiisa akhlaaqda iyo diintaba leh ahaa. Maalintii danbe ayuu arkay Abii wadaac, markaasuu ku dhahay: Xagaad ayaamahan ku maqnayd? Abiwadaac ayaa yidhi: xaaskii ayaa iga dhimatay oo aan arrinteedii ku mashquulsanaa. Saciidbaa dhahay: Maxaad iigu soo sheegi wayday, waan ku kaalmayn lahaaye.

Markaasuu dhahay Saciid: Ma guursatay? Abiiwadaacbaa yidhi: Oo maxaan guursadaa waxaan hantiba haystaa laba dirhame. Saciidbaa yidhi: anigaa kuu guurinaya. Wuxuu yidhi: ma hubtaa? Wuxuu yidhi: Haa. Sidaas ayaa Saciid ugu guuriyey inantiisii Abii wadaac, maherkeeduna wuxuu ahaa laba dirham oo kaliya.

Abii wadaac wuxuu dhahay: salaadii maqrib markii aan tukaday, ayaan gurigaygii aaday, wanaan soomanaa. Kadibna xabad rootiya iyo saliid ayaan doonay inaan ku afuro, msie albaabkii ayaa la igu soo garaacay, markaasaan idhi: waa kuma? Wuxuu yidhi: Waa Saciid.

Wuxuu yidhi: maskaxydayda kumay soo dhicin inuu yahay Saciid ibnu Musayab, sababtoo ah mudo 40 sanadood ah wuxuu saciid u dhexeeyey masaajidka iyo gurigiisa.

Wuxuu yidhi: albaabkii ayaan furay, mise waa saciid ibnu musayib, waxaanan u maleeyey inuu guurkii uu ka laabtay, markaasaan idhi: maxaad iigu yeedhi wayday, anigaa kuu iman lahaaye. Saciidbaa dhahay: Adigaa xaq u leh in lagu yimaado, waxaana ila socota xaaskaagii, waanan ogaa inaad nin dooba tahay, kadibna gabadhii ayuu albaabkii galiyey ayadoo xishoonaysay, wuuna ku xidhay.

Abii wadaac ayaa yaabay, wuxuuna weelkii ay ku jirtay xabadii rootida ahayd iyo saliidu ayuu gabadhii horteeda dhigay, wuxuuna damiyey faynuuskii. Kadibna intuu gurigiisa dusha sare fuulay ayuu dadkii jiiraankiisa ahaa dhagxaan ku tuuray, markaasay u yimaadeen oo dhaheen: waar maxaa ka xun? Wuxuu yidhi: waxaan ku dhahay: Saciid ibnu Musayb ayaa inantiisii ii guuriyey, oo waatan guriga joogta, markaasay yimaadeen wayna arkeen. Waxayna warkii u sheegeen hooyaday, markaasay tidhi:  Wajigaygu wajigaaga waa ka xaaraan hadii aad gabadhaas u dhowaato sadex maalmood.

Wuxuu ydihi: sadex maalmood markii ay ila joogtay ayaan la aqal gallay, mise waa gabadhii ugu qurxoonayd, uguna aqoonta badnayd kitaabka Ilaahay iyo sunnada rasuulkii Ilaahay iyo xaqa ninkeedu ku leeyahayba.

Wuxuu yidhi: markaan bil la joogay oo aanan u tagin Saciid ayaan aaday xalqadiisii, markaasaan salaamay waanu iga qaaday. Markii dadkii wada baxeen ayuu igu dhahay: kawaran gabadhii? Markaasan dhahay: waa tii ugu wanaagsanayd. Markaasuu dhahay: Hadii aad ka shakido, ushaas la dhac, kadibna wuxuu isiiyey 20 kun oo dirham.

Gabagabadii

SubxaanaAllah, dadkaasi waxay ahaayeen dad fahmay macnaha diinta Islaamka, quluubtoodana ka fogeeyey cunsuriyada iyo qabyaalada. Halbeega ay wax ku dhisayeen wuxuu ahaa (Ka idiinku khayrka badan waa ka idiinku Alle ka cabsiga badan).

Qisooyinkaasi waxay tusaale u yihiin qaabka diinta Islaamku ugasoo horjeedo qabyaalada iyo cunsuriyada xaqdarrada ku dhisan, ee dadka soomaalidu ilaa maanta ay ku dhaqmaan ayagoo qaar ayaga kamid ah ku faquuqaya, kuna takooraya, kuna liidaya walaaladood.

Ugu danbayn, dhacdooyinka foosha xun ee dhagteenu maqlayso joogsan mayso ilaa dadka soomaaliyeed ay sifiican ugu dhaqmaan diinta Ilaahay ee xalka u ah cadaalad darrada, dulmiga, qabyaalada iyo cunsurinimadaba.


Waxa Qoray Abulaziz Mohamed Oogle