Tusmo

Gabaygii ugu yaabka badnaa Aduunka:

Khaliifkii Cabbaasiyiinta ee Abujacfar Al-mansuur wuxuu ahaa nin ku bakhayla xoolaha dawlada, wuxuuna jeclaa inuu dhagaysto suugaanta iyo afka abwaanada. Wuxuuna u ballan qaaday abwaanka tiraya gabay aan la xifdisanayn oo aan hadda kahor la tiriin in la siin doonaa warqada uu ku qoray gabayga miisaankeeda oo dahaba.

Abujacfarna haduu maqlo qasiido, maanso ama gabayba wuxuu ku xifdiyi jiray hal mar oo kaliya, wuxuuna qasriga keenay wiil isaguna laba jeer ku xifdiya iyo gabadh ayaduna sadex jeer ku xifdida.

Suugaanyahanadu markay yimaadaan ayay tirin jireen gabay ama maanso wixii ay curiyeen kadibna khaliifka ayaa dhihi jray: gabaygan hadda kahor ayaa la tiriyay, markaasuu tirin jiray wixii uu xifdiyay, kadibna wiilkii iyo gabadhii ayaa ayaguna tirin jiray wixii ay xifdiyaan.

Arrintaas ayaa suugaanyahanadii ku noqotay laf hunguri gashay, kadibna warkii waxa maqlay abwaankii waynaa ee Al-asmaci, wuxuuna ahaa nin caana oo la yaqaano sidaa darteed afka ayuu soo duubtay, wuxuuna iska soo dhigay oday reer baadiye ah, wuxuuna yimid qasrigii khaliifka.

Al-asmaci wuxuu khaliifka hortiisa ka tiriyay gabay aad u cajiibsan oo erayadiisu ay adagyihiin, ayna adagtahay in hal mar lagu xifdiyo wuxuuna yiri:

 

Codka sanqadha shinbirka Bulbulk* ayaa qalbigaygii dhaqaajiyay oo uu la sarkhaamay صـوت صــفير الـبلبـلي *** هيج قـــلبي الثمــلي
Biyaha iyo Ubaxa oo wada jira* la jirka fiyooraha ee arag qabatida ah. المـــــــاء والزهر معا *** مــــع زهرِ لحظِ المٌقَلي
Adiguna sayidkaygoow* mudanahayga iyo mawlahaygoow. و أنت يا ســـــــــيدَ لي *** وســــــيدي ومولي لي
Sharrax: Abwaanku wuxuu leeyahay waxaan soo maray dhul beera oo ubax ka baxay oo qurxoon oo biyuhu socdaan, oo aan maqlayo dhawaaqa shinbirka Bulbulka, kaasoo luxay qalbigayga. Kadibna wuxuu la hadlay Boqorkii isagoo leh; Adigu sayidkaygii, mudanahaygii iyo mawlahaygii ayaad tahaye.  
Badanaa oo badanaa intaan jeclaa* deero dhabano cascas (gabadh qurxoon) فكــــــــم فكــــم تيمني *** غُـــزَيلٌ عقــــــــــيقَلي
Aan qabtay dhaban* dhunkashada dhabanka cas ee khajilaada. قطَّفتَه من وجــــــــــنَةٍ *** من لثم ورد الخــــجلي
Waxay tiri: Maya, may,may,may, maya* wayna carartay.

