Tusmo

Fitnooyinka Aakhiru Zamaanka:

عن عبد الله بن عمر يقول: كُنَّا قُعُودًا عِنْدَ رَسُولِ اللَّهِ فَذَكَرَ الْفِتَنَ فَأَكْثَرَ فِي ذِكْرِهَا حَتَّى ذَكَرَ فِتْنَةَ الْأَحْلَاسِ فَقَالَ قَائِلٌ يَا رَسُولَ اللَّهِ وَمَا فِتْنَةُ الْأَحْلَاسِ قَالَ هِيَ هَرَبٌ وَحَرْبٌ ثُمَّ فِتْنَةُ السَّرَّاءِ دَخَنُهَا مِنْ تَحْتِ قَدَمَيْ رَجُلٍ مِنْ أَهْلِ بَيْتِي يَزْعُمُ أَنَّهُ مِنِّي وَلَيْسَ مِنِّي وَإِنَّمَا أَوْلِيَائِي الْمُتَّقُونَ ثُمَّ يَصْطَلِحُ النَّاسُ عَلَى رَجُلٍ كَوَرِكٍ عَلَى ضِلَعٍ ثُمَّ فِتْنَةُ الدُّهَيْمَاءِ لَا تَدَعُ أَحَدًا مِنْ هَذِهِ الْأُمَّةِ إِلَّا لَطَمَتْهُ لَطْمَةً فَإِذَا قِيلَ انْقَضَتْ تَمَادَتْ يُصْبِحُ الرَّجُلُ فِيهَا مُؤْمِنًا وَيُمْسِي كَافِرًا حَتَّى يَصِيرَ النَّاسُ إِلَى فُسْطَاطَيْنِ فُسْطَاطِ إِيمَانٍ لَا نِفَاقَ فِيهِ وَفُسْطَاطِ نِفَاقٍ لَا إِيمَانَ فِيهِ فَإِذَا كَانَ ذَاكُمْ فَانْتَظِرُوا الدَّجَّالَ مِنْ يَوْمِهِ أَوْ مِنْ غَدِهِ. [أبو داود وأحمد وصححه الحاكم وأقره الذهبي]

Cabdilaahi ibnu Cumar wuxuu leeyahay: Waxaan fadhinay Rasuulkii Ilaahay agtiisa, markaasuu ka sheekeeyey fitnooyinka, waanu badiyey ka hadalkooda, illamaa uu ka warramay fitnada Axlaaska, (axlaas waxa afsoomali ku noqonaysaa kabadda dusha laga saaro geela) markaasuu dhahay mid hadlay: Rasuulkii Ilaahow, waa maxay fitnada Axlaasku? Wuxuu dhahay: kala yaac (in la kala ordo, cadaawada iyo dagaalada jira awgeed), iyo in la boobo xoolaha dadka. Kadibna waxa ku xiga fitnada kaga farxinaysa cadawga, qiiqeedana (cida hogaaminaysa) waxa hurinaysa nin ehelka baytkayga kamida, wuxuu sheeganayaa inuu aniga iga mid yahay (dhalasho ahaan inuu kasoo jeedo qoyska nabiga ama wuxuu sheeganayaa islaamnimo) igamana mid aha ee aniga waligaygu (sokeeyahayga ama kuwa i taabacsan) waa kuwa Alle ka cabsada. Kadibna dadku waxay ku kulmayaan (bayco lala galayaa) nin la moodo misig iyo feedh is haysata (waa tusaale looga jeedo in ninkaas arrinkiisu sugmaynin). Kkadibna waxa ku xiga fitnada Duhaymaa (madow ee indho la’aanta), ma daynayso fitnadaasi ruux kamida umadan ilaa way dhirbaaxaysaa (musiibo iyo imtixaan ayey u gaysanaysaa), marka la dhaho way dhamaatayba way sii dheeraanaysaa (sii soconaysaa), ninkuna wuxuu ku waabariisanayaa dhexdeeda isagoo mu’min, wuxuuna galabaysanayaa isagoo gaal ah (wuxuu xalaashanayaa dhiiga walaaladii), illamaa dadku ay u kala baxaan laba magaalo (kooxood), magaalo iimaan ka buuxo oo aan munaafaqnimo ku jirin iyo magaalo munaafaqad ka buuxdo oo aan iimaan ku jirin, markaad heerkaas ku jirtaan waxaad sugtaan Dajaalkii maalintaas ama barrideeda. [Waxa soo saaray Abudaawuud: (4242) iyo Axmed: (6133), waxaana saxiixiyey Xaakim, Dahabina wuu ku raacay]

 

Xadiiska waxaynu ka qaadanaynaa in fitnooyinka u qaybsamayaan dhawr nooc:

  1. Fitnada Axlaaska: waa fitno dadka ku dhagan sida kabadda geela dusha laga saaro oo kale, waxayna sababysa in dadku coloobaan oo laka yaaco, lana kala dhaco xoolaha iyo maalkaba.
  2. Fitnada Sarraa’: waa fitno farxad galinaysa dadka oo waxay dadku gaadhayaan barwaaqo, kadibna macaasida ayaa badanaysa. Ama waxa lagu fasiray inay farxad galinayso cadwga umadda Islaamka oo dadku kala qaybsanaan doonaan.
  3. Fitnada Duhaymaa: waa fitno madow oo indho la’aana, taasoo asiibay dhamaan umadan oo dhan, waana fitno keensanaysa in qofku diintiisa iibsado dhawr saacadood gudaheed.
  4. Fitnada Dajaalka: waa fitnada masiixu dajaalka cawaran oo ayaduna dhulka ku faafaysa, Ilaahaybaan ka magan galnee.