Gabadha la dhaho Shajaratu Durr, waxay ahayd jaariyad uu lahaa boqorkii dawladii Ayuubiyiinta ee Saalix Najmu Diin, waxayna asal ahaan kasoo jeeday wadanka Armenia. Gabadhan waxay ilmo u dhashay Saalxi Najmu Diin, hase ahaatee ilmihii wuu ka dhintay.

Saalix Najmu Diin wuxuu ka talinayey xilligaas dalka Masar iyo dhulka Shaam, waxaana gacantiisa ku jiray magaalada Qudud oo uu xoreeyey aasaasihii dawladii Ayuubiyiinta, Alle ha u naxariistee Salaaxu Diin Al-ayuubi.

Xilligaas waxa qaarada Yurub ka jiray xamaasad kulul iyo caadifad diimeed oo uu hogaaminayo boqorkii dalka Faransiiska, Luwiiskii 9aad. Boqorkan oo ahaa nin kamida wadaada Kiristaanka, ayaa wuxuu abaabulay weerar saliibinimo oo uu ku rabay inuu Qudus ku qabsado. Dabcan ciidamo uu hogaaminayo ayaa waxay yimaadeen xeebaha dalka Masar, waxayna qabsadeen magaalada Dimyaad.

Boqorkii Ayuubiyiinta ee Saalix Najmu Diin wuxuu isku dayey inuu wada hadal lagalo boqorka Faransiiska iyo inuu xitaa Qudus ku wareejinayo, hadii uu ka baxo dhulka Masar. Boqorkii Faransiisku wuu diiday, wuxuuna dhahay: Waxaan qabsan karaa xataa Qaahira, iska dhaaf Qudusbee.

Ciidamadii Faransiisku way soo dhaqaaqeen, waxayna yimaadeen duleedka magaalada Mansuura, waxaana halkaas ka dhacay dagaal cajiiba oo la dhaho dagaalkii Mansuura, oo dhex maray ciidamadii Faransiiska iyo shacabkii iyo dawladii Masar. Intii lagu gudo jiray dagaalkii, ayaa waxa dhintay boqorkii Ayuubiyiinta ee Saalix Najmu Diin.

Xaaskiisii oo ahayd Shajaratu Durr, markii ay ogaatay in amiirkii dhintay ayey dhimashadiisii qarisay. Qaab xeelad ku jirtana, waxay u maamushay dagaalkii, waxayna jabisay ciidamadii Faransiiska, waxayna qabatay boqorkii Faransiiska ee Luwiiskii 9aad, waxayna ku xidhay jeelasha magaalada Mansuura.

Jabkii ciidamadii Faransiiska kadib, waxay Shajaratu Durr ay cid u dirtay wiil uu dhalay boqorkii geeriyooday ee Saalix Najmu DIin, oo magiciisa la dhaho; Tooraan Shaah, kaasoo xilligaas joogay magaalada Mousil.

Wiilkii dhalinyarada ahaa ayaa la wareegay xilkii aabihii, balse wuxuu ogaaday in dawlada Ayuubiyiinta ay awood badan ku leedaha xaaskii aabihii ee Shajaratu Durr iyo nimankii Mamaaliikta, oo ahaa rag adoomo ahaan jiray oo dawlada Ayuubiyiintu tababartay, noqdayna raskarta gaarka ah ee boqorka.

Wiilkii markuu bil iyo dhawr maalmood talinayey ayuu maalin khamri cabay, kadibna isagoo sarkhaansan ayuu dhahay: Mamaaliikta waxaan u laynaya sidaas oo kale, intuu seeftiisii u dhuftay shamacii dabku ka baxayey. Goobtaas waxa joogay mamaaliiktii, kadibna waxay go’aansadeen inay dilaan, madax ka dhigaan xaaskii Saalix Najmu DIin ee Shajaratu Durr.

Dabcan, wiilkii way dileen, waxaana madax noqotay gabadhii Shajaratu Durr. Reer Masar baycadii way la galeen, balse dadkii dhulka Shaam daganaa ayaa ka biyo diiday, sidoo kale khaliifkii Cabaasiyiinta ee fadhigiisu ahaa Baqdaad ayaa isaguna warqad usoo qoray reer Masar, uu ku leeyahay hadii aad waydeen rag idin xukuma, waxaan idiinsoo diraynaa rag madax idiin noqda.

Mudo todobaatan maalmood markii ay xukumaysay ayey Shajaratu Durr ogaatay in mucaarad badan ay yeelatay, kadibna waxay guursatay nin mamaaliikta kamid ahaa oo la dhaho, Cizu DIin Aybak. Waxayna ka dhigtay madaxweynaha xukumaya Masar, hase ahaatee Shajaratu Durr ayaa daaha hoostiisa ka xukumaysay dawlada.

Mudo hal sano ah kadib, ayaa Ciz Diin Aybak wuxuu gabadh uu dhalay xaakimkii Mousil ka doonay inuu guursado. Si kastaba ha ahaatee waxa arrintii ogaatay Shajaratu Durr, waxayna dishay ninkeedii. Hadana mamaaliiktii ayey usoo bandhigtay inay guursadaan oo madax noqdaan, ayagiina lafahooda ayey u cabsadeen.

Markii ay aragtay inaanay madax noqon karayn ayey u yeedhay wiil yar oo uu dhalay ninkeedii Ciz Diin Aybak oo la dhaho Mansuur ibnu Aybak, wiilkaasna cimrigiisu wuxuu ahaa toban sano jir.

Waxa dawlada ciidamadeeda madax ka ahaa Sayfu Diin Qudus oo noqday kusii simaha ilmahan yar intuu ka qaangaadhayo, kadibna khilaaf ayaa soo kala dhex galay Sayfu Diin Qudus iyo Shajaratu Durr. Sayfu Diin Qudus ayaa gabadhii Shajaratu Durr qabtay oo xidhay, wuxuuna ku wareejiyey ilmahan yar ee khaliifka noqday hooyadii oo la dhaho Umu Mansuur.

Umu Mansuurna ciil iyo cuqdadbay u haysay Shajaratu Durr, waxayna ku eedaynay inay dishay ninkeedii Cizi Diin Aybak, kadibna waxay u yeedhatay dumar jaariyado ahaa, waxayna dileen Shajaratu Durr, ayagoo ku garaacay qoobabka kabaha looxa ka samaysan, kadibna maydkeedii waxay kasoo tuureen guriga dushiisa.


Xigasho:

Siyar Aclaam Annubalaa, Al-Dahabi.

Albidaayah wa nihaayah, Ibnu Kathiir.

Taarikhu Qudus, Daariq Suweydaan