 

فـــــــقال لا لا لا لا لا *** وقــــــــد غدا مهرولي
Abwaanku wuxuu yiri: Boqorow waxaan ku waydiisanayaa gabar aan in badan jamanayay oon jeclaa, taasoo dhabana cascas. Waxaan ku gartay dhabankeeda casna, anigaa dhunkaday kadibna waxa casaaday dhabankeedii khajilaad darteed. Markaasay igu tidhi; Maya, maya, wayna carartay.  
Qaalmihiina (Gabdhihiina) waxay la iisheen farxad* ficilka ninkaas dartiis والخُـــــوذ مالت طربا *** من فعل هـــذا الرجلي
Ayaduna way barooratay oo barooray* hoogayeey, ba’ayeey. فــــــــولولت وولولت *** ولـــــي ولي يا ويل لي
Waxaan idhi ha barooran* ee muuji dheemankaaga (Ilkahaaga) فقلت لا تولولـــــــــي *** وبيني اللؤلؤ لــــــــــي
Waxay ku tidhi markaa* Orod oo la kaalay yaradkaygii. قالت له حين كـــــــذا *** انهض وجــــــد بالنقلي
Abwaanku wuxuu yiri: Gabdhihii dhalinyarada ahaana waxay la luxmeen farxad darteed ficilka ninkaasi ku sameeyay naagtii uu jeclaa. Ayadiina way barooratay, markaasaan dhahay; ha barooranin ee i tus ilkahaaga oo ii qosol, ayadiina waxay tidhi; hadaad rabto qosolkayga markaa la kaalay yaradkii iyo maherkii aad igu aroosi lahayd.  
Dhalinyaro ayaa i waraabiya* Cabitaan la moodo sida malabka oo kale. وفتية سقــــــــــــونني *** قـــــــــهوة كالعسل لي
Waxaan ku ursaday Sankayga* oo ka udgoonaa Qoronfalka. شممـــــــــــتها بأنافي *** أزكـــــــى من القرنفلي
Bustaanka dhexdiisa oo aan joogno* oo lagu qurxiyay ubax, iyo farxadaydii في وســط بستان حلي *** بالزهر والســـــرور لي
Kabankiina wuu ii Dan, Dan, Dan leeyahay* Durbaankiina wuu ii dab dab leeyahay. والعـــود دندن دنا لي *** والطبل طبطب طب لـي
Dab, dab, dab, dab, dab, dab* dab, dab,dab, dab, dab, dab. طب طبطب طب طبطب *** طب طبطب طبطب طب لي
Saqafkiina wuu ii saq, saq, saq leeyahay* Cayaartiina way ii macanaatay. والسقف سق سق سق لي *** والرقص قد طاب لي
Dabayshana codkeedu wuxuu la haa shuush* caleemaha geedka Safarjadka ee lulmaya darteed. شـوى شـوى وشــــاهش *** على ورق ســـفرجلي
Abwaanku wuxuu yiri: Gabadhiina si ay utusiso inay qaali tahay ayay tidhi; wiilal dhalinyaro ah ayaa i waraabiyay cabitaan la moodo malab, oo waan ursaday oo ka udgoonaa geedka Qoronfalka. Waxaanan joognay meel bustaana oo la huwiyay ubax iyo farxadba, waxaanan maqlayay kabanka oo leh Dan Dan, iyo durbaanka oo leh Dab, Dab, iyo saqafka guriga oo hawo soo gashay oo leh Saq, Saq, iyo dabaysha oo ruxaysa geedka Safarjadka caleemihiisa oo leh Shuush, shuush.  
Shinbirka Qimriguna wuxuu la qayliyay* daal ku dhex jira daal وغرد القمري يصـــــيح *** ملل فـــــــــــي مللي
Hadaad i arki lahayd anigoo saaran* Dameer caato ah korkiisa. ولــــــــــــو تراني راكبا *** علــــى حمار اهزلي
Oo ku soconaya sadex* Sida socodka Caranjalka (waa xayawaan dhitiya markuu soconayo) يمشي علــــــــــــى ثلاثة *** كمـــــشية العرنجلي
Dadkiina waxay dhagxiyeen awrkaygii* Suuqa dhexdiisa dhagax ila dhaceen. والناس ترجــــــــم جملي *** في الســوق بالقلقللي
Kulligoodna way kaceen oo socdeen* Dhabarkayga iyo hareerahayga. والكـــــــــل كعكع كعِكَع *** خلفي ومـــن حويللي
Hase ahaatee waan orday* Anoo ka cabsanaya inay i qabtaan. لكـــــــــــن مشيت هاربا *** من خشـــية العقنقلي
Inaan la kulmo boqor* Wayn oo sharf leh إلى لقاء مــــــــــــــــلك *** مــــــــــعظم مبجلي
Oo ii amraya (isiinaya) maro* Cas oo la moodo sida dhiiga oo kale. يأمر لي بخـــــــــــــلعة *** حمـــراء كالدم دملي
Oo aan jiito anigoo soconaya* kuna faanaya dibkeeda (xaga danbe jiidaya). اجــــــــــــر فيها ماشيا *** مبغــــــــــددا للذيلي
Abwaanku wuxuu u gudbay dhacdo kale, wuxuuna yiri: Dadkii dhan way ila coloobeen xataa shinbirkii Qimriguna wuxuu la dhaqaaqay daal uu iga daalay, aniguna waxaan saarnaa Dameer korkiis kaasoo caato ahaa oo ku soconayay sadex lugood oo u dhitinayay sida xaywaanka Caranjalka oo kale. Dadkiina waxay dhagxiyaan awrkaygii (dameerkii) suuqa dhexdiisa, kulligoodna way iga daba kaceen ayagoo dhabarkayga iyo hareertayda istaagaya, balse aniguna waan kasoo cararay anigoo ka cabsanaya inay i carqaladeeyaan, si aan ula kulmo boqor wayn oo sharaf leh, oo isiinaya maro cas oo aan jiido anigoo faanaya.  
Waa aniga abwaanka fariidka ah* ka yimid dhulka Moosil انا الأديب الألمــعي من *** حي ارض الموصلي
Waxaan curiyay qasiido la qurxiyay* oo cajsi galinaysa suugaanyahanada. نظمت قطــــعا زخرفت *** يعجز عنها الأدبو لي
Waxaan dhahayna bilowgii* waa codkii sanqadha shinbirta Bulbulka. أقول في مطلعــــــــــها *** صوت صفير البلبلي
Abwaanku inta u danbaysa wuu faanayaa, wuxuuna yiri: Aniga weeye abwaankii fariidka ahaa ee kasoo jeeday dhulka Mawsil ee Ciraaq, waxaan curiyay maanso aanay la iman karin abwaanada kale, oo aan ku bilaabay codkii shinbirka Bulbulka  

 

Markuu Abujacfar maqlay gabaygii ayuu u yeedhay wiilkii iyo gabadhii, wuxuuna waydiiyay inay hadda kahor maqleen gabaygan, waxayna dhaheen: maanaan maqlin. Markuu ogaaday Abujacfar in laga reeyay ayuu wasiirkiisii amray inuu abwaanka siiyo hadyadiisii oo ahayd warqada uu ku qoray miisaankeeda oo dahaba.

Wasiirkiina wuxuu yiri: la kaalay warqada aad ku qortay halaguu miisaamee, markaasuu Asmaci yiri: Boqorow, anigu warqad kuma qorin ee aabahay ayaan ka dhaxlay qori (loox wayn) kaasbaanan ku qoray.

Marka qorigii la miisaamayna wuxuu la culays noqday wixii khasnada ku jiray oo dhan. Markaasuu Wasiirkii yiri: Boqorow, ninkan waxaan u malaynayaa inuu Al-asmaci yahay. Abujacfarna wuxuu amray inuu marada afkiisa ka furo, markuu furayna waaba Al-asmaci. Abujacfar ayaa yiri: ma aniga ayaad iga dhex bilowday?!

Al-asmci ayaa yiri: boqorow, anigu xoolaha muslimiinta ma rabo inaan qaato ee xifdigaaga cajiibka ah ayaa gooyay arsaaqadii suugaanyahanada ee waxaan kaa codsanayaa inaad abwaan kasta siiso wuxuu xaqa u lahaa, Abujacfran wuu aqbalay.