Tusmo

Gacanta wax bixisaa ka khayr badan gacanta wax qaadatay.

Gacanta la baxaysa sadaqada ee iska bixinaysa Zakada Ilaahay ku waajibiyey ayaa ka khayr badan qofka dadka wax waydiista.

Saxaabiga Xakiim ibnu Xizaam oo ay eedo u ahayd xaaskii nabiga ee marwo Khadiija (Rc) ayaa nabiga waydiistay xoolo waanu siiyey, hadana mar kale ayuu waydiistay waanu siiyey kadibna nabigu (scw) arrin cajiib ayuu u sheegay saxaabigii.

عَنْ سَعِيدِ بْنِ الْمُسَيَّبِ وَعُرْوَةَ بْنِ الزُّبَيْرِ أَنَّ حَكِيمَ بْنَ حِزَامٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ قَالَ سَأَلْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فَأَعْطَانِي ثُمَّ سَأَلْتُهُ فَأَعْطَانِي ثُمَّ قَالَ لِي يَا حَكِيمُ إِنَّ هَذَا الْمَالَ خَضِرٌ حُلْوٌ فَمَنْ أَخَذَهُ بِسَخَاوَةِ نَفْسٍ بُورِكَ لَهُ فِيهِ وَمَنْ أَخَذَهُ بِإِشْرَافِ نَفْسٍ لَمْ يُبَارَكْ لَهُ فِيهِ وَكَانَ كَالَّذِي يَأْكُلُ وَلَا يَشْبَعُ وَالْيَدُ الْعُلْيَا خَيْرٌ مِنْ الْيَدِ السُّفْلَى قَالَ حَكِيمٌ فَقُلْتُ يَا رَسُولَ اللَّهِ وَالَّذِي بَعَثَكَ بِالْحَقِّ لَا أَرْزَأُ أَحَدًا بَعْدَكَ شَيْئًا حَتَّى أُفَارِقَ الدُّنْيَا فَكَانَ أَبُو بَكْرٍ يَدْعُو حَكِيمًا لِيُعْطِيَهُ الْعَطَاءَ فَيَأْبَى أَنْ يَقْبَلَ مِنْهُ شَيْئًا ثُمَّ إِنَّ عُمَرَ دَعَاهُ لِيُعْطِيَهُ فَأَبَى أَنْ يَقْبَلَ فَقَالَ يَا مَعْشَرَ الْمُسْلِمِينَ إِنِّي أَعْرِضُ عَلَيْهِ حَقَّهُ الَّذِي قَسَمَ اللَّهُ لَهُ مِنْ هَذَا الْفَيْءِ فَيَأْبَى أَنْ يَأْخُذَهُ فَلَمْ يَرْزَأْ حَكِيمٌ أَحَدًا مِنْ النَّاسِ شَيْئًا بَعْدَ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ حَتَّى تُوُفِّيَ

Saciid binu Musayyib iyo Curwa binu Zubayr waxa laga wariyey in Xakiim binu Xizaam Ilaahay raali haka ahaadee uu yiri: rasuulkii Ilaahay (scw) ayaan waydiistay waanu i siiyey, hadana waan waydiistay oo uu i siiyey, kadibna wuxuu igu yiri: ”Xakiimow, xoolahani waa cagaar macaan (faakiho macaan oo kale) qofkii ku qaatay niyadsami (ee aan dadka waydiisanin) waa loo barakeeyaa, qofkiise ku qaata hunguri waynaan looma barakeeyo, wuxuuna lamid yahay sida qofkii cunayey ee aan dhargaynin, gacanta sarena ayadaa ka khayr badan gacanta hoosaysa” Xakiim wuxuu yiri: waxaan dhahay: rasuulkii Ilaahayow, Ilaaha xaqa kugu soo saaraan ku dhaartee cid kaa danbaysa waxba ma waydiisanayo ilaa inta aan aduunyadan ka tagayo. Abubakar ayaa Xakiim u yeedhi jiray si uu mushaharkiisa u siiyo, waanu diiday inuu aqbalo, hadana Cumar ayaa u yeedhay si uu usiiyo, waanu diiday inuu aqbalo, markaasuu dhahay (Cumar): Muslimiineey, waxaan u bandhigay xaqiisii Ilaahay ka siiyey qaniimadan, waanu diiday inuu qaato. Xakiim cid nabiga ka danbaysa waxba muu waydiisan illamaa uu ka dhintay. [Waxa soo saaray Bukhaari: 2974 iyo Muslim: 1035]

Maxaan ka faa’idaynaa xadiiskan?

  1. In aduunyada aan laga dhargin, hadii bani aadamku tog dahaba uu leeyahay, wuxuu dalbanayaa tog kale oo dahaba.
  2. Qofka aan dadka wax waydiisanin waxa Ilaahay u barakeeyaa inta uu haysto.
  3. Gacanta wax bixinaysa ayaa ka khayr badan gacanta wax qaadanaysa.
  4. Xakiim (Rc) wuxuu ahaa nin go’aan adag leh sidoo kalena oofiyey ballantii uu ka qaaday rasuulkii Ilaahay (scw).
  5. Saxaabada rasuulka (scw) ayagaa ah kuwa ugu khayrka badan ummadan. U fiirso amaanada Abubakar iyo Cumar oo Xakiim ugu yeedhaya qeybtii uu ku lahaa qaniimada.
  6. Xadiiska waxa soo saaray Bukhaari iyo Muslim oo aha labada caalim ee qoray labada kitaab ee ugu saxiixsan kutubta sunnada, Ilaahay jannada Firdawsa haka waraabiyee.