Macalin Fircoon waa tababare nololeed oo ina baray cidhib xumada ay leedahay dulmiga, gaalnimada, kibirka iyo madax adaygnimadu. Sidoo kale wuxuu inoo cadeeyey qudrada Ilaahay ee wayn taasoo aan shaki ku jirin.

  • Fircoonow waxaad gawracay kumanaan caruura si aanu Muuse u imanin, balse Fircoonow adigaa qasrigiisa ku barbaariyey Muuse!
  • Fircoonow qasrigii aad ka lahayd “Anigaa ah rabbigiina sarreeya” ayay xaaskaagii Aasiyana ay ka lahayd “Xumaan waxa ka nasahan rabbigayga sarreeya”
  • Fircoonow ciidankaagii oo dhan waxay awoodi kari waayaan inay qof mu’mina ay ka celiyaan diintiisa, sixiroolayaashii kamay cabsanin hanjabaadaadii sidoo kale Maashidatu Fircoona kamay baqanin saliidii kululayd.
  • Fircoonow maad booqan jirin suuliyada iyo musqulada mudo dhan afartan maalmood nicmadii korkaaga Alle yeelay darteed balse markaad aragtay ushii nabi Muuse ee maska isku badashay ayaad shuban kugu dhuftay ood u carartay musqusha afartan jeer maalintii.
  • Muuse ayaad ka eriday dhulka Masar adigoo ku eedeeyey inuu dhulka fasahaadinayo balse Muuse wuxuu kugu soo laabtay isagoo nabi iyo rasuulba ah.
  • Muuse ayaad ku ceebaysay inuu carrab la’ayahay balse Ilaahbaa shaafiyey, kuna kaalmeeyey walaalkii oo noqday nabi aftahan oo codkar ah.
  • Reer banu Israa’iil ayaad adoonsatay balse ayagii ayaa dhaxlay khasnadahaagii iyo beerahaagiiba.
  • Waxaad doontay inaad islaamto markay naftu kaa baxaysay ee aad aragtay booskaaga naarta balse Ilaahbaa kuu diiday dulmigaagii darteed.
  • Waxaad doontay inaad maydkaaga ku qariso ahraamta waawayn ee Masar balse rabbi jidhkaagii ayuu badbaadiyey si dadka kaa danbeeya kuugu waano qaataan.
  • Waxaad ku faantay in wabiyo hoostaada qulqulaan balse adiga iyo ciidankaagiibaa waxa idin kor maray biyihii aad ku halaagsantay.
  • Biyaha waxa Ilaahay ka abuuray dhamaan noolaha dhulka ku nool balse adiga dhimashadaadii ayuu Ilaahay ka dhigay biyihii nolosha.

Run ahaantii macallin fircoonow, waxaad tusaale u tahay dulmiga, gaalnimada, madax adayga, kibirka iyo isla waynida. Cidihib danbeedkaagiina wuxuu noqday jab, halaag, cadaab aduunyo iyo mid aakhiro. Kii kugu cibro qaadan waayana isagaa lagu cibro qaadan doonaa